Home Blog Page 359

Madaxweynaha JFS oo kulan casho sharaf ah ku maamuusay madaxda iyo mas’uuliyiinta ka qeybgalay shirkii Wadatashiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf ku maamuusay Madaxda iyo masuuliyiinta hore ee ka qeyb-galay kulankii wadatashiga ahaa ee shalay ku soo gaba-gaboobay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyey masuuliyiintan ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynuhu muujiyey sida uu mudnaanta u siinayo dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Madaxdii hore ayaa bogaadiyay kulanka wadatashiga ee uu fidiyay madaxweynaha waxaana ay sheegeen in dowlada Soomaaliyeed ay ku garab siinayaan halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.

Casho sharaftan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Kuxigeenadiisa Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Kuxigeenadiisa Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi cali Xersi.

Isku aadka is reebreebka koobka adduunka 2026 ee dalalka Afrika oo la sameeyay.

Magaalada Abidjan ee dalka Ivory coast ayaa lagu sameeyay isku aadka dalalka Afrika ee is reeb reebka koobka aduunka ee 2026, waxaana Soomaaliya ay gashay group-ka G.
Ciyaarahaan ayaa socon doona muddo ku dhaw 2 sano waxaana dal kasta oo Afrika ah uu dheeli doonaa 10 ciyaarood.
Soomaaliya sanadkan waxay fursad weyn u heysataa ka qeyb galka koobka Adduunka ee 2026.

Ergayga Madaxweynaha ee Qulqulka hubka oo taageertay Ansinta Hindisaha Hubka.

La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xakameynta qul-qulka hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya Marwo Makko Maxamuud Muuse ayaa soo dhaweysay anixisinta Hindiso sharciyeedka hubka Soomaaliya oo maanta Golaha Wasiirada ay ansixiyeen.
Waxay sheegtay in sharcigaan uu muhiim u yahay in la xakameeyo hubka sharci darrada ah, islamarkaana tallaabadan lagu xoojinayo in hay’adaha dowladda kaliya ay gacanta ku hayaan awoodda dalka.
“ Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka Golaha Wasiirada sidoo kale waxaa ka go’an dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh in guud ahaan dalka laga sifeeyo hubka sharci darrada ah si looga hor tago falalka amni darrada ah, Soomaaliyana looga qaado cunaqateynta hubka” ayey ku tiri qoraal ay soo saartay Marwo Makko.
Shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada kaa oo muhiim u ah qorshayaasha amni ee dowladda.

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa ansixiyay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la magacaabey

0

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ansixiyay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo loo magacaabay Mudane, Axmed Saciid Maxamed, kaddib soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee magacaabista xubnaha Golaha Maamulka Hay’adda Korontada oo laf-dhabar u noqon doonta kor-joogtaynta farsamo iyo dhaqan-galinta Sharciga Korontada, xubnaha oo ka kooban sagaal xubnood ayaa lagu soo xushay khibraddooda.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa goluhu ka dhageystay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan Amniga, Waxbarashada iyo Hirgalinta Nidaamka Aqoonsiga dadweynaha.

Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Serbia waxaa kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Dhiggiisa Rugta Ganacsiga Serbia

0

Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia,waxaa kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdikariin Cali Gabayre iyo Dhiggiisa Rugta Ganacsiga Serbia oo ay wehliyaan qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee dalkaas, iyadoo uu kulanka goobjoog ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Serbia Danjire Maxamed Cabdullahi Maxamed.

Shirkadaha Ganacsiga ee labada dal Somalia iyo Serbia ayaa rajeynaya in ay ka wada Faa’iideystaan xeebta dheer ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Barigga Africa oo dhan u noqon karta marin Ganacsi iyo Serbia oo ah dal wax soo saar fiican leh weliba dhinac Macdanta, Beeraha Tiknoolajiyadda iyo Warshadaha.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashaan lahaa Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Serbia iyo sidoo kale Ganacsiga gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyood badda Cas.

kulanka wadatashiga madaxdii hore iyo siyaasiyiinta oo maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho.

0

Shirka Wadatashiga Madaxda Qaranka, Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta ayaa maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho waxaana maanta kulanka ku biiray Guddoomiyaasha labada gole ee Baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoominaya shirka oo qorshuhu yahay in ay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah Masiirka Ummadda.

 

Shiinaha ayaa lagu eedeeyay inay jabsadeen emailada dowladda Mareykanka

Budhcad  fadhigoodu yahay Shiinaha ayaa galaangal u yeeshay xisaabaadka iimaylka ee ku dhawaad ​​25 hay’adood, oo ay ku jiraan hay’ado dawladeed, Microsoft ayaa sidaas leh.

