Home Blog Page 410

Tirada Horjoogeyaasha ay dileen Ciidanka Qalabka Sida oo sii kordheysa.

Muqdisho, 15 September 2023: Hawlgal qorshaysan oo ay fuliyeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay deegaanka Gumarka Cosobow Cali oo ka tirsan degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu dilay horjoogeyaal ka tirsanaa Khawaarijta.
Hawlgalkan oo dhacay 12-kii bishaan, ayaa lagu burburiyay gaari nuuca loo yaqaanno Noha kaas oo ay saarnaayeen Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah.
Horjoogeyaasha la xaqiijiyay in lagu dilay hawlgalkaas ayaa kala ah:-
1. Horjooge Salaad Dheere, oo ahaa horjoogaha ugu dambeeya ee lahaa go’aanka waxa ay ugu yeeraan jabhadda gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uu horay u soo noqday horjooge ku xigeenka jabhadaha gobolka Galgaduud.
2. Horjooge Cabdullaahi Ciilow, waxa uu ahaa horjooge kooxeed Khawaarijta ah, waxaana ka amar qaadanayay in ka badan 300 oo maleeshiyaad ah, kuwaasi oo ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadda Shabeellaha Dhexe.
3. Horjooge Shucayb, waxa uu ahaa horjoogaha dabagalka Horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka ka hawlgala gobolka Shabeellaha Dhexe.
4. Horjooge Cabdullaahi Xuseen Qodax “Cabdullaahi Madoobe” oo magaciisa afgarashada ahaa Cabdikariin, waxa uu ahaa Horjoogaha qaraxyada gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uu sidoo kale ka hawlgali jiray gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
5. Horjooge Bagaax, waxa uu ahaa horjooge Koox Khawaarij ah oo loo diyaariyay in ay weerarro ka gaystaan deegnaannada, Daaru-nimca iyo Cali-heel.
6. Horjooge Saylici, waxa uu ahaa horjooge hoosaad ka tirsan qaybta faafinta marin habaabinta Khawaarijta ee Alkata’ib waxa uuna hoostagayay Horjooge Yoonis oo ah ninka ugu sarreeya qaybta samaynta iyo faafinta farriimaha marin habaabinta ah ee Khawaarijta.
7. Horjooge Axmad Maxamed oo loo yaqaanay Xerow iyo Nadiir, waxa uu ahaa horjoogaha maleeshiyaadka ay ugu yeeraan gurmadka oo ay u diyaariyeen gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, ilaa 2009-kii ayuu ka soo tirsanaa Khawaarijta isaga oo ka soo hawlgalay meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin Muqdisho iyo Hiiraan.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, iyada oo horjoogeyaasha Khawaarijta lagu bartilmaameedsanayo goob kasta.

Horjooge 12 sano Khawaarijta u adeegayay oo saaka isi soo dhiibay.

Horjooge Yuusuf Sheekh Xasan oo mudo 12 sano ah  Khawaarijta ka tirsanaa ayaa saaka isku soo dhiiiibay Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Bakool.

Horjoogahaan oo Khawaarijtu ugu yeerto Malaag UK ayaa u qaabilsanaa daaweynta maleyshiyaadka, waxaana uu ku sheegay sababta uu uga soo baxay inay tahay in khawaariijta meelwalbo ay joogaan cabsida ku saa’ideyso kala shaki badan oo dhexdooda ahna uu soo batay.

Qofkii latuhmo waa la qaarijinaa sidaas darteed ayaan anigoo ka faaideysanaya Cafiska dowladda uga soo baxay ayuu yiri Yuusuf Malaag.

Shaqaalaha shirkadaha waaweyn ee Gawaarida oo sameeyay shaqo joojin dalka Mareykanka.

In ka badan 10,000 oo shaqaale ah oo ka tirsan saddex ka mid ah shirkadaha sameeya baabuurta ee Maraykanka ayaa bilaabay shaqo joojin, sida uu sheegay urur ay ku bohoobeen shaqaalahaasi.

Shaqo jooojintaan ayaa ka  bilaabatay saddex warshadood oo ay leeyihiin General Motors (GM), Ford iyo Stellantis,waxaana jira cabsi laga qabo in carqalad weyn ay ku timaado shirkadaha waaweyn ee xagga warshadaha baabuurta iyo in uu sare u kac ku yimaado iibsadayaasha gawaarida.

Ururka (UAW) ayaa sheegay in shirkaduhu aysan soo bandhigin dalabyo la aqbali karo,ka dib markii qandaraasyada shaqaaluhu ay dhaceen habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay.

Madaxa ururka Shawn Fain ayaa BBC-da u sheegay in shirkadahaasi hadda ay u taallo sidii ay u xallin lahaayeen khilaafkaasi,isagoo intaa taaciyay in marka la bilaabo daryeelka shaqaalahooda ay wax kasta dhammaan doonaan.

Ururku waxa uu raadinayay in 40% la kordhiyo mushaharka shaqaalaha oo xilligaan gaaraya ku dhawaad 140,000 oo xubnood.

