Home Blog Page 404

Kumaandooska Danab iyo ciidanka Jubbland oo burburiyey xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijtu

0

Faah-Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  Howlgal Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Danab  iyo Nabad sugidda Jubbaland ay ku burburiyeen xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijtu.

[DAAWO] Hay’adda Maareynta Musiiboyinka  oo 400 qoys oo Khawaarijta ka soo barakiciyeen deganadoodii Gargaar ugu qeybisay degmada Baxdo

0

Xilli Haatan Gobolada dalkeena uu ka curtay qeybo badan oo kamid  ah roobka Gu’ga dadka iyo duunyadana ku diirsadeen ayaa hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka  waxa ay gargaar degmada Baxdo ee gobolka galgaduud ugu qeybisay qoysas garaya 400 oo qoys oo hore saameen ugu yeelatay abaartii ku dhufatay dalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Daraawishta

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed oo muddo lagu diyaarinayey Dugsiga Tababarka Ciidamada itoobiya ee Magaalada Baydhabo.

Wasiiru dowlaha amniga iyo taliyaha booliska oo  ka qeyb galay munaasabad safaarada talyaaniga ku wareejisey gaadiid  dowlada Soomaaliya

0

Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Taliyaha Booliiska ayaa Ka Qeyb galay Munaasabad Safaaradda Talyaanigu ku Wareejisay Gaadiid dowladda Talyaanigu ugu deeqday Ciidamada Boliiska JFS.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso Ciidanka Boliiska.

Safiirka Talyaaniga Roberto Vechi  ayaa sheegay inuu Talyaanigu taageerayo codsiga madaxweynaha Jamhuuriyaddu ujeediyay Madaxda Talyaaniga si ay  gacan uga geystaan howlgalada ka dhanka Khawaariijta.

Wasiir Dowlaha Amniga XFS
Maxamed Cali Xagaa, ayaa ka mahadceliyay taageerada iyo Garab istaagga dowladda Talyaanigu siiso Ciidamada Amniga JFS

Munaasabadda Maalinta Caalimiga ah ee  keymaha ee 21 maarso oo sanadkan si ballaaran looga xusay guud ahaan dalka

0

Munaasabadda Maalinta Caalimiga ah ee KEYMAHA ee 21-KA MAARSO oo sanadkan si ballaaran looga xusay guud ahaan dalka ayaa waxaa kaalin muhiim ah oo mugg weyn ka qaatay Ololaha dhirbeerista dhammaan Dowladd Goboleedyada Xubnaha Ka ah DFS.

Dowlaha PUNTLAND, JUBBALAND, GALMUDUG, KOONFUR-GALBEED & HIRSHABELE ayaa dhammaantood si buuxda uga qeybgalay Ololahan dhirbeerista ee bug-dhiga u ah Hal-kudhiga QARAN ee SOMAALIYA CAGAARAN, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS oo hoggaamineysa Ololahan ayaa suuragalisay in Dowladd Goboleedkasta lagu beero in ka badan 1000 GEED, kuwaas oo udub dhexaad u ah qurxinta Deegaanka iyo Illaalinta Caafimaadka Bulshada, Waxaana Hoggaanka Wasaaradda ay uga Mahadceliyeen dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah DFS doorkoodii Muhiimka ahaa oo ay ka qaateyn Ololahan.

#SomaaliyaCagaaran
#IntlForestDay
#greensomalia

Amiirka Riyaad iyo Duqa Muqdisho ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga

0

Amiirka Riyaad iyo Duqa Muqdisho ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsiga labada Caasimadood, Isdhaafsiga Aqoonta iyo waayo aragnimada, Maareynta iyo Horumarinta Dowladdaha Hoose iyo Isku xirka (Mataaneynta) Magaalooyinka Riyaad iyo Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ku wehlinaayay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u jooga dalka Sacuudiga, Mudane Saalim Macow Xaaji, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed iyo Madax kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Amiirka Caasimada Riyaad Faisal bin Abdulaziz bin Ayyaf kaga mahadceliyay martiqaadka iyo soo dhaweynta balaaran uu usameeyay Wafdiga Caasimada Muqdisho, iyo sida uu xooga u saarayo iskaashi iyo wax wada qabsi dhex mara Caasimadaha Riyaad iyo Muqdisho.

Mareykanka oo Sheegay in dambiyo dagaal ay ka dhaceen Itoobiya

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Antony Blinken, ayaa sheegay in milateriga Itoobiya, Ciidamada Eriteria, kuwa xoraynta Tigray ee TPLF iyo xoogagga amxaaradu ay galeen dembiyo dagaal, intii lagu guda jiray iska-hor imaadadii ka dhacay woqooyiga dalka Itoobiya.

