Home Blog Page 31

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Iska diiwaangeliyay Dhuusaamreeb, si uu u qaato Kaarka Aqoonsiga Qaranka

0

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta iska diiwaan-geliyey magaalada Dhuusaamreeb, si uu u qaato Kaarka Aqoonsiga Qaranka, isagoo ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada Galmudug inay ka faa’iideystaan fursadaan oo ay iska diiwaan-geliyaan goobaha loo asteeyey, maadaama Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee hay’adda NIRA ay bixiso uu qof kasta muhiim u yahay.

“Bulsho kasta oo caalamka ku nool waxay leedahay wax lagu aqoonsado dhalashadiisa muwaadinimo, adeeg kastana waxaa lagu bixiyaa aqoonsi, marka Kaarka Aqoonsiga Qaranka wuxuu muhiim u yahay qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, dadka reer Galmudug waxaan ugu baaqayaa inay is diiwaan geliyaan,” ayuu yiri Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo digniin kasoo saaray dadka aflagaadada iyo sumcad dilka kawada baraha bulshada

0

WAR-SAXAAFADEED

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu gacanta ku hayaa Gal-dacwadeedyo la xiriira Cayda ama Aflagaadada, Sumcad-dilka, Isku-dirka Bulshada, Faafinta Sawiro l iyo Muuqaallo Anshax-xumo, Faafinta Beenta lyo Kicin Bulshada dhexdeeda ah, iyadoo ay jiraan dad loo maxkamadeeyay iyo kuwa hadda ay socdaan baarista kiisas-koodu.

Kisaskaan ayaa muujinaya sida falalka noocan ahi ay khatar ugu yihiin xasiloonida bulshada, sumcadda dadka, aminga iyo kalsoonida guud ee bulshada. Xafiisku, isagoo gudanaya waajibaadkiisa ku aaddan ilaalinta sharciga, kala dambeynta, iyo bad-qabka bulshada, wuxuu digiin adag u dirayaa cid kasta oo ku kada falal ka soo horjeeda shuruuda dalka iyo sumcadda shacabka, isagoo ku wargelinaya in tallaabo sharci ah oo adag laga qaadi doono kuwa lagu helo, si loo ilaaliyo sharafta, sumcadda, iyo nabadgelyada bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu adkeynayaa in ilaalinta sharciga, ka hort-agga dambiyada, iyo difaaca sumcadda bulshada ay yihiin tirarka ugu muhiimsan ee xaqiijinaya nabad waarta iyo horumar bulsho oo joogto ah.

Wasiirka Gaashaadhigga oo ka qeybgalay munaasabad tababar loogu soo xirayay saraakiil katirsan ciidanka xoogga

0

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa waxa uu ka qaybgalay xaflad ay ku qalin-jabinayeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dhammeeyay waxbarasho iyo tababar heer sare ah oo ay ku qaateen Kulliyadda Dagaalka ee Jaamacadda Difaaca Qaranka Turkiga.

Munaasabadda xafladda ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Madaxweynaha dalka Turkiga, mudane Recep Tayyip Erdoğan, xubno sare oo ka tirsan dowladdiisa, saraakiil ciidan, iyo wasiirrada difaaca dalalka kale ee ay saraakiisha ka qalin-jabiyeen

Saraakiishan cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan ayaa ka kala socda ciidamada dhulka, cirka, iyo badda, waxaana la filayaa inay aqoontii iyo xirfaddii ay barteen ku dalka dib ugu soo celiyaan, uguna biiriyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.

Wasiir Fiqi ayaa shahaadooyin iyo billado goobta munaasabadda xafladdu ay ka dhacaysay ku guddoonsiiyay qalin-jabiyayaasha, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda iyo adkaysigoodii muddadii ay waxbarashada iyo tababarka ku jireen.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar, oo dalka howlo shaqo u joogay.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee dhinaca amniga iyo dardargelinta howlgallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab. Kulankan ayaa daba socday heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen Wasaaradaha Gaashaandhigga ee labada dal, kaas oo la xiriira ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Wasiir Cumar ayaa uga mahadceliyay dowladda Jabuuti taageerada joogtada ah ee ay la garab taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo bogaadiyay kaalinta ciidamada “Hiil Walaal” ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM.

