Home Blog Page 425

Xukuumadda Washington oo eedaysay Golaha Ammaanka

Mareykanka ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku eedeeyay waxqabad la’aan, ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay Gantaallo ay dhowaan farsameeysay.

Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas, ayaa ku andacootay in Kuuriyada Waqooyi ay tijaaboisay Gantaallo aan horay loo arag, taasi oo ay sheegtay in Golaha Ammaanka, marnaba aanay ka hadlin.

Kuuriyada Waqooyi ayaa maalmihii la soo dhaafay sameeysay saddex tijaabo dhanka gantaallada halista ah, taasi oo ka careysiisay Mareykanka iyo xulufadiisa.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay nagu soo biiraan oo ay cambaareyaan dhaqanka mas’uuliyad darrada ah ee ay ku kaceyso Kuuriyada Waqooyi,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Xafiiska Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay.

18-kii bishan ayay Kuuriyada Waqooyi fulisay dhoolatus ay ku riday tiro kamid ah Gantaallada ballisti-ga ah ee isaga kala goosha Qaaradaha, iyada oo sheegtay inay muujinayso awooddeeda ay ugu hortageysa weerarrada Nukliyeer.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse “Culimada Sooomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay bulshada ka wacyi geliyaan dabarka musuq maasuqa “

Ra’iisul wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre ayaa faray Culimaa’udiinka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan la dagaallanka musuq-maasuqa.

Mudane, Xamse ayaa sheegay in dadka xilalka haya ay inta badan marin habaabiyaan dadka ehelka u ah, saaxiibbo iyo kuwo uu ku sheegay hantiilayaal, si aad iyaga ugu noqotid addoon ay ka samaystaan wixii ay rabaan.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay Shir sanaddeedka xeer ilaalinta oo shalay lagu qabtay Muqdisho ayaa intaa raaciyay in ay Culimadu ka wacyi geliyaan halista uu musuqu leeyahay.

“Culimada Sooomaaliyeed waxa looga bahan yahay in ay bulshadda ka wacyi galiyaan dabarka Musuq maasuqa “  ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadka mas’uuliyiinta ugu digay inay iska ilaaliyaan kuwa danaha gaarka ah leh ee doonaya inay xumaanta faraan kuna riixaan xaaraan iyo ku takrifal awoodeed.

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo

Shucuubta ku dhaqan dalalka caalamka aya maanta u dareeray xuska maalinta 21-ka Febraayo oo ah munaasabad muhiim ah oo loo dabaaldego maalinta Caalamiga ah ee afafka dunida.

Maalintaan  caalamiga ah waa xus sanadle ah oo loola jeedo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan kala duwanaanshaha xagga  luqadaha , dhaqanka iyo guud ahaan horumarinta adeegyada lagama maarmaanka u ah kobcinta  afafka oo dhan.

Markii ugu horreysay maalintaan caalamiga ah waxaa 17-kii Noofambar 1999 ku dhawaaqay hey’adda UNESCO ee qaabilsan waxbarashada,seyniska iyo dhaqanka,hasa yeeshee 2008-dii waxaa loo aqoonsaday Sannadka Caalamiga ah ee Luuqadaha,ka dib kolkii sanadihii u dhaxeeyay 2002-2007-dii ay soo baxeen qaraarro iyo bayaan  lagu aqoonsanaayo maalintaasi

Muhiimadda xuska 21-ka febraayo ayaa ah in dowladaha caalamka ay u howlgalaan ilaalinta in ka badan lix kun oo luqadood,xoojinta midnimada bulshada,tixgelinta qeybaha luqadaha iyo wanaajinta xiriirka dunida, iyada oo loo marayo dhanka afafka iyo dhaqamada

Haddaba, dadka Soomaaliyeed,waxa ay ka mid yihiin shucuubta caalamka ee maanta u dabbaaldegaya xuska munaasabadda maalinta 21-ka Febraayo oo ah maalin ku weyn dunida oo dhan.

Afka ama luqaddu waa adeegga ugu muhiimsan nidaamka nololeed ee aadanaha, wuxuuna door weyn ka ciyaaraa xoojinta iskaashiga  iyo is dhexgalka bulshada ,ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka iyo isku xirka howlaha iyo waxqabadka kale ee ay wadaagaan guud ahaan dadyoowga dunida.

Bishii Oktoobar Sanadkii  21kii 1972-dii waa markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqo qoraalka Afka Soomaaaliga,waxaana muddo sanad ah lagu diyaariyay qaamuus ,buugag iyo manhajyo ku qoran afka Somaaliga,iyadoo isbeddel kooban lagu sameeyay xuruuftii laatiinka ee la qaatay,sida nidaamka xarfaha, shaqallada iyo shibbanayaasha.

Sidoo kale,21-kii  Jannaayo 1973-dii,waxaa dalka Soomaaliya ka soo baxay wargeys ku hadlaya afka Soomaaliga, waxaana  la helay Manhaj waxbarasho oo loo adeegsado dugsiyada dalka,isla markaana xambaarsan,aqoonta cilmiga maadiga ah, dhaqanka iyo taariikhda bulsho ee Soomaaliyeed.

