Home Blog Page 355

Wasiirka Awqaafta XFS oo sheegay in Shirkadihii fulin waayay Adeega Xajka dib looga soo celiyey Lacagihii

0

Wasiirka Awqaafta XFS oo sheegay in Shirkadihii fulin waayay Adeega Xajka dib looga soo celiyey lacagihii.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow oo xalay ka hadlay munaasabadda soo xiritaanka Moosinka Xajka oo lagu qabtay magaalada Makka ee dalka Sucuudiga,wasiirka ayaa ku dhawaaqay in dib looga soo celiyey lacagihii ay qaateen shirkadaha fulin waayay adeegga xajka.

Shirkadahan ayaa qaabilsanaa Basaska lagu qaadayey xujayda Soomaaliyeed,munaasabadan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Awqaafta,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,Qunsuliyadda Guud iyo shirkadihii fulinayey Adeega Xajka

Sannadkaan ayaa waxa waajibaadka xajka soo gutay tiradii ugu badnad oo gaaraysa 11,500 oo xujay.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Galcad oo lagu wareejiyay xoolo lagu dhiiragalinayo

0

 

Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa maanta lagu xoolo nool oo lagu dhiiragalinayo oo ka timid haweenka Soomaaliyeed.

Muno C/qaadir Hooleey oo mid ah Haweenka Soomaaliyeed ayaa xoollo lagu dhiirigelinayo ku wareejisay Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Magaalada Madagawaa ee Gobolka Galgaduud.

Muno oo deegaan ahaan ka soo jeedaa degmooyinka Galcad, Ceeldheere iyo Xaradheere ayaa maanta 20 neef oo ido ah ku wareejisay Ciidanka xoogga dalka ee ku jira furimaha hore dagaalka ee magaalada Masagawaa ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa uga mahadceliyay garab istaaga ay u muujisay Ciidamada utaagan difaaca dalka.

 

 

Wasaaradda Howlaha guud oo wadda Qorshe Warshado looga dhisayo meelo ka baxsan magaalada Muqdisho

0

Wasiirka wasaaradda howlaha guud & dib u dhiska iyo guriyeynta Soomaaliya ayaa sheegay in ay waddaan qorshayaal looga dhisayo Warshado meelo ka baxsan caasimada Muqdisho.

Wasaaradda howlaha guud ayaa wadda istaatijiy cad oo ay ku doonayso in ay ku hirgaliso xaruumo loogu tala galay in laga dhiso Warshado wax soo saar oo u yeesho dalka.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ka tacsiyeeyay Geerida Xildhibaan Cabdiraxmaan Jubba.

Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo ku geeriyooday magalada Nairobi ee dalka Kenya.
“Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.”
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa, xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Ergayga Madaxweynaha ee Arrimaha Somaliland oo Baydhabo kula kulmay qeybaha Bulshada.

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa kulamo wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka iyo Odayaasha Dhaqanka Dowladd Goboleedka Koofur galbeed kuwaas oo uu ka dhageystay arragtiyooyinka iyo fikradaha ay ka qabaan dib u billaabidda hanaanka Wadahadallada DFS iyo Somaliland.
Ergayga ayaa xubnaha ka qeybgalay kulanka uga warbixiyay sooyaalka Wadahadallada iyo Muhiimadda ay ugu fadhiyaan Umadda Soomaaliyeed, waxaana intaasi ka dib uu ka dhageystay arragtiyadooda, ayagoona soo gudbiyay tallooyin aad u wanaagsan oo wax tar u leh Qorshaha Wadahadallada DFS iyo maamulka Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 25-aad ee Guddiga Joogtada

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 25-aad ee Guddiga Joogtada oo looga hadlaayay ajandeynta hindise sharciyeedyadda iyo heshiisyadda horyaala Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS oo uu goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad iyo dhammaan xubnaha guddiga ayaa waxaa uu guddiga cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ajendeynta hindise sharciyeedyaddii iyo heshiiskii la horkeenay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa booqday xarunta Gaadiidka Ciidanka Boliiska

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed General Sulub Axmed Firin ayaa booqday xarunta Gaadiidka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska ee General Kaahiye oo ay ku diyaarsan yihiin cutubyo cusub oo dhawaan kusoo biiraya Ciidanka Boliiska iyo Ciidanka ILaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose Xamar.

Ciidankan cusub oo ah dhallinyaro ay da’dooda ka hooseyso 30-sano ayaa ah kuwa wax bartay oo kasoo aflaxay Dugsiga sare iyo Jaamacadaha ayaa dhawaan la filayaa in ay si rasmi ah uga mid noqdaan ciidamada Boliiska iyo kuwa Ilaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose si ay qeyb uga noqdaan sugidda Amniga iyo bilicda Caasimadda.

Ciidamada Israa’iil ayaa dilay qof Falastiini, afar kalena ku dhaawacay Daanta Galbeed ee la haysto

Ciidamada Israa’iil ayaa toogasho ku dilay qof Falastiini ah kuna dhaawacay ugu yaraan afar kale , oo labo kale ay xaaladoodu halis tahay –

magaalada la haysto ee Daanta Galbeed ee Nablus, sida ay sheegeen wasaaradda caafimaadka Falastiiniyiinta iyo Bisha Cas.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in qof la toogtay ka hor waaberigii Khamiista, iyadoo dagaalyahannada Falastiiniyiinta ay sheegeen in ay iska hor imanayaan ciidamada Israa’iil iyo dadka deggan deegaanka Nablus, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ugu yaraan afar falastiiniyiin ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo rasaas ah halka laba kalana ay xaaladoodu halis tahay, hay’adda bisha cas ee Falastiin ayaa sheegtay in wax ay ku tilmaantay iska horimaad ay ciidamada Israa’iil kula galeen bariga Nablus, oo ah magaalo ku taal waqooyiga la haysto ee Daanta Galbeed, taas oo ahayd xarun dhaqameed falastiiniyiintu iska caabiyeen qabsashada Israa’iil.

