Home Blog Page 31

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu talagalay Ciidda u qeybiyey hooyooyin iyo carruur ku jira Isbitaalka Xoogga, kuwaas oo waxyeello kala duwan ka soo gaartay falalka argagixisada.

Maamulka Isbitaalka, oo wakiil uga ahaa Taliska Xoogga Dalka, ayaa qeybinta ciidsiinta carruurta ku farxiyey qoysaskan oo u badnaa kuwa danyar ah, si ay ula wadaagaan farxadda munaasabadda Ciidda isla markaana ay u dareemaan daryeel iyo garab istaag xilli ay ku jiraan xaalad caafimaad.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka isbitaalka ee lagu taageerayo bukaannada aan awoodin inay guryahooda kula ciidaan qoysaskooda, iyadoo sidoo kale lagu xoojinayo niyad-dhiska iyo daryeelka bukaannada.

Maamulka Isbitaalka Xoogga ayaa xusay in Taliska Ciidanka XDS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ay si joogto ah u taageeraan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, si loo garab istaago ciidanka iyo bulshada u baahan daryeelka caafimaad.

Ugu dambeyn, maamulka isbitaalka ayaa caddeeyey inay sii wadi doonaan barnaamijyada niyad-dhiska bukaannada, si loo hubiyo in qof kasta oo ku jira Isbitaalka Xoogga uu helo daryeel caafimaad oo tayo leh iyo garab istaag bani’aadamnimo.

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Al-Mahasin Foundation, ayaa si rasmi ah maanta gobolka banaadir ka daahfurtay qeybinta mashruuca Zakadul Fitriga ee sanadka– 2026. Kaas oo qayb ka ah dadaallada bani’aadannimo ee lagu taageerayo dadka ugu nugul bulshada.

Mashruuca waxaa la qorsheeyay in ay ka faa’iidaystaan ku dhowaad 80,000 oo qof oo isugu jira qoysas sabool ah iyo barakacayaal, gaar ahaan kuwa ku nool xeryaha barakacayaasha ee Gobolka Banaadir. Diiradda ayaa si gaar ah loo saaraya dadka nugul sida agoonta, haweenka madaxda ka ah qoysaska, iyo dadka dakhligoodu hooseeyo.

Hindisahan ayaa imanaya xilli dalka ay ka jirto mowjad cusub oo abaar ah iyo barakac, isla markaana ay sii xumaanayso xaaladda amniga cuntada.

Dhankeeda, Al-Mahasin Foundation ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay iskaashiga bani’aadannimo ee ay la leedahay Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo caddeysay in mashruuca loo fulin doono si hufan oo nidaamsan. Sidoo kale, waxaa lala shaqeyn doonaa hay’adaha maxalliga ah iyo guddiyada bulshada si loo hubiyo in gargaarku gaaro dadka mudan waqtigiisa saxda ah ee Zakada Fitriga.

Mashruucani waxa uu qayb ka yahay dadaallada bani’aadannimo ee ballaaran ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada ka wado Soomaaliya, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay yareynta dhibaatada dadka nugul iyo xoojinta isku duubnida bulshada.

Agaasimaha waaaxda gargaarka sodma sahra ali yuusuf ayaa u maahdnaqday kin salmaan iyo hay,adda almaxaasin foundtion

Hasan Mahad-Alle Agaasimaha Samafalka degmada Deynile iyo Shiik adan oo ka mid ah culumada ducaada ayaa ka hadlay fadliga zakatul fidriga

Eng.abdilahi abdulkadir. madaxa xirirka ee hey’adda almahasin foundation ayaaa kawarbixiyay daahfurka mashruucaan

 

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

0

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyay qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, gaar ahaan dadka aan wax maqlin iyo kuwa aan wax arkin si ay uga qeyb qaataan farxada Ciidul Fidriga.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay mas’uuliyad ka saaran tahay daryeelida bulshada qeybahooda kala kala duwan , waxa uuna baaq u diray dadka illaahey wax siiyay in ay kaalintooda ka qaataan garab istaaga dadka Nugul iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sidoo kale laamaha amniga ku amaanay dadaalkooda naf-hurnimada leh ee sugida amniga, waxa uuna shacabka ugu baaqay in la garab istaago oo lala shaqeeyo ciidamada amniga, asigoona u rajeeyay in caafimaad iyo farxad ay ku ciidaan.

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

0

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Cabdullaahi Faarax (Nuux), iyo Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusay shuhadada ciidamada iyo guulihii howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee bishii Ramadaan, kuwaas oo lagu xoreeyay deegaanno cusub.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, saraakiil kala duwan oo ka tirsan ciidanka, iyo wakiillo ka socday beesha caalamka oo taageera dagaalka lagula jiro argagixisada.

