Home Blog Page 301

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Casho sharaf u sameeyay mudane Joseph Ntakirutimana

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.

kulanka oo ka dhacay hoyga Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo maanta loo dhaariyay xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad.Kulanka oo sidoo kale lagu soo dhoweynayay wafdiga ka socday baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa mudane. Joseph Ntakirutimana ayaa guddoonka golaha shacabka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen isaga wafdigiisa, waxa uuna boggaadiyay horumarka dowladnimo ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal kooban jeediyay jeediyay ayaa wafdiga ka socda baarlamaanka EAC la wadaagay muhiimadda ay Baarlamaanka Soomaaliya u leedahay in wafdigan dalka booqasho ku yimaadaan iyo in dalkeena uu xubin rasmi ah ka noqdo Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Ugu dambeyn guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa hadiyado guddoonsiiyay guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa iyo wafdigiisa, iyadoo dhanka kalena wafdiga ka socday baarlamaanka EAC hadiyado guddoonsiiyeen guddoonka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirweynaha Qurba-joogta Soomaaliyeed oo laga soo saaray Warmurtiyeed 

Shirweynaha Qurbajoogga Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Dooxa, ayna martigelisay Dowladda Qatar oo aynu walaalaha nahay , socdayna 22-24 July oo la soo gaba-gabeeyay maanta oo Arbaco ayaa laga soo saarray war-murtiyeed.

Waxaa guul ku soo gabagaboobay Shirka Qurbajoogta Soomaaliyeed 2024, kaas oo uu halkudhigiisu ahaa “Jiheynta Awoodda Qurbajoogta Soomaaliyeed Si Loo Gaadho Soomaaliya Bilan oo Barwaaq Ah”, laguna qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar, muddadii u dhaxaysay 22 24 Luulyo.

Shirka oo ay ka soo qaybgaleen khubaro dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada, dhaqanka, tiknoloojiyada, hogaamiyayaal bulsho, culamaa’uddiin, sugaanyahanno, iyo xubno laga doorto deegaannada ay ku noolyihiin.

Kasoo-qaybgalayaasha shirka, ayaa ka kala yimid daafaha dunida, iyaga oo muddadii saddexda maalmood ee shirku socday gorfeeyay mowduucyo ay kamid yihiin:

1′ Caqabadaha iyo fursadaha ka jira qurbaha.

2′ Kobcinta awoodda dhalinyarada ee xagga tacliinta iyo tiknoolajiyada.

3′ Xoojinta midnimada iyo kaalinta qurbajoogtu ku leeyihiin. Xoojinta iskaashiga qurbajoogta si loo gaaro barwaaqo.

4′ Ka faa’iideysiga aqoonta iyo hal-abuurrada ganacsi ee qurbajoogta.

5′ Iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dowladda Soomaaliya iyo dowladda Qatar.

6′ Habka ugu haboon ee ay dowladdu ugu adeegi karto qurbajoogta.

7′ Kaalinta qurbajoogta ee u qareemidda qaranimada Soomaaliyeed.

Waxaa gorfaynta mowduucyada barbar socday barnaamijyo doceed ay kamidyihiin bandhigyo isugu jiray fan iyo suugaaan, buugaag, farshaxan, iyo kulamo guulo-tirsi ah ee qurbajoogta Soomaaliyeed

Natiijooyinka Ugu Muhiimsan Ee Shirka:

1. Shirka ayaa uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya qabanqaabada, iyo isku keennida qurbajoogta Soomaaliyeed si loo jiheeyo awooddooda loona gaaro mustaqbal bilan oo barwaaqo ah. Waxaa sidoo kale shirku bogaadiyey horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ay dowladda Soomaaliya xaqiijisay sanadihii la soo dhaafay, hawlgallada dowladdu ay dalka kaga sifaynayso Khawaarijta Alashabaab, difaacidda midnimadda, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed, iyo kahor tagga damaca qaawan ee Itoobiya ay ku doonayso qaybo kamid ah dhulka iyo xeebaha Soomaaliyeed.

2. Joogtaynta shirarka qurbajoogta Soomaaliyeed iyo unkidda dallad guud oo midaysa ururada qurbajoogta, iyaga oo yeelanaya kulamo joogta ah oo baritaaraya dedaallada horumarineed ee qurbaha iyo dalka gudihiisaba.

3. Adeegsiga aqoonta casriga ah iyo tiknoolojiyada si sare loogu qaado karaanka dhalinyarada Somaaliyeed, iyada oo laga faa’iideysanayo aqooonta iyo xirfadaha qurbajoogta.

