Home Blog Page 33

Warbixinta Toddobaadlaha eeΒ DFS oo soo baxdayΒ 

0

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga ee Dalalka Bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wejiga 1aad ee wadahadalladii ka socday magaalada Kismaayo ee lala yeeshay maamulka Dowlad Goboleedka Jubbaland, iyadoo lagu ballamey in wadatashiyada ay sii socdaan.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirka Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Maraykanka,isagoo xusay in Soomaaliya ay mudnaanta siin doonto horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah, maalgelinta beeraha, kalluumaysiga iyo tamarta iyo abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed, kaddib, Salaaddii Jimcaha ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka, tanaasulka dowladda ee tabashooyinka mucaaradka, nidaaminta dhulka danta guud iyo dhacdooyinkii amni-darro ee caasimadda ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

5- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda u beenisay warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen β€œheshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Sweden.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Maxamed Xasan Cabdulle in uu noqda Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay qorshaha dib loogu furay waddooyinka xiran ee caasimadda, oo gaaraya 52 waddo, kuwaas oo 15-kii sano ee la soo dhaafay u xirnaa sababo amni.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in qorshaha furitaanka waddooyinka caasimadda uu ku yimid isbeddel iyo horumar muuqda oo laga sameeyey amniga caasimadda, taas oo keentay in laga maarmo xirnaanshaha waddooyinka.

9- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jamaac ayaa uga warbixiyey culimada iyo ganacsatada ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka , xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarrada kala duwan ee ay xaqiijisay dowladda.

10- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad ee Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaas oo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kuliyadda Tababbarka Ciidamada ee Turkiga (TurkSom).

11- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay heshiisyo ku saabsan tacliinta sare, cilmi baarista iyo waxbarashada oo lala galay dalalka Uganda, Qatar iyo Algeria.

12- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Boqortooyada Sweden PΓ₯l Jonson, oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka argagaxisada Al-Shabaab.

13- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa magaalada Kampala kulan kula yeeshay Wasiirka Amniga ee Jamhuuriyadda Uganda, Hon Jim Katugugu Muhwezi,iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo isdhaafsiga macluumaadka sirdoonka.

14- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadaa Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Amman kulan kula yeeshay Wasiirka Caafimaadka ee Jordan Dr. Ibraahim Mahfuz Al-Badour.

15- Wasiirka Hawlaha Guud Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay billaabayso mashaariic horumarineed oo dhismaha waddooyinka iyo biya-mareenada caasimada Moqdisho wax looga qabanayo.

16- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa magaalada Kigali kulan kula yeeshay Wasiirka Difaaca Dalka Rwanda Juvenal Marizamunda, iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Rwanda, General MK Mubarakh.

17- Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi ayaa magaalada Geneva kulamo gaar ah kula qaadatay qaar ka mid ah safiirrada dalalka caalamka u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva.

18- Wasiirka Qorshaynta Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo George Conway oo ah Ku-Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah u guddomiyey shirka Maamulka Sanduuqa Wadajirka Soomaaliya ee (SJF),oo looga hadlay Barnaamijka Taageerada Dowlad-Dhiska iyo Dib-u-heshiisiinta (SPSP).

19- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya hor-geeyay hannaanka xisaab xirka Warbixin Maaliyadeedkii 2024.

20- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa horgeeyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hindise-Sharciyeedka Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.

21- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Amb.Francesca Di Mauro,iyadoo kulanka diirada lagu saaray dhinacyada isgaarsiinta, casriyeynta taknoolijiyada iyo ka hortagga ammaanka internet-ka.

22- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay 148 muwaadiniin Soomaali ah, kuwaas oo ku dhibaateysnaa dalka Yeman oo ay dowladdu ku guuleysatay in ay dib ugu soo celiso dalkooda.

23- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan.

24- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda furitaanka Shirka lagu aasaasay Shabakadda Soo Celinta Hantida La Lunsaday ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika (MENA-ARIN) kaas oo lagu qabtay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.

25- Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah oo Soomaaliya ay kula soo wareegeyso maareynta Madaxa Bannaan iyo waajibaadkeeda qaran ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka, kaasi oo Soomaaliya ka maqneyd tan 1993-dii.

26- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Al-Makhzoumi ayaa soo dhoweysay qaraarka Qaramada Midoobay ee ay Soomaaliya ku soo ceshatay kaalinteeda waajibaadka qaran ee xuquuqda aadanaha.

27- Shirweynaha Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey ayaa diiradda lagu saaray kobcinta wax soo saarka wadamada gobolka oo socday laba maalmood.

28- Wasiirka Gaashaandhigga Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso in agoonta shuhadadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo sameeyo hay’ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda.

29- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadan, oo ka qayb galaya Shirka Wasiirrada Caafimaadka dalalka Islaamka ee ka socda magaalada Amman ee dalka Urdun, ayaa kulamo doceedyo muhiim ah la yeeshay wasiirrada caafimaadka dalalka Malaysia iyo Brunei Darussalam.

30- La-Taliyaha Amniga Qaranka Danjire Aweys Xaaji Yuusuf ayaa magaalada Muqdisho kusoo xiray kulan labo maalmood u socday masuuliyiin ka kala socotay Xafiiska Amniga Qaranka iyo xafiisyada Amniga ee Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

31- Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur ayaa dekadda ku soo dhaweeyay ganacsato Soomaaliyeed oo dhawaan Muqdisho uga qeyb galay Shirka Iskaashiga Ganacsiga, maalgashiga ee Soomaaliya iyo Maraykanka.

32- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafe Dhuxulow ayaa kulan mirro dhal ah la qaatay danjireyaasha dawladaha Qatar iyo Talyaaniga ee Soomaaliya u jooga ,isagoo kala hadlay horumarinta adeegyada socdaalka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaasi.

33- Wasaarada Amniga oo war kasoo saartay weerarkii Khawaarijta Al-Shabaab ku qaaday Xarunta Baarista Jilacow ee NISA, iyadoo oo sheegtay in dhamaan la toogtay dhagar-qabayaashii weerarka fuliyay oo tiradoodu ahayd toddobo (7) xubnood.

34- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Sadaad Maxamed Nuur, ayaa ka qeyb galay Shirka 76-aad ee Guddiga Fulinta Hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR),oo ka qabsoomay magaalada Geneva ee Dalka Switzerland.

35- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya, Danjire Yusuf Axmed Xasan ayaa kulan la qaatay Taliyaha Guud ee Booliska dalka Aljeeriya, Mudane Cali Badaawi.

36- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa si rasmi ah u furay Maalinta Soomaaliya ee Bandhigga Caalamiga ah Expo 2025 ee ka qabsoomay Osaka ee dalka Japan.

37- Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Faysal Aadan Xasan ayaa furay kulan dadweyne oo ku saabsan Kaalinta Bulshada ee ku aaddan Horrumarinta Cadaaladda.

38- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo xiray shirkii ugu horreeyay ee lagu dhisayo Madasha Isku-xirka Nidaamyada Digniinaha Hore ee Khatarta Badan ee Soomaaliya, kaas oo socday muddo Shan maalmood ah.

39- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda.

40- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya howlgalka AUSSOM ayaa la wareegay degmada muhiimka ah ee Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

41- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta ka saaray deegaanno hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose oo muddooyinkii dambe ay argagaxisada ka dhigaanayeen gabbaad.

42- Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga furtay hawlwadeenada xabsiyada dalka.

43- Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Muqdisho ku qabatay shir looga hadlayo ka hortagga askareynta carruurta.

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

0

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee garsoorka dalka ayaa ka qeybgalay kulan lagu soo bandhigayay adeeg dhanka kombiyuutarka ah, kaas oo loogu talagalay maareynta shaqooyinka la xiriira gal-dacwadeedyada.

Bandhigga qalabkan casriga ah oo ku shaqeynaya hab dijitaal ah, waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, Xoghayaha Wasaaradda Caddaaladda, Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska, iyo Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada.

