Home Blog Page 359

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartanka Pan African Schools championship 2023.

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartanka Pan African Schools championship 2023, kaasi oo sanadkan lagu qabanayo dalka Kenya.

Waxaa maanta dalka ka amba baxay cayaartoyda BU school oo sanadkan Soomaaliya ku matali doona tartanka Pan African Schools championship oo markii ugu horeysay ay Soomaaliya ka qeyb galeyso.

Is reeb reebka tartankan ee gobalka CECAFA ayaa ka furmi doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya 11- ka bishan waxaana la rajeynayaa in cayaartoyda Banadir United school oo mudo diyaar garow ku jiray ay guulo la taaban karo kasoo hooyaan.

Wafdiga ciyaartooyda waxaa hogaaminayey Maxamed ciro oo ka mid ah guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, waxaana garoonka diyaaradaha kasagootiyey gudoomiye ku xigeynka seddexaad ee xiriirka Soomaaliyeed Kubadda cagta mudane Yuusuf Xuseen Muumin.

 

Pan African Schools championship 2023
Pan African Schools championship 2023

IGAD oo Madaxweynihii hore ee Hirshabeele u magacawday Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Urur Goboleedka IGAD ayaa Madaxweynihii hore ee Hirshabeele Mudane Maxamed Cabdi Waare u magacaabay Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Waxaa la filayaa in arrintaan ay wax badan ka badali doonto mugga iyo miisaanka Dowladnimada Soomaaliya, waana markii ugu horeeyay oo Soomaaliya Qabato Jagadaan.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys oo xaqiijiyay Magacaabistaan ayaa yiri “waa Guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey Dowladda Federaalka Soomaaliya. Magacaabistiisa Mudane Waare waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Sidoo kole Safiirka Soomalaiye ee dalka jabuuti oo waraysi gaar ah siiyay warbaahinta qaranka ayaa dhankiisa xaqiijiyay Magacaabistaan isagoona sheegay in tani ay tahay tilaabo kale oo dowladdu muddo kooban ay qaaday

Dhamaadka sanadkaan dowladda soomaaliya ayaa gaartay guulo waaweyn oo taarikhi ah sidoo kale inta uusan dhamaan sanadkaan ayaa la filayaa in dalku gaaro gaaro guulo ay ka mid yihiin Arinta dayn cafinta.

Maxamed Abdi Waare
Maxamed Abdi Waare

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

0

-Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali jeyte Cismaan oo Boqolaal ciidanka degaanka kula hadlayay deegaanka Baardheere ee gobolka Hiiraan ayaa ciidamada faray in la dar-dargaliyo howlgallada ka dhanka ah khawaarijta

Cali jeyte ayaa ciidanka u sheegay in ay ku filnaadaan oo cadawga ka difacaan degaannada katirsan gobolka Hiiraan,halka meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan khawaarijta ay tahay in laga sifeeyo si bulshada gobolka u hesho amin buuxo

“Waxaan rabaa in aad Hiiraan ku filnaataan oo khawaarijta la dagaalantaan si bulshadu u hesho xornimmo ay ku noolaadaan”sidaa ayuu yiri Cali jeyte.

Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda ayaa sidoo kale ciidanka u sheegay in ay u diyaar garowaan howlgal ka duwan kuwii hore oo cadawga looga xoreynayo degaannada iyo guud ahaan dalka, isagoo faray in meel walba ay ku baacsdaan khawaarijta,si bulshada looga dulqaado dhibaatada ay muddada dheer ku hayeen.

“Meel kasta oo ay galaan argagixsada.waa in aad uga daba tagtaan si aan uga guleeysanno, haddii kale anageey nagu soo laabanayaan”ayuu markale yiri Cali Jeyte Cusmaan

Dhanka kale Taliyaha ururka 8aad guutada 18aad ee Gorgor Maxamed Cali Hilowle oo isna la hadlay ciidanka ayaa yiri:-waxaan rabaa guusha aad ku fadhisaan in aad difaacataan saakay barriga Hiiraan waa xor waxaan rabaa in aad caqiidada adkeeysanno oo aan  khawarij ka adkaano

Waxaa uu sidoo kale ciidnka ku dardaarmayaa in ay qabtaan kuwa cadawga taleefannada u diraaya ee wax u jaa juusaaya

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo lagu baacsanayo khawaarijta kawada deegaanno badan oo katirsan gobollada Hirshabeelle Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland halkaas oo cadawga khasaara xooggan lagu gaarsiiyay.

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

0

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka Jabuuti kaga qeyb-gali doono kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD.

