Home Blog Page 32

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal ka fuliyay gobolka Sh/hoose

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa maanta hawlgal ka fuliyay tuulooyinka Buulo Naageey iyo Busley Daa’uud oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkaas ayaa lagu dilay 9 dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo dhibaato ku hayay shacabka deegaanka.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa sii wadaya dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, waxaana ka go’an difaaca shacabka iyo xoreynta guud ahaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisadu.

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

0

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran wadanka Hindiya, dhanka kalana qeybgalay dhageysiga fadhiga koowaad ee Maxkamadeyntooda.

Danjire Dr. Cabdullaahi Maxamed Odawaa oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogey magaaladda Mumbai ee gobolka Maharashra ee Hindiya, ayaa xabsiga ku booqday 44 muwdiin Soomaaliyeed ah oo Ciidanka Ilaalada badda Hindiya ka qabteen badweynta Hindiya.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo muddo badan maxkamad sugayaal ahaa ayaa dadaallo diblomaasiyadeed oo ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS waxaa lagu guuleystay in loo fariisto fadhiga koowaad ee Maxkamadda oo uu goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya Danjire Cabdullaahi Maxamed Odawaa, waxaana qeybta labaad lagu balamay in la dedejiyo waxaana uu safiirku reja weyn ka muujiyay in muwaadiniintaas ay dib u helayaan xorriyadooda.

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, kaddib markii dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay xaruntaasi.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhageystay howl-wadeennada kala duwan ee ka howlgala Agaasinka Waxbarashada, kuwaas oo uga warbixiyay howlaha ay bulshada u hayaan iyo horumarka laga sameeyay adeegyada waxbarashada ee gobolka.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Agaasinka Waxbarashada shaqada wanaagsan ee ay u hayaan bulshada, isagoo hoosta ka xariiqay in Maamulka Gobolka Banaadir ay mudnaan gaar ah siinayaan horumarinta adeegga waxbarashada, si waalidiinta canshuur bixiyeyaasha ah ay ubadkooda ugu helaan waxbarasho lacag la’aan ah.

“Waxaan dhawaan saxiixay lacag ku dhaw saddex boqol kun oo doolar oo loogu talagalay horumarinta dugsiyada waxbarashada Gobolka Banaadir sanad dugsiyeedkiiba, taas oo aan sii kordhin doonno, iyadoo ay barbar soconayaan qorshayaal lagu dhisi doono dugsiyo waaweyn,” ayuu yiri Duqa Caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu waalidiinta ugu baaqay in ay ubadkooda u diraan dugsiyada waxbarashada si looga hortago jahliga loona xoojiyo mustaqbalka jiilka soo koraya.

Dhankiisa, Dr. Muungaab ayaa tilmaamay in la fududeeyay helitaanka shahaadada dugsiga dhexe, taas oo hore caqabado uga jireen, isagoo bahda waxbarashada kula dardaarmay in si hufan oo cadaalad ah loo qaado imtixaanaadka sanad dugsiyeedka ee soo socda.

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

0

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u gudubtay wareegga 4-aad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib, markii 16 dhibcood ay kaga adkaatay Degmada Wanlaweyn oo iyaduna heshay 10 dhibcood.

Waa sanadkii lix iyo tobnaad ee warbaahinta qaranka ay qabaneyso tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan,kaas oo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Tartankaan waxaa habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka iyo sidoo kale Radio Muqdisho oo laga baahiyo.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Dhinaca kale, halkaan kala soco Jadwalka isku aadka Afar dhamaadka ee Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

0

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka Marxuum Fatxi Cabdullahi Cabdi oo dhacay Taariikhdu markii ay aheyd lix iyo tobankii Bishii February 2026, Waana Degmadda Afgooye ee Shabeellada Hoose.

Sidoo kale dhacdadaasi waxaa u Geeryooday Aabaha Marxuumka Cabdullaahi Cabdi Muuse, ka dib markii ay gaartay warka Dhimashada wiilkiisii guri dambeyska ahaa.

Dilka ayaa dhacay ka dib markii uu dhexmaray muran salka ku hayay dhaca Taleefanka Marxuumka oo xilligaa ka soo baxay Masjid uu ku oogay salaadii Duhur.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga aqbalay Seddexdii Bishaan March.

Fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda oo fursad siisay dhinacyada Dacwadda, dhagaysatayna Maragyo goob joog u ahaa dhacdadaan, ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin Dil Toogasho, ahna Qisaasta Marxuum Fatxi Cabdullahi Cabdi.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xassan Cali Nuur Shuute Guddomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada QS.

Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Qadar oo yeeshay kulan muhiim ah

0

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa muujiyay taageerada iyo garab-istaagga buuxa ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Qatar, kaddib weerarradii dhawaan lagu beegsaday gudaha dalkaas.

Wasiir Fiqi ayaa si adag u cambaareeyay weerarradaas, isaga oo ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah amniga iyo madaxbannaanida Dowladda Qatar, isla markaana ka hor imanaya qawaaniinta iyo mabaadi’da caalamiga ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay kalsoonida buuxda ee Soomaaliya ku qabto in Dowladda Qatar ay ka gudbi doonto caqabadahan, isagoo sidoo kale xaqiijiyay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani ayaa u mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya oo muujiyay sida ay uga xun yihiin saameynta dagaalada ka jira Bariga Dhexe ay ku yeesheen dalkaasi Qadar

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Faahfaahin ka Bixiyay Qaraar ku Saabsan Khayraadka Dabiiciga ah oo uu Meel Mariyay Baarlamaanka West Virginia.

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraar uu meel mariyay Baarlamaanka gobolka West Virginia ee ddalka Mareeykanka kaas oo la xiriira iskaashi ku saabsan horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Saalax Axmed Jaamac Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ayaa tilmaamay in iskaashigan uu diiradda saarayo dhinacyada sahaminta macdanta, horumarinta tiknoolajiyada la xiriirta khayraadka dabiiciga ah iyo kobcinta aqoonta farsamo ee arrimaha macdanta. Sidoo kale wuxuu xusay in qaraarku uu furi karo albaab cusub oo maalgashi iyo iskaashi caalami ah, taas oo gacan ka geysan karta kobaca dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa yiri: “Dowladda Soomaaliya waxay danaynaysaa in la helo wada-shaqayn wax ku ool ah oo ka caawisa dalka in si habsami leh looga faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah.”

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in khayraadka dalka loo maareeyo si hufan oo waafaqsan danaha shacabka Soomaaliyeed.

 

 

SFON and Kardo AID Foundation Host Community Iftar in Zwolle

On Saturday, March 14, 2026, the Somali Federation Organization in the Netherlands (SFON) and the Kardo AID Foundation organized a community iftar in Zwolle, bringing together members of the Somali community, local leaders, and guests. The event attracted a large turnout and was marked by a warm and welcoming atmosphere.

The gathering was officially opened by the Chairman of SFON, Abdikador Ali Nuune, who welcomed the guests and thanked the volunteers, board members, and families who prepared meals for the community.
“We are grateful to all the volunteers and families who worked hard to make this evening possible,” said Nuune. “Events like this iftar bring people together and strengthen the spirit of community. Integration is very important for our community in the Netherlands. It helps us build mutual understanding, respect, and cooperation between different cultures while contributing positively to the society we live in.”
He also extended a warm welcome to representatives of the municipality who attended the event.
Among the officials present were Anja Roeffs, Deputy Mayor (Wethouder) of the Municipality of Zwolle, along with Hattie van Aalderen, Stan Vergeer, Luna Koops, Mohamed El Mellahi, and Miriam Nitte Ntumba, who joined the community to share the evening.
During her remarks, Roeffs emphasized the importance of social inclusion and civic participation, noting that it is essential for everyone living in the city to feel part of the community and to actively participate in society. She also encouraged residents to exercise their democratic rights and take part in elections.
During the discussion session, community members raised several important questions to the visiting leaders about key issues affecting residents in the Netherlands. Participants asked about the upcoming elections scheduled for March 16, the ongoing housing shortage that has left many people waiting for homes for long periods, and how authorities plan to improve care for elderly people. They also asked about future policies regarding immigrants and asylum seekers.
The officials, many of whom represent the joint political alliance GroenLinks–PvdA, responded to the concerns and said they are aware of these challenges and will continue working to address them, emphasizing their commitment to improving housing access, social services, and support for diverse communities.
The iftar provided an important moment of connection, dialogue, and solidarity among people from diverse cultural backgrounds, reflecting the spirit of Ramadan and community unity.
At the end of the evening, certificates of appreciation were presented to volunteers in recognition of their dedication and contributions in making the event successful. The organizers expressed gratitude to everyone who supported and participated in the event, helping to make the community iftar a meaningful and memorable gathering.
May be an image of studying, crowd and text
May be an image of one or more people, people studying and text
May be an image of one or more people, people studying and table
May be an image of one or more people
No photo description available.
May be an image of text
May be an image of studying and text

