Home Blog Page 411

Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta mar kale u fariisanaysa dacwad ka dhan ah eedeeysanayaal loo haysto musuq

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad dhagaysanaysa dacwad ka dhan ah eedeysanayaal loo haysto xatooyo xoolo dad weyne.

Xubnaha ay maanta maxkamaddu dacwaddooda dhagaysanayso ayaa waxaa ka mid ah, Abuukar Maxamed Cali  maamulahii xafiiska canshuuraha berrriga ee wasaaradda Maaliyadda ku leeedahay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Maxamed Aadan Cabdullaahi maamulahii Bankiga dhaxe laanta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Cabduqaadir Cabdi Socdaal, Qasnajigii Bankiga dhaxe qeybta dakhliga ajaanibta

Taalibaan iyo Maraykanka ayaa yeeshay wadahadaladii ugu horeeyay tan iyo markii Afgaanistaan ​​ay qabsadeen

Hogaamiyayaasha Taliban ayaa kulan kula qaatay dalka Qatar  mas’uuliyiin ka tirsan Mareykanka markii ugu horeysay tan iyo markii ay dib ugu soo laabteen talada dalka Afgaanistaan ​​labo sano ka hor.

Af-hayeen  u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Afgaanistaan ​​ayaa Isniintii u  sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen  tallaabooyin  lagu  xoojinayo kalsoonida  labada maalmood  ee wadahadalka, oo ay ku jiraan qaadista cunaqabateynta iyo xayiraadaha socdaalka iyo sidoo kale soo celinta hantida bangiga dhexe ee Afgaanistaan ​​ee lagu haysto dibadda.

Wafdiga ayaa sidoo kale ka wada hadlay la dagaalanka maandooriyaha  iyo arrimaha xuquuqul insaanka, ayuu yiri Abdul Qahar Balkhi.

Ma jiro waddan si rasmi ah u aqoonsaday Taliban tan iyo markii ay xukunka ku soo laabteen.

Kooxda ayaa la wareegtay bishii Agoosto 2021 iyadoo dowladda Afgaanistaan ​​ay taageerto reer galbeedka ay burburtay wixii ka dambeeyay ka bixitaankii Mareykanka ee fowdada ahaa ee dalka ka dib 20 sano oo colaad ah.

Tan iyo markii ay la wareegeen Taliban, waxa ay la kulmeysay cambaareyn caalami ah, oo ay ku jiraan dhowr wadan oo Muslimiin u badan, kuwaas oo la xiriira xannibaado ay kooxdu ku soo rogtay waxbarashada haweenka. Afgaanistaan ​​ayaa sidoo kale la daalaa dhacaysa masiibo bini’aadantinimo,

iyadoo ku dhawaad ​​kala bar dadkeeda – 23 milyan oo qof – ay gargaar ka heleen Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) sannadkii hore.

 

 

Wasiirka cadaaladda XFS oo saxiixay siyaasadda hubinta da’da carruurta

0

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa maanta saxiixay Siyaasadda Qaran ee hubinta da’da carruurta oo dejinaysa baaxadda, shuruudaha, habka iyo fursadaha isticmaalka qiimeynta da’da.
Siyaasadan oo waafaqsan heshiiska xuquuqda Carruurta Qaramada Midoobay (HXCQM) ee ay saxiixday Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, waxaa saldhig looga dhigay qaab-dhismeedka dadaallada Qaran ee dib-u-habeeynta shuruucda carruurta oo nidaamka caddaaladda carruurta Soomaaliyeed lagu waafajiyo halbeegyada caalamiga ah

Wasiirka Cadaaladda XFS oo saxiixay Siyaasadda da’da carruurta ee Qaranka

0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa maanta saxiixay Siyaasadda Hubinta Da’da carruurta ee Qaranka oo dejinaysa baaxadda, shuruudaha, habka iyo fursadaha isticmaalka qiimeynta da’da.

Siyaasadan oo waafaqsan Heshiiska Xuquuqda Carruurta Qaramada Midoobay (HXCQM) ee ay saxiixday DFS, waxaa saldhig looga dhigay qaab-dhismeedka dadaallada Qaran ee dib-u-habeeynta shuruucda carruurta oo nidaamka caddaaladda carruurta Soomaaliyeed lagu waafajiyo halbeegyada caalamiga ah.

.

 

Guddiga Madaxa-bannaan ee hirgalinta Dastuurka oo bilaabay kaa doodista heshiisyaddii MWQ

0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegsita iyo Hirgelinta Dastuurka Burhaan Adaan Cumar oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Mudane Maxamed Xasan Idiris ( Ganey) ayaa maanta Shir guddoomiyay kulanka maalin laha ah ee guddiga oo diirada lagu saarayay sidii luuqad Dastuuriya loogu badeli lahaa Heshiisyadii Madasha Wadatashiga Qaran ay gareen oo guddigu la wareegay 26-kii bishaan Luulyo iyagoo kala wareegay Guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS.