GOLAHA WASIIRRADA OO SOO DHAWEEYEY GO’AANKII QM EE QAADISTA CUNA-QABATAYNTA HUBKA EE SOOMAALIYA

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay guushii taariikhiga ahayd ee qaadista cuna-qabateynta hubka, amniga dalka, la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda iyo roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka.
Golaha Wasiirrada ayaa soo dhaweeyey go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ay cuna-qabataynta hubka ee saarnayd muddo 31 sano ah uga qaadeen dalkeenna. Taas oo fursad u siineysa Soomaaliya in ay xaqiijiso ammaankeeda, isla markaana la ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah.
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xariira amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.
Kulanka Golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno dhowr ah oo ay kamid yihiin saameynta roobabka daadadka wata ay ku yeesheen dalka iyo qiimeynta Qaran ee u diyaarsanaanta iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda.

In ka badan 33 Khawaarij ah oo lagu dilay Galbeedka xarardheere.

In Ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan oo Ciidanka deegaanku saaka ka fuliyeen deegaan dhanka Galbeed kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Baraag Gurgurrte oo ahaa fadhigii ugu weynaa deegaankaas ee Khawaarijta ayaa waxaa fuliyey ciidanka deegaanka oo uu horkacayay Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf oo Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in 33 Khawaarij lagu dilay howlgalka isla markaana taliskoodii iyo saanad ciidanku la wareegay.

Howlgalka ayaa dhacay salaaddii subax ka dib markii ciidanku ka war heleen abaabul weerar oo cadowgu maleegayay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la taliye u magacaabay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka oo ka mid ah arrimaha hortabinta u leh dowladnimada Soomaaliya.
Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo ku takhasusay horumarinta dowladnimada iyo nabadda ayaa ka soo mid noqday Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka, isagoo sidoo kale Xoghaye Guud u soo noqday Guddiga Dhameystirka Dib u Eegista Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muujiyey mudnaanta uu siinayo dhammeystirka dastuurka dalkeenna ayaa kula dardaarmay Lataliyaha cusub ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee qabyo-tirka dastuurka.

Naadiyaasha Kubbada Cagta ee Dekadaha iyo Gaadiidka oo u safray magaalada Baydhabo

0
Naadiyaasha Kubadda Cagta Dekeddaha iyo Gaadiidka ayaa maanta u safray magaalada Baydhabo, halkaasi oo taariiqda markii ugu horaysay lagu ciyaarayo koobka Super Cap-ka Soomaaliya 2023.
Garoonka Kubadda Cagta ee Dhaqtar Ayuub Stadium ayaa lagu ciyaari doonaa kullanka xiisaha badan ee labada kooxood.
Koobka Super Kabaha Soomaaliya, waxaa ciyaara sanad walba kooxda kusoo guuleysata horyaalka dalka iyo kooxda kusoo guuleysata koobka labaad ee dalka General Daa’uud.
Naadiga Gaadiidka ayaa sanadkii hore kusoo guuleysatay horyaalka Kubadda ee dalka Somali Premier League, halka naadiga Gaadiidka sanadkaan ay ku guuleystay Koobka General Daa’uud.

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo deeq raashin ah kala wareegtay Hay’adda bisha Cas Turkiga

0

-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa maanta shixnad gargaar ah kala wareegtay Hay’adda bisha Cas Turkiga kaas oo loogu talagalay dadka ay sameenta ka soo gaartay daadadka roobka.

Deeqdaan oo ka koobneyd qeybaha kala duwan ee rashiinka ayaa goobta lagu wareejinayay waxaa ku sugnaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Axmed Cabdi Aadan oo la wareegay deeqdaan rashiinka ah ayaa uga mahadceliyay Hay’adda bisha Cas Turkiga,isagoo sheegay in deeqa la gaarsiin doonno qoysaska ay daadadka iyo fatahaadu sameeysay.

Deeqdaan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaankaas iyo deeganada ku dhaw kuwaas oo sameen ay ka soo gaartay daadadka El-Niño iyo fatahaada Wabbiga Shabeelle.

Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada ah oo soo dhaweeysay Cunaqabteynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya

0

Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada ah Marwo Mako Maxamuud Muuse ayaa soo dhaweysay in Soomaaliya laga qaado cunaqateynta hubka ee mudada dheer saarneyd.

Waxa ay Lataliye Makko sheegtay in Dowladda ay dadaal badan ku bixisay si guushan loo gaaro islamarkana ay faa’ido badan u leedahay Soomaaliya iyada oo tilmaamtay in hadda wixii ka dambeeya ay kordhi doonto awoodda ciidamada qalabka sida.

“ Ka qaadista cunaqabateynta hubka waxey qeyb weyn ka doon doontaa xorreynta degaannada Khawaariijta ay ku suganyihiin iyo in guud ahaan dalka oo dhan laga sifeeyo Argagixisada iyo inaan si heer sare ah u qalabeyno ciidankeena xoogga dalka oo xudeedaheena aan ilaashano” ayey ku tiri qoraal ay soo saartay.