Home Blog Page 33

Wasiirka Qoyska XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan la xiriiray Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland ku shir guddoomisay kulan ay Soomaaliya soo qabanqaabisay islamarkaana la guddoomisay ka warbixiyaha gaarka ah ee QM ee la dagaalanka argigixisada iyo Xuquuqul Insaanka ee Hannaanada gaarka ah ee Golaha Xuquuqul Insaanka QM.

Kulan doceedkan oo qeyb ka ah Kalfadhiga 61aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka QM ee ka socda magaalada Geneva ayaa lagu soo bandhigay Warbixinta rasmiga ah ee booqashada Daleed ee ka warbixiyaha gaarka ah uu ku tagay Soomaaliya iyo aragtida Qaaradda Afrika ee dib u eegista 9aad Istiraatiijiyadda caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka taasi oo loo madlan yahay June 2026.

Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga Argigixisada iyo Xuquuqda Aadanaha ee QM Prof Ben Saul oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa aad u ammaanay guullaha iyo hormarrada isdaba joogga ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaartay si gaar ah waxa uu u bogaadiyey guullaha baaxada leh ee ay gaartay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya .

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa soo dhaweysay warbixinta iyo bogaadinta Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga Argigixisada iyo Xuquuqda Aadanaha waxaana ay ka warbixisay tallaabooyinka muhiimka ay ee ay Soomaaliya qaaday sanadihii ugu dambeeyey iyo sida xooggan ee ay dalka hormarrada uga socdaan caqabado kasta oo jira.

“Dhanka isla-xisaabtanka, Soomaaliya waxay qaadday tallaabo taariikhi ah. 10-kii Diseembar 2025, oo ah Maalinta Xuquuqul Insaanka, Madaxweynuhu wuxuu meelmariyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, isagoo farriin cad u diray shacabkeenna iyo caalamkaba. Dr. Maryan Qaasim Axmed ayaa loo doortay inay noqoto Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Guddiga. Guddigan wuxuu baari karaa xadgudubyada xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan kuwa la xiriira la-dagaallanka argagixisada. Waa hay’ad qaran oo loo dhisay inay dowladda kula xisaabtanto ficilladeeda” ayey khudbaddeeda ku tiri Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa xalay gaaray magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayadoo socdaalka Wasiiradda uu qeyb ka yahay safarro shaqo oo guullo ay Soomaaliya kaga soo hoysay fagaarayaasha caalamka , waxaana Wasiiradda iyo wafdigeeda maalmo ka hor magaalada New York kaga qeybgaleen shirka sanadlaha ah ee Haweenka Aduunka.

 

 

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has returned to the country after participating in a trilateral meeting held by the leaders of Somalia, Djibouti, and Ethiopia in Djibouti.

2- President Hassan Sheikh Mohamud closed the Quran recitation competition during the holy month of Ramadan, awarding cash prizes to the top-ranking students of this year’s competition.

3- President Hassan Sheikh Mohamud sent a heartfelt condolence to the Somali people and families of General Mohamed Ali Abokor, a former officer of the Somali Armed Forces.

4- President Hassan Sheikh Mohamud participated in the 25th Summit of the East African Community (EAC) Heads of State Summit held in Arusha, Tanzania.

5- President Hassan Sheikh Mohamud formally signed the Draft Constitution of the Federal Republic of Somalia after approval by both Houses of Parliament.

6- President Hassan Sheikh Mohamud sent congratulations on International Women’s Day to Somali women and lauded the significant role they play in building peace and governance in the country.

7- Prime Minister Hamza Abdi Barre cut the ribbon to inaugurate the National Center for Responding to Cyber Security Emergencies (SOMCIRT), established to respond to and safeguard communications security.

8- Minister of Information, Culture and Tourism, Hon. Daud Aweis Jama, received the UNDP Somalia Resident Representative, Mr. Lionel Laurens, at his office.

