Home Blog Page 356

Wasiirka Caafimaadka oo hor tagay guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr; Cali Xaaji Aadam, oo ay wehliyaan Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Drs; Maryam Maxamad Xuseen, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Dr ; Maxamad Xuseen Maxamad ayaa guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka ayaa Warbixin guud ka siiyay qorsha-howleedka iyo qaab-dhismeed guud ee Wasaaradda Caafimaadka howlaha baaxadda leh ee horyaalla waxyaabihii uqabsoomay iyo halka ay hadda wax u marayaan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay wax badan ka qabteen horumarinta daryeelka Caafimaadka dalka iyo tayayntiisa.

Intaa kadib Xubnaha Guddiga ayaa mid mid u Weydiiyay Wasiirka Su’aalo la xariiray Caafimaadka Dalka Mashaariicda hoos yimaadda kuwa socda iyo kuwa la filayo in dhawaan ay  Wasaaraddu daah-furto sida Mashruuca Damal Caafimaad.

Shuruucda hor-tebinta uleh  Wasaaradda oo ay doonayaan inay  usoo gudbiyaan Golaha Shacabka BJFS  sida Sharciga dawada dalka iyo Caqabadaha hor-taagaan inay Wasaaradda keento maadama uu muddo fog soo jiitamayo lagama maarmaana ay tahay inuu dalka yeesho sharci dawo oo la isku halleyn karo.

Hiigsiga iyo himillada fog ee la xariira Caafimàadka guud ee Wasiirka Wasaaradda ayaa ka wada jawaabay guud ahaan su’aalihii ay weydiiyeen xubnaha iyo guddoonka guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka.

 

Guddoomiye Sh. Aadan Madoobe oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada sanadka cusub ee Hijriyada 1445

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madobe) oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu munaasabadda curashada sannadka cusub ee Islaamka 1445-ka (Hijiriyada) awgii uu hambalyo iyo boggaadin u dirayaa guud ahaan ummadda Islaamka gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale waxaa uu hambalyo taa la mida u dirayaa waddammada Islaamka gaar ahaan shucuubta Muslimiinta ah ee adduunka ku nool. Guddoomiyaha ayaa u rajeeyay in sannadkan cusub uu noqdo barwaaqo iyo horumar waxaana uu ummadda Soomaaliyeed Alle uga baryay inuu nabad gelyo iyo barwaaqo siiyo.

 

Aljeeriya iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiisyo kala duwan

Shiinaha iyo Aljeeriya ayaa kala saxiixday heshiisyo ka koban 19 cutub oo sare loogu qaadayo amniga, difaaca is-dhaafsiga tignoolajiyada iyo iskaashiga dhinaca beeraha.

Heeshiisyadan ayaa ka dhashay kadib markii Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune, uu booqasho rasmi ah oo qaadaneysa Shan maalmood uu ku tagay dalka Shiinaha, taasoo ah tii ugu horeysay tan iyo markii uu qabtay xilka madaxtinimada dhamaadkii 2019-kii.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters, madaxtooyada Algeria ayaa sheegtay in heshiisyadan ay muhiimad istiraatijiyadeed u leedahay Beijing iyo Algeria.

Sannadkii 2014-kii, ayay aheed markii ugu horeeysay ee dalalkan ay yeeshaan iskaashi dhammaystiran, iyadoo Aljeeriya ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee Carbeed oo xiriir dhameystiran la yeesha Shiinaha.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ku dilay 30 ka mid ah maleeshiyaadka khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya Goballada Galgaduud iyo Shabeelada dhexe.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa SONNA u sheegay in howlgalka ay Ciidanku ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen Khawaarijtu.

Mudane, Al-caddaala ayaa sidoo kale sheegay in ay Ciidamadu howlgalkaasi ku dileen in ka badan 30 ka tirsanaa Khawaarijtii halkaas ku sugnayd, iyagoo kala wareegeen hub iyo agab kale oo Ciidan.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa burburiyay saldhiggii Khawaarijta, waxaana hadda socda howlgal lagu raad joogo firxadkii Khawaarijta.

 

Madaxweyne ku xigeenka Kowaad ee Jubbaland oo gaaray degmada Luuq

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo, kan degmada Luuq iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka  Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa kulamo kala duwan la yeelan doona Mas’uuliyiinta Maamulada degmooyinka Gobolka Gedo, Sarakiisha Ciidamada, wax garadka iyo dhamaanba qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Gedo.

Madaxweyne Erdogan oo booqasho ku jooga Dalka Sacuudi Carabiya

Madaxweyne Erdogan ayaa maanta oo Isniin ah gaaray dalka Sacuudiga, isagoo ay la socdaan 200 oo qof oo ganacsato ah, sida laga soo xigtay guddiga xiriirka dhaqaalaha dibadda ee dalkaasi.

Erdogan iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ka qeyb galay xaflad ay heshiis ku kala saxiixdeen shirkadda difaaca Turkiga ee Baykar iyo wasaaradda gaashaandhigga Sacuudiga, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee SPA.