Intii ay socotay munaasabadda, waxaa sidoo kale loo duceeyay shuhadadii naftooda u huray difaaca diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa bogaadiyay geesinimada ciidamada iyo dadaalkooda joogtada ah ee ay kula dagaallamayaan argagixisada, isaga oo xusay guulaha la gaaray iyo howlgalladii muhiimka ahaa ee la fuliyay si loo xaqiijiyo ammaanka iyo xasilloonida dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in guulaha ay gaareen ciidamadu ay suurtageliyeen in shacabka Soomaaliyeed ay bishii Ramadaan ku soomaan si nabad ah.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aysan hilmaami doonin shuhadadii naftooda u huray difaaca diinta, dalka iyo dadka, kuwaas oo ka dhabeeyay dhaartii iyo ballan-qaadkii ay qaadeen. Wuxuu ciidamada faray inay sii wadaan halganka ilaa laga xoreynayo dhammaan dhulka Soomaaliya.

 

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

0

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee Tartan Cilmiyeedka Ramadaan,kadib markii 16 dhibcood ay kaga badisay Degmada Buulo-burde oo iyaduna heshay 10 dhibcood.

Waa sanadkii lix iyo tobnaad ee warbaahinta qaranka ay qabaneyso tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan,kaas oo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Tartankaan waxaa habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka iyo sidoo kale Radio Muqdisho oo laga baahiyo.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS oo UK lagu soo dhaweeyey

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin, oo safar shaqo ku jooga United Kingdom, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada London.

Soo dhaweynta Wasiirka waxaa ka qeyb qaatay xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, kuwaas oo muujiyay taageerada ay u hayaan dadaallada dowladdu ugu jirto horumarinta dalka.

Intii uu socday kulanka, Wasiirku waxa uu ka warbixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada ku aaddan dhameystirka iyo ansaxinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ka qeyb qaataan talo iyo taageero ku aaddan geeddi-socodka dastuurka.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool United Kingdom doorkooda ku aaddan taageerada horumarka dalka iyo sida ay mar walba uga qeyb qaataan dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

0

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka howlgala caasimadda dalka, ayaa ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah, iyagoo ugu deeqay gaari lagu riixo dadka naafada ah si uu uga caawiyo dhaqdhaqaaqeeda.

Taliyaha Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad Boliis Milataro ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,Gashaanle Maxamed Cabdi Xuseen (Koronto),oo booqday guriga gabadha yar ayaa sheegay in markii ay soo gaartay fariinteeda ay go’aansadeen in ay qeyb ka mid ah mushaharkooda ka jaraan si ay uga qeyb qaataan caawinta gabadha. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ciidamada ay mar walba garab taagan yihiin bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka nugul ee u baahan taageerada.

Dhankeeda, gabadha yar ayaa uga mahadcelisay ciidamada deeqda iyo garab istaagga ay u muujiyeen, iyadoo sheegtay in gaarigan ay si weyn ugu baahneyd si uu ugu fududeeyo howl maalmeedkeda.

Arrintan ayaa muujineysa dareenka iyo damqashada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo gacana kula dagaallama cadawga,tan kalena ku caawniyaan shacabka ay u adeegayaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Ciid-siin iyo taakuleyn gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan, oo lagu barbaarinayo ku dhawaad 300 oo arday oo agoon ah.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in laga bilaabo bisha Abriil dugsigu heli doono taageero lacageed oo joogto ah, si loo xoojiyo daryeelka iyo waxbarashada ardayda ku jirta dugsiga.

Guddoomiye Muungaab ayaa ku ammaanay maamulka dugsiga dadaalka ay ku bixinayaan barbaarinta iyo xannaaneynta carruurta agoonta ah, isagoo xusay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ay mas’uuliyad ka saaran tahay bixinta adeegyada aasaasiga ah. Wuxuu intaas ku daray in si gaar ah loo tixgelin doono dadka leh baahiyaha gaarka ah, taasoo qayb ka ah fulinta dardaaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa horey u bilaabay taageeridda Dugsiga Agoonta Gabdhaha Boondheere, waxaana hadda Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan uu ka mid noqonayaa dugsiyada ay taageerada dhaqaale ka helaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

0

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa la filayaa in goordhow lagu dhaariyo magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Tallaabadan taariikhiga ah waxay guul weyn uga dhigan tahay xubinimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

0

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama dambeysta ee tartan ciliyeedka bisha Ramadaan, kadib markii 12 dhibcood ay kaga badisay Degmada Buulo-burde oo heshay 6 dhibcood.

Sido kale,tartamayaasha Degmada Gubadleey ayaa ka adkaaday Degmada Kaaraan, kadib markii ay natiijadii tartan cilmiyeedkaasi ay ku soo gabagabowday 8 iyo 6 oo ay guushii ku raacday Gubadleey.

Waa sanadkii lix iyo tobnaad ee warbaahinta qaranka ay qabaneyso tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan,kaas oo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Tartankaan waxaa habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka iyo sidoo kale Radio Muqdisho oo laga baahiyo.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.