Kulanka waxaa hadallo ka jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashi Yuusuf, iyo qaar ka mid ah madaxda laamaha caddaaladda, kuwaas oo sharaxay ahmiyadda adeeggan iyo sida uu uga qeyb qaadan karo baarista iyo la socodka dambiyada.

Mashruucan waxaa maalgelinaya Dowladda Mareykanka inta uu socdo, iyadoo hannaankan dijitaalka ah loo qorsheeyay in uu fududeeyo isku xirka howlaha maalinlaha ah ee bahda caddaaladda.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan dhinacyada waxbarashada iyo cilmi-baarista.

Hehsiisyada isfgarad ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada, soona gudbisay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa kala ah;

1. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda, kuna saabsan Waxbarashada.

2. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, oo ku saabsan Tacliinta Sare.

3. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya kuna saabsan Tacliinta Sare Cilmi Baarista.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa looga dhageystay wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo la-dagaallanka Khawaarijta.

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda, kaasoo ay ka soo qeyb galeen dhammaan saraakiisha Booliska ee ka howl-gala Muqdisho, una hoggaansan Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin.

Kulanka waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira xaaladda amniga iyo howlgaladii toddobaadkii tegay, iyadoo la falanqeeyay qorshayaal lagu xoojinayo amniga guud ee Caasimadda.

Taliyaha Booliska ayaa saraakiisha ku ammaanay dadaalkooda, kuna booriyay in ay ka hortagaan musuqmaasuqa, sare u qaadaan feejignaanta, isla markaana la hagaajiyo bilicda saldhigyada si bulshada loogu adeego si hufan, sharaf leh oo lagu kalsoonaan karo.

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

0

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah, kaas oo Soomaaliya ay kula soo wareegayso maareynta madaxbannaan iyo waajibaadkeeda qaran ee arrimaha xuquuqul insaanka, arrin ay dalka ka maqneyd tan iyo sanadkii 1993-kii.

Guushan taariikhiga ah ee Soomaaliya ka gaartay kulankii codbixinta ee ka dhacay magaalada Geneva, Switzerland, ayaa meesha ka saareysa magacaabista qabiirka xuquuqul insaanka, kaas oo dalka loo soo magacaabi jiray labadii sano ee la soo dhaafay.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah guulaha isdaba-joogga ah ee Soomaaliya ka gaartay fagaarayaasha caalamka, iyadoo horey ugu guuleysatay qaadista cunaqabateyntii hubka iyo deyn cafinta.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, oo hoggaamineysa wafdiga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Geneva, ayaa arrintan ku tilmaantay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen β€œheshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Eedeymahan waa kuwo been abuur ah, marin-habaab ah, isla markaana aan sal iyo raad toona lahayn. Ma jiro heshiis qarsoodi ah ama shuruudeysan oo Soomaaliya ay la gashay waddan kale oo ku saabsan soo celinta muwaadiniinteeda ama qeybinta gargaarka horumarineed.

Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden waa mid soo jireen ah, kuna dhisan is-ixtiraam iyo sharciga caalamiga ah. Dhammaan wada-shaqeynta iyo wada-xaajoodyada waxaa lagu fuliyaa heer diblomaasiyadeed oo daahfuran, iyadoo lagu hubinayo kormeerka Golaha Wasiirrada iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowliga ah.

Dhammaan gargaarka iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya la siiyo waxaa lagu maamulaa, lana marsiiyaa qaabab daah-furan oo ay ka mid yihiin, sida Bangiga Adduunka, Qaramada Midoobay, iyo habraacyada xisaabaadka ee dowladda dhexe (Country system).

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

0

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan si rasmi ah loogu qabtay magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga dhaqaale, fududeynta ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha ee dalalka xubnaha ka ah ururka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya wufuud heer sare ah oo ka kala socota dalalka xubnaha ka ah EAC, madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, ganacsato, aqoonyahanno iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah. Waxaa sidoo kale la filayaa in lagu saxiixo heshiisyo iskaashi oo dhinacyo badan taabanaya.