Buulo-burde oo u gudubtay wareegga afar dhamaadka ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

0

Degmada Buulo-Burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa u gudubtay wareegga afar dhamaadka ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib, markii 12 dhibcood ay kaga adkaatay Degmada Kismaayo oo iyaduna heshay 10 dhibcood.

Waa sanadkii lix iyo tobnaad ee warbaahinta qaranka ay qabaneyso tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan,kaas oo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Tartankaan waxaa habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka iyo sidoo kale Radio Muqdisho oo laga baahiyo.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Wasaaradda Batroolka XFS iyo West Virginia oo Iska kaashanaya Sahminta iyo Soo Saarista Macdanta Muhiimka ah

0

Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta XFS iyo Gobolka West Virginia ee dalka Maraykanka ayaa kala saxiixday Heshiis Isfaham (MoU) oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada sahminta, soo saarista, farsamaynta iyo horumarinta macdanta muhiimka ah (Critical Minerals).

Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in la dhiso qaab iskaashi oo kor u qaada maalgashiga, is-weydaarsiga aqoonta farsamada, iyo horumarinta silsiladda qiimaha ee macdanta Soomaaliya.

Heshiiska waxaa Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta ee XFS u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo kheyraadka Macdanta, Mudane Daahir Shire Maxamed, halka dhinaca Gobolka West Virginia uu u saxiixay Xoghayaha Senate-ka West Virginia, Kris Warner.

Heshiiska ayaa ka dhacay aqalka Senate-ka ee Gobolka West Virginia, iyadoo goob-joog ay ka ahaayeen Dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo masuuliyiin kale.

Dhinaca Gobolka West Virginia waxaa kulanka iyo munaasabadda heshiiska ka qaybgalay xubno ka tirsan Senate-ka gobolka, oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Senate-ka isla markaana ah Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka (Lieutenant Governor), Senator Randy Smith, iyo senatarro kale oo ka tirsan hoggaanka Senate-ka.

Intii lagu guda jiray habraaca heshiiskan, Senate-ka Gobolka West Virginia ayaa sidoo kale soo saaray qaraar rasmi ah (Resolution) oo taageeraya iskaashiga u dhexeeya labada dhinac, taas oo muujinaysa muhiimadda istaraatiijiga ah ee iskaashigan cusub iyo rabitaanka gobolka ee xoojinta xiriirka dhaqaale iyo farsamo ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya dhowr qodob oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin:

• Iskaashiga sahminta iyo soo saarista macdanta muhiimka ah

• Horumarinta farsamaynta iyo habaynta macdanta si loo kordhiyo qiimaha gudaha

• Is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradda farsamo

• Dhiirrigelinta maalgashiga iyo iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya hay’adaha iyo shirkadaha labada dhinac

Heshiisku wuxuu sidoo kale dhiirrigelinayaa shirkadaha Mareykanka inay sahamiyaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada sahminta, soo saarista iyo farsamaynta macdanta muhiimka ah, iyadoo la abuurayo jawi iskaashi oo u sahlaya ganacsiyada iyo maalgashadayaasha inay ka qayb qaataan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa heshiiskan tallaabo muhiim ah oo ka mid ah dadaallada lagu horumarinayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka si mas’uuliyad leh, hufan, isla markaana soo jiidata maalgashi caalami ah, iyadoo la hubinayo in horumarinta macdantu ay ka qayb qaadato kobaca dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo waara.

Iskaashigan cusub wuxuu sidoo kale xoojinayaa xiriirka saaxiibtinimo iyo wada shaqeynta u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kheyraadka dabiiciga ah, maalgashiga, iyo kobaca dhaqaalaha.