Soomaaliya iyo Jabuuti oo Kala saxiixday heshiis is-afgarad oo muhiim ah

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta xarunta Wasaaradda arrimaha ee Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dowladda Jabuuti Mudane Danjire Cabdulqaadir Xuseen Cumar, Kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadidda iskaashiga labada dal ee dan-wadaagga ah.

Intii uu socday kulanka, waxaa laga wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhanka amniga, xasilloonida gobolka iyo arrimaha caalamiga ah ee labada dal ay danaha ka leeyihiin, Labada wasiir ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si dhow la isula shaqeeyo si loo horumariyo nabadda, horumarka iyo barwaaqada Geeska Afrika.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada wasaaradood waxay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed, taas oo dhisaysa hannaan rasmi ah oo lagu yeelanayo wadahadal joogto ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, Heshiiskan ayaa la filayaa inuu xoojiyo iskaashiga diblomaasiyadeed isla markaana uu horumariyo mudnaanta labada dal ee heer gobol iyo heer caalami.

Soomaaliya iyo Jabuuti oo ay ka dhaxeyso xiriir qoto dheer oo taariikhi ah, dhaqan iyo walaaltinimo ayaa sii wada dhisidda iskaashigooda soo jireenka ah, iyaga oo mar walba ka shaqeynaya wada-shaqeyn iyo isu soo dhowaansho.

Kusimaha Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti

0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo maalmahaan safar shaqo ku joogay dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal ee walaalaha ah, iskaashiga amniga, horumarinta ganacsiga iyo isu-socodka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti booqashada uu ku yimid dalka, isaga oo sidoo kale xusay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka reer Jabuuti dib u dhiska Soomaaliya.

Gobolka Banaadir oo qeyb ka ah abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta

0

Todobaadyadii u dambeeyay waxaa gudaha dalka, gaar ahaan gobolada Hiiraan, Sh.Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud iyo kuwo kale ka socday abaabullo iyo diyaargarow dagaal oo la doonayo in lagu xoreeyo deegaanno kamid ah goboladaasi oo kooxaha khawaarijta ay ka wadaan falal lagu dhibaateynayo dadka shacabka

Abaabuladaan dagaal ayaa daba socda qorsho howleed ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh ,kaas oo la doonayo in laga ciribtiro kooxaha argagixisada ee caadeystay in ay ku naaxaan lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan dadka rayidka ah,gaar ahaan beeraleyda iyo kuwa xoolo dhaqatada.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada ee ku sugan Hiiraan , Gaalgaduud iyo labadaShabeelle ay u diyaargaroobeen dagaal ka dhan ah nabad-diidka,waxaana ka g’an saraakiishaasi sidii deegaanadaasi looga saari lahaa kooxaha Al-Shabaab,isla markaana loo badbaadin lahaa bulshada halkaasi,

Waxaa muuqda in diyaargarowga iyo howlgalada ciidanka ee xilligaan lagu saleeyay qorshaha dhamaadka Al-Shabaab,maadaama la helay muwaadiniin badan oo diyaar u ah in ay u istaagaan dagaal toos ah oo naf hurnimo ah oo lala galo kooxaha khawaarijta.

Maalmihii u dameeyay waxaa magalada caasimadda ah ka socday dhaq-dhaqaaq ay wadaan maamulka Gobolka Banaadir,kaas oo ku aadanaa sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen abaabulka loogu jiro in mar kale loo howlgalo dagaal lagu sifeynayo maleeshiyaadka ku sugan deegaanno kooban.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab),ayaa dhowaan kulan dhiirigaslin ah la qaatay ciidanka ku jira xerada Qorillowo iyo kuwa deegaanka Xaluulle oo ay joogaan boqolaal macisleey ah oo ka soo jeeda Warshiikh.