Xubnaha guddiga oo ahmiyadda koowaad siinaya sidii loo dhameystiri lahaa qabyo qoraalka dastuurka KMG ah ayaa maalmahaan waday kashaqaynta iyo wax ka badelka cutubyadda 1-aad Ilaa 4-aad ee Dastuurka KMG ee JFS, isla-markaana cutubyada hore ee Dastuurka loo horgeyn lahaa laanta sharci dajinta dalka si ay waajibaadkooda uga gutaan.

 

 

Wasiir Al-Cadaala “Howlgalladii ugu dambeeyay Todobaadkaan waxay ahaayeen kuwa lagu bur-burinayay saanadda iyo hubka Khawaarijta.”

0

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf “Cadaala” oo ka qeybgalayay Barnaamij dood ah oo ka baxaya Twitter Space-ka ee warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlgalada ka dhanka khawaarijta iyo guulaha laga gaaray.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Qaranka ay guula waaweyn ka soo hoyeen howlgallada socda,khawaarijtan looga dila tira aad u fara badan oo isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan khawaarijta.

Sidoo kale wasiir Al-Cadaala ayaa tilmaamay in howlgaladii todobaadyadii ugu dambeysay ciidamada ay fuliyeen uu ahàa kuwa lagu bur-burinayay saanad ciidan iyo goobaha ay khawaarijtu ay ku dhuumaaleysanayeen,guulna laga gaaray oo la bur-buriyay Gaadiid iyo Maleeshiyaad fara badan oo katirsanaa khawaarijta.

“Howlgalladii ugu dambeeyay maalmahaan waxay ahaayeen in la burburiyo saanadooda iyo hubkooda iyo in la joojiyo isku socodka Khawaarijta.”ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala

Waxa uu sheegay in dowladda ay guul badan ka gaartay howlgalka wajiga koowaad,islamarakan ttodobaadyada soo socdo ay dhici doonaan howlgallo xoogga oo ka dhan ah kawaarijta,isagoo sheegay in la bur-buriyay isbaarooyin khawaarijta lacaga baad ah oo shacabka ay ku dhibateen jireen oo yiilay waddada xiriirisa muqdisho iyo Baydhabo,halkaa oo khawaarijtu ay ku dhibateen jirta dadka shacabka ee safarka ah.

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee 2023

0

Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay dib u eegista miisaaniyadda dowladda ee 2023, iyadoo ay cod gacan taag ah ay ku ansixiyeen  169 Xildhibaan,waxaa diiday 1-xildhibaan, halka ay ka aamuseen 2-Xildhibaan oo kale. Sidaas ayaa lagu ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda dalka ee 2023-ka.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo goobjoog ka ahaa kulanka golaha ee maanta ayaa Baarlamaanka uga mahad-celiyey ansixinta ku laabashada miisaaniyadda dalka

Wasiirka ayaa sidoo kale balanqaaday in miisaaniyadda 2024 la hor keeni doono Golaha xiliga sharcigu dhigayo,Wasiir Biixi ayaa sidoo kale sheegay inuu dadaal weyn ku bixinayo sidii loo gaari lahaa isku filnaansho dhaqaale.

“Waa idinka mahad-celinaya sida sharafta leh ee xilkasnimada ku jirto ee uga gudateen waajibkii qaran ee idinka saarna xeer kamid ah xeerarkeena ugu muhiimsan oo ah xeerka miisaaniyada qaranka ee ku noqoshada, aad baa idinka mahad-celinayaa,” ayuu yiru Wasiir Biixi

Sidoo kale waxa uu wasiiir Biixi xusay in uu gabo gabo marayo hanaanka dayn cafinta dalka oo soo socday dhowrkii sano ee la soo dhaafay,sidoo kale wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya xubin ka noqon doonto ururo caalami ah kuwaas oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo heer Gobol ah,taas oo kaalin weyn ka geysan doonta kor u kaca dhaqaalaha dalka.

xukanka kiis ka soo bilowdey tiktok

0

Sharma’arke Xuseen Jimcaale “CR” iyo Maxamed Faarax Maxamed ayaa is gacan qaaday habeen ka hor geerida Marxuum Saciid Cabdi Cali.

Sharma’arke ayaa 29 -kii June soo watay Maxamed Abuukar Dayax iyo Maxamed Cali Cusmaan oo kawada tirsan ilaalada shacabka NISA, waxa uu sharmaake “CR” u soo watay in ay kaalmeeyaan maadaama habeen ka hor isaga iyo Maxamed Faraxa ay isku qabteen gabar TikToker ah oo sharmaake  CR la socotay.

