Home Blog Page 245

Wasiirka Maaliyadda oo kormeeray xafiisyada dowladda ee ku howlan dakhli aruurinta

0

Si loo dar-dar galiyo sare u qaadidda dakhliga Dowladda, wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kormeer ku tagay xafiisyada ku howlan dakhli soo saarka iyo uruurinta cashuuraha.

Wasiirka Maaliyadda ayaa warbixino ka dhageystay Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Faysal Maxamed Xaashi iyo Agaasimaha Waaxda Cashuuuraha Barriga Cabdulaahi Nuur Shirboow.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa ku dhiirigaliyay kooxda ku howlan arrimaha dakhliga iyo cashuuraha oo laf-dhabar u ah shaqooyinka Wasaaradda Maaliyadda.

Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ku dadaaleysaa sare u qaadidda dakhliga, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhameystirka shuruudaha deyn-cafinta.

guddoomiye sheekh aadan madoobe oo shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee golaha shacabka

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 30-aad guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ajandeynta hindise sharciyeedyada horyaala Golaha ee hada maraya akhrimaha kala duwan, habraaca wax ka bedelka dib u eegista dastuurka, howlgabka iyo liiltirka shaqaalaha rayidka oo maraya akhrinta 3-aad iyo qaxootiga iyo magangaliyo doonka oo maraya akhrinta 2-aad. Warbixinta Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ee ku saabsan tababarada Guddiyadda Golaha Shacabka BJFS.

Dhanka kale Guddiga Joogtada ah ee Golaha shacabka BJFS waxaa uu boggaadiyay isla-markaana taageeray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan jiida hore ee dagaalka, waxaana ay ku dhiirageliyeen in ay sii laba jibbaaraan dadaalka lagu difaacaayo dalka.

Shirka golaha wasiirrada XFS oo looga hadley amniga guud ee dalka

0

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadley amniga guud ee dalka, iyada oo lagu meel-mariyey Heshiisyo is afgarad oo ay wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Heshiisyadan ay wada gaareen labada dowladood ee uu goluhu meelmariyey, ayaa la xiriira arrimaha dibedda, caafimaadka, waxbarashada, warfaafinta, dalxiiska iyo tayeynta maamullada dowliga ah.
Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana lagu xasillinayey dalka.
Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaarayaan furimaha dagaalka ee cadowga lagu baacsanayo, wuxuuna goluhu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dalka u leedahay dabargoynta kooxda Khawaarijta ah in loo midoobo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ahmed Moallim Fiqi oo booqday taliska ciidanka Gorgor ee degmada Xarardheere

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo socdaal shaqo kujooga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa maanta booqday taliska Gorgor ee ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed isaga oo gaarsiiyay farriimo kala duwan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ciidamada gaarsiiyay farriimo uu ka siday hoggaanka dalka gaar ahaan madaxweyne Dr. Hassan Sheikh Mohamud, waxaa uu sidoo kale ka dhageystay diyaargarowgooda la xiriira sidii Mudug looga sifeyn lahaa haraadiga Khawaarijta.

Ugu dambeyntii, Mudane Axmed Macallim Fiqi wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya waxaa uu kala hadlay xaaladda iyo sida hoggaanka dowladda heearkeeda kala duwan uga go’an tahay dagaalka lagu soo afjarayo Khawaarijta, waxaa bogaadiyay howlaha naf hurnimada ah ee ay qaranka u hayaan isaga oo carabka ku adkeeyay in ay garab taagan yihiin oo dhirrigelinayaan ciidamada xaq u dirirka ah ee xoogga dalka.

Cali Guudlaawe:-”Nimaankaan Khawaarijta ah waa jabeen,rafashadii ugu danbeysay ayey ku jiraan”.

0

-Madaxweynaha Hirshabeelle oo Labadii cisho ee la soo dhafay kormeer ku tagay furimaha ee dagaalka gobolka Shabeellaha dhexe oo sheegay in Khwaarijta dhawaan laga saari doono deegaannada ay kaga dhuumaalaysanayaan goboladda Hirshabeelle.

”Nimaankaan Khawaarijta ah  waa jabeen,rafashadii ugu danbeysay ayey ku jiraan,waa laga adkaaday marqaati waxaad ka tihiin in xabadii looga soo bilaabay Jubbo iyo Fiyaad maantana waxaa lagula dagaalamaya Ceelbuur iyo Cowsweyne taas ayaa waxay ku tusaysaa in ay dhameystir u baahan yihiin,wixii dhimana waa la dhameystirayaa,waxaan ka mahadcelinaya sida aad u abaabulan tihiin ee aad isku diyaariseen,qofkii dhinta ilaahay ha u naxariisto kuwa dhaawacmayna ilaahay ha caafiyo balse sharaf waa in aan ku noolaano”.

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa booqdey dhacdadii xalay ee la xariirta dhisma ka kooban dhowr Dabaq oo soo dumay

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday dhacdadii xalay ka dhacday Degmada Howl Wadaag ee la xariirta dhisma ka kooban dhowr Dabaq oo soo dumay kaas oo ay ku geeriyoodeen inta la xaqiijiyay iyo Hooyo iyo caruurteeda.

