Home Blog Page 358

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ergeyga dalka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Marwo Linda-Greenfield Thomas

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay Caasimadda Muqdisho Ergeyga dalka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Marwo Linda-Greenfield Thomas.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gudoomiyay Maanta Shirka Golaha Wasiirada Dowladd Goboleedka Hirshabeelle

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay Maanta Shirka Golaha Wasiirada Dowladd Goboleedka Hirshabeelle.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo ka faa’iidaysanaysa hibada dhallinyarada Soomaaliyeed oo bilaabaysa Olole Wacyigelin ah

0

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo ka faa’iidaysanaysa hibada dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa bilaabaysa Olole Wacyigelin ah oo balaaran oo ay ugu horeeyaan mid dhallinyarada Soomaaliyeed looga digi halista Maandooriyaha ( Daroogada) looguna sheegi kaalinta dhallinyarada ee dowlad dhiska iyo Nabadda dalka.

Howlgal qorsheysan oo ciidanka Qaranku ka fuliyeen gobolka Shabeellada hoose oo lagu qaarijiyay 136 ka mid ah Khawaarijta, 98 kalena waa lagu dhaawacay

0
In ka badan 136 ka tirsan khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa lagu dilay Howlgal qorshaysan oo Ciidanku ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir oo shir guddoomiyay Kulan Laba geesood ah oo dhex maray Gobolka Banaadir iyo hey’adda UNOPS

0

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure ayaa shir guddoomiyay Kulan Laba geesood ah oo dhex maray Gobolka Banaadir, iyo hey’adda UNOPS.

Xoghaya Guud ee Golaha Shacabka BJFS oo ka qeybgalay kulanka Xoghayayaasha guud ee Baarlamaanada Islaamka oo lagu qabtay Aljeeriya

0

Xoghaya Guud ee Golaha Shacabka BJFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐞 (𝐉𝐚𝐚𝐛𝐢𝐫𝐢) ayaa ka qeybgalay kulanka Xoghayayaasha guud ee Baarlamaanada Islaamka oo lagu qabtay wadanka Aljeeriya.

Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Maareynta oo shir guddoomiyay shir looga hadlaayay arimaha xasilinta iyo isku xirka Gargaarka Bin’aadanimada

0

Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka(SoDMA) Dr Axmed Cabdi Adan ayaa maanta shir guddoomiyay shir looga hadlaayay arimaha xasilinta iyo isku xirka Gargaarka Bin’aadanimada.

Dad ku dhintay Shil ka dhacay dalka Pakistan

Dadkaasi ayaa geeriyooday, kadib, markii uu Baskii ay la socdeen ku-dhawaad 49 qof uu ku dhacay Doox ama Waadi ku yaalla Degmadda Lasbela ee Gobolka Balochistan ee Waqooyiga dalkaasi.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Shan Sano xabsi Ciidan ah ku xukuntay odoyaal heshiis kula soo galay Xarardheere khawaarijta

0

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa maanta shan sano oo xabsi ah iyo il ku haynta Booliska ku xukuntay Odayaal Cadaado laga soo xiray December 27-dii Sanadkii tegay Kadib Heshiis ay Khawaarijta kula galeen Xarardheere intii aan  khawaarijta laga saarin 16-kii bishan.sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo qaabilay wafdi ka socda Gobolka Bakool

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socda Gobolka Bakool oo magaalada Baydhaba u jooga ka qeyb galka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.