Shuruudaha shaqaalaha waxaa kale oo kamid ah in afar cisho ay shaqeeyaan todobaadkii.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saxiixay Sharciga Hanti-dhowrka guud ee Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya xaqiijinta Soomaaliya ku shaqeysa shuruuc iyo xeerar qoran ayaa saxiixay Sharciga Hantidhowrka Qaranka.
Sharciga cusub ee Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa la jaanqaadaya shuruucda Maareynta maaliyadda guud, Sharciga iibka iyo qandaraasyada Qaranka iyo Shuruucda kale ee hufnaanta iyo horumarinta maamulka hantida Qaranka.
Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Xildhibaannada iyo quburadii kasoo shaqeeyey sharcigan.

R/Wasaare Xamsa oo sheegay in xilli dhow Soomaaliya ay noqon doonto meel ka caagan argagixisada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib u soo kabashada, haatanna ay ummadda Soomaaliyeed go’aansadeen in ay iska dulqaadaan culeyska argagixisada Khawaarijta ah ee diidan nabadda iyo horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu soo bandhigaayey Filim ka hadlayey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Mudane Xamsa ayaa intaa ku daray in xilli dhow ay Soomaaliya noqon doonto meel ka caaggan argagixiso, waxuuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo cudurrada daashaday dalkeenna ee ay ka mid yihiin argagixisada, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti kaalintoodii lama ilaawaanka ahayd ee ay ka qaateen dhismaha Dowlad Soomaaliyeed oo mar kale taabba-qaadda.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tilmaamay in Jabuuti ay tahay sokeeye maal iyo maskaxba galiyey sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd, kaddib burburkii Qaranka gaaray, isaga oo hoosta ka xariiqay in Dowladnimada casriga ah ee uu maanta leeyahay dalkeennu ay abaalkeeda leeyihiin dadka reer Jabuuti

Ciidanka Qaranka oo fashiliyay qarax Khawaarijta ku soo weerartay deegaanka Laas-gacamay.

Ciidanka Qaranka ayaa fashiliyay Gaari lagu soo xiray waxyaabaha Qarxa oo khawaarijta saaka ay ku soo weerareen deegaanka Laas-gacamay oo hoos taga magaalada Bacaadweyne.

Deegaanka Laas-gacamay waxaa joogay  mas’uuliyiin oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo halkaas u joogay dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Askari ka tirsan ciidanka ayaa ku shahiiday qaraxa Laba kalena waa ku dhaawacmeen intii lagu jiray howlgalka ka hortaga Gaarigaan ay cadowgu ku soo xireen Waxyaabaha Qarxa.

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BFS oo furimaha ku dhiirri galinaya Ciidamada Jihaadka kula jira Khawaarijta.

Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa furimaha dagaalka, gaar ahaan deegaanka Bulacle ugu tegay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

Xildhibaanada ayaa ciidamada geesiyaasha ku dhiirigeliyey dagaalka ay dalka kaga xoreynayaan Khawaarijta, waxayna furinta ugu geeyeen xoolo nool, iyagoo ka balan-qaaday in deegaan kasta oo cadowga ay ka xoreeyaan ay uga daba-tegi doonaan.

Xildhibaanadaan oo kala ahaa Senator Cabdixakiin Macalin Axmed, Senator Zamzam Daahir, Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed, waxaa kormeerkooda ku wehliyey guddoomiyaha gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganey.

Sidoo kale masuuliyiintii iyo saraakiishii ay deegaanka Bulacle ugu tageen waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha caasimadda Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqorow, Jeneraal Aadan Abshir Laba-afle, Korneyl Cabdiraxmaan Cilmi Xorogaay iyo saraakiil kale oo ciidanka hoggaaminaya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Danjiraha Dowladda Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya

0
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis iyo wafdi uu Hoggaaminayey oo maanta Safar shaqo ku gaaray Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay Amniga guud ee Deegaanada Koonfur Galbeed, Taageerida dagaalka lagula jiro Khawaarijta, Wax ka qabashada Abaaraha iyo sidii loo Dardar-gelin lahaa Mashaariicda Dowladda Ingriiska ay Waddo Deeganada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koofur galbeed oo Baydhabo kula kulmay Safiirka Ingiriiska.

0
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis iyo wafdi uu Hoggaaminayey oo maanta Safar shaqo ku gaaray Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay Amniga guud ee Deegaanada Koonfur Galbeed, Taageerida dagaalka lagula jiro Khawaarijta, Wax ka qabashada Abaaraha iyo sidii loo Dardar-gelin lahaa Mashaariicda Dowladda Ingriiska ay Waddo Deeganada Koonfur Galbeed.

Shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay dagaalka cadowga Khawaarijta looga sifeynayo dalka

0

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay dagaalka cadowga Khawaarijta looga sifeynayo dalka, iyada oo lagu meel mariyey heshiisyo iyo is-afgarad ay Dowladda Soomaaliya la gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

Kulanka golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta iyo warbixin la xiriirta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya dowladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan ciribtirka Khawaariijta gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada oo sameeyey abaabul xoog leh oo ay ku muujinayaan in hadda la gaaray xilligii la iska tuuri lahaa heeryada Khawaariijta dhiig miiratada ah, isagoo ugu baaqay ganacsatada inay qaataan doorkoodo codkoodana kor u qaadan.