Qorshuhu waxa uu ahaa in Sharma’arke iyo Maxamed ay iska miirsadaan oo aan cidna soo dhex gelin laakiin Marxuum Saciid Cabdi Cali oo aan war u hayn heshiiska nimanka ayaa kala celi is lahaa, waxaana xabad afsaar ah madaxa mariyay Maxamed Abuukar Dayax, isla meeshaas oo Bosh ahayd ayuuna ku naf baxay Marxuumka.

Maxamed Cali Cusmaan oo isna NISA ka tirsan ee ay wada socdeen wax waajib ka gudasha ah ma sameyn, waxaana sabab u ahayd in ay iyaga dhan wada duulaan ahaayeen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa qaaday fadhigii u dambeeyay ee kiiskan 22-kii July, waxa ayna ku kala xukuntay

1- Maxamed Abuukar Dayax Dil toogasha ah,

2- Maxamed Cali Cusmaan Shan-sano oo xabsi ciidan ah

halka Sharma’arke Xuseen Jimcaale “CR” lagu xukumay Sanad, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida..

Qaaqlayaasha iyo Al-shabaab oo isku Af noqday (WARBIXIN)

Waxaa jiray waqti ay si baaxad leh u kobceen Maleeshiyadka Khawaarijta ah ee Al-shabaab, waana sanadadii 2017-kii ilaa iyo horraantii sanadkii 2022-kii waxay aheyd  xiligii  Kooxda Khawaarijta ah ee AlShabaab ay dhaqaalihii ugu badan ay ka sameeyeen,

Magaalada Muqdisho iyo Deegaannadii ay maamuli jireen, iyagoo si kasta u boobay, sidoo kalena waxaa jira in ay ku milmeen hey’ado muhiim u ah Dowladda, inkastoo dowladda Soomaaliya ay ku guulaysatay joojinta dhaqaalaha baada ahaa ee ay helayeen

Maleeshiyaadka Al-Shabaab, lana yareeyay weeraradii ay ka gaysan jireen caasimadda Muqdisho, sidoo kalena hey’adaha dowladda ayaa laga dhex saaray shaqsiyaad gacan saar la lahaa cadowga, hadana wali shaqo badan ayaa u taala dowladda.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa hadda gacanta ku haaya shaqsiyaad badan oo cadowga khawaarijta ah ee Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baada ah, u basaasida hey’adaha dowladda iyo falalka amni daro ee Caasimadda, waxayana Dowladdu u sameysay Sharciyo lagula dagaalamayo Argagixisada, kuwaasi oo wax weyn ka taray dabargoyntooda.

Laakiin tan iyo markii Hey’add Sirdoonka Qaranka (NISA) ay shaqadaasi toos ah u  bilowday waxaa jira saraakiil la soo shaqeeyay madaxdii dowladii hore oo Al-Shabaab u baxsaday, iyagoo ka baqdin ka qaba inay gacanta Dowladda ku dhacaan, lagana jaaseeyo wixii ay ummadda ka galeen ama ku dhibaateeyeen, qaarkood waxay ka mid ahaayeen Dadkii u fududeyn jiray in la soo galiyo Magaalada Muqdisho Qaraxyada ay ku waxyeeloobeen Shacab badan oo aan waxba galabsan.

Kala firxadkooda ayaa waxaa ka dhalatay in Magaalada Muqdisho ay hesho nabad ay ku naaloon karaan Shucuubta ku dhaqan Magaalada, Raiisulwasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa yiri, “In galabta aan ku kulanno fagaraahan Heliwaa waxay caddeyn u tahay horumarka laga gaaray amniga Caasimadda”.

Hadalkaan waxa uu ka sheegay mar uu uga qeybgalay Degmada Heliwaa kulan lagu xoojinayo wada shaqeynta hey’adaha nabad galayada iyo maamulka Gobalka Banaadir.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in wada shaqeynta hey’adaha Amniga iyo dadwaynaha caasimadu wax weyn ka beddeshay amniga caasimadda, isla markaana hadda degmo kasta si nabadgalyo ah lagu tagi karo, taasina ay qeyb ka tahay isku xirnaanta shacabka iyo hey’ada amniga.

“Waxaan la tacaaleynaa Urur Argagixiso oo fursad loo siiyey mudo 5 sano ah inay is diyaariyaan, dhaqaalo aruursadaan, maadooyinka qarxa dekadaha kala soo degaan, kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed maskaxda ka dhaqaan, ajaanibtii ugu badneed dalka soo geliyaan, la soo degaan hubka noocyadiisa kala duwan”, sidaasi waxaa Bartiisa Bulshada ku qoray Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.“Waxaa intaa sii dheer oo ay heleen shantaasi sano in ay Khawaarjtu gasho kalsooni ah in dalkaba qabsan karaan.