Guddoomiye Madaale ayaa warbixin la xariirta dhacdadaan ka wareestay kooxda gurmadka deg dega ah, maamulka degmada Howl Wadaag, iyo saraakiisha Amniga, waxa uuna faray si deg deg ah baaritaan rasmi ah loogu sameeyo sababta ka dambeysa in dhismahaan uu soo dumo.

Taliyaha ciidan boliiska oo kormeeray ciidanka Darawiishta boliiska ee ku sugan degmada Cadale

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan Saraakiil kale, ayaa Maanta kormeeray Xerada Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed ee ku sugan Degmada Qadiimiga ah ee Cadale.

Kormeerka ayaa daaranaa, u kuurgelida hanaanka shaqo,Badqabka iyo Dhiirigalinta Ciidanka Daraawiishta Boliisku ayaa qeyb ka ah, Difaaca Waaxaha Qaranka, waxeyna waajibaadka difaaca la wadaagaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyaga oo qeyb libaax ka qaata howlgalada lagu cirib tirayo Khawaarijta ee Dalka ka socda.

Sidoo kale Ciidanka Daraawishta Boliiska ayaa qeyb ka ah hanaan dhimista Ciidanka ATMIS iyo kala wareegida xeryaha iyo fadhiyada la qorsheeyay.

Maraykanka oo ka digay in Woqooyiga Kuuriya ay hub ka iibiso Ruushka

0

Afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa sheegay in Maraykanku uu ka walaacsan yahay heshiisyada hubka ee dhexmari kara Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi,xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhaxeeya Pyongyang iyo Washington.

Hadalka Kirby ayaa yimid toddobaadyo uun ka dib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Kim ay isweydaarsadeen waraaqo ay ku ballanqaadayaan inay xoojiyaan xiriirka labadooda dal.

Sarkaalkaasi ayaa ka digay in Kuuriyada Waqooyi ay hub ka iibiyaan Ruushka oo latilmaamay in uu dagaal ka wado Ukraine,isagoo dhanka kale ku booriyay in la joojiyo wadahadalka hubka ee ay kula jirto Ruushka .

Ergada Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka ee ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York illaa hadda wax jawaab ah kama bixin hadalada sarkaalkaasi.

Waqooyiga Kuuriya,waxa ay barbar taagan  tahay Ruushka oo dagaal  kula jira Ukraine, iyada oo ku adkeysatay in siyaasadaha reer galbeedka ee Maraykanku hoggaamiyo ay ku qasbeen Moscow iyo Pyongyang inay qaadaan tallaabo ay ku ilaashanayaan danahooda.

 

Dad ku geeriyooday dhisme ku soo dumay magaalada Muqdisho

0

Dhismayaal iska ag-dhawaa oo ka koobnaa ilaa labo dhisme oo dhabaqayo ahaa ayaa ku soo dumay guri filo ah oo ay daganaayeen haweeney iyo carruur ay dhashay oo xiliga ay soo dumeen ku sugnaa gurigooda.

Dhismayaasha soo dhacay ayaa la sheegay in ay ahayeen labo dabaq oo iska agdhawaa kana koobna 8-deed biyaano iyo afar biyaano oo ay labaduba ay isku duldhaceen walow aan la sheegin sababta ka dabeysa waxa keenay dumida labada dabaq ee iska agdhawaa.

Qoys ku noola guri filo ah ama guryaha gaagaaban ee ku hoosyaalay dhismaha ayaa waxaa laga soo badbaadshay labo ka mid ah qoyska ,halkaa ay ku geeryoodeen haweenay iyo gabar ay dhashay oo ka mid ah qoyska guriga ku noola xilli habeenimah oo ay dhacdadaani ka dhacday degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Ciidanka dabdamiska gobolka Banaadir oo goobta garay ayaa sheegay in ay wadan gurmada lagu baadi goobayo qof ka mid ah dadka ku sugnaa guriga ay dabaqayadaani ku soo dumeen, waxayna sheegeen in ilaa iyo hadda baadi goobaya gabar 14 jir ah taaso ku sugnayd guriga marka dhimmaha ku soo dumay.

Haweeneyda iyo Gabadh ay dhashay ayaa la xaqiijiyay in ay ku nafweyeen dabaqyo kusoo dumay gurigooda oo ku yaala degmada Howlwadaag waxaana sidoo kale jira dad kale oo dhismaha lagu la’ yahay.

Wali waxaa socda gurmadka lagu baadi goobaya gabadha iyo haday jiraan dad kale haday jiraan, iyadoon wali si dhab ah loo ogeyn waxa sababay dumistsa dhismahan.

Ugu yaraan 63 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dab ka kacay magaalada Johannesburg

0

Ugu yaraan 63 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dab ka kacay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika

in ka badan 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay dhismo dhowr dabaq ah oo ku yaalla bartamaha magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha iyo shaqaalaha gurmadka.

Af-hayeenka Adeegyada Maareynta Degdegga ah ee Johannesburg, Robert Mulaudzi ayaa sheegay in dabku subaxnimadii Khamiista uu basbeelay dhismo ku yaalla bartamaha ganacsiga ee magaalada, dhimashaduna waa ay sii kordhaysaa iyada oo 63 meyd ah laga soo saaray goobta ilaa hadda.