Labada dal waxay kala saxiixdeen heshiisyo is-afgarad ah oo dhinacyo badan leh oo ay ku jiraan tamarta, maalgashiga tooska ah iyo warshadaha difaaca.

Heshiiska dhinacyadaasi ayaa yimid xilli madaxweyne Erdogaan uu booqasho 3 cisho ah ku marayo gobolka.

Sacuudi Carabiya waxay heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn “iyadoo ujeedadu tahay in kor loo qaado ciidamada qalabka sida ee Boqortooyada iyo xoojinta awoodda difaac ee dalkaasi sida uu ku waramay Wasiirka Difaaca Amiir Khalid bin Salman Al Saud .

 

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo xukun ku ridday nin ka tirsanaa khawaarijta

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ayaa maanta 10 sano oo xabsi ah ku ridday Yuusuf Xasan Ibraahim oo 42 jir ah, kana tirsanaa kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Yuusuf oo tan iyo 2019 ka tirsanaa Argagixisada ayaa khawaarijta u qaabbilsanaa basaasidda dhaqdhaqaaqa Ciidanka xoogga dalka ee isticmaala waddada ceelasha biyaha marka ay gudbayaan iyo xilliga ay Muqdisho kusoo laabanayaan.

Ninkan ayaa sheegay in uu mushaar ahaan u qaadan jiray $130, waxaana lagu qabtay howlgal ciidan oo 19 kii January ee Sanadkan ka dhacay degaanka ceelasha xilli uu watay Caag ay ku wada jiraan Masaggo iyo Bastoolad.

W/Q/ Abdulahi Warsame Roble

RA’IISUL WASAARE XAMSA OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA KEYDKA QARAN EE DAAWADA SOOMAALIYA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dhexe ee Qaranka ee Keydka Daawada Soomaaliya, taas oo daboolaysa baahida ay dadweynaha Soomaaliyeed u qabaan daawo tayo leh oo la hubiyey badqabkeeda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hirgelinta xaruntani ay ka tarjumeyso halbeeg muhiim ah oo la xaqiijiyey, loogana gudbaayo dhibaatooyinkii soddonkii sanno ee la soo dhaafay ay dadkeenna ku sababeen daawooyinka bilaa tayada ah ee dalka la keenayay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u mahadceliyey dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay hirgelinta xaruntani, isagoo faray Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada in si hufan looga faa’deysto xaruntan, isla markaana laga hirgeliyo xarumo lamid ah dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee dagan xarumaha danta guud ee ay leedahay Dowladdu, gaar ahaan kuwa Wasaaradda Caafimaadka in ay banneeyaan, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xamsa oo shacabka ugu baaqay in ay ka baxaan xarumihii dowladda

Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay banneeyaan xarumaha dowladda si loogu adeego dad weynaha.

Mudane, Xamsa Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlayay munaasabada xarigga lagaga jarayay xarunta keydka Qaran ee dawooyinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladdu uu xil ka saaran yahay in ay dadka u adeegto, xarumihii loogu tala galayna ay wax ugu qabato, wuxuuna faray dadka deggen xarumaha dowladda in ay ka guuraan iyaga oo aan la qasbayn.

Ra’iisul wasaare Xamza“Dowladnimadii baan rabaa, adeeg caafimaad baan rabaa, tacliin baab rabaa haddana xarumihii loogu tala galay ayaan deggenaanayaa, isma keeneyso”.

Ra’aysul wasaaraha XFS ayaa xusay in uu garowsan yahay duruufaha dalka ka jira balse aysan suurta gal ahayn in dan guud laga hor mariyo tan gaarka ah.

Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaaruhu in aysan suurta gal ahayn dal uu Caafimaadkiisu sidan yahay lana doonayo inuu soo kabto in xarumihii loogu shaqayn lahaa shacabka ay dad barakacayaal ah iska deggenaadaan.

Wasiirka Warfaafinta oo tababar u furay qaar ka mid ah gabdhaha saxafiyiinta Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Tababar u furay 30 xubnood oo ka mid ah gabdhaha saxafiyiinta Soomaaliya.

Wasiir Aweys ayaa sheegay in qorshaha dowladda ee sanadkan 2023-ka ay ka mid tahay in sare loo qaado tababarka wariyeyaasha gaar ahaan qibradda gabdhaha saxaafadda ku jira.

Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka warfaafinta XFS, ayaa sheegay in tababarkani uu qayb ka yahay barnaamijka dowlad dhiska ee Soomaaliya ka socda, taas oo ay ujeeddadeedu tahay in ay gabdhuhu door weyn ku yeeshaan jiheynta Umadda.

Wuxuu sheegay Wasiirku in Wasaaradda warfaafintu uu qorshaheedu yahay in ay tababarkani ugu faa’iideyso 150 xubnood oo ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed dhowaanna ay gaarsiin doonaan gobollada dalka oo dhan.

W/Q/ Abdulahi Warsame Roble