4. Waxaa shirku bogaadiyay kaalinta qurbajoogta ee barnaamijyada horumarineed iyo kuwa ganacsi ee dalka, iyada oo la dhirigeliyay sare u qaadida karaankooda iyo xiriirkooda wadashaqayneed.

5. In hal-abuurka aqooneed iyo ganacsi ee qurbajoogta oo ah mid sameeyay, samaynaya horumar joogta ah aan looga maarmin tayaynta ha’yadaha horumarineed iyo kuwa ganacsi ee dalka.

6. Xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah ee Soomaliya iyo Qatar oo ah mid samayay, samaynayana horumar la taaban karo, kaas oo dan u ah labada dal iyo guud ahaan gobolka.

7. Sare u qaadidda adeegyada Safaaradaha dowladdu u fidinayayaan qurbajoogta iyo socotada Soomaaliyeed.

8. In la dardargeliyo kaalinta hormuudnimo ee qurbajoogtu ku leyihiin u qareemaidda midnimada iyo qaranimda Soomaaliya.

9. Dowladda ayaa ballanqaadaysa fulinta go’aanada ka soo baxay shirka, waxaana u xilsaaran Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Gabagabadii iyo gunnaanadkii, shirku waxa uu uga mahadceliyay Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar martigelinta shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed 2024, iyo guud ahaan kaalinteeda wax-ku- oolka ah ee dib-u-dhiska dalka.

 

Taliyaasha Booliska iyo Militariga oo ka qeybgalay furitaanka tababar ku saabsan Isgaarsiinta

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sulub Axmed Firiin, ayaa maanta si wadajir ah u furay tababar ku saabsan Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

Tababarkaan oo ay ka qeyb gelayaan Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Booliiska, ayaa mudada uu socdo waxaa lagu baran doonaa Isgaarsiinta casriga ah iyo Teknoolojiyadda.

Aqoon kororsigaan maanta ka furmay xeradda ciidamadda ee Xalane waxaa gacan ka geeysanaya xafiiska Qaramadda Midoobey u qaabilsan taageerada Soomaaliya ee UNSOS.

Madaxweynaha Jubaland oo bogaadin ugu tagay ciidankii dhawaan Khawaariijta ku laayey Buulo-xaaji

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta booqasho dhiiri galin ah ugu tagay Ciidamada Darawiishta Jubaland gaar ahaan guutada Birjeex ee fadhigoodu yahay deegaanka Buuloxaaji, halkaas oo maalinkii isniinta ahayd ee 22-Luulyo-2024 ay ka fuliyeen hawlgal tariikhda galay oo lagu dilay in ka badan 135 Khawaariij ah.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Ciidamada geesiyada ah guusha weyn ee ay ka gaareen dagaalkaas isagoo xusay in guushaas ay tahay mid ay ku faanayaan dhammaan ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in la joogteeyo oo halkeeda laga sii wado.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in cadowgu uu tabar yaryahay loona baahan yahay in la is raaciyo iyadoo wax badan laga bartay dhagartiisa hada kadibna Soomaali oo dhan ay aragtay in laga adkaan karo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in geesinimada iyo halyeeynimada ay muujiyeen guutada Birjeex ay tahay mid ka farxisay qof walba oo la daala dhacayay dhibaatada Khawaariijtu ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada ayuu Madaxweynahu ku booriyay in loo baahan yahay dadaal kii hore ka badan iyo naf hurnimo si loo xaqiijiyo hadafka guud ee ah sidii dalka oo dhan looga sifayn lahaa Khawaariijta.

Waxaa Madaxweynahu uu Alle uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo halyeeyada ku shihiiday dagaalka isagoo Caafimaad taam ah u rajeeyay kuwa dhaawaca ah ee naftooda u huray difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Madaxweynaha ayaa bilad geesinimo gudoonsiiyay Gaashanle Sare Cabdi Kaafi Dayib Axmed Taliyaha guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubaland Gaashanle Sare Bashiir guhaad Xasan abaanduulaha guutada Birjeex iyo Gaashanle dhexe Axmed Cabdi Shafeec.

Sidoo Kale Madaxweynaha ayaa mid hal darajo dalacsiiyay dhammaan Ciidamada guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubaland ee dhagta dhiiga u daray Khawaariijta banaysatay dhiiga ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa booqashadan Tariikhiga ah ku wehelinayay Masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda iyo Sheekh Cabdiqani Qorane oo Ciidamada ku dhiirigalinayay dagaalka xaqa ah ee ay ku jiraan kuna boorinayay inay Alle ugu dhawaadan sidii dalka oo dhan looga sifayn lahaa khawaariijta hororka ah.

