Home Blog Page 403

Daadad mar kale ku rogmaday Baardheere oo sababay dhimasho

0

Daadad xooggan ayaa ku soo rogmaday degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waana markii labaad muddo toban maalmood gudahood ah.

[DAAWO] Maxamed Amiin waa naafo Inuu dawarsado ka doortay inuu shaqo adag ka shaqeeyo

0
Waa makaanig Sameeya ama cilad bixiya Gaadiidka ,waa dheeri galiye madadaaliye mararka qaar ka qosliya kumaan soomaali ah aad looga yaqaan allaada caanka ah ee tiktook,waa arday dhigta sanadkii ugu danbeyey ee waxbarshada,cida aan ka hadlaayo waa Maxamed Xasan Cali.

 

 

Wasiirka Arimaha Guddaha XFS oo sheegay in deeganadii khawaarijta laga saaray ay gaarsinayaan Gargaar

0

Wasirka Arimaha Guddaha XFS Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in Tudabaadka soo socda deeganadii dhawaan laga xoreeyey khawarijta ay gaarsiin donaan Gargaar si dadka deganadas ku nool ee danta yar ay ugu qeybiyeen.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo digniin u diray shirkaddo iyo dad isku dayay isticmaalka Dukumiintiyada been abuurka ah

0

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa lagu sheegay in ay baaris ku wadaan  shirkaddo iyo dad ku eedaysan dukumiinti been abuur oo ay sameysteen,kuwaas oo Dukumiintiyada dowladda si been abuur ah u isticmaalay,iyaga oo ujeedadood ay ahayd ka qeyb galka tartanka loogu jiro u adeegida shacabka Soomaaliyeed ee u diyaar garoobay gudashada  Acmaasha Xajka Sanadkaan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri:- xafiiska xeer ilaaliyah guud ee Qaran waxaa u baaris ku hayaa shirkaddo  iyo dad ku eedeysan dukumiintiyo been abuur ah oo ay semysteen,kuwaas oo dukumiintiyada dowladda si been a buur ah ugu sameysteen si ay uga qayb galaan tartanka loogu adeegayo Ummadda Soomaaliyeed ee dooneysa in ay soo gudtaan Acmaasha Xajka ee Sanadkaan.

Halkaan hoose ka Akhirso war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta guud Ee Qaranka.

Abiy Axmed oo mas’uul ka tirsanTPLF u magacaabay madaxweynaha gobolka Tigray

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Getachew Reda oo ah mas’uul sare oo ka tirsan TPLF u magacaabay madaxweynaha cusub ee maamulka kumeel gaarka ah ee gobolka Tigray.

𝙂𝙤𝙡𝙖𝙝𝙖 𝙒𝙖𝙨𝙞𝙞𝙧𝙧𝙖𝙙𝙖 𝙤𝙤 𝙡𝙖 𝙝𝙤𝙧𝙠𝙚𝙚𝙣𝙖𝙮 𝘿𝙖𝙧𝙖𝙖𝙨𝙖𝙙 𝙬𝙖𝙭 𝙡𝙤𝙤𝙜𝙖 𝙦𝙖𝙗𝙖𝙣𝙖𝙮𝙤 𝙙𝙝𝙞𝙗𝙖𝙖𝙩𝙤𝙤𝙮𝙞𝙣𝙠𝙖 𝙖𝙮 𝙡𝙖 𝙠𝙪𝙡𝙢𝙖𝙖𝙣 𝙬𝙖𝙙𝙚𝙮𝙖𝙖𝙨𝙝𝙖 𝙂𝙖𝙖𝙙𝙞𝙞𝙙𝙠𝙖 𝘽𝙖𝙟𝙖𝙖𝙟𝙩𝙖

0

Muqdisho, Maarso 23, 2023; Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin looga dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha  Gaadiidka Bajaajta.

Kumaandooska Danab iyo ciidanka Jubbland oo burburiyey xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijtu

0

Faah-Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  Howlgal Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Danab  iyo Nabad sugidda Jubbaland ay ku burburiyeen xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijtu.

[DAAWO] Hay’adda Maareynta Musiiboyinka  oo 400 qoys oo Khawaarijta ka soo barakiciyeen deganadoodii Gargaar ugu qeybisay degmada Baxdo

0

Xilli Haatan Gobolada dalkeena uu ka curtay qeybo badan oo kamid  ah roobka Gu’ga dadka iyo duunyadana ku diirsadeen ayaa hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka  waxa ay gargaar degmada Baxdo ee gobolka galgaduud ugu qeybisay qoysas garaya 400 oo qoys oo hore saameen ugu yeelatay abaartii ku dhufatay dalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Daraawishta

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed oo muddo lagu diyaarinayey Dugsiga Tababarka Ciidamada itoobiya ee Magaalada Baydhabo.

Wasiiru dowlaha amniga iyo taliyaha booliska oo  ka qeyb galay munaasabad safaarada talyaaniga ku wareejisey gaadiid  dowlada Soomaaliya

0

Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Taliyaha Booliiska ayaa Ka Qeyb galay Munaasabad Safaaradda Talyaanigu ku Wareejisay Gaadiid dowladda Talyaanigu ugu deeqday Ciidamada Boliiska JFS.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso Ciidanka Boliiska.

Safiirka Talyaaniga Roberto Vechi  ayaa sheegay inuu Talyaanigu taageerayo codsiga madaxweynaha Jamhuuriyaddu ujeediyay Madaxda Talyaaniga si ay  gacan uga geystaan howlgalada ka dhanka Khawaariijta.

Wasiir Dowlaha Amniga XFS
Maxamed Cali Xagaa, ayaa ka mahadceliyay taageerada iyo Garab istaagga dowladda Talyaanigu siiso Ciidamada Amniga JFS