Ujeeddada ugu weyn ee shirkan ayaa ah in la dardar geliyo iskaashiga dhaqaale ee gobolka, iyadoo Soomaaliya ay hadda tahay xubin rasmi ah oo ka tirsan EAC. Shirweynahan ayaa fursad u ah dalka in uu si toos ah uga faa’iideysto suuqa weyn ee Bariga Afrika, ayna korodho fursadaha ganacsi, shaqo-abuur iyo maalgashi.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadaad Maxamed Nuur Caliyow, ayaa xarunta hay’adda UNHCR ee Geneva, Switzerland uga qeyb galay Kalfadhiga 76-aad ee Guddiga Fulinta Hay’adda Qaxootiga Adduunka.

Kulammada oo soconaya inta u dhaxaysa 6-da ilaa 10-ka Oktoobar 2025, ayaa looga hadlayaa xaaladda qaxootiga caalamka, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka martigeliya qaxootiga.

Wasiiru-dowlaha, Mudane Sadaad Maxamed Nuur, waxaa socdaalkan shaqo ku wehliya Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha, Mudane Axmed Xuseen Cilmi.

Wasiirka Howlaha Guud oo sheegay in Muqdisho laga hirgelin doono waddooyin tayo leh iyo biya mareenno waara

0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay billaabayso mashaariic waaweyn oo horumarineed oo wax weyn ka tari doona dhismaha waddooyinka iyo xal u helidda biyo-mareenada Muqdisho, kuwaas oo xilli roobaad kasta caqabad ku ahaa isku socodka shacabka.

Wasiir Cilmi oo waraysi gaar ah siiyay Barnaamijka Raad Raac ee Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in mashruuca cusub ee lagu magacaabo β€œππ€π†π€π€πƒβ€ hadda lagu tijaabiyay lix magaalo oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Garowe iyo Hargeysa, isla markaana uu horseeday isbeddel muuqda oo dhanka bilicda, dhismaha waddooyinka iyo furista biyo-mareenada magaalooyinka.

Wasiirka ayaa sheegay in mashaariicda hadda ka socota dalka ay si weyn u beddeleen qaab-dhismeedka magaalooyinka, isla markaana ay sare u qaadeen bilicda iyo la jaanqaadka magaalooyinka caalamka, isagoo xusay in billowga bisha November Muqdisho lagu qaban doono shirkii ugu horreeyay ee dhismaha dalka, kaas oo ay ka qeyb-geli doonaan daneeyayaasha caalamka.

Wajiga koowaad ee mashruuca ayuu sheegay in diiradda lagu saari doona qodista biyo-mareennada dhulka hoostiisa, iyadoo qorshuhu yahay in laga sameeyo laga billaabo isgoyska Number Afar ilaa xeebta Liido, mashruucan oo ku kacaya in ka badan $50 milyan.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in mashruucan si rasmi ah loo billaabi doono horraanta sanadka 2026, taas oo meesha ka saaraysa cimriga gaaban ee waddooyinka Muqdisho oo roobabku burburin jireen.

β€œDowladdu waxay samaysay qorshe cad oo xalka waara ah, waxaana mashaariicda waddooyinka caasimadda keliya ku baxay ku dhowaad $1 bilyan, tani waa billow cusub oo rajada iyo riyooyinka shacabka Soomaaliyeed u beddelaya xaqiiqo la taaban karo,” ayuu yiri Wasiir Cilmi.

 

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay dhiggiisa dalka Sweden

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Boqortooyada Sweden, Mudane PΓ₯l Jonson oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, iyo taageerada dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sweden dhinacyada kala duwan ee ay Soomaaliya ka caawiyaan, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu ku saleysan yahay iskaashi saaxiibtinimo iyo dan guud oo ku wajahan xasillinta gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Sweden ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixineyso sugidda nabadda iyo guulaha ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, isagoo ballan qaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada iyo horumarinta xirfadda ciidamada Soomaaliyeed.