Shacabkayagoow ogaada haddaan Khawaarijta dagaalkeeda la’aadi laheyn sanad ka hor xaaladu sidey maanta tahay ma ahaateen.

Intaas u dhaafi maayo kuwa raba inay ku faanaan ficilada Khawaarijta anagoo og inay ka xun yihiin waxa ku dhacaayo Khawaarijta. Halgankaan wuu soconayaa idanka Ilaahey Guushana Shacabkaa leh”, ayuu sii raaciyay Wasiirku hadalkiisa.

Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Abaabul xooggan oo Dowladdu ka waddo Degmada Guricel ee Gobolka Galguduud, iyadoo lagu soo bandhigay dhallinyaro degaanka ah oo hubeysan, kuwaasoo loo diyaariyay inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhamaystirka Wejiga 1-aad ee looga sifeynayo Kooxda Argagixisada la qorsheeyay looga saarayo degaannada ay ka joogaan Maamul-goboleedka Galmudug.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa abaabulkii ugu dambeeyay dagaalka dhamaystirka wejiga koowaad ee dagaalka dalka looga xoraynayo khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan Galmudug, halkaas oo uu maalmaha foodda nagu soo haya ka bilaabanayo hawlgalkan, waxaana Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah oo hubeysan, kuwaasi oo loo diyaariyay inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhamaystirka wejiga koowaad ee Cadowga Khawaarijta ah looga xoreynayo deegaannada faro ku tiriska ah ay ka joogaan Galmudug.

Dhawaan ayay aheyd markii deegaanno ka tirsan Galmudug ay gareen sarakiil ka mid ah ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed,kuwaasi oo booqday xarumaha ciidamada ay ku leeyihiin Galmudug, iyagoo u sheegay in ay u diyaar garobaan howlagalka ka billaabanayo Galmudug, wararka ayaa sheegay in sidoo kale la abaabulaayo Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Degaanka Dhuusa mareeb ayaa abaabulkii ugu dambeeyay dagaalka dhamaystirka wejiga 1-aad ee dagaalka, halkaasoo uu maalmaha fooda nagu soo haya ka bilaabanayo hawlgalkaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu gaaro dhawaan farsiinna ka dhigto magaalada Dhuusa mareeb, kana hagi doona Howlgalada, halka Magaalada Aadan Yabaal ay noqon doonto fariisinka 1-aad, waxaana la qorsheeyay inuu Madaxweynaha uu muddo 2-bilood ku negaan doono degmooyinkaasi, si loo soo dhameystiro Duulaankaasi, si loogu soo jeesto Wejiga 2-aad oo isagana ka bilaaban doono Koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxaa laga rabaa inay isku si ula dagaalanto qolooyinka Qaaqlayaasha ah iyo Khawaarijta Al-shabaab, waayo waa isku Af, mar-marna waxaa la dhihi karaa waxayba u yihiin afhayeenno, oo waxay ka hadlaan waxay ay bi’iyeen ayay ku faanaan Jabka Khawaarijtana aad bay uga qeyliyaan, ama uga naxaan, marka waxaan oran karnaa Qaaqlayaasha iyo kooxda Khawaarijta ah ee Al-shaab waxay noqdeen kuwo isku Af

ah.

Madaxda Galbeedka Afrika oo ku hanjabay faragelin mileteri oo ka dhan ah Niger

0

Hogaamiyayaasha Galbeedka Afrika ayaa ku hanjabay in ay tallaabo militari ka qaadi doonaan hoggaanka Niger kadib markii ay talada dalkaasi kula wareegeen afgambi todobaadkii hore.

Hogaamiyayaashan ayaa ku baaqay in muddo 7-cisho ah dib loogu soo celiyo Madaxweyne Maxamed Bazoum oo hadda gacanta lagu hayo,waxayna intaa raaciyeen in Ecowas aysan wax dulqaad ah u lahayn afgambiga.

Hadaladaan ayaa yimid kadib markii madaxda Ecowas ee midowga wadamada Galbeedka Afrika, ay wadahadalo xasaasi ah ku yeeshay caasimadda Nigeria ee Abuja Axadii si ay uga wada hadlaan afgambigii ugu dambeeyay ee daba socda afgambiyadii ka dhacay Mali iyo Burkina Faso oo dariska la ah Niger.

“Ururka gobolku wuxuu qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah soo celinta nidaamka dastuuriga ah ,haddii dalabaadkooda lagu fulin waayo toddobaad gudihiis ”ayaa lagu daray bayaanka ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen .

Ciidamada milatariga ayaa horay u soo saaray  digniin ay ku sheegeen ineey iska caabin doonaan qorshe kasta oo gardaro ah oo ay wadaan quwadaha gobolka ama reer galbeedka.