Home Blog Page 404

Howlgal qorsheysan oo lagu khaarajiyay 5 khawaarijta ka tirsan

0

Howlgal qorsheysan oo ciidanka Qaranka oo kaashanayaa saaxiibada hawlgalka Maraykanka ee Africom ayaa lagu dilay maleeyshiyaad ka tirsan khawaarijta.

Howlgalka oo xilli hore oo saakay ah ka dhacay goob 35km Koofur bari uga beegan Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud, ayaa lagu dilay 5 dhagar qabe waxaana lagu burburiyey goob wayn oo fariisin u ahayd khawaarijta isla markaana ay ka wadeen abaabul.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya ayaa wada howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya deegaanada hawdka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Ciidanka ayaa kusii siqaya Galhareeri iyo Ceel-buur

Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in labada degmo ee ka maqan Galmudug ay si kama dambays ah uga bixin doonaan gacanta cadowga.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay sanad guurada 17-aad ee Galmudug ayaa hambalyo ka dib sheegay In dabaal degga sanad guurada Galmudug uu ka dhici doono degaannada ay khawaarijtu haatan joogaan, sida uu qorshuhu yahay.

“Sanad guuradaan, sanad guuradeeda dambe meelo badan oo anay maanta suurta gal ka ahayn in ay ku qabsoonto ayaan rajeyneynaa haddii Alle yiraahdo”

Madaxweynaha ayaa xusay in wejigii koobaad ee dagaalka laga xoreeyay khawaarijta inta badan Hirshabeelle iyo Galmudug, isagoo sheegay in reer Galmudug ay door weyn ka qaateen dagaalka ka dhanka ah cadowga ee labada maamul goboleed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta ee dul jooga goobaha kooban ee ay cadowga kaga hareen Galmudug iyo dadka kasoo baxsaday kal hore xarumaha khawaarijta ee ka qayb qaadanaya halganka lagu xoreynayo shacabkooda.

Halganka lagu cirib tirayo haraadiga khawaarija ayuu sheegay madaxweynuhu in dhowaan uu ka billaaban doono dowlad goboleedyada kaafur galbeed iyo Jubbaland, si maamulladaasi ugu guuraan xarumahoodii ku meel gaarka ahaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Galmudug ay heerkan kusoo gaartay xasillooni siyaasadeed, wuxuuna xusay in asaaska horumarkuna lagu gaaro dib u heshiisiin bulsho, loona baahan yahay in mar walba lagu dhaqmo

Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay inuusan cadowgu noogu faa’iideysan in dadka la geliyo dagaallo sokeeye, ciddii ficilladiisa ku kacana uu yahay Khawaarij.

“Shabaabku yaanu arrintaasi noogu faa’iideysan, marxaladda aan ku jirno, dagaalka aan ku jiro, xoreynta aan ku jirno, soo celinta karaamada aan ku jirno, u hiillinta diinteena iyo shareecada aan ku jirno, ninka nin ku duulaya ee dilaya ama reerka reer ku duulya ee dilaya waa Al-shabaab”.

 

Ciidanka Xoogga dalka oo Cagta mariyay saldhigyadii ay Khawaariijtu ku lahayd xadka ay wadaagaan Galgaduud iyo Sh/dhexe

0

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashana dadka degaanka ayaa cagta mariyay dhamaan saldhigyadii maleeshiyaadka Khawaariijta ay  ku lahayeen xadka ay wadaagaan gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe.

Saraakiisha hoggaamineysay holgalkan ayaa Warbaahinta qaranka u sheegay in dhamaanba goobahii ay kaga dhuumaleeysanayeen Khawaarijta Al-Shabaab xadka u u dhaxeya gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe, laga saaray halkaana looga laayay tiro maleeshiyaad ah.

