Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeebgalaya Shirka 146-aad ee Baarlamaannada Adduunka “Inter-parlaimentary Union” guddoomiyha waxaa shirkaan ku wahlinaya xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya waxaana qayb ka ah xoghayha Aqalka Sare.
Madaxweyne Deni oo soo saaray Xeer Madaxweyne oo ku saabsan qabashada Doorashada Golaha deegaanka Maamulkaas
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne oo ku saabsan qabashada Doorashada Golaha deegaanka Maamulkaas.
Taliye Ku-xigeenka Boliiska Soomaaliyeed oo Garoonka Aadan Cabdulle ka sagootiyay Ciidamo katirsan Booliska oo tababar u aaday dalka Jabuuti
Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa maanta garoonka Aadan Cabdulle ku sagootiyay Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya oo tababar ku soo qaadan doona dalka jabuuti.
Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka Dawladda oo la soo gabagabeeyay
Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka Dawladda oo soo bilowday 1-dii bishii February,2023 ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo muddadaa la tirakoobay dhammaan Shaqaalaha Rayidka ee hay’adaha Dawladda.
14 dal oo Afrikaan ah oo ka dilaacay xanuunka daacuun caloolaha
Hey’adda Caafimaadka AdDuunka ayaa ugu baaqday Afrika in ay kordhiso dagaalka ay kula jirto xanuunka daacuun caloolaha, kaasi oo sanadkii la soo dhaafay 12 waddan oo qaaradda ah ku dilay in ka badan 3 kun oo qof.
Shir hordhac u ah Ajendayaasha Madaxda Wadatashiga Qaranka oo ka furmay Baydhabo
Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu wadaa in 14 bishan ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo ay ka qeyb galayaan madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul gobolleedyada dalka.
Shirka ayaa looga hadli doonaa dhammeystirka nidaamka federaalka iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Abuukar Subeyr ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furey shir hordhac u ah Ajendayaasha Madashada Wadatashiga Qaranka oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka.


Golaha Shacabka oo Ansixiyay Gudiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka KMG ah
Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta hor geeyay golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka xubnaha gudiga madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka KMG ah oo ay dhawaan ay soo gudbiyeen golaha wasiirada xukuumadda.
Xubnahan oo ka kooban shan xubnood ayaa golaha waxay u qaadeen cod, waxayna ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, iyadoo aysan jirin mudane diiday ama ka aamusay.
Ansixinta ka dib, wasiirka wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa u mahadceliyay xildhibanada golaha shacabka sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen xubnaha guddiga madax bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo ay soo gudbisay wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
Xubnaha la ansixiyay ayaa kala ah:
- Maxamed Xasan Idiris
- Axmed Maxamuud Jaamac
- Maxamed Cabdalla Saalax
- Farxiya Muumin Cli
- Burhan Aadan Cumar

Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare Senator Cali Shacbaan Ibraahim ayaa maanta guddoomiyeyay shir ay golahu ku ansixiyeen hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.
Sharcigan cusub ayaa muhiimad gaar ah siinaya in muwaadin kasta ay waajib ku tahay qaadashada kaarka aqoonsiga (National ID), tanina ay noqonayso tallaabo wax weyn ka taraysa xal u helidda dhibaatada garan-waaga, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, ganacsiga, dhaqdhaqaaqa muwaadinka iyo la macaamilka hey’adaha dowladda.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka ayaa uga mahadcelisay guddoonka iyo senatorada aqalka sare ansixinta Hindise-Sharciyeedka aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.
Wasaaradda Arrimaha guduha, waxaa u qorshaysan sanadkan gudihiisa hirgalinta hawshan qaran oo waxtarkeeda uu dareemi doono muwaadin walba oo u dhashay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Hindise sharciyeedkan ayaa golaha shacabka meelmariyay March 1, 2023 halka golaha Aqalka Sarena ay maanta gudbiyeen, waxaana haray saxiixa madaxweynaha, kadibna lagu daabici doono faafinta rasmiga ah.

Howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta oo dardar uga socda Jubbaland
Waxaa dardar ku socda howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo deegaannada Jubbaland kuwaas oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.
Madaxda qaranka iyo kuwa Jubbaland ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta in ay doorkooda ka qaataan qorshyeyaasha dib u xoreynta iyo horumarinta deegaannada Dowlad gobolleedka Jubbaland.
Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku booriyay ciidamada huwanta ah dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee diidan nabadda iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Dhaq-dhaqaaqa iyo howlgallada bilowga ah ayaa wal-wal iyo cabsi xooggan ku abuuray Khawaarijta, kuwaas oo hadda bilaabay in ay ka cararaan deegaannada fara ku tiriska ah ay ku harsan yihiin, waxayna ciidamada qaranka iyo kuwa Jubbaland ay jilibka u dhigeen weeraro fulaynimo oo ay maleeshiyada Khawaarijta soo abaabuleen, kuwaas oo dhawaan ka dhacay deegaanka Jannaay Cabdalla, waxaana halkaas argagixisada lagu gaarsiiyay khasaaro xooggan oo mahadho ku reebay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ciidamada isgarabsanaya ee xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland uga mahadceliyay sida ay har iyo habeen ugu taagan yihiin xoraynta dalka iyagoo naftooda u huraya sidii dalkeennu uu cagahiisa iskugu taagi lahaa.
Ugu dambeyntii, ciidamada qaranka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa guulo wax ku ool ka soo hooyay dagaalladii ugu dambeeyay ay la galeen Khawaarijta. Dowladda federaalka ayaa sii xoojineysan doorkeeda howlgallada socda.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame” Khawaarijtu qeyb ayay ka yihiin kororka abaarta ka jirta dalka,”
Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ay ka qeyb ka tahay kororka abaarta dalka jira.
Ergayga ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh uu qaatay go’aanka ah inuu dalka ka qabto Kooxdan argagixisada.
Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Kooxda Khawaarijtta Al-shabaab ay dadka beeraleyda ah u diideen in ay beerahooda tacbadaan xilli ay dadkaasi wajahayaan xaalado abaar oo roob la’aan ay ku dhacday.
“ Dadkiinna in ay beerihii tacbadaan ayay u diideen, xoolihii in ay dhaqdaan ayay u diideen, nin masaakiin ah oo abaar hayso oo roob la’aan ku dhacday shan xillina roobkii uu ka baaqday ayaa waxay weydiinayaan baad ay ugu yeereen sakawaad, haddii ay bixin karina in ay ilmaha keenaan si ay u dagaallamaan, Beerihii ma falan karaan lacago fara badan ayay kor saarayaan, run ahaantii qeyb ayay ka yihiin sababaha abaaraha ayagana,”.
Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” “ Aniga nin beeraley ah ayaa wuxuu igu yiri oo ceel beertiisa xitaa ugu dhex qodan yahay, “ Habeenkii ma daari kartiin ayay nagu dhaheen nalka beerta inoogu dhex yaalo ”, sababtoo ah nalka waxaa soo raacayo diyaaradaha Drones-ka ah, maalintii kaliya ayaa daari kartiin,”.
Kooxda Khawaarijta oo nolosha ku ciriiriyay dadka masaakiinta ah ayaa hortaagan nabadda iyo horumarka, taasina waxay keentay in abaarta culeyskeedii qayb ay ka noqdaan.
Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga dib u xoreynta ayaa suurta geliyay in deegaanno iyo degmooyin badan laga xoreeyo Khawaarijta, kuwaas oo shacabka ku nool ay heleen nabad iyo horumar buuxa.
