Home Blog Page 403

Dr. Mowlid Abdi Mohamed

Dr. Mowlid Abdi Mohamed, born in Mogadishu, Somalia, is a prominent figure in health communication and advocacy.He currently serves as the producer and coordinator of health messages across various National Media platforms, contributing significantly to public health education.

Amidst the Covid-19 pandemic in 2019, Dr. Mohamed was selected as one of the key doctors to disseminate accurate health information through written articles and videos, enhancing public awareness and promoting preventive measures.

In addition to his media role, Dr. Mohamed collaborates with the Benadir Regional Government’s Health Department, focusing on implementing effective health policies and addressing local health challenges.

His academic pursuits include advocating for health rights, combating female genital mutilation, and raising awareness about associated health risks. Dr. Mohamed’s efforts underscore his commitment to improving health outcomes and community welfare in Somalia.

Maraykanka oo malaayiin Dollar dul dhigey horjoogaha 2aad ee kooxda Al-Shabaab

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka ayaa sheegtay in lacag dhan 5 milyan oo dollar ay ku  abaalmarineyso qof  kasta oo soo sheega Abuukar Cali Aadan oo la tilmaamay in uu yahay ku xigeenka horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee dalkaasi,ayaa lagu sheegay in lacagaasi la siin doono cid kasta  oo keenta xog ku saabsan horjoogahaasi iyo sida loo heli karo.

Bishii Jannaayo 2018, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Abuukar Cali Aadan u aqoonsatay Argagixiso Caalamiga ah,kadib markii kooxdiisa la tilmaamay in ay khatar ku yihiin muwaadiniinta Mareykanka , amniga qaranka, siyaasadda dibadda iyo dhaqaalaha Mareykanka.

kooxdaan xagjirka ah ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraro badan oo ka dhacay  Soomaaliya, Uganda iyo Kenya,gaar ahaan weerarradii ismiidaaminta ahaa ee July 11, 2010 ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof oo uu ku jiray qof Mareykan ah.

Sidoo kale kooxdaasi waxa ay sheegatay weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi sanadkii 2013, halkaasi oo ay ku dhintay in ka badan 60 qof waxaana ku dhawacmay ilaa 200 oo kale.

2008-dii Maraykanka wuxuu kooxda Al-Shabaab u aqoonsaday urur argagixiso shisheeye.

Taliyaha Ururka 4-aad Guutada 16aad ee Danab oo booqday Qoysas ay ka shahiideen Qaar ka mid ah shuhadadda ciidanka CXDS

0

Taliyaha Ururka 4-aad Guutada 16aad ee kumaandooska Danab Cabdullaahi Mustaf Cali {Madaala-Qaran} iyo madaxa arrimaha bulshada ururka 4-aad ee Danab Ayaa Maanta Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose ku  booqday Qooysas ay ka shahiideen Qaar ka mid ah shuhadadda ciidanka CXDS ee Danab .

Afhayeenka Booliska oo kawarbixiyey khasaaraha ka dhashay Qarax ruux naftii haliga ah uu ku weereray goob ay ku shaahaan dhalinyaro

0

Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay Qarax ruux naftii haliga ah uu ku weereray goob ay ku shaahaan dhalinyaro.

Hay’adda SoDMA iyo Bulshada rayidka oo ka shiray Roob wata Fatahaado iyo daadadkal El-Niño oo ku soo wajahan dalkeena

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu kulan deg-degg ah kula qaatay Xubno ka kooban qeybaha kala duwan ee Bulshada sida Culimada,Midowga Jamacadaha,Bankiyada ,Rugta Ganacsiga iyo masuuliyiin kale,waxaana looga warbixiyey cabsi xoogan oo laga qabo in guud ahaan Wadanka ka da’o Roob xoogan maalmaha ina soo aadan oo ka badan cadadii la sugayey taas oo ka dhalan karta Fatahaado,iyo daadadkaEl-Niño.

Hay’adda NISA oo gacanta kusoo dhigtay shaqsigii Khawaarijta ah uga soo iibin jiray dibadda hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo

0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta ah uga soo iibin jiray dibadda hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha cusub ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaliyeed oo xilka la wareegay

0

Munaasabad uu xilka kula waregayay Taliyaha cusub ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa ka dhacday Taliska ciidanka dhulka XDS.

Munaasibadda xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka soomaliyeed,hoggaannada ciidanka, kan gaadiidka, xiriirka arrimaha dibedda ,hanti dhowr iyo marti sharaf kale.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed sarreeye Guuto; Madey Nuureey Sheekh ayaa Xilka u kala Wareejiyey Taliyaha cusub ee xilka la wareegay gashaanle sare Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyihii hore ee Ciidanka dhulka Sarreeye guuto; Axmed Aadan Cali.

Taliye ku -xigeenka CXDS sarreeye Guuto Madey Nuureey Sheekh Ufuroow ayaa kula dar daarmay tliyaha cusub inuu dar dargeliyo howsha culus ee loo igmaday ,wuxuuna taliyuhu eebbe uga baryay inuu Alle la garab galo waajibaadka adag ee horyaallo.

 

Soomaaliya oo ka faa’ideysaneysa adeegsiga Tamarta

0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka wadatashiga adeegsiga Tamarta oo maalintii labaad ka socda magaalada Beijing ee caasimadda Dalka Shiinaha.

Danjiraha ayaa jeediyay Khudbad muhiim ahayd, wuxuuna carabka ku adeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka faa’ideysiga tamarta iyo iskaashi dhexmara dalalka deriska ah.

Ka qeyb galka Danjire Kullane ee shirkan ayaa tusaale cad u ah sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sahminta xalal tamareed oo waara si wax looga qabto caqabadaha adag ee hortagaan horumarinta dalka. Soomaaliya waxaa muhiim u ah helitaanka ilo tamar oo la isku halayn karo oo nadiif ah si aan u xaqiijino hamigeenna ku aaddan horumar taabba gala.

Ugu dambeyntii, Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa tilmaamay sid ay Soomaaliya u daneyneyso in ay beesha caalamka kala shaqeyso sidii looga faa’ideysan lahaa tamarta nadiifka ahee ka curta hawada iyo qoraxda.isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hindisaha iyo fikradda laga helay shirka.

Taliyaha Asluubta oo Xabsiga dhexe ka dhagax dhigay qayb u gaar ah maxaabiista qabta cudurrada faafa

0

Taliyaha Ciidanka Asluubta General; Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa xabsiga dhexe ka dhagax dhigay qeyb lagu karantiilayo maxaabiista qaba cudurrada faafa.

Taliye Mahad ayaa sheegay in sheegay in saraakiisha Xabsigu ay usoo gudbiyeen in halkaasi lagu hayo dadka qaba cudurrada faara, kuwaas oo la ogaado marka kiiskooda loo gudbiyo Maxkamadaha, si caafimaadkooda loo ilaaliyana loo dhiso qayb gaar u ah bukaanka.

Wuxuu sheegay Taliyuhu in ay qaybtan ku dhisayaan si is-xilqaan ah, wuxuuna dowladda dhexe iyo bulshada Soomaaliyeedba ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dhismaha gaarka ah ee loogu tala galay maxaabiista qabta cudurrada faafa.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan xuska dhalashada Nebiga CSW

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo iyo farriin ku saabsan xuska dhalashada Xabiibkeenna Muxamed nabad-gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay ku daydaan raadkii Nebiga CSW iyo dhaqankiisa suubban, wuxuuna mar kale ugu digay in ay ka fogaadaan sharta khawaarijta iyo qalloocinta sunnada Rasuulka SCW.