9- Minister of Foreign Affairs, Mr. Abdisalam Abdi Ali, spoke by phone with his Azerbaijani counterpart, Mr. Jeyhun Bayramov.

10- The Ministry of Justice and Constitutional Affairs of Somalia released this year’s statutory notary offices list, which meets the requirements and procedures for registering the country’s statutory records.

11- Minister of Family and Human Rights Affairs, Khadijo Mohamed Makhzumi, participated in the annual United Nations Women Conference held at the UN Headquarters in New York.

12- The Ministry of Education of Somalia opened in Mogadishu a meeting on the ratification and strategy for Sharia-compliant arrangements and Quranic schools.

13- Minister of Livestock and Forestry Mr. Hassan Hussein Mohamed, held a meeting with a World Food Programme (WFP) delegation to discuss accelerating efforts to find solutions to drought conditions, especially for livestock owners.

14- Commander of the Somali National Army, Brig. Gen. Ibrahim Mohamed Mohamud, held a send-off and counsel meeting with special soldiers being deployed abroad for training.

15- Commander of the Somali National Army, Brig. General Ibrahim Mohamed Mohamud, visited the Jabad Godane area in the Middle Shabelle region, praising the army heroes who fight against the Kharijies Al Shabab.

16- Somali forces defeated the Al-Shabab insurgents in the strategically important area of Hawadley area in the Middle Shabelle region.

17- Somalia’s ambassador to Geneva, Khadra Mohamed Duale, delivered a speech on the progress of human rights in Somalia at the United Nations Human Rights Council plenary in Geneva.

18- The Somali community residing in Hadhramaut, Yemen, organized a welcome event for Somalia’s ambassador to Yemen.

19- The Port of Mogadishu officially joined the International Association of Ports and Harbors (IAPH).

20- The Somali Immigration Agency provided a cash grant intended for disaster relief to the youth group- Daryeel Bulsho.

21- The Commissioner of the National Disaster Management Agency (SoDMA), Mr. Mohamud Moalim Abdulle, held a meeting with Mrs. Marit Fikke from the Norwegian Ministry of Foreign Affairs.

22- International Women’s Day events held and commemorated in Mogadishu.

23- China donated $2 million to Somalia to assist the drought-affected people.

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu dalka Djibouti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Djibouti iyo Ethiopia.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, isagoo abaalmarinno lacageed guddoonsiiyey ardeyda kaalimaha hore ka galay tartanka sannadkan.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka iyo eheladii uu ka geeriyooday General Maxamed Cali Abokor oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania uga qeybgaley Meertada 25-aad ee Shir madaxeedka sannadlaha ah ee Madaxda Ururka Bariga Afrika (EAC).

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u saxiixay Nuqulka Dastuurka Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaddib markii ay soo ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo ku aaddan maalinta haweenka u diray haweenka Soomaaliyeed, waxaana uu bogaadiyay doorka mugga leh ee ay ka qaadanayaan dhismaha nabadda iyo dowladnimada dalka.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo xarigga ka jaray Xarunta Qaran ee ka Jawaabista Xaaladdaha Degdegga ah ee Amniga Internetka (SOMCIRT) oo loo diyaariyey ka jawaabista iyo ilaalinta amniga Isgaarsiinta.

8- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda UNDP ee Soomaaliya, Mudane Lionel Laurens.

9- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Azerbaijan, Mudane Jeyhun Bayramov.

10- Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa soo saartay liiska Nootaayooyinka ka diiwaangashan Wasaaradda sannadkan 2026, kuwaas oo buuxiyey shuruudaha iyo habraacyada u degsan diiwaangelinta Nootaayooyinka dalka.

11- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Makhzoumi ayaa ka qeybgashay shirka sanadlaha ah ee Haweenka Adduunka oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

12- Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furtay kulan ku saabsan ansixinta iyo istiraatiijiyadda macaahida shareecada iyo dugsiyada Qur’aanka Kariimka.

13- Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), iyagoo ka wadahadley dardargelinta dadaallada xal loogu raadinayo xaaladaha abaaraha dalka, gaar ahaan dadka xoola-dhaqatada ah.

14- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay Ciidamo gaar ah oo tababar loogu dirayo dalka dibaddiisa.

15- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqday deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo bogaadiyay geesiyaasha ciidanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

16- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maleeshiyaadka argagaxisada ee Al Shabab kala wareegay deegaanka istiraatiijiga ah ee Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

17- Danjiraha Soomaaliya ee magaalada Geneva Switzerland, Khadro Maxamed Ducaale, ayaa khudbad ku saabsan horumarka xuquuqul insaanka Soomaaliya ka jeedisay shirka guud ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ee ka dhacay Geneva.

18- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Hadhramaut ee dalka Yemen ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalkaas.

19- Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and Harbors ee IAPH.

20- Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo ayaa lacag deeq ah oo loogu talagaley gurmadka abaaraha ku wareejisay dhalinyarada Daryeel Bulsho.

21- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Marwo Marit Fikke oo ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Norway.

22- Xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

23- Shiinaha oo Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan $2 Milyan oo doolar oo lagu caawin doono dadka abaaraha ay saameeyeen.

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay gargaar biyo dhaamin ah oo la gaarsiiyay deegaanno hoostaga degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Gargaarkan biyo dhaaminta ah ayaa loogu talagalay in lagu yareeyo baahida daran ee dhanka biyaha ah ee haysata qoysaska ku nool miyiga iyo deegaannada ku xeeran degmada, halkaas oo ay abaartu si weyn u saameysay nolosha dadka iyo xoolahooda.

Mas’uuliyiin iyo hay’adaha ka qeyb qaatay gurmadkan ayaa sheegay in biyo dhaaminta la gaarsiiyay dadka ay wax weyn ka tari doonto baahida biyaha ee ka jirta deegaannadaas, maadaama ceelal iyo berkado badan ay qallaleen.

Qaar ka mid ah qoysaska ka faa’iideystay gargaarkan ayaa muujiyay farxad iyo mahadcelin, iyagoo sheegay in helitaanka biyaha ay muhiim u tahay noloshooda maalinlaha ah iyo badbaadada xoolaha ay dhaqdaan.

Gurmadkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu caawinayo bulshada ay saameeyeen xaaladaha abaareed ee ka jira meelo badan oo ka tirsan dalka Somalia, iyadoo weli loo baahan yahay taageero dheeraad ah si loo yareeyo saameynta abaarta.

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar ah oo ka tirsan Somali National Army kuwaas oo tababar sare loogu dirayo dalka dibaddiisa.

Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd in ciidamada loo sii amba-qaado howsha tababarka ay u baxayaan, isla markaana la siiyo dardaaran ku aaddan masuuliyadda ka saaran matalaadda ciidanka iyo dalka inta ay ku guda jiraan tababarka.

Taliyaha CXDS ayaa ciidamada kula dardaarmay inay muujiyaan anshax, karti iyo dadaal, isla markaana ay ka faa’iideystaan fursadda tababarka si ay kor ugu qaadaan aqoontooda iyo xirfadahooda ciidanimo.

Sidoo kale wuxuu xusay in tababarradan dibadda lagu qaadanayo ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo tayada Somali National Army si ay si hufan uga qeyb qaataan difaaca dalka iyo sugidda amniga.

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Guushan ayaa qeyb ka ah Hawlgalka Badar ee bisha barakaysan ee Ramadaan, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay Khawaarijtu ka dhigtaan gabaadka. Intii lagu jiray howlgalka ayaa la burburiyay fariisimo iyo bakhaarro ay kooxdu isticmaali jirtay.

Ciidamada Qaranka ayaa hadda ku howlan xaqiijinta amniga deegaanka, waxaana socda hawlgallo lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyaadka iyo sifeyn lagu sameynayo goobaha la xoreeyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska CXDS ayaa mar kale adkeeyay in hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta la sii xoojin doono, si loo xaqiijiyo amniga shacabka loona ciribtiro meel kasta oo ay isku dayaan inay gabaad ka dhigtaan.