 

Ciidamada Israel oo Daanta Galbeed ku dilay dad falastiini ah

Ciidamada Israa’iil ayaa dilay laba qof oo Falastiini ah ,kadib markii ay weerar ku qaadeen xero qaxooti oo ku taal Magaalada Jericho   ee Daanta Galbeed ee, sida ay ilo-wareedyo caafimaad u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in iska hor imaad hubeysan uu dhexmaray ciidamada Israel iyo kooxo hubeysan, balse lama oga in labada nin ee la dilay ay ku lug lahaayeen weerarada ay ay halkaasi ka fuliyeen Israa’iil oo socday wax ka yar hal saac.

Laba nin oo dhallinyaro ah ayaa loola cararay cusbitaalka, iyadoo ay ka muuqdaan rasaas kaga dhacday qeybta kore ee jirka,sdia uu saaka oo talaado ah xaqiijiyay agaasimaha Isbitaalka Jericho.

Maalinimadii Axadda ee la soo dhaafay 3 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Magaalada Jenin,waxaana sii kordhay  rabshadaha iyo xasuuqa ay ciidamada Israa’iil ku hayaan dadka degan Daanta Galbeed ee la haysto.

 

Ra’iisal wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann oo soo gabagabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku ammaanay doorka wada-shaqeyneed ee ay ka qaadatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub muddadii ay joogtay, gaar ahaan meelmarinta heshiiskii geeddi-socodka wada-shaqeynta labada dhinac.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda Dan-qaran sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee aan la leenahay Midowga Yurub, isaga oo dhanka kale guul iyo nasiib wacan u rajeeyey danjiraha.

Dhankeeda danjire Tiina Intelmann ayaa ka mahadcelisay sidii diiraneyd ee loola shaqeeyey muddadii ay gudanaysey waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

 

Soomaaliya Kenya iyo Mauritius oo ka wada hadlay xoojinta xiriirkooda

0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulamo miro dhalay la qaatay safiirka dalka Kenya Amb. D.Raj  Busgeeth iyo kan dalka Mauritius Amb. Jean Njeri Kamau ee dalka Ethiopia.

Kulamadaas ayaa ku qotomay adkaynta cilaaqaadka saddexda dal, iskaashiga iyo ka wada shaqaynta horumarka guud ahaan dalalka Gobolka Geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya, Kenya iyo Mauritius.

Safiir Warfaa, ayaa soo dhoweyn iyo hab-maamus waafqasan curfiga Diplomaasiyadda caalamka kala kulmay labada danjire ee Kenya iyo Mauritius, isagoo uga mahadceliyay soo dhoweynta ay ugu sameeyeen safaaradahooda Addis Ababa, sidoo kale wuxuu warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya, isagoo u iftiimiyey in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku guulaysatay tillaabooyin kala duwan oo ay u qaaday dhinaca kobcinta Dawlad-wanaaga iyo adkaynta Nabad-gelyada, ayna muhiimad weyn u leedahay in dalalka Geeska Africa ay si buuxda u garab istaagaan Soomaaliya.

Sidoo kale, Ambassador Warfaa ayaa dhiggiisa Kenya Ambassador Jean ku adkeeyey in labada Safaaradood ee Soomaaliya iyo Kenya ee dalkan Ethiopia ay sii xoojiyaan wada shaqaynta iyo iskaashiga maadaama ay wakiil ka yihiin dalal daris ah oo ay ka dhexeeyaan arrimo badan oo muhiimad weyn u ah horumarkooda iyo midka Geeska Africa.

Danjire Warfaa iyo Safiir D.Raj, ayaa dhankooda si wada jir ah u bogaadiyay xiriirka laba geesoodka soo jireenka ah ee ka dhexaaya Soomaaliya iyo Mauritius waxayna isla qaateen in lasii xoojiyo iskaashiga labada dal.

Danjirayaasha Kenya iyo Mauritius ayaa si buuxda u caddeeyey inay sii xoojin doonaan xiriirka iyo garab istaagga ay la leeyihiin Soomaaliya, ayna ku taageeri doonaan dedaalka ay Soomaaliya ugu jirto Dawlad-wanaaga iyo adkaynta Nabad-gelyada.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo furay shir looga hadlayay ceymiska xoolaha.

