Home Blog Page 395

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Somalia kula kulamy wasiirka arrimaha Dibaddaa Finland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Mudane Pekka Haavisto oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga arrimaha faa’iidada u leh labada dal.

Dowladda Finland ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarka iyo dowlad-dhiska dalkeenna.

Waxaa sidoo kale mas’uuliyiinta ka socda dowladda Finland ay kulan la qaadan doonaan qaar kamid ah wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyaga oo kawada hadli doono dhinacyada iskaashiga iyo waliba wadashaqeynta.

May be an image of 4 people

May be an image of 3 people and the Oval Office

May be an image of 4 people and the Oval Office

Muqdisho-Somalia

Madaxweynaha Jamahuuriyadda oo booqday ciidamo cusub oo ka tirsan Millatariga dalka kuwaasi oo ka qayb noqonaya sugidda amniga Muqdisho

0

Muqdisho, Maarso 07, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta kormeer ku tagay xerada Hiil-weyne oo ku taala inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad, halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo dhawaan tababar kusoo qaatay dalka Yugaandha.

[DAAWO] Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Ganacsatada uga digay ka ganacsiga agabka ciidanku leeyahay

0

Madaxweynaha JFS  mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee ay mas’uuliyiinta dowladda ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka iyo agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo Khadka Telefoonka maanta ku xariiray Ra’iisul Wasaaraha dalka Seerbiya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa waxa ay khadka telefoonka maanta ku wada xiriireen Ra’iisul Wasaaraha dalka Seerbiya, Ana Brnabić oo ay ka wada hadaleen xoojinta iyo adkeynta iskaashiga iyo xiriirka wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Seerbiya.

Milateriga Maamulka Yahuuda oo duqeymo culus ka fuliyey Qaza

Milateriga Maamulka Yahuud ee  Israa’iil ayaa sheegay in ay qaadeen weerarro dhanka cirka ah oo aargoosi ah kuwaas oo ay ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla Qaza iyo koonfurta Lubnaan ka dib markii in ka badan soddon gantaal lagu riday Israa’iil.

[DAAWO] Wafdi uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Finland oo Muqdisho soo gaaray

0

Wafdi uu horkacayo wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Finland Pekka Haavisto ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho  iyadoo uu Garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimsha Dibedda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse.

 Ciidanka xoogga dalka ayaa saaka Khawaarijta ka xoreeyay degmada Galcad ee  gobalka Galgaduud

0

Ciidanka xoogga dalka ayaa saaka Khawaarijta ka xoreeyay degmada Galcad ee  gobalka Galgaduud.

Soomaaliya  oo loo doortay qabashadda Guddoonka waddamadda xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Yareeynta Khataraha

0

Shirka 13-aad ee sanadlaha ah oo ay ku kulmeen 35-ta dal ee xubnaha ka ah ururka African Risk Capacity (ARC) oo ay  Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Soomaaliya ku meteleysay ayaa waxaa sanadkan Gudoonka waddamadda xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity (ARC) ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Yareeynta Khataraha Musiibooyinka u doorteen Soomaaliya in ay noqoto.

Wasiirka Kalluumegsiga XFS oo saxiixay xeerka bixinta shatiyada, kormeerka, iyo ilaalinta aagga dhaqaalaha gaarka ah iyo Maraakiibta Soomaaliyeed

0

Wasiirka wasaaradda Kalluumegsiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa saxiixay xeerka bixinta shatiyada, kormeerka, iyo ilaalinta aagga dhaqaalaha gaarka ah iyo Maraakiibta Soomaaliyeed ee ka howlgala meel ka baxsan biyaha Soomaaliya.

Howlgalka Wajiga 2aad ee dagaalka Khawaarijta ayaa maanta ka bilowday gobolka Hiiraan

0

Howlgalka Wajiga 2aad ee dagaalka Khawaarijta ayaa maanta ka bilowday gobolka Hiiraan kaas oo uu horkacaayo Guddoomiyaha Gobolka Hraan calu Jayte Cismaan.