Home Blog Page 425

Cudur-daar iyo cafis malahan ciddii dhaqaale ku taageerta Khawaarijta (Warbixin).

Jiritaanka argagixisada iyo in ay dadka laayaan waxaa laf-dhabar u ahaa dhaqaalaha xooggan oo ay sida baadda ah uga qaadi jireen Bulshada gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhaqaalahaas oo ay u adeegsan jireen dilalka, qaraxyada baabuurta,cabsi gelinta Bulshada iyo wax kasta oo halis ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed,maaddaama argagxisadu ku socdo dagaal toos ah oo looga saaray deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo muddo ay xoog ku heysteen, kuwo kooban ay joogaanna lagu beegsanayo.

Si soo afjaridooda u fududaato waxaa lama huraan noqotay in dhinaca dhaqaalaha laga curyaamiyo, ku baraaruga Bulshada arxandarada iyo ficilada foosha xun ee argagixisadu oo ah kuwo aan waxba hambeyn oo lagu daray digniino iyo go’aano Dowladda ah ee la dagaallanka cadowga ayey inta badan ganacsatadii siin jirtay cadowga baadda joojiyeen.

Qarashaad lagu sii dhibaateeyo ummadda Soomaaliyeed, balse dadka faaqida arrimaha argagixisada iyo sida dhaqaalaha u sameeyaan ayaa rumeysan in ay wali jiri karaan waddooyin ku heli karaan dhaqaalo yar oo aan ku filneyn.

Dowladda Federaalka waxaa go’an in ay  xirto waddo kasta oo Khawaarijta Al-shabaab dhaqaale ku heli karaan,waanna sababta keentay in ay daciifaan kooxdaas bilihii ugu dambeeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyay in ay dambi tahay qof kasta oo lacagtiisa ku taageera Al-shabaab, isaga oo tilmaamay lacagaha ay qaataan Khawaarijta ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa la isku khilaafsaneyn oo muran ka taagneyn shilinka Shabaab la siiyaa wuxuu u adeegsanayaa dhiigga ummadda muslimiinta ah inuu daadiyo, askariga Shabaabka ah ee wax dilayo mushaar haloo siiyo, mateeriyaalka qalabka qaraxa lagu sameeyo halagu soo gado, midka qaraxa inuu meel mariyo la rabo halagu laaluusho, dhammaan isku soo wada xeeri dhiig la daadinayo qof Soomaali oo Muslim ah oo beri ka ah oo wax uu haleeyay iyo wax uu galabsaday aanay jirin dhiiggiisa la dilayo iyo xormadiisa la baabi’inayo ayaa loo adeegsadaa qofna ma u cudur-daari karo marka, “.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin u diray kuwa Alle wax u dhiibay in ay ilaashadaan lacagtooda oo aanay naar ku muteysan.

Kooxda Khawaarijta Al-shabaab, ma jirto waddo u furan xilligan oo dhaqaalo uga heli karaan ganacsatada iyo dadka hodanka ah oo ay baadi jireen.

Hay’adaha amniga oo ah ugu horeyso hay’adda NISA ayaa daba-gal xooggan ku haysa dadka lacagaha siiya Al-shabaab iyo kuwa u qaada Al-shabaab, dhowaan ayeyna ahayd markii duleedka degmada Afgooye lagu dilay madaxii Khawaarijta u qaabilsanaa u yeeridda si lacago baad ah looga qaado, gabalka Khawaarijtu wuu dhacay waxayna ku jiraan rafashadii ugu dambeysay jiritaankooda.

 

Hay’adda tirakoobka Qaranka oo soo saartay warbixin ku aaddan wax soo saarka gudaha ee 2022-kii

Hay’adda tirakoobka Qaranka waxay soo bandigtay Warbixin ku saabsan wax soo soo saarka gudaha ee sanaddii 2022-kii, taas oo lagu saleeyey habka kharashka.

Warbixintu waxay muujinaysaa heerka kobaca dhaqaalaha dalka in uu yahay 2.4%, waxanay sidoo kale muujineysaa aragtiyo qiimo leh oo ku saabsan xaaladda guud ee dhaqaalaha, taas oo waddada u xaaraysaa dejinta siyaasado dhaqaale oo hufan.

Warbixinta ayaa sidoo kale daaha ka qaadday in inkastoo dalku ay soo food saartay caqabado kala duwan oo ay ka mid yihiin abaartii daba dheeraatay ee dalka ku habsatay 2022-kii, haddana dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu muujiyay dib u soo kabasho

Ruushka oo la sheegay in Ciidamo dheeraad ah uu geeyay jiidaha dagaalka ee Ukraine

Shabakadda CNN ee Mareykanka ayaa daaha ka qaaday iyadoo soo xiganeyso afhayeenka ciidamada qalabka sida ee Ukraine, gaar ahaan kuwooda ka howlgala jiidaha bari, in Ruushka uu geeyay in ka badan 180,000 oo Askari labada jiho ee ugu balaaran dagaalka ka socda Ukraine.

“In ka badan 180,000 oo ciidamada Ruushka ah ayaa la geeyey Jiidaha bari ee dagaalka, si leysugu dayo ina xoog lagu jiiro ciidamada Ukraine” ayuu yiri Serkhi Chervaty.

Chervaty oo sidokale, wareysi siiyay warbaahinta Ukraine Isniintii shalay, ayaa sheegay in ay jiraan 120,000 Askari oo dheeraad ah oo ku sugan Liman iyo Kopyansk, kuwaasi oo uu sheegay in ay qeyb ka noqonayaan dagaalka halkaasi ka socda.

Magaalooyinka Liman iyo Kobyansk, ayaa qiyaastii 100 kiiloomitir waqooyi ka xigtaa Bakhmut.

 

Dad ku dhintay toogasho ka dhacday Maraykanka

Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warrantay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen halka afar kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib toogasho xalay fiidkii ka dhacday magaalada Philadelphia ee xarunta gobolka Pennsylvania.

Afhayeen u hadlay booliska ee magaalada Philadelphia ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dhowr qof ay waxyeello ka soo gaartay toogashada, balse ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in qofka dadka laayay uu hadda ku jiro gacanta ciidanka booliska.

Dhacdadaan ayaa kusoo beegantay maalin kaddib, marki uu nin hubeysani sidan oo kale uu Rasaas oodda uga qaaday dhalinyaro ku sugnayd goob ay xaflad ka dhacaysay oo ku taalla magaalada Baltimore ee gobolka Maryland, halkaas oo ay ku dhinteen 2 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 28 kale.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo guud ahaan dalka laga xusayo, maalinta xorriyadda ee Maraykanka oo ku beegan, July 4-teeda.

 

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay xubin ka tirsanaa khawaarijta

Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda NISA ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulada Macallinka oo u dhaxeysa Bariirre iyo Sabiid ee gobalka Shabeellada hoose ayaa waxay ku dileen mid ka mid ah dhagarqabayaasha Khawaarijta iyadoo ciidamadu ay furteen hubkii uu watay.

Ciidanka ammaanka qeybahooda kala duwan ayaa sameeya howlgallo qorshaysan oo joogto ah, kuwaas oo looga hortagayo dhagar kasta oo ay Khawaarijtu  soo abaabulaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta booqday Qubuuraha Macalin Nuur ee Deegaanka Garasbaaley (Taree Disho)

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta booqday Qubuuraha Macalin Nuur ee Deegaanka Garasbaaley (Taree Disho) si uu ugu jawaabo cabasho ka timid qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda.