0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta muqdisho ka daah-furay shir looga hadlayay arrima la xariiro ceymiska Xoolaha,kaa oo ay ka soo qeyb kaleen xunnno ka socday dowlad goboleedyada dalka.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS Xasan Xuseen Maxamed oo furay shirka ayaa sheegay in ay muhiim tahy in si wadajir ah looga wada shaqeeyo howlaha ceymiska xoolaha,iyo sidii  Masharciida si iskumid ah looga fulin lahaa dhammaan gobolada dalka.

” Mashruuca Ceymiska Xoolaha wuxuu muhiim u yahay Xoolo dhaqatada waana inay ka faaiideystaan si ay uga gaashaantaan abaaraha soo noq noqda”.

Waxa uu sidoo kale wasiirka xubnaha shirka ka qeybgalay iyo qolada fulineyso mashruuca Ceymiska u sheegay in ay muhiim tahay in kulanka uu noqdo mid  ay ka soo baxaan qodobo wax badan ka badali doono dhibatooyinka dadka reer miyaga ah heysto oo ay abaartu kamid tahay
Xubnaha maamul goboleedyada Dalka ayuu wasiirku timaamay in lalal Sheqeeyo oo la gaarsiiyo adegyada Ceeymiska Xoolaha si loo daadajiyo adegyada dowladnimo.

Howlgal Amniga lagu xaqiijinayo oo laga sameeyay Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

0

Taliyaha Qaybta 27aad Ciidanka Dhulka XDS G/Sare Faarax Kooshin ayaa Hawlgalo lagu Nadiifinayo Khawaarijta ka Sameeey degaanno Hoostaga Magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Howlagalka ayaa daaranaa Nadiifinta haraadiga khawaarijta ee ku dhuumaaleysanayo degaanno hoostaga Magaalada Halgan,halkaa oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ka sameeyeen howlgal baritaano ah,waxana sarakiisha howlgalka hoggaamineysay ay shacabka u shegeen in ay la shaqeyaan ciidamada amniga.

Degaanno badan oo katirsan gobolada Galmudug iyo Hirshabeelle waxa si dar-dar ah uga soconayo howlgallo kala duwan oo khawaarijta looga saarayo goobaha fara ku tirska ah ay degaanada qaar kaga sugan yihiin,

waxaana xusid mudan in mudda todobaad ku dhow uu magaalada Dhuusamareeb  ku suganyahay Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh oo ujeedka uu  halkaa u tagay ay tahay dar-dargalinta howlgalada dalka looga sifeeynayo khawaarijta.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socdo degaannada Hirshabeelle

0

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo Ciidamada dib u xoreynta deegaanka ay ku xoreeyeen Degmada Ruunir-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka dib u xoreynta deegaanka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay Degmada Ruu-nirgood iyo deegaanada hoos yimaada sida Hilowle gaab iyo Ceelbacad,

Madaxweynaha ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta ee shacabka Degmada Ruunir-good iyo deegaanada hoos yimaada ka dul-qaaday cadowgii ku habsaday mudada dheer.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xusay in wajiga labaad ee howlgalka lagu xoreeyn doono dhamaan deegaanada dhaca Galbeedka Wabiga ee Dowladda goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhagax dhigay wadada isku xirta Suuq Bacaad iyo Janaraal Daa’uud

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddo Laami ah ah  Waddooyinka Suuq Bacaad iyo Janaraal Daa’uud ee degmada Yaaqshid.

Hirgalinta dhismahaan oo qeyb ka ah mashruuca dalkaaga ku dhiso hal Dollar ayaa fulinteeda waxaa iska kaa shaday Maamulka Degmada Yaaqshid, bulshada deegaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha oo waddooyinka ugu horeeyaan.