Home Blog Page 431

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuc ku saabsan horumarinta Caafimaadka Hooyadda iyo Dhallaanka

0

Wasiirka wasaaradda Cafimaadka iyo daryeelka bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu horumarinayo helitaanka caafimaadka hooyada iyo dhalanka oo tayo leh oo loogu talagalay dadka nugul iyo dadka kuso barakacay gudaha dalka.

Daahfurka Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Safiirka Dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo ka socday hay’addaha deeqaha bixiya.

Ujeedka mashruucaan ayaa ah in wax laga qabto baahiyaha daryeelka cafimaad ee muhiim u ah bulshooyinka nugul, gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha ay saameeyeen barakaca iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo.

Muqdisho-Somalia

Madaxweynaha Galmudug oo soo xiray shir looga hadlayey hergalinta nimaadka Dowladnimada loo dhan yahay oo ka socday Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo xiray shir muddo laba maalin ah ka socday caasimadda Dhuusamarreeb, oo looga hadlayay sida deegaannada Dowladda Galmudug uu uga hirgalay nidaamka Dowladnimada loo-dhanyahay, ayna soo qaban qaabisay Xarunta Cilmibaarista iyo Wadahadallada Galmudug ee GRD.

Shirka oo diiradda lagu saaray taabbagelinta nimaadka Dowladnimada loo dhanyahay ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa soo qaban qaabisay Xarunta Cilmibaarista iyo Wadahadallada Galmudug ee GRD, waxaana ka qeybgalay labadii maalin uu socday xildhibanno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madax ka socday labada gale Galmudug. Madaxweyne ku xigeenkaGalmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaana magaalada Dhuusamarreeb ka furay shirkan labo maalin ka hor.

Muqdisho-Somalia

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo furtay wejiga labaad ee shirka Diyaarinta qorshaha Warbaahinta Qaranka

0

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo Maanta Daahfurtay Wejiga Labaad ee Wadatashiga Diyaarinta Istaraatijiyadda Qaranka Ee Warbaahinta iyo Wada-Xiriirka Oo ay ka qeyb galayaan Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqankan iyo Dalxiiska ayna ka soo qeyb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta DFS, mas’uuliyiin isagu jirtay Agagaasimeyaasha Guud, Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad Gobolleedyada, Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha waaxyaha Warfaafinta XFS iyo Khuburro fududeynaya shirka.

Shirkan Wadatashiga ayaa mas’uuliyiinta ka qeyb galaya maanta ay kaga doodayaan muhiimadda iyo Baahida loo qabo xafiiska mideynta Warbaahinta Dowladda si loo helo Xafiis loo dhanyahay oo ka shaqeeya fariimaha Dowliga oo sugan, xafiiskaasi oo loo soo gaabiyo GCO si looga baxo wararka ay baahinayaan xafiisyada hay’adaha Dowladda Federaalka, Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir wararka iska hor imaanaya ee ka soo baxa xafiisyada DFS.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa furay Wejiga Labaad ee Wadatashiga Diyaarinta Istaraatijiyadda Qaranka Ee Warbaahinta Iyo Wada-xiriirka Dowlad Gobolleedyada Iyo Gobalka Banaadir ayaa u faahfaahiyay ka qeyb galayaasha muhiimadda Shirka isagoo u rajeeyay in ay ka soo bixi doonaan wax u wanaagsan Dalka.

Madaxweynaha Hirshabelle oo Guddoomiye cusub u magacaabay Gobalka Hiiraan

0

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan, Isagoo Xilkaas u Magacaabay Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).

Waa kuma Horjooge “Ismaaciil Injineerka” oo madaxiisa la dul dhigay Shan Milyan oo Dollar? ( Warbixin)

Horjooge Cabdullaahi Cusmaan Maxamed oo Mareykanku dul dhigay madaxiisa lacag dhan 5-milyan oo dollar, waa nin dhagar badan kuna shaqeysta maleeshiyaad uu aad u duleystay.

Cabdullaahi Cusmaan oo Khawaarijtu u yaqaannaan” Cismaaciil Injineerka”, waa horjooge ka soo jeeda gobolka Hiiraan una qaabilsan Khawaarijta labo qeybood oo ka shaqeysa dhagarta iyo buu-buuninta:-

1- Waa madaxa guud  ee warbaahinta Khaawarijta, waxaanna hoostaga maleeshiyaad uu u adeegsado faafinta wararka been abuurka ah iyo buu-buuninta hadallada horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab ay ku banneysanayaan dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed.

2- Wuxuu mas’uul ka yahay qeybta qaraxyada oo ay ka shaqeeyaan maleeshiyaad isugu jira Soomaaliya iyo Ajaaniib, kuwaas oo diyaariya qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Qeybtan qaraxyada waa si gaarb ah mas’uul uga ah ku-xigeenka Cismaaciil Injineerka oo lagu magacaabo  Mustafa Jihaad oo loo garan ogyahay ” Axmed Gurey”, waana nin u dhashay Dalka Mareykanka, horjoogahan magaciisa kor soo xusnay ayaa si gaar ah hagar-daamooyinka iyo dhagaraha ugala shaqeeya horjooge Axmed Diiriye oo Khawaarijtu ay u yaqaanaan “Abuu Cubeyda”.

Horjooge Cabdullaahi Cusmaan oo Khawaarijtu ay u taqaanno ” Cismaaciil Injineerka” waa shaqsi cabsida haysa darteed xitaa iska qariya maleeshiyaadka uu maamulo. Horjoogahan dadka yaqaanno waxay ku sheegeen inuu yahay nin dhiigyo cab ah aan u turin qof bini-aadam ah,waxaanna tusaale u ah inuu nafta dhaafiyay qaar ka mid ah maleeshiyaadka uu gacanta ku hayo si kuwa kale ee nool ugu quus qaataan.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in horjoogahan uu ku dhuumaaleysanayo gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya, si gaar ah wuxuu ugu badan yahay gobollada Shabeellada hoose iyo Jubbooyinka.

Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee sida xoogga ah ugu shaqeysanayo horjoogahan ma noqon doonaan kuwo ku tartama soo sheegistiisa si ay u helaan lacagta madaxiisa dul saaran ee ah Shanta milyan, ummadda Soomaaliyeedna kaga badbaadiyaan dhagarta iyo hagar-daamooyinka uu u maleegayo?.

Muqdisho-Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulammo la qaatay xubnaha labada guddi ee dib u eegista Dastuurka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo kulan la kala qaatay Guddiga  La socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo uu kala hadlay muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG uu u leeyahay xasilloonida iyo geeddi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey howlaha uga qabsoomay howlaha dib-u-eegista iyo latashiyada Dastuurka ay wadaan ee ku qotoma in khubarada sharciga iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed laga qeyb-geliyo, waxa ayna xuseen in si degdeg ah ay u dhameystiri doonaan habraaca loogu gudbinaayo  Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Madaxweynaha oo kulammadan uu ku wehlinayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranku gaareen  ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka, halka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu soo bandhigay sida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u fududeynayso wixii shaqo farsamo ah oo la xiriira dhameystirka dib u eegista dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyey Xubnaha Labada Guddi howlaha u qabsoomay ayaa kula dardaarmay dardar-gelinta qabyo-tirka dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaan  sidii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran oo dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed.

Shir looga hadlayo Taabba gelinta nidaamka Dowladnimada loo-dhanyahay oo Dhuusamareeb ka furmay.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka furay Shir looga hadlayo Taabba gelinta nidaamka Dowladnimada loo-dhanyahay oo ay ka qeyb galayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Galmudug.

Shir oo socon doona laba maalin laguna soo bandhigi doono daraasad laga sameeyay deegaannada Galmudug, waxaa ka qeyb galaya Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka federaalka, siyaasiyiin, Odayaasha dhaqanka,haweenka iyo dhallinyaro waxaana gebagabdiisa ku biiri doona Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

 

Howlgal qorsheysan oo lagu khaarijiyay koox katirsan Khawaarijta

0

Caawa Abaarihii 6:15 Maqribnimo ayaa Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay  howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox Khawaarijta ka tirsan ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Howlgalka oo ah duqeyn ayaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday Horjoogeyaal Khawaarijta ka tirsan waxaana halkaas ku gaaray Khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay howlgalka iyo Khasaaraha cadowga gaaray.

Waxii Faah Faahin ah ee kasoo kordha Dib ayaan idinkalasoo wadaagi Doonnaa.

Muqdisho-Somalia

Xubno ka socda BJFS oo ka qeybgaley shirka Baarlamaanka Aduunka

Xubnaha joogtada ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Adduunka oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, ayaa ka qayb galay shirka Baarlamaanka Adduunka (IPU) ee lagu qabtay Magaalada Marakesh ee Dalka Morocco.

Shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah islamarkaana ahaa fadhigii 147-aad ee Baarlamaanka Aduunka (Inter-Parliamentary Union) ayaa si wadajir ah u waxaa u qabtay Baarlamaanka dowladda Morocco iyo Baarlamaanka Adduunka.

Shirka waxaa Soomaaliya uga qayb galay Shanta Xildhibaan ee Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal ku matala Baarlamaanka Adduunka oo ay ka mid ahayd Senator Zamzam Daahir Maxamuud.

Muqdisho-Somalia

Akhriso: War murtiyeedka laga soo saaray Shirka Wadatashiga Wasaaraddaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada

0

Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gebageboobey Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee XFS iyo Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Benaadir oo socdey 12ka illaa 16ka Juun 2023.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee DFS ayaa waxaa si rasmi ah u furay, soona xiray Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada shirkani waxay ahayd in wasaaradaha isku shaqada ah ee heer federal iyo dowladaha xubnaha ka ah DFS ay yeeshaan wadashaqayn iyo is-afgarad, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif,Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mudane Axmed Cismaan Diiriye,Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Koonfur Galbeed,Mudane C/llaahi Shiikh Daahir,Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Galmudug Mudane Muxyadiin Sh C/llaahi Osman, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee HirShabeelle,Mudane C/fitaax Xasan Faarax,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Jubaland, ahna kusimaha Wasiirka Mudane Saacid C/llaahi Maxamed,Agaasimaha Guud ee WI&T Mudane Cabdi’asiis Duwane Isaaq, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Agaasimaha Waaxda Teknoolajiyadda iyo Isgaarsiinta ee Gobolka Benaadir Mohamed Adirahman Yabarow,Lataliyeyaasha WI&T, Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Isgaarsiinta ee heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah DFS,lataliyeyaal iyo hawlwadeenno kale.

Falanqayn iyo dood ka dib waxaa Shirka 4aad ee Wadatashiga laga soo saaray qodobadan hoos ku xusan.

Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS uga mahadceliyeen Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) kulankan wadatashiga ah waxayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulammada nuucan oo kale ah.

Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS ku bogaadiyeen horumarka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) ay ku tallaabsatay muddada kooban iyo howlaha qabsoomay.

 

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS iyo Wasaaradaha xubnaha ka ah in ay yeeshaan wadashaqeyn joogto ah lagana faa’iideysto dhammaan howlaha hor-yaalla.

In Mashaariicda iyo dhammaan Horumarka la hiigsanaayo laga wada shaqeeyo sida:- Mashruuca (EA-RDIP) oo maraya meel wanaagsan.

Muqdisho-Somalia