Home Blog Page 424

Wasiirka Amniga XFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed

0

Wasiirka Amniga XFS Maxamed Axmed Doodishe ayaa maanta kulan la qaatay taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda amniga.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS oo guddoomisey kulanka 17aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka

0

Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa guddoomisey kulanka 17aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ayadoo uu goobjoog yahay Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka M.ne Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo la kulmay Wafti ka socda Bangiga Adduunka

0

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo uu wehliyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cali Ifiye Cali ayaa xafiiskiisa wasiirka ku qaabilayย  masโ€™uuliyiinta kala ah Julien Million iyo Miguel Angel Jorge oo ah wafti ka socda Bangiga Adduunka kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay u joogay Muqdisho in ay Wassaaradda kala hadlaan mashaariicda uu Bangiga Adduunku maalgelin doono ee la xiiira kallumeysiga dalka.

[DAAWO] Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ayaa Muqdisho soo gaarsiisay Shacab ku soo dhaawacmay Dagaalka ka socda Laascaanood

0

Heyโ€™adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ayaa markii Tobanaad Maantaย magaalada muqdisho soo gaarsiisay 10 qof oo kamid ah dadkii dhawacyada ka soo gareen dagaallada culus ee ka socda Magaalada Lascanood ee xarunta gobolka Sool.

Dhawacyadaan oo ay ku jiraan dad aad u liita waxaa garoonka Adaan Cadde uga hortagayย  Guddoomiyaha Heyโ€™adda Maareeynta Musiibooyinka SODMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle , Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ee BFS Cabdullaahi Cali Xersi โ€œTimacadde, Xildhibano katirsan labada aqal, iyo Madax sare oo Heyโ€™adda SODMA ka socday.

DAAWO WARBIXINTAAN OO DHAMESTIRAN.

[AKHRISO] Waxqabadka Dowladda ee Toddobaadkan

0

Muqdisho, Arbaco 22-ka February 2023

  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda Afrika ee ka qeybgashey Shir Madaxeedka Midowga Afrika uga waramey guulaha Dowladda Somalia ka gaartey dagaalka lagula jiro argagixisada.
  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale intii uu joogay magaalada Addis Ababa kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Afrika, iyagoo ka wadahadley xiriirka Soomaaliya iyo dalalkaasi u dhexeeya.

 

  • Hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeystay, ayaa waxaa ay Ciidanka Qaranka guluf lagu guuleystey ka fuliyeen Jubaland, HirShabelle iyo Galmudug, iyadoo ay jiraan goobo badan oo cadowga laga xorreeyay, hub iyo saanad badanna looqa qabsadey.

 

  • Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay gurmad u fidiyaan walaalahooda dalka Turkiga ee uu dhulgariirka ku habsadey.
  • Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa guddi heer qaran u xilsaarey barnaamjika gurmadka lagu taakuleynayo dadkii ku waxyeeloobay dhul gariirkii ka dhacay Turkiga.
  • Mar kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqey in degdeg loo joojiyo colaadda ka socota Laas Caanood, khilaaf kasta oo jirana wadahadal lagu xaliyo.

 

  • Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa furay Shir Sanadeedka 5aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay wixii u qabsoomay iyo waajibaadka horyaalla.

Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dalkooda maalgashadaan.

  • Golaha Shacabka ayaa ansixiyay sharciga dhismaha Hayโ€™adda oo ansixiyay sharciga dhismaha Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dalka.
  • Hanti Dhowraha Guud ee cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Guutaale yaa xilka kala wareegay Hanti Dhowrihii hore Maxamed Mohamud Ali (Afgooye).
  • Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Sharciga Korontada.
  • Aqalka Sare ayaa ansixiyay sharciga dhismaha Hayโ€™adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

-Dhammad-

Daud Aweis Jama

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo kormeerayย  xarunta Faraha ee C.I.D iyo dugsigaย  Barbaarinta Caruurta Boliiska

0

<span;>Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin, Agaasimaha Miisaaniyada Dowlada ee Wasaaradda Maaliyadda Axmad Cabdi Aadan (Iraad) iyo Madax kale oo Ka tirsan wasaaradda Maaliyadda ayaa kormeerayย  xarunta Faraha ee C.I.D iyo dugsigaย  Barbaarinta Caruurta Boliiska
Taliyaha Ciidanka Boliiska oo Muhiimad siinaaya sidaย  ugu fudud ee loogu adeega bulashada Soomaliyeed ayaa Wasaaradda ka codsadey inay qorshaha ku darsadaan Xarunta Faraha C.I.D oo ah adeeg Bulsho oo muhiim ah.

Sidoo Kale Agaasime Iraad ayaa xarunta Barbaarinta carruurta Booliska Soomaaliyeed ugu deeqey Mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha dugsiga iyo agabkii ay ku seexan lahaayeen carruurta.

Guddiga kasoo talo bixinta Xaalada Amni iyo Mida nololeed ee deegaanada bariga gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Galmudug oo kulmay

0

Guddiga kasoo talo bixinta xaalada amni iyo mida nololeed ee deegaanada bariga gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Galmudug oo uu magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horeeyay.

KU-SIMAHA MADAXWEYNAHA JFS OO HAMBALYO U DIRAY CIIDANKA ASLUUBTA SOOMAALIYED

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray 53-sanno guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifleyda iyo dableeyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay markii dhidabada loo aasay 1970-kii ayaa xusay in Ciidanka Asluubta dadaal dheer ku bixiyeen ilaalinta maxaabiista, dhaqan celinta, waxbarida iyo tayeenta xirfadaha maxaabiista, isagoona tilmaamay in Ciidanka qaranka ugu jiraan meel wanagsan.