Af Soomaaligu waa luqad qara weyn oo looga hadlo dalalka Geeska Afrika, waana dhaxal ay leeyihiin dad ku dhow 30-milyan oo ku kala baahsan dalalka Jabuuti,Itoobiya,Kenya iyo gudaha Soomaaliya.

Haddii la helo manhaj ku qoran afka Hooyo,,adeegyo waxbarasho oo lacag la’aan ah iyo isdhexgal bulsho,waxaa cad in ay imaan karaan koboc dhanka Afka ah iyo aqoon waxbarashoo oo tayeysan.

Sidoo kale ,waxaa muhiim ah in bulshada lagu baraarujiyo qoraalka afka, isla markaan loo fududeeyo helitaanka adeegyadaasi oo ah  nidaanka kaliya ee lagu ilaalin karo in uusan dabar go’in Afka Hooyo.

Haddaba,Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,Wasiir ku xigeenka Mudane C/raxmaan Yuusuf Al-Caddaala iyo Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Mudane C/Laahi Xayir Ducaale ,iyagoo ka faa’ideysanaya xuska maalinta caalamiga ah ee 21-ka febraayo,waxay dhambaal hambalyo ah u direen shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka.

Madaxdaasi waxay shacabka iyo u rajeeyeen in sanadkaan kiisa kale  ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

By: Shire

Qaramada Midoobay oo Bayaan ka soo saaray Dhul ballaarsiga Israa’iil

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bayaan rasmi ah Isniintii shalay  ka soo saaray qorshaha Israa’iil ay ku balaadhinayso degaamada dhulka la haysto ee reer Falastiin.

Qaraarkan ayaa waxaa si weeyn u tageeray Mareykanka iyo qaar kamid ah dalalka reer Galbeedka, balse Israa’iilna ayaa qaraarkan ku tilmaantay mid dhinac u janjeera.

Bayaankan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu yiri: “Golahu waxa uu ku cel-celinayaa baaqiisii ku saabsanaa in sii wadida hawlaha degaamaynta Israa’iil ay khatar ku tahay suurtogalnimada in la helo xal waaro ee dhx maro Falastiin iyo Israa’iil”.

Bayaankan ayaa sidookale, ugu baaqaya Israa’iil inay si degdeg ah u joojiso dhammaan dhaqdhaqaaqyada degaameeynta ah ee ay ka waddo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta.

Dhanka kale, warka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa lagu sheegay in Israa’iil aysan oggolaan doonin meel marinta Qaraarkan, balse bilaha soo socda aanan degaamayn cusub laga sameeyn doonin Daanta Galbeed.

Masuuliyiin kala duwan oo goordhaw gaaray degmada Xarardheere

Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo saraakiil ayaa maanta gaaray degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Wefdiga dowladda ee Xarardheere tagay waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud, xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed, Sanatar Cabdixakiin Macallin Axmed iyo masuuliyiin kale  waxaana ay socod ku mareen magaalooyinka Wisil, Hobyo ilaa Xarardheere iyagoo saaka kormeeray fariisimaha ciidanka iyo xarumaha bulshada ee Magaaladaas.

Taliyaha ciidanka Dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa Xarardheere ku soo dhaweeyay masuuliyiinta.

La soco Wixii faah faahin ah

Dibad baxayaal reer Moldova ah oo cod sadey inuu soo fara geliyo Ruushka

0

Dhanka hoose ee baarlamaanka dalka Moldova,ayaa waxaa si tartiib tartiib ah u dhaafay – oo ay bas ku soo galeen kun qo,f oo ka kala yimid dalka oo dhan, mid walbana wuxuu wataa sheeko gaar ah oo ku saabsan faqri iyo niyad jab.

[DAAWO] Maamulka Gobolka Banaadir oo si rasmi ah u daahfuray tartanka kubada cagta degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir

0

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed  Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa si rasmi ah u daahfuray tartanka xiisaha badan ee kubada Cagta Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

[DAAWP+SAWIRRO] 𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝘅𝗮𝗿𝗶𝗴𝗴𝗮 𝗸𝗮 𝗷𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗫𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱𝗮 𝗫𝗼𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮, 𝗗𝗵𝗶𝗿𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗗𝗮𝗮𝗾𝗮

0

Muqdisho, Feberaayo 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo xarigga ka jaray Xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ayaa sheegay in Golaha Xukuumaddu ay ka sugayaan Wasaaradda soo gudbinta siyaasadda qaran ee lagu badbaadinayo Xoolaha Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo maanta guddoomiyey Kulan ay yesheen Golaha Shcabka

0

Muqdisho, Febraayo ,20,2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 21-aad oo ajandihiisu ahaa dhaarinta Xildhibaan Xasan Hurre Ugaas, akhrinta koowaad ee Hindisa Sharciyeedka Dhowrista Xogta, akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka iyo akhrinta koowaad ee Sharciga la dagaallanka Argagaxisada. Sidoo kale qeybinta warbixinta akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha iyo Hindisa Sharciyeedka Socdaalka.

Wasiir Fiqi oo booqday Xarunta Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ( SODMA)

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Md. Ahmed Moallim Fiqi ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed( SODMA) oo ka mid ah Hay’adaha Hoostaga Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiint XFS.