Home Blog Page 402

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS oo booqday Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka

0
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS, Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa Maanta Booqday Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA.

Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka oo Magaalada Xaradheere Gar-gaar ugu qeybisay 600 oo Qoys

0

Iyada oo la fulinayo awaamiirta madaxda dalka ugu sareysa oo ahaa in deganadii khawaarijta laga saaray la gaarsiiyo bulshada ku nool gar-gaar xilli lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa Hay’adda Maareynta musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed waxa ay Degmada Xaradheere iyo deganada Hoosyimada gargaar ugu qeybisay 600 oo qoys oo iskaga kala yimid deeganada xaradheere hoostaga iyo xafadaha magaladaas.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Qaramada Midoobay UNHCR Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Qaramada Midoobay UNHCR Soomaaliya Mudane Magatte Guisse.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo Madaxweynaha Hiirshabelle oo si weyn lagu soodhaweeyey Aadan-yabaal

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada deeganadii laga xoreeyay Khawaarijta ayaa  gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe .

Madaxweynaha jubbaland oo magacaabay guddiga gurmadka fatahaada ku dhufatay degmada Baardheere

0

Kadib Fatahaada ka dhacay Degmada Baardheere taa oo galaafatay naf iyo maal, isla markana u baahan gurmad deg deg ah oo lala gaaro dadka musiibadan ay saamaysay ayaa Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu Halkan ku magacaabayaa Xubnaha Guddiga Gurmadka Fatahaada Degmada Baardheere oo ka kooban;

[DAAWO] Madaxweynaha JFS oo gaaray degmada Aadan Yabaal

0

Wafdi oo  uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaas waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle cali Guudlaawe, saraakiisha Ciidanka iyo qeybaha bulshada.

Taliska ciidanka booliska oo gacanta ku dhigay askari fal awood sheegasho kula kacay muwaadin

0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka jawaabaya cabasho ka soo gaartay muwaadin lagula kacay fal awood sheegasho ah, uuna u gaystay askari ka tirsan Booliska ayaa waxay soo xireen askarigii dhibka geystay, kaasi oo la horgayn doonaa sharcigao.

Sirdoonka Soomaaliya oo dilay dhagarqabayaal katirsan khawaarijta Al-shabaab

0

Ciidanka ammaanka, gaar ahaan kuwa Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Isgoyska Bakaaraha ku toogtay laba dhagarqabe oo ka tirsana Khawaarijta, kuwaas oo ku hubaysnaa laba qori, ragaan waxay isku dayeen inay dhibaateeyaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Xarun dowladeed oo ku taalla Faransiiska oo dab la qabad siiyey

Xarunta dowladda hoose ee magaalada Bordeaux ee dalka Faransiiska, ayaa dab la qabadsiiyay, iyadoo ay sii socdaan mudaaharaadyada Faransiiska, ee ka dhanka ah qorshaha lagu kordhinayo da’da hawlgabka.

Ciidamada Gaarka ah ee  xeebaha Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay in kabadan 700 oo tahriibayaal ah

Ciidamada Gaarka ah ee  xeebaha Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay ku dhawaad 750 tahriibayaal ah labo howlgal oo kala duwan oo ay sameeyeen xeebaha koonfureed ee Liibiya,saacado kadib markii ugu yaraan shan qof oo kasoo baxay xeebaha Tunisia ay ku dhinteen 33 kalena weli lagu la’yahay.