Duqa Caasimadda oo ay wehliyeen Agaasimaha Waaxda Dhulka, Agaasimaha Xafiiska Duqa, Afhayeenka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Deegaanka Garasbaaley ayaa waxa uu halkaasi kula hadlay Bulsho ka wal-walsan warar muddooyinkii ugu danbeeyay baraha Bulshada la isla dhex maraayay taasi oo aheyd in halkaasi la dhisanaayo isla markaana qubuuraha laga bixinaayo.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in Qubuuraha Macalin Nuur uu yahay mid soo jireen ah oo aan la ogolaan karin in xilligaan ay dad sheegtaan, Dowladda Hoose ee Xamar iyadu Mas’uul ka tahay wixii Qubuuro ah, waxa uuna amray in aan laga saari karin wax qabri ah, halkaasna laga dhisi karin guryo, Asigoona faray Maamulka Deegaanka Garasbaaley iyo Agaasinka Waaxda Dhulka Dowladda Hoose ee Xamar Naqshadeynta iyo in darbi lagu wareejiyo Qubuuraha Macalin Nuur si aysan u dhicin ku xad-gudub dhinaca dhulka ah

Israa’iil ayaa duqeymo ka geysatay xerada Jenin ee Falastiiniyiinta ee daanta galbeed

Ciidamada Israel ayaa howlgal militari oo ballaaran ka bilaabay xerada Jenin ee ku taal waqooyiga Daanta Galbeed ee la heysto.

Waxay ku bilaabatay weeraro dhowr ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Fiidiyowyo lagu daabacay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq ka baxaya meel la deggan yahay.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex falastiiniyiin ah lagu dilay in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka socda.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in ay duqaynayeen “kaabayaasha argagixisada ee aagga Jenin”.

“Maka istaagi doono shaqo la’aan inta ay argagixisadu sii waddo dhibaataynta dadka rayidka ah ee xerada Jenin ka dhiganaya gabaad,” ayay yiraahdeen, iyagoo intaas ku daray in xerada ay tahay goob ay ku xooggan yihiin argagixisada.

Guutada Jenin oo ah dallad ciidan oo ay ku jiraan rag hubeysan oo ka kala socda kooxaha Falastiiniyiinta ee Fatax, Xamaas iyo Islamic Jihad, ayaa tiri: “Waan la dagaallami doonnaa ciidammada gumeysiga illaa neefta iyo xabadda ugu dambeysa, waxaana ka wada shaqeyneynaa oo aan ka mideysannahay dhammaan qeybaha iyo qaababka milatariga. ”

Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shirka 11-aad ee Madasha Nabadda Adduunka

0

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiimaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay xafladda furitaanka shirka 11-aad ee Madasha Nabadda Adduunka (WPF) oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Xasilinta Adduunka aan xasilloonayn, iyadoo loo marayo is-afgarad iyo iskaashi.

Shirkan oo uu furay madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda shacbiga Shiinaha Han Zheng ayaa jeediyay Khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo muhiimadda ay leedahay is afgaradka iyo iskaashiga si loo sameeyo nidaam nidaam caalami ah oo xasilloon.

Shirkan oo leh muhiimad weyn ayaa soo jeedday indhaha caalamka tan iyo markii la aas-aasay 2012, Madasha Nabadda Adduunka (WPF), oo loo aqoonsan yahay Shiinaha ee heerka sare ee madasha amniga caalamaiga ah ee aan Dowliga ahayn, waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Jaamacadda Tsinghua iyo Machadka Arrimaha Dibadda ee Dadka Shiinaha.

Iyada oo la eegayo caqabadaha caalamiga ah iyo isbeddellada socda ee caalamiga ah, WPF waxa ay ujeeddadeedu ahayd in ay kobciso wadahadal iyo in la dhiso kalsooni dhinacyada kala duwan, si wax looga qabto hubantila’aanta ka jirta dunida.

Madashan oo ay isugu yimaadeen wakiillo ka kala socda waddamo kala duwan, hay’ado caalami ah, iyo aqoonyahanno, ayaa waxaa sidoo kale, goobta waxaa lagu soo bandhigay madashu falanqeyn doodo iyo aragtiyo wax ku ool ah oo la is dhaafsaday.

Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa u mahadceliyey Jaamacadda Tsinghua iyo Machadka Arrimaha Dibadda ee Dadka Shiinaha martigelinta Xafladda furitaanka Madasha Nabadda Adduunka ee 11-aad. Munaasabadda ayaa muujisay inay tahay madal qiimo leh oo lagu kobcinayo iskaashiga iyo isfahamka caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Inaan gob noqona waxaa naga xiga saddex waxyaabood oo muhiim ah”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeedinayay kumanaan shacab ah oo ka qeyb galay munaasabada 63 guurada 1-da Luuliyo oo ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho, ayaa tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed aanay gob ahayn ilaa laga helo saddex arrin oo muhiim u ah Dowladnimada iyo jiritaank ummadda.

” Shacabka Soomaaliyeedow ogaada gob ma ahin waxbaa naga maqan inaan gob noqonaa rabnaa, inaan gob noqono waxaa naga xigo saddex waxyaabood oo muhiim ah, Al-shabaab oo Dalka ka xoreysano oo xoriyad buuxda aan helno, dhaqaalaheenna iyo hay’adaheennu maaliyadda oo aan soo dhisno si deynta na looga cafiyo oo caalamka noo arko kuwo hore u socdo inaan nahay iyo qodobka saddexaad oo ah inaan Dastuurkeenna dhammeystirno, Dastuur aan qabyo ahayn inaan yeelanno”.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay bixitaanka ciidamada ATMIS oo muddo ka badan 15-sano taageerayay Dowladda iyo shacabk Soomaaliya,kuwaas oo lagu wado in sanadka soo socda ka baxaan Dalka,iyadoo ciidamada Dowladda federaalka ay u diyaarsan yihiin in ay amniga guud ee Dalka la wareegaan.

” Walaalaheenna Afrikanka ee 15-sano, na garab taagnaa ee saaxo aan ku fikirno ama ku shaqeysano noo abuuray ee in badan na garab taagnaa ee wiilal badan oo wiilashooda ka mid ah ay Dalkan ku dhinteen, iyagoo mahadsan waxaan rabnaa markan waa soo xoogeysannay, annagaa amnigeynna qaadaneynee ee waa mahadsan tihiin inaan dhahno oo aan sagootinaa rabnaa,”. ayuu yiri madaxwyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in goobihii ugu horeeyay ee ay banneeyeen ciidanka ATMIS in ay durba la wareegeen ciidamada Xoogga Dalka, kuwaas oo ku filan sugidda iyo hanashada amniga guud ee Dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in 30 ilaa 31-ka bishan December 2024, Dalka laga macsalaameynayo askariga ugu dambeeyo ee ciidamada ATMIS.

Shacabka iyo Dowladda oo iskaashday ayaa suurageliyay in laga adkaado kooxda Khawaarijta A-shabaab, waxaanna hadda xor ah deegaanno iyo degmooyin badan oo muddo 15-sano ah gacanta ugu jiro argagixisada Al-shabaab oo dadka shacabka ah ay ku dhibaateyn jireen.

Muqdisho-Somalia

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay taliyaha Ciidamada Milateriga Kenya

0

Madaxweynaha Dowlada Gobolleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Taliyaha Ciidamada Milateriga Kenya (KDF) Gen Francis Omondi Ogolla oo booqasho ku yimid Jubaland.

Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoraynayo kooxaha argagixisada ah si gaar ahna howlgalka deegaanada Jubaland oo ay ka qeybgalayaan Ciidamada Dowladaha dariska ah.

Dhinaca kale hawlgalka ATMIS ayaa soo gabo gabeeyey wejigii koowaad ee ka bixista Soomaaliya iyagoo Ciidanka Xoogga ku wareejiyey degmada Cadale, deegaannada Xaaji Cali, Mirtaqwo iyo deegaanada Arbacow, iyo Aljazeera ee Muqdisho,Gerileey ee Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo,hawlgalkan ayey ATMIS dalka kaga saartay 2000 oo ka tirsan Ciidanka ATMIS.

Muqdisho-Somalia