Shirkadda weyn ee software-ka ayaan faahfaahin ka bixin halka ay ku sugan yihiin hay’adaha dowladda. Si kastaba ha ahaatee, waaxda ganacsiga ee Mareykanka ayaa BBC-da u xaqiijisay in Microsoft ay ku wargelisay weerarka.

Xoghayaha ganacsiga Gina Raimondo ayaa ka mid ahaa  shaqsiyaadka uu saameeyay jebinta, sida ay wararku sheegayaan.

“Microsoft waxa ay ogaysiisey waaxda tanaasulka nidaamka Microsoft Office 365, wasaaradduna waxa ay qaaday tillaabo degdeg ah oo ay kaga jawaabayso,” afhayeen u hadlay waaxda ganacsiga ee Maraykanka ayaa u sheegay BBC. “Waan la soconaa nidaamyadayada waxaanan si degdeg ah uga jawaabi doonnaa haddii dhaqdhaqaaq kale la ogaado  ayay raaciyeen.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warantay in wasaaradda arrimaha dibadda ay sidoo kale bartilmaameed ka dhigteen burcadda.Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa isla markiiba ka jawaabin.

Safaaradda Shiinaha ee London oo la hadashay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in eedeyntaasi ay tahay “war been abuur ah”, waxayna dowladda Mareykanka ku tilmaamtey

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u furay shirweynaha Wadatashiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Wadatashiga Madaxdii Hore iyo Siyaasiyiinta.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirkani uu muhiimad weyn u leeyahay masiirka Umadda Soomaaliyeed, samaynta go’aamada wadar oggolka ah ee ku salaysan siyaasadda dowladda Soomaaliya.

“Waa markii ugu horreysay ee shirkan oo kale lagu qabto Soomaaliya, taas oo ka dhalatay dowladda oo dooneysa in ay fuliso siyaasaddeeda ku salaysan in wada tashi lala yeesho dhammaanba qeybaha bulshada, si ay aragtidooda ugu dhiibtaan arrimaha masiiriga ah eek u saabsan dowlad dhiska iyo ka samata bixinta waddanka dhibaatooyinkii uu soo maray”.

Wasiir Aweys ayaa sheegay in wada tashigan uu sal u yahay in aragti mideysan laga yeesho dhinacyada dowlad dhiska, horumarinta, la dagaallanka khawaarijta, amniga, dib u qaabaynta dhaqaalaha Soomaaliya, si uu dalku u noqdo mid horumarsan isla markaana ah mid nabdoon.

Ciidanka xoogga Dalka oo dilay Horjoogayaal katirsan khawaarijta

Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgalo dhowr ah ka sameeyay deegaanka Weel-Maaroow iyo goobo kale saldhig u aheyd xubno ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

40 ka tirsan Khawaarijta oo ay kamid yihiin horjoogayaal iyo madaxii Qaraxyada Jubbooyinka Farxaan iyo ku-xigeenkiisii Cabdi Mahad ayaa lagu kharajiyey howlgalka, sidookale khawaarijta waxaa lagu dilay madaxii Maaliyadda ee deegaanka Weel-Maaroow.

Degaanka Weel-Maaroow ayaa 42-KM u jirta dagmada Jilib oo ay ku sugan yihiin horjoogayaal sare sare ee Kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo uu dhawaan bilaaban doono howlgalka wajiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Madaxweyne Biden iyo Zelensky oo ku kulmaya Vilnius

Aqalka Cad, ee looga arrimiyo Mareykanka, ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, uu la kulmi doono dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky, inta lagu guda jiro shir madaxeedka NATO ee ka dhacaya Vilnius, maanta oo Arbaco ah.

Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan, ayaa u sheegay suxufiyiinta in Madaxweyne Biden, uu la kulmi doona dhigiisa Ukraine, uuna kala hadlo sida Mareykanka iyo  xulafadiisa ay diyaar ugu yihiin inay ka dhabeyaan ballanqaadyadodii ku aaddanaa in Ukraine laga caawiyo sidii ay isaga difaaci laheed dagaalka uu Ruushka ku soo qaaday.

Sullivan, waxa uu intaa ku daray in waxii hadda ka danbeeya isbaheysiga NATO, ay dejin doonaan qorshahooda dib u habeynta difaacidda Ukraine.

Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, wuxuu tilmaamay in si guud shirarka NATO looga wadahadlayo kordhinta iyo dadajinta  ballanqaadyadii loo sameeyay Ukraine.