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta gudaha u galay deegaanka muhiimka ah ee Xawaadley, kadib markii ay halkaas ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaanka.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka lagu xoreeyay Xawaadley ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in, iyadoo la ilaalinayo badqabka shacabka ku nool deegaanka, ay ciidamadu ka wadaan gudaha Xawaadley baaritaanno iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga. Sidoo kale waxay sheegeen in ciidamadu u sii gudbi doonaan deegaannada kale ee ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta.

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New York.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyo wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayso ayaa sanadkan Soomaaliya uga qeybgalaya shirka sannadlaha ah ee Haweenka Adduunka, kaas oo ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wasiir Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa khudbad ay ka jeedisay shirka maanta kaga hadashay guulaha iyo horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dhinacyada horumarinta xuquuqul insaanka. Waxay si gaar ah u xustay dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, iyadoo tilmaantay in Soomaaliya ay dib ula soo laabatay madax-bannaanideeda ku aaddan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo horumarinta haweenka.

Inta ay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo wafdigeedu ku sugan yihiin magaalada New York, waxay kulammo kala duwan la qaadan doonaan qaar ka mid ah madaxda iyo wufuudda ka qeybgalaysa shirka. Sidoo kale, Wasiiraddu waxay khudbado ka jeedin doontaa shirar kale oo berrito ka dhici doona isla magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay marxaladdii doodaha iyo qorsheynta, isla markaana loo gudbay dhisidda nidaamyo rasmi ah oo wax ku ool u ah ka jawaabista masiibooyinka.

Wuxuu xusay in Soomaaliya ay si joogto ah ula tacaasho abaaro, colaado iyo saameynta isbeddelka cimilada, sidaas darteedna aan la dhayalsan karin khasaaraha ka dhasha dib-u-dhaca gurmadka masiibooyinka.

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa caddeeyay in Siyaasadda Cusub ee Maareynta Masiibooyinka Qaranka ay u aqoonsatay Nidaamka Badbaadada Bulshada ee ka jawaabista Masiibooyinka (SRSP) inuu yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah gurmadka qaranka, isagoo uga mahadceliyay Hay’adaha FCDO ee UK iyo WFP taageerada ay ka geysteen dhisidda nidaamkan.

Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay saaxiibada caalamka in wixii taageero ah hada kadib lagu shubo Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka (National DRM Fund) si loo xoojiyo awooda qaranka, korna loogu qaado ka jawaabista xaaladaha bini’aadannimo ee dalka.

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

0

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed ayaa gaaray Gobolka Xadarmuud ee Dalka Yemen,halkaasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn diiran.

Safiirka ayaa ka qeybgalay xaflad afurin ah oo ay soo abaabuleen jaaliyadda Soomaalida,halkaasi oo la isku weydaarsaday warbixinno ka hadlaya xaaladda dalka iyo arrimaha dadka Soomaalida ah ee ku nool Dalka Yemen.

Hadal gaaban oo uu xafladdii afurinta ka jeediyay danjire C/Xakiim Maxamed Axmed waxa uu sheegay in ay matalaan shacabka,isla markaana ay diyaar u yihiin in meel kasta ay ku qaabilaan muwaadiniinta Soomaalida ,si loogu fududeeyo adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin.

Safiirka ayaa ka dhawaajiyay in Gobolka Xadarmuud ay ka bilaabi doonaan bixinta baasaboorada iyo dukumiintiyada kale ee lagama maaarmaanka u ah jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Yemen.

Xafladdaasi afurinta ah waxaa soo qabanqaabiyay Marwo Suleeq Cumar Cali oo ka shaqeysa isku xirka arrimaha jaaliyadda,gaar ahaan dhaqdhaqaaqyada bulshada iyo horumarkooda.