Home Blog Page 402

Madaxweyne Laftagareen oo qaabbilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada KGS ee Magalaada Baydhabo ku qaabbilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka KGS.

Kulaankaan ayaa looga hadlay qaban-qaabada shirka Madasha iskuwidda Arrimaha Bini’aadanimada oo Baydhabo ka furmaya maalmaha soo socda,Xaalada El-Niño ee waddankeenna ku soo wajahan taas oo wadata Roob xooggan, sababi kartana fatahaado iyo daadad.

Shirka waxaa ka qeybgalay,Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Wasiiradda Gargaarka Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Wakiillo ka socda Beesha Caalamka.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Muqdisho ka daahfuray wajiga 2-aad ee shirka mideynta farriimaha dowladda & kuwa maamul gobolleedyada

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Sooomaaliya, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Magaalada Muqdisho ka daahfuray wajiga 2-aad ee shirka mideynta farriimaha dowladda iyo kuwa maamul gobolleedyada.

Wasiir Daa’uud oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa ugu horreyn waxa uu dulmar guud ku sameeyey qodabadii ugu muhiimsanaa ee diiradda lagu saaray wajiga koowaad ee shirka, isaga u jeedka shirka uu ku sheegay in ay tahay sidii loo mideen lahaa fariimaha dowladda.

“Warbaahinta 20-kii sano ee la soo dhaafay waxaa ku yimid isbadallo badan, taas oo nagu qasabtay in fariimaha dowladda ay noqdaan kuwa mideysay, oo aan isbarbaryaac iyo kala hadal lahayn, taas waxa ay nagu qasabtay diyaarinta safarkii dheeraa ee istaraatiijiyadda,” sida uu yiri Wasiir Daa’uud Aweys.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Sooomaaliya, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in xilligaan ay jirto warbaahin xur ah iyo midda baraha bulshada, oo inta badan ku shaqeeya marin habaabin, iyaga oo aan raacin habraaca saxaafadda.

Ugu dambeyn Wasiirka Daa’uud ayaa sheegay in maanta dowladda ay kula jirta dagaal Khawaarijta, kaas uu sheegay in la doonayo si isku mid ah loo wajaho, si bulshada Soomaaliyeed loola wadaago fariimo isku mid ah.

Guddiga Saaxiibtinimada Ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Qatar oo Guddoon Doortay

0

Xubnaha Guddiga saaxiibtinimada Labada Aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Majlis Shuuraha Qatar, ayaa maanta iska dhex doortay guddoonka guddigaas ee dhinaca Somaliya.

Doorashada oo ahayd hab gacan taag ah kana dhacday 𝐕𝐢𝐥𝐥𝐚 𝐇𝐚𝐫𝐠𝐚𝐲𝐬𝐚 ayay ku doorteen xubnahan kala ah.

Guddoomiye Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire
Guddoomiye ku xigeen Senator Axmed Maxamed Saciid (Irbad)
Xoghaye Senator Ayaan Aadan Cabdullaahi

Xubnaha la doortay ayaa balan qaaday in ay ku dadaali doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Qadar iyo shacabka walaalaha ah ee labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Imaaraadka carabta u fadhiya Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta ee  Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi, iyagoo ka wada hadlay xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii joogteyn lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Dowladda Imaaraadka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadamnimada.

Danjire Al Rumaithi ayaa mahadcelin ka dib, wuxuu Xukuumadda #Danqaran ku bogaadiyey horumarrada ay ka sameysay dhinacyada sugidda amniga iyo dowlad wanaagga, wuxuuna adkeeyey sida ay Imaaraadka uga go’an tahay sii joogteynta taageerada uu siiyo Soomaliya.