Guddoomiyaha oo la hadlay ciidankaasi iyo kuwa macawisleeyda ah ayaa u sheegay in maamulkiisa uu garab buuxa siinayo ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qaybgalaya hawlgallada dalka looga sifeynayo maleeshiyaadka naf-la-caariga ah ee argagixisada Al-Shabaab.

Muungaab oo sidoo kale booqday deegaanada Xaaji Cali,Raage Ceelle iyo kuwo kale ayaa kormeerkiisa loo arkaa tallaabo dhiirrigelin ah oo dhiig cusub ku shubaysa hawlgallada ka socda dalka , iyadoo sare u qaadaysa niyadda ciidanka oo waqtigaan u diyaar garoobaya duullaan dagaal oo ka dhan ah Khawaarijta.

Si looga guuleysto kooxda Al-Shabaab,waxaa lagama maarmaan ah in dowladda ay joogteyso howlgallada,isla markaana la bilabo wejiga cusub ee dagaalka looga horjeedo khawaarijta .

Waxaa hubaal ah in haddii howlgallada dowladda ay u dhacaan sidii la rabay ay suurtagal tahay in gabi ahaan la soo afjaro dhaq-dhaqaaqyada hubeysan ee maleeshiyaadka nabad diidka ah.

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka W/B oo maanta dhacaysa

0

Doorahada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo ka mid ah dowlad goboleedyada ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qabsoomaysa Magaalo madaxda gobolka Sool caasimadiisa Laascaanood.

Waxa ka socday guddaha magaalada Laascaanood maalmihii u dambeeyey olole xooggan oo musharaxiinta tartan ugu jireen sidii musharax walbaa u kasban lahaa codadka iyo kalsoonida Xildhibaanada Baarlamaanka.

Ciidanka Amniga ayaa si weyn u xoojiyey sugida Amniga iyadoo lagu arkayo goobaha wadooyinka magaalada iyo kaantaroolada magaalada laga soo galo oo si weyn loo sugayo amnigooda.

Guddoomiyaha SODMA iyo haya’adda LM International oo kala saxiixday heshiis

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixday hay’adda LM International oo ka mid ah hay’adaha ka howlgala Dalka.

Heshiiskan waxaa dhinaca LM International u saxiixday Nasra Maxamed Axmed, oo ah isku-duwaha barnaamijyada hay’addaas, ayadoona Ujeeddada heshiiska uu yahay sidii labada dhinac ay uga wada shaqayn lahaayeen:

– Kobcinta awoodda SODMA: gaar ahaan dhanka maareynta iyo fulinta mashaariicda la xiriira ka hortagga iyo ka jawaabista masiibooyinka.

– Kordhinta xirfadda shaqaalaha: iyadoo la siinayo tababarro iyo aqoon kororsi.

Is-afgaradkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo iskaashiga u dhexeeya labada hay’adood si loo kordhiyo wax-qabadka la xiriira arrimaha gargaarka iyo masiibooyinka ee dalka.

Kulan lagu dhiirrigelinayo waxbarashada gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho

0

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay madal lagu dhiirrigelinayo waxbarashada gabdhaha, taas oo ay ka qeybgaleen gabdho aqoonyahanno ah oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Madasha waxaa diiradda lagu saaray caqabadaha hortaagan waxbarashada hablaha iyo sidii loo xoojin lahaa isdiiwaangelintooda dugsiyada.

Agaasinka ayaa xusay in ololahan uu qeyb ka yahay dadaallo lagu xaqiijinayo fursado waxbarasho oo loo siman yahay, Ka qeybgalayaashu ayaana muujiyay go’aankooda ah inay door muuqda ka qaataan horumarinta waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed.