Home Blog Page 32

Tacsi: Geeridii Fanaanadda Qaranka Khadiija Qalanjo

0

TACSI: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdullaahi Xayir Ducaale, agaasimeyaasha waaxyaha iyo hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Allah ha u naxariistee Marxuumad Khadiija Maxamuud Yuusuf (Khadiija Qalanjo), oo ka mid ahayd fanaaniinta Hoballada Qaranka ee Waaberi, kuna geeriyootay maanta magaalada Hargeysa.

Marxuumad Khadiija Qalanjo waxay si gaar ah ugu suntaneyd horumarinta fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Waxa ay sidoo kale ka mid ahayd fanaaniintii ugu horreeyey ee heesahooda dhaqanka lagu soo xulay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed markii la furay bishii Oktoobar 1983.

Tacsi tiiraanyo leh ayaanu u diraynaa qoyskeeda, carruurteeda, bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay.

Waxaan Allah uga baryeynaa in uu Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna innaga wada siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb-galay Kulanka Isku-xirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay shir muhiim ah oo looga hadlayay Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha, ayaa sharaxay siyaasadaha maalgashiga ee dowladda iyo fursadaha khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale soo bandhigay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ganacsatada Shiinaha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay soo dhoweyso, isaga oo ku casuumay in ay si toos ah u sahmiyaan fursadaha waaweyn ee dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay meelaha mudnaanta leh ee iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, kuwaas oo ay kamid yihiin:

Horumarinta tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah,Kobcinta beeraha iyo dhaqaalaha xoolaha, iyo Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Shirka oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha iyo Ismaamulka Gobolka Ningxia, ayaa lagu magacaabay “Shirka Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee Ningxia, Waxaana isugu yimid in ka badan boqol shirkadood oo Soomaali iyo Shiinays ah, iyadoo ujeeddadu ahayd in la xoojiyo iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee labada dhinac, ayna Soomaaliya noqoto xarun muhiim ah oo ganacsiga iyo isku xirka Carabta,Afrika iyo Aasiya.

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo booqashadiisii ugu horreysay ku yimid dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay salaan iyo dhambaal uu ka siday dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Intii uu kulanka socday, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wasiirka la wadaagay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada socda ee dib u dhiska, horumarinta iyo howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta Daacish iyo Al-Shabaab, isaga oo uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Jabuuti hiilka walaalnimo ee ay la garabtaagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kulanka ayaa la iskula qaatay in la sii xoojiyo xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti ka dhexeeya kaas oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi qotodheer, gaar ahaan dhinacyada amniga, iyo arrimaha gobolka.

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo bilaabi doontaa adeegga E-VISA laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025

0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah furtay adeegga E-VISA/ETAS, kaas oo dalka lagu soo geli doono laga bilaabo 1-da bisha Sebteembar 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday hirgelinta adeegga E-VISA, kaas oo lagu soo dalban karo qaab elektaroonik ah iyada oo loo marayo mareegta rasmiga ah ee Hay’adda www.evisa.gov.so. Tani waa tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya ku biirinaysa dalalka isticmaala nidaamka casriga ah ee fiisooyinka elektarooniga ah.

Agaasimaha Waaxda Ajaanibta iyo Dalkugalka, Mudane Isxaaq Xasan Taakow, ayaa sheegay in muddo dheer la soo diyaarinayay nidaamkan casriga ah ee codsiga fiisaha onleenka, kaas oo fududeyn doona in dadka ajaanibta ah ay ka dalban karaan dalkugalka meelkasta oo ay joogaan, laguna helikaro muddo kooban gudahood. Waxa uu intaas ku daray in howl-wadeeno gaar ah loo tababaray si ay u hubiyaan bixinta fiisaha si hufan oo degdeg ah.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa xusay in maanta ay Soomaaliya qaadday tallaabo weyn oo taariikhi ah, taas oo muujinaysa in dalka uu la jaanqaadayo nidaamyada casriga ah ee caalamka. Waxa uu sheegay in nidaamka E-VISA uu door muhiim ah ka qaadan doono sugidda amniga dalka, ilaalinta xogta, kobcinta dhaqaalaha iyo fududeynta adeegyada socdaalka.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in qaybo kamid ah dadka ajaanibta ah laga dhaafay shuruudaha eTAS-ka, sida kuwa haysta fiisaha wadar-jeer lagu soo geli karo dalka (Multiple Visa), kuwa haysta degenaanshaha, diblomaasiyiinta, baasaboorka UNLP, iyo dalalka Soomaaliya kula jira heshiisyada is-dhaafsiga xorriyadda socdaalka.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo 1-da Sebteembar ajaanibka dalka soo galaya ay ku soo geli doonaan nidaamka E-VISA. Wasiirku waxa uu hoosta ka xariiqay in nidaamkan casriga ah uu muhiim u yahay sugidda amniga dalka, oggolaanshaha iyo la socodka dadka soo galaya, iyo sidoo kale xoojinta hufnaanta dhaqaalaha iyadoo adeegga dalkugalka uu si toos ah ugu dhici doono koontooyinka Wasaaradda Maaliyadda.

Soomaaliya iyo Kazakhstan oo kala saxiixday heshiis Diblomaasiyadeed

0

Maamulka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Türkiye ayaa si diirran u soo dhoweeyay saxiixa heshiis diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kazakhstan.

Heshiiskan oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ayaa waxaa kala saxiixday Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Amb. Abukar Dahir Osman, iyo Danjiraha Kazakhstan, Amb. Kairat Omarov.

Maamulka Safaaradda Soomaaliya ee Türkiye ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray labada Danjire ee fududeeyay heshiiskan taariikhiga ah, iyagoo sheegay in uu wax weyn ka tari doono horumarka dadka iyo dalka.

Sidoo kale, Maamulka ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirrada ee Koonfur Galbeed

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray amniga guud ee deegannada Koonfur Galbeed, horumarinta adeegyada bulshada, iyo arrimo la xiriira siyaasadda guud ee dalka. Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigeliyey Golaha Wasiirrada in ay dardar geliyaan shaqooyinka horyaalla xukuumadda.

Madaxweyne Laftagareen ayaa wasiirrada ku boorriyay inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan shaqooyinka dowladda, si hufan loona turjumo dadaalkaas natiijo muuqata oo lagu gaadho nolol wanaag iyo amni loo dhan yahay oo shacabka Koonfur Galbeed ay helaan.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo is-afgarad oo ku saabsan xoojinta difaaca dalka

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad ah, kuwaas oo muhiimad weyn u leh xoojinta difaaca dalka iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.

Heshiisyada is-afgarad ee uu goluhu ansixiyey ayaa kala ah, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Urdun, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

Kulanka golaha, oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga hadlay xaaladda amniga ee dalka, howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.

Soomaaliya oo doonaysa Inay Noqoto xarun isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay furitaanka Bandhigga 7aad ee Carabta iyo Shiinaha (China-Arab States Expo) ee lagu qabtay magaalada Yinchuan, ayaa soo bandhigay horumarka iyo fursadaha dalkeenna ka jira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay qaadday waddo cusub oo horumarineed, taas oo diiradda lagu saarayo nabadda, amniga, dib-u-habeynta sharciyada, iyo dhiirrigelinta maalgashiga.

“Soomaaliya waxay rabtaa in ay noqoto xarun muhiim ah oo isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya, iyada oo ka faa’iideysaneysa kheyraadkeeda maadaama ay goob istiraatiiji ah dunida kaga taallo.

Waxaana xoogga saareynaa iskaashiga dhinacyada tamarta, beeraha, kalluumeysiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ganacsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha uu yahay mid sii xoogeysanayo, iyada oo uu kor u kacay 20% sanadkii la soo dhaafay ganacsiga labada dal.

Mudane Xamsa ayaa xusay in xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, uu yahay mid soo jireen ah isla markaana ay Soomaaliya tahay dalkii ugu horreeyay Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha sanadkii 1960.

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska DFS iyo Madasha Samatabixinta

0

Xoghayaha Fulinta Urur Goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa bayaan ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiskii ay wada gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ku aadanaa hannaanka doorashooyinka.

Dr Gebeyehu ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka midnimada, xasilloonida iyo dib u heshiisiinta, isagoo ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ay uga goan tahay in dalka uu ku hago midnimo, nabad iyo isku-duubni.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Wada-hadallada iyo wada-xaajoodyada arrimaha weli taagan waxa ay yihiin dhabo muhiim ah oo lagu gaari karo nabad waarta, dowlad-dhis iyo isbedel dimoqraadi ah, loona baahanyahay in la sii wado”.

Xoghayaha Fulinta ee IGAD ayaa ku dhiiri galiyay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay isla qaataan tallaabadan wax ku oolka ah ee loo qaaday heshiiskan buuxa, isagoo hoosta ka xariiqay in ahmiyadda uu isu-tanaasulku leeyahay ay tahay si loo gaaro xal waara, ayna IGAD sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo iskaashi dhow la leh madaxda iyo shacabka dalka si loo horumariyo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Wasiiru-Dowlaha  Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Mudane Sheekh Shakhboot bin Nahyan.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotodadheer ee ka dhexeeya labada dal, iyada oo si gaar ah loo eegay dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Sidoo kale, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa intii kulanka lagu gudajiray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay dhambaal khaas ah oo uu uga siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, H.H. Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Wasiirka booqashadiisa iyo garab-istaagga aya shacabka iyo Dowladda Imaaraadku u muujiyeen walaalahooda Soomaaliyeed, isaga oo dhankiisa farriin gaar ah u gudbiyay Madaxwayne Maxamed bin Zayed Al Nahyan, isaga oo adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Imaaraadka Carabta, isla markaana tilmaamay dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga, dimuqraadiyeynta iyo horumarka dalka.

DHAMMAAD