Danjire Al Rumaithi ayaa ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Xamsa soo gaarsiiyey casuumaadda shirka isbeddelka cimilada ee COP 28 oo ka dhacaya dalka Imaaraadka bisha  DECEMBER 2023.

madaxweyne xasan sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida duqii hore ee magaalada mogdisho cali ugaas cabdulle.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamuud oo tacsi tiiranyo leh u diray qoyska uu ugu horeeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, qaraabada iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Cali Ugaas Cabdulle ayaa tilmaamay dadaalka Marxuumku uu ku bixiyey nabadaynta iyo horumarka dalkeenna

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cali Ugaas Cabdulle uu muddada dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiliyadii adkaa ee uu dalkeenna soo maray, Alle ha u naxariistee Cali Ugaas ayaa soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Safiirka dalka Talyaaniga iyo Duqii Magaalada Muqdisho Sanadkii 1987-1990,

“Inna lillaahi wa inna ilaayhi raajicuun Alle ha u naxariisto Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Siyaasi ruug caddaa ah iyo Nabaddoon door weyn kasoo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo samatabixinta dadka soomaaliyeed”

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiis, ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Cali Ugaas Cabdulle.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo ku geeriyooda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa muwaadin dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo, isla markaana kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa oo uu ugu horreeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle.

Marxuum Cali Ugaas Cabdulle ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, kuwaas oo ay ugu muhiim sanaayeen Duqa Muqdisho iyo Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Talyaaniga.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa maanta Gaaray Magaalada Baydhabo

0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Garoonka diyaradaha Shaati Gaduud Wafdiga Guddoomiyaha waxaa ku soodhaweeyey Wasiiro,Xildhibaano, Maamulka Gobolka Baay, Kan Degmada Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka Wafdiga Guddoomiyaha u gareen Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka Shirka
Madasha Arrimaha Bini’aadamnimada oo looga hadlaayo xaaladaha bini’aadanimo ee wadanka,kaas oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Maareynta ayna ka qeybgalayaan Wasiirada Gargaarka Dowladd Goboledyada dalka ka jira,Gobolka Banaadir ,wakiilo ka socda Beesha Caalamka kaas oo malamaha soo socda ka furmaya Baydhabo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka tacsiyeeyay geerida Duqii hore ee Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxriisto Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Marxuumka uu kaalin weyn kasoo qaatay Nabadeynta, isku keenida ummada Soomaaliyeed iyo dib u yagleelida Dowlad-dhiska Soomaaliya. Asigoona eebe ugu baryay Marxuumka in uu jannaddi fardowso ka waraabiyo.

Allaha u naxariisto Cali Ugaas Cabdulle ayaa Duqa Magaalada Muqdisho noqday sanadihii 1987-1990 dowladdii Kacaanka.

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir: Laba bilood gudahood ayaan khawarijta uga saareynaa jiinka Wabiga

0

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo abaabul ciidan oo ka dhan ah khawaarijta kawada degaanno katirsan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in laba bilood gudahood ay khawaarijta uga saari doonaa degaanada ay kaga sugan yihiin Jiinka wabiga,si looga dhameeyay khawaarijta guud ahaan gobolka Hiiraan.

” Laba bilood gudahood ayaan khawarijta uga saareynaa jiinka Wabiga.”ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir

Xildhibaanka ayaa ballan qaaday in dowladda ay ciidamada dadka degaanka ee is abaabulay ay diyaar ulatahay Hub iyo wax ay cuni lahayeen balsa ciidanka looga baahan yahay in ay u diyaar garobaan dagaalka khawaarijta looga saaray degaanada dhaca jiinka wabiga oo ay dhibaato ka soo maleegaan khawaarijta.

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir iyo Masuuliyiin kale oo katirsan dowladda kana soo jeeda gobolka Hiiraan ay mudda halkaa u jogeen dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah khawaarij ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidanka Dhulka oo gaaray deeeganka Biya-cadde ee gobalka Shabeelaha dhexe

0

Taliyaha ciidanka dhulka xogga dalka Soomaliyeed G/sare dayax Cabdi Cabddulle oo ay wehliyaan Masuuliyiin kale ayaa gaaray deeeganka biyacadde ee gobalka Shabeelaha dhexe.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo fadhigodu yahay deegaanka Biyacadde ayaa halkaas ku soo dhaweeyay Wefdiga taliyaha, ujeedka socdaalka ayaana ah dardar galinta howlgalka Ciribtirka Khawaarijta.

Degaanno katirsan shabeellaha dhexe waxaa ka soconayo howlgallo ka dhan ah khawaarijta,halkaa oo lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad.badan oo katirsan khawaarijta.