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaan hoostaga Buurhakaba

0

-Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Buurhakaba ayaa howlgal qorsheysan oo ay ku fuliyeen deegaanka Jameecada ee gobolka Bay ka saaray halkaasi.

Howlgalkan qorsheysan ee khawaarijta ka dhanka ah ee ka dhacay deegaanka Jameecada oo 25 KM u jira degmada Buurhakaba ayaa waxaa hadda ku sugan Xoogga Dalka, waxaana meesha isaga cararay khawaarijta baxsadka ka ah Cadaaladda kana been-shaagay Diinta Islaamka.

Xoogga dalka ayaa howlgallo qorshahan iyo mid toos ah kawada guud ahaan deegaannada ay khawaarijta kaga suganyihiin dalka, waxaana laga khaarajiyay khawaarijta horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro beel ah, iyadoo kuwa badanna ay isku soo dhiibeen laamaha amniga si loo horgeeyo Cadaaladda.

Xeer-ilaalinta Qaranka oo Raashiin dhacay ku celisay dalkii laga keenay

0

Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa qaaday tallaabo culus oo ku aadan Raashin dhacay oo 7-bishii Maarso ee sanadkaan lagu qabtay dakadda magaalada Muqdisho, kaas oo la doonayay in loo suuq geeyo suuqyada dalka.

Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed oo daba-gal ku sameysay raashinkan oo uu noociisu ahaa Bur ayaa ogaatay in uu yahay mid dhacay, kaas oo gaarayay 7 kunteenar, iyadoo la wadaagtay hay’adaha baarista dalka.

Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa hay’adda taya-dhoorka kala wareegay Kiiskaan, isagoo tan iyo bishii 3-aad baari ku hayay, iyagoo ugu dambeyn soo bandhigay inuu yahay burka mid dhacay, taas oo keentay in maanta oo Axad ah dalkii laga keenay dib loogu celiyo.

Xeer ilaaliye Mustaf Macalin Cali Salaad oo dekedda Muqdisho kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la go’aamiyay in Burkan lagu celiyo dalkii laga soo dhoofiyay oo ah waddanka Turkiga,.mag-dhawna laga qaaday shirkadii laheyd raashiinka dhacay.

“Baaritaan dheer oo caddeymo lagu lifaaqay oo maxkamadda iyo xafiiska xeer ilaalinta ugu jira ay wadaageen waxaa go’aan lagu soo saaray in lagu celiyo meeshii laga keenay, todobada kunteenar waa la raray annaga oo ku hubinay mid walba inuu yahay sidii lagu keenay laga soo bilaabo maalinkii la qabtay, illaa hadda waxaa ilaaliyay oo gacanta ku hayay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga dekedda”.

Xeer ilaaliyaha ayaa intaa ku daray in warbixinta baariiseedkan ay la wadaagi doonaan dowladda Turkiga, si loola xisaabtamo shirkadda soo daabusha oo dalkaas laga leeyahay.

“Dukumintiyada iyo caddeymaha la helay iyo warbixin baariseedka la sameeyay waxaa qaab diblumaasiyadeed loo gaarsiin doonaa dowladda Turkiga, ayada oo loo marsiinayo wasaaradda arrimaha dibadda, oo lala wadaagaayo safaaradda Turkiga”.

Dhanka kale hay’adda Taya-dhowrka ayaa digniin culus u diray shirkadaha iyo ganacsatada soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in tilaabo adag laga qaadi doono cid kasata oo rashiin dhacay dalka soo galiso.

 

 

Soomaaliya oo Ka qayb gashay shirweynaha 6-aad golaha fulinta Midowga Afrika

0

-Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, mudane Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana kaga qayb galay shirweynaha 6-aad ee bartamaha sanadka ee isu duwidda hawlaha qorshaysan ee hor-yaalla guddiyada kala duwan ee AU iyo sidoo kale Kalfadhiga 45-aad ee guddiga fulinta ururka Midowga Afrika, kaas oo socon doona ilaa 21 July ee sanadkan.

Shirarkan ayaa looga arrinsanayaa arimmo ay kamid yihiin Nidaaminta Musharixiinta Afrikaanka ah ee Ururada Caalamka, Horumarinta Dhaqaalaha Afrika, meel-marinta miisaaniyadda Midowga Afrika ee 2025, Xaaladaha Nabad-gelyada iyo waxbarashada ee qaaradda, Ka Qayb-galka Midowga Afrika ee G20, Arrimaha Bini’aadan-nimada Afrika” iyo arrimo kale oo muhiim ah oo loogu tala galay horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo daryeelka dalalka iyo dadweynaha Afrika.

Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Cumar Balcad ayaa si gaar ah u shir guddoomiyay kulanka guddiga nidaaminta musharixiinta Afrikaanka ah ee loolanka ugu jira kuraasta kala geddisan ee ka bannaan ururada caalamka sida AU, UN iyo kuwo kale, iyadoo ay guddigu go’aanno rasmi ah ka gaari doonaan arrimahan.

“Guddigu waxay soo gudbiyeen warbixinno la xiriira dariiqa loo marayo iyo qorshaha loo diyaariyay hanaanka nidaaminta musharixiinta Afrikaanka ah ee ururada caalamka, iyadoo gunaanadka kulankan guddiga lagu shaacin doono go’aano dhaxal gal ah” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa ku wehliya Shirarka ka socda magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana danjiraha JFS ee Midowga Afrika Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS iyo mas’uuliyiin kamid ah golayaasha DFS.

Golaha Wasiiradda XFS oo ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka

0

-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Golaha ayaa kulanka aan caadiga ahayn ee caawa ku soo saaray Qaraarka Mamnuucidda ka ganacsiga Hubka iyo Saanadda Ciidanka ee loo yaqaan (Cir-toogte), iyaga oo ansixiyey Siyaasadda Iibka Hubka, Rasaasta iyo qalabka Ciidanka.

Qaraarka ayaa mamnuucaya ka ganacsiga hubka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan in la soo dajiyo, la dhoofiyo, la warshadeeyo, laga ganacsado, la isu gudbiyo ama la daabulo hubka iyo saanadda ciidanka.

Sidoo kale, Siyaasadda libka Hubka iyo Rasaasta ee Golaha Wasiirradu ansixiyeen waxa ay qayb ka tahay dadaallada dowladda federaalka ugu jirto dejinta shuruuc, siyaasado iyo nidaamyo adag oo lagu xakameynayo hubka sida sharci darrada ah ku soo gala dalka, kaddib qaadista cuna qabataynta hubka.

Waxaa kale oo shirka Golaha Wasiirrada ay caawa yeesheen lagu ansixiyey Heshiiska Difaaca ee ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Masar.

Guddoomiyaha SODMA iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo safar ugu baxay Xuddur

0

-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Goordhaw u ambabaxay magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

Wafdigaan waxaa qeyb ka ah Wasiirka Gargaarka Maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush, iyo mas’uuliyiin ka socda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka.

Ujeedka wafdigaan ayaa ku saabsan u kuur-galida xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta gobolka iyo booqashada Xerooyinka barakacyaasha, iyagoo halkaas gargaar ugu qeybin doona qoysaska barakacyaasha ah iyo kuwa danta yar ee ku nool duleedka magaalada Xuddur.

Biden oo ku adkeystay inuu ku sii jiro tartanka Doorashada Madaxtinimo ee dalka Mareykanka

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa ballan qaaday inuu ku sii jirayo tartanka madaxtinimada isla markaana uu ka adkaan doono ninka ka soo horjeeda inkasta oo ay sii kordhayaan baaqyada ka imanaya xubnaha Dimuqraadiga oo codsanaya inuu tanaasulo Biden.

12 ka mid ah siyaasiyiinta Dimuqraadiga oo ay ku jiraan laba senatar iyo koox xubno ka ah Congress-ka ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu ka haro tartaka maadaama uu xilligaan go’doon ku yahay gurigiisa xeebta ku yaal ee Delaware tan iyo markii laga helay cudurka ‘Covid-19’.

“Si wada jir ah xisbi ahaan iyo dal ahaan waan guuleysan karnaa, waanna ku adkaan doonaa sanduuqa codbixinta” ayuu yidhi Biden.

Dhinaca kale Donald Trump ayaa sheegay in uu todobaadka soo socda ku laabanaayo ololaha tartanka doorashada ,kadib kolkii maalinimadii shalay la soo gabagabeeyay Shirweynihii Qaran ee xisbiga Jamhuuriga.

Ragga sida weyn uga soo horjeeda Biden waxaa kamid ah Senetarka laga soo doorto Ohio Sherrod Brown iyo Senetarka laga soo doorto New Mexico Martin Heinrich .kuwaas oo la tilmaamay in ay u ololeynayaan in madaxweynugu uu ka haro tartanka doorashada.