Maxkamadeynta Masuuliyiin ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne

Maxkamadeynta Masuuliyiin ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne ayaa saaka ka bilaabaneysa Maxkamadda gobolka Banaadir.

Warbaahinta Qaranka ayaad si toos ah ugala socon doontaan Maxkamadeynta.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku baaqey in lala dagaalamo musuqmaasuqa, loona hoggaansamo sharciga.

2-Kulankii wadatashiga ee madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxdii hore oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay, talooyinna ay ka soo baxeen.

3-Qaramada Midoobay oo soo dhoweysat kulankii wadatashiga madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxdii hore ku dhex marey magaalada Muqdisho.

4-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah furay kulan heer caalami ah oo lagu midaynayo barnaamijka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliyada Cagaaran iyo Great Green Wall initiative oo ay ku mideysan yihiin 11 waddan,ayna Soomaaliya ku noqonayso 12-aad.

5-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tallaabo hore loo qaaday ku tilmaamay war-murtiyeedka Shirka Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyey madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxdii hore ee dalka.

6-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray xarunta keydka dawada Soomaaliya, taas oo daboolaysa baahida ay dadweynaha Soomaaliyeed u qabaan daawo tayo leh oo la hubiyey badqabkeeda.

7-Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley xil wareejinta wasiirada cusub ee Shaqada iyo Maaliyadda.

8-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay guddiga dib u daabacidda lacagta Shilinka Soomaaliga.

9-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay banneeyaan xarumaha dowladda si loogu adeego dadweynaha.

10-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayey horumarinta cadaaladda iyo garsoorka dalka, oo ay ka soo qeybgaleen hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya  arrimaha garsoorka.

11-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay barnaamijka Caddaaladda iyo Asluubta, si shacabku u helaan adeeg garsoor oo hufan.

12-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa in ka badan 30 ka tirsan maliishiyaadka Khawaarijta Al Shabab ku dilay degaanka  Ceel Qurac ee gobolka Galguduud. Khawaarijta ayaa halkaasi isku uruursanayey si ay shacabka u dhibaateeyaan.

13- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Mudane Axmed Saciid Maxamed.

14-Wasiirka Hawlaha Gnuud ee Soomaaliya Mudane Ismaaciil C/raxmaan Sheekh Bashiir ayaa sheegay in mashruuca Negaad ee horumarinta magaalooyinka dalka lagu dhisay 7 waddo oo ku kala yaalla Garowe iyo Baydhabo, iyadoo sidoo kale la filayo dhameystirka laba waddo oo laga hirgelinayo magaalada Kismaayo.

15-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa tababar u furay 30 xubnood oo ka mid ah gabdhaha saxafiyiinta, kaasi uu kor loogu qaadayo aqoonta gabdhaha ee maamulka warbaahinta.

16-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Wakiilka cusub ee UNDP Somalia, Mr Lionel Laurens, kala hadley xoojinta xariirka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya wasaaradda iyo hay’adda UNDP.

17-Wasiirka warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay dood wadaag ku saabsan gaaridda Soomaaliya oo nabad buuxda hesha, fikradaha xagjirka ahna laga cirib-tiray.

18- La Taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo iibsatay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka iyo hub culus oo isugu jira lidka diyaaradaha iyo madaafiic.

19-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Boqortooyada Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee dhanka difaaca.

20-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa dhagax-dhigay dayactirka waddada Via Liberia ee magaalada Muqdisho.

21-Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha ee arrimaha Somaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kulan la qaatey Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

22-14-ruux oo loo haysto dambiyo argagixiso oo la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada qaybteeda 60-aad.

23- Taliyaha Ciidanka Dhulka General Axmed Aadan ayaa kormeeray fariisimaha ciidanka degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

24-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa kormeeray Ciidanka Birmadka Booliiska ee Ilaalada Amniga Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

25-Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa 10 sano oo xabsi ah ku ridday Yuusuf Xasan Ibraahim oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

26-Ciidamada Xoogga Dalka oo 20 dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta ku dilay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.

27-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar galinta amniga xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho.

28-Hay’adda Tayo-Dhowrka Soomaaliya oo heshiis la gashay shirkadda caalamiga ah ee Bureau Veritas, si loo hubiyo tayada badeecadaha imaanaya Soomaaliya.

29-Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa Xaafada Weydow ee degaanka Garasbaaley gargaar ugu qeybisay 3,000 oo qoys oo iskugu jira dad danyar ah, kuwa qaba baahiyaha gaarka ah iyo dad barakacyaal ah.

30-Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa kulan la xiriira horumarinta waxbarashada la qaatay Wakiilka Wasaaradda Tacliinta Sare ee Masar Dr. Maxamed Samiir Xamsa.

31-Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo hawlgal ay ka fuliyeen koonfuurta Soomaaliya ku soo qabtey xubno looga shakisan yahay ka mid ahaanshaha kooxda Khawaarijta ee Al Shabab.

32-Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliya iyo Daraawiishta Jubbaland oo 17 dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta ku dilay hawlgal ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Weelmaaro ee gobolka Jubbada Hoose.

33-Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdikariin Cali Gabayre oo kulan la yeeshay dhiggiisa Rugta Ganacsiga ee dalka Serbia.