Xoghayaha ayaa sidoo kale u sheegay Warbaahinta in xubno ka mida ciidanka milateriga Itoobiya, ciidamada Eriteria iyo xoogagga Amxaaradu ay geysteen dembiyo ka dhan ah bini’aadannimada sida dilal, kufsi, iyo xadgudubyo kale.

Blinken ayaa sheegay in xoogagga Amxaaradu ay ku kaceen dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo ay ka mid yihiin, masaafurin iyo isir sifayn ka dhan qowmiyadda Tigrayga ee ku noolayd galbeedka Tigray.

Dowladda Fedaraalka Itoobiya iyo Jabhadda xoraynta Tigray ee TPLF, ayaa kala saxiixday heshiis nabadeed bishii November ee sanadkii tagay, taasoo soo afjartay colaad ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, boqolaal kun oo kalena ay soo waajaheen gaajo iyo barakaca.

 

Maalinta Keymaha Adduunka oo laga xusay Muqdisho

21-ka Maarso oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Keymaha ayaa maanta laga xusay magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabado kala duwan lagu qabtay dunida oo dhan.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada XFS oo ka tarjumeyso ahmiyadda maalintan ay u leedahay Umadda Soomaaliyeed iyo Hal-kudhigga Qaran ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS Ee SOOMAALIYA CAGAARAN ayaa waxay 1,500 geed ku beereysaa maanta goobo badan oo muhiim u ah Dalka.

Goobaha loo asteeyay in geedahan lagu beero ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah Xarumaha Wasaaradaha Dalka, Isbitaallo, Iskuullo, Jaamacado, Xarumaha Ciidamada Qaranka iyo waddooyinka Caasimadda.

Haddaba Muwaadin adiga oo ka qeyb qaadanaya Ololahaan Muhiimka ah ee SOOMAALIYA CAGAARAN fadlan ku tallaal geed gurigaaga iyo goobtaada ganacsi, si aan u gaarno hadafkeenna Qaran iyo bulsho oo ah helidda deegaan dhireysan oo Caafimaad leh, kana caaggan waxyeellada Isbadalka Cimillada.

 

Ciidanka XDS oo 30 khawaarij ah ku dilay Shabeellada dhexe

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xoogagga kacdoonka dadweynaha ayaa fashiliyay isku day weerar oo Khawaarijta Al-shabaab ay saakay kusoo qaadday deegaanka Daaru-naciim ee gobolka Shabeellaha dhexe

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyey in Ciidanka ay  khawaarijta ka dileen in ka badan 30 malleeyshiyaad ah iyo Horjoogayaal, waxaana halkaasi loogu furtay hub fara badan.

Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa SONNA u sheegay in khawaarijtu ay ka carareen meydad badan, welina lagu raad joogo firxadkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Doorashada soo socota waxa ay noqon doontaa qof iyo cod”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in doorashada soo socota ay Soomaaliya noqon doonto mid qof iyo cod ah oo xisbiyeysan.

“Soomaaliya ilaah idinkiis doorashada soo socoto waa qof iyo cod xisbiyeysan”

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad uu ku saxiixayay Hindise sharciyeedyo ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka ayaa xubnaha guddoonka iyo guddiyada labada Aqal ee halkaasi ku sugnaa ka codsaday in ay qabyo tiraan dastuurka.

Mudane, Xasan Sheekh ayaa qabyo tirka dastuurka ku tilmaamay mid horseedi karta in laga gudbo habka Baarlamaaniga ah ee ay haatan ku dhacaan doorashooyinka dalka, wuxuuna intaa ku daray inaysan xildhibaannada iyo hoggaanka maamul goboleedyaduba diyaar u ahayn in mar kale ay dalka ka dhacdo doorasho dadban.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasaddu aysan ahayn tiro badnaan iyo laandheeranimo, balse ay tahay abaabulnaan iyo feker jira oo lagu wada qancay.

Madaxweynaha ayaa ugu dambayn sheegay in ay dowladdiisu dejineyso qorshe shan sanaale ah kaas oo diiradda lagu saarayo hiigsiga mustaqbalka fog iyo wejiga ay Soomaaliya yeelan doonto 2060-ka.

Qorshahan ayaa gogol xaar u noqonayo jiilasha dambe iyo in Soomaaliya ay shantii sanaba ku tallaabsato guulo waaweyn iyo horumarro ballaaran.