Home Blog Page 356

Wasaaradda Waxbarashada DFS oo dib u furtay iskuulaadkii Maxaas ee Cadowgu burburiyey.

Wasiir ku xigeen Wasaaradda Waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Cismaan Ibraahin ayaa xarigga ka jaray dhismo dayactir ah oo lagu sameeyay dugsiga waxbarashada ee Degmada Maxaas.

Dugsigaan oo sidoo kale lagu sameeyay qalaneyn waxaa xafladdii xarig jarka ka hadlay Wasiir ku xigeen Wasaaradda Waxbarashada XFS,isagoo sheegay in hadafka dowlada uu yahay la dagaalanka jahliga iyo horumarinta waxbarashada.

Xafladdaasi waxaa kaloo ka hadlay Wasiirka Waxbarashada Dowlad Goboledka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle iyo Guddoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

Dugsiga degmada Maxaas ayaa bilo ka hor ku dumay qarax ay ka dambeeyeen kooxaha khawaarijta ee diidan nabadda iyo hormarka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Koobka Dowlad-goboleedyada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyqdda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta daah furay tartanka Dowlad-goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ka bilowday Staudiom Muqdisho.
Kulanka daah-furka koobka oo ay ku tar tamayeen xulalka Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku bogaadiyey bahda ciyaaraha Soomaaliyeed sida ay ugu mideysan yihiin xoojinta is-dhexgalka, nabadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
“Ciyaarta macnaha ugu weyn waa in la is barto, isdhexgal yimaado, lagu saaxiibo, la isugu yimaado, sidoo kale, dadku waa wada farxsan yihiin. Waxaan rajaynayaa in sannad walba aynu isugu nimaadno jawigaan farxadeed oo kale”.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay muhiimadda xasilinta amniga caasimaddu ay u leedahay horumarinta dhallinyarada, iyadoo jawiga nabadeed ee uu ku bilowday tartanku uu muujinayo dadaalka dowladdu ay ku bixisay xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho.
Furitaanka Koobka Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir waxaa ku weheliyey Ra’iisul Wasaaraha, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo bahda ciyaaraha ee heer Federaal iyo heer gobol.

Ciidamada NISA oo gacanta ku soo dhigay Gawaari Cadawga u siday Agab iyo Rag ajaanib ah

0
Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa gacanta ku dhigay saddex gawaari ah oo ay ku raranyihiin Alaabo electronics u badan iyo dadkii watay.
Gawaarida ayaa lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose waxaa sidoo kale Ciidanku gacanta ku dhigeen 8 Ruux oo uu ku jiro Muwaadin u dhashay dalka Uganda.
Kooxdaan Ciidanka Sirdoonku gacanta ku dhigay ayaa ku sii jeeday goobaha Khawaarijtu joogto waxaana lagu tuhunsan yahay in qalabka ay u wadeen cadowga si loogu adeegsado gumaadka Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ugu ambabaxey dal Jabuuti halkaas oo ay ku kulmi doonaan Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Djibouti ee dalka Jamhuuriyadda Djibouti.
Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa ah in la sii ambaqaado dadaalka wadahadallka u dhexeeya DFS iyo Somaliland iyo xalinta colaadaha dalka ka aloosan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wafdiga uu horkacayo ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada DFS iyo Somaliland.
Dowladda aanu walaalaha nahay ee Djibouti ayaa martigelineysa dadaaladan socda, iyadoo dhanka Somaliland uu wadahadalka uga qeybgalayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Maamulka Gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay shirkado lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda ka howl gasha Muqdisho,

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay shirkado lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda ka howl gasha Muqdisho, waxa uuna maamulka Gobolka sheegay in sharciga lala tiigsan doono kuwa gacanta lagu soo dhigay iyo cidkaste oo ku howlan dhibaateynta bulshada.

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay inaan gaadiidka Bajaajta ah laga qaadi karin Lacag dhaafsiisan waxii sharciga ahaa ee ku waajibay.

R/W Xamse oo Qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka minnesota ee dalka mareykanka.

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey kaalinta muuqata ee ay qurba joogtu ku leeyihiin dalalka ay nool yihiin gaar ahaan doorka firfircoon ee haweenka, isagoo intaa ku daray in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin hormuud ah ay ku leeyihiin, horumarka dhaqan dhaqaale ee dalkooda iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed xilliyada adag.
Dhankeeda Xildhibaan Hodan Xasan ayaa ka mahad-celisay soo dhawaynta qiimaha badan ee loogu sameeyey dalkeeda hooyo, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uga warbixisay xaaladda qurbojoogta Soomaaliyeed ee Mareykanka oo si dhaw ula-socda guulaha isdaba jooga ee ah ee dowladdu Soomaaliyeed ku tallaabsatay sanadihii ugu danbeeyey.

Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka aagga Caad

0

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka General Dayax Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in tira ka badan 80 khawaarij ah dhibasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay aagga deegaanka Caad ee koofurta Gobolka Mudug.

 

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug, iyo xooggaga deegaanka ee macewsley  ayaa saddexdii maalin ee lasoo dhaafey cashar adag ugu dhagay khawaarijtii ku sugneed deegaannada Jeex Jeexa iyo Caad.

 

Taliye Dayax ayaa sheegay in saldhigyadii lagu dagaalamay dhammaan ay ku sugan yihiin geesiyaasha Qaran, dhanka kale khawaarijta oo dagaalkan jab xooggan kasoo gaaray ayaa u firxaday dhulka hawdka ah ee dhaca xaduuda Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Wasaaradda Warfaafinta oo soo saartay eray bixinta rasmiga ah ee ururka EAC oo Soomaaliya ay ku biirtay

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay dhammaan hay’adaha dowladda iyo warbaahinta la wadaageysa erey bixinta Af Soomaaliga ee saxda ah ee loo adeegsanayo Ururka EAC ee aan bishii November 24keedii ku biirnay, isla markaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu 15 December uu heshiiska ku biiritaanka rasmiga ah uu ku saxiixay magaalada Entebbe ee dalka Uganda.

Haddaba erey bixinta saxda ah waxay noqoneysaa URUR GOBOLEEDKA ISKAASHIGA DHAQAALAHA BARIGA AFRIKA, waxaana loo soo soo gaabin karaa URUR GOBOLEEDKA BARIGA AFRIKA.

Waxaa la farayaa dhammaan mas’uuliyiinta hay’adaha kala duwan iyo warbaahinta inay sidaa u adeegsadaan marka ay qorayaan ama ka hadlayaan urur goboleedkan aan dhowaan ku biirney.

Muqdisho-Somalia

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay wasiirka Qorsheynta

0

Guddiga Arrimaha Dibadda, iskaashiga Caalamiga,Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Aqalka Sare oo gudnaya waajibaadka ka saran kor joogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda, ayaa xafiiskooda ugu yeeray masuuliyiinta Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha oo uu hoggaaminayay Wasiirka wasaaradaas Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene.

Kulan oo saacado badan qaatay ayaa wax looga waydiiyay mas’uuliyiinta wasaaradda Mashaariicda dalka laga fuliyo iyo sida loo qaybiyo, howlaha hay’adda tirakoobka Qaranka, dhaqan galka sharciga Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga iyo su’aalo kale oo muhiim ahaa.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaah dibadda Aqalka Sare Senator Maryan Farah Kahiye oo kulanka Shir gudoominaysay ayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorshaynta uga mahad celisay sida faahfaahsan oo ay uga jawaabeen su’aalihii ay qabeen xubnaha guddiga, iyadoo ku boorisay in waajibaadkooda ay u gutaan si hufan oo xilkasnimo leh.