Home Blog Page 246

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray taliska ciidanka xoogga ee Aadan yabaal

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta ee degmada Aadan Yabaal, halkaas oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedada safarkiisu ay tahay sidii uu u dhiirigelin lahaa geesiyaasha ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee gacanta birta ah ku ciribgoynaya inta yar ee kaga harsan kooxaha Khawaariijta Galmudug iyo Hirshabelle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kuurgeli doona isbeddellada nololeed ee ka jira deegaannadii laga sifeeyey Khawaarijta, oo ay ka mid tahay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal, isla markaana kulamo gaar ah la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Taliska Ciidanka X.D.S ee laga hoggaamiyo dagaalka ka socda Galmudug iyo Hirshabelle ee lagu sifeynayo argagixisada.

Waa safarkii labaad ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku tago degmada Aadan Yabaal, taas oo muujineysa ahmiyadda ay Xukuumaddu siineyso xoreynta iyo sugidda amniga dalka.

Madaxweyne Qoor-qoor oo gaaray deegaanno hoos taga Ceelbuur

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane, Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab.

Safarka Madaxweynaha ayaa ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaalada deegaanadaas iyo dhiirragelinta ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha ah iyo shacabka deegaanka, kuwaasoo u awood sheegtay kooxaha khawaarijta ee argagaxisada ah.

Madaxweyne Xasan Sh : Kuwa awoodda Ciidanka la siiyay ee ku takri falay waa lala xisaabtamayaa”

0

Madaxweynaha JFS Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la joogo waqtigii lala xisaabtami lahaa kuwa awoodda ciidanka la siiyay ku tagri falay ee khiyaanada sameeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Kuwa awoodda Ciidanka la siiyey ee ku takri falay, oo Khiyaanada ku kacay, dadkana mardabeeyay waa lala xisaabtamayaa”.

Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in kuwa tashwiishka gelinaya ciidanka uu la mid yahay Khawaarijta qoriga iyo qaraxa wadata.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka socda ee lagu cirib tirayo khawaarijta uusan u joogsan doonin war xuma tashiil iyo qof tashwiish geliya halganka, meelaha la joogana aan laga soo noqon doonin.

“Ama hal goob dagaal ha lagu guul darreysto, ama mid xun oo tashwiish wada wax ha sheego, dagaalku wuu soconayaa, ma istaagayo, meelaha aan joognana kasoo noqon mayno, horay ayaan u soconaynaa”.

ATMIS oo ku dhawaaqday in Soomaaliya ay ka saareyso 3,000-askari dhammaadka bisha September

0

Shir jiraa’id uu taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, Sarreeye Guud Som Okiding ku qabtay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay ka bixitaanka tirada 3,000 ( Saddex kun) oo askari ee ay ka baxayaan Soomaaliya qeyb ka tahay qorshaha qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dhammaadka sanadka 2024-ka, guud ahaan ciidamada ATMIS ay Soomaaliya kaga wada baxayaan.

Sugidda ammaanka dalka waxaa si buuxda ula wareegaya ciidamada qaranka, kuwaas oo hadda tayo iyo tababar xooggan leh.

” Ciidamada ATMIS waxay ku guuleysteen in ay fuliyaan howlgallo dhowr ah oo dhammaantood ay wada guuleysteen, iyagoo kaashanaya ciidamada kala duwan ee Dowladda, ciidamadu AU waxay mar walba heegan u yihiin in ay taageeraan howlgallada lagu ciribtirayo argagixisada ee ka socda Dalka, waxaan la howlgalnaa ciidamada qalabka sida, ATMIS sida aad ogtihiin waxay waddanka ku leedahay lix fariisin oo ku kala yaalla gobollada Dalka,” ayuu yiri taliyaha ciidamada ATMIS.

Bishii Juun ayay ahayd, markii 2,000 ( labo kun) oo ka mid ah ciidamada ATMIS dib loogu celiyay dalalkoodii, balse dhammaadka bisha September waxaa loo balansan yahay saddex kun oo kale, dheeraad ah dib loogu celiyo dalalkooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay ciidamada qaranka ay ku filan yihiin sugidda amniga Dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab, ugana mahadcelisay ciidamada ATMIS dadaalkoda nafhurninada iyo dhiigga ay u hureen walaalahooda Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay marxaladda dagaalka Khawaarijta

0

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa farriin u diray ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka, taas oo ku aadan inay sii xoojiyaan gulufka ay dhabarka uga jabinayaan argagixisada.

Mudane Xasan Sheekh ayaa ciidanka dareensiiyey inay dagaalka ka soo bilaabeen dhul boqolaal Km ka fog degmooyinka iyo deegaanada todobaadkii hore la xoreeyey, haatana Khawaarijtu ay marayaan maalmihii noloshooda ugu xumeed, ayna dhawdahay waqtigii guusha wayn laga gaari lahaa.

Waxa uu ka hadlay dagaalkii u dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Cawsaweyne ee gobolka Galgaduud, kaas oo Khawaarijtu dicaayad been ah ka samaysay, isagoo xusay in sida dhabta ah la ogaaday in 190 ka tirsan Khawaarijta dagaalkaas lagu dilay, maleeshiyaduna ay xabaal wadareed ku wada aastay, dhaawacoodiina ay dileen maadamaa aysan isbitaal u haynin, isagoo balan qaaday in dowladdu ay dib u baari doonto xawaal wadareedyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay la xisaabtanka kuwa la siiyey awood dowladeed ee masuuliyadooda khiyaamay ama ka gaabiyey inay xilkooda si hufan u gutaan.

“Kuwa ka shaqaynaya inay ciidanka taswiish galiyaan ogaada waa Shabaab” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Dhinaca kale madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowladda ay ka go’antahay ciribtirka Khawaarijta.

“Dagaalku waa soconayaa ma istaagayo, meelaha aan joogno kama soo noqonayno, guusha kama dambaysta ah ee aan raadinayno aan gaaraynaa” ayuu yiri madaxweyne Xasaan Sheekh.

Ugu dambayn madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo ay ciidanka ku garab istaagaan xoog iyo xoolaba, si loo dhiirrigaliyo ciidanka, loogana guuleysto cadowga ragaadiyey horumarka dalka.

 

Ciidanka Gaaboon oo la wareegay xukunka,isla markaana laalay natiijada doorashooyinkii dhacay

Koox ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidamada Dalka Gabon ayaa sheegay inay xukunka la wareegeen, daqiiqado kadib markii guddiga doorashada ee dalkaasi ay ku dhawaaqeen in madaxweyne Ali Bongo uu ku guuleystay markii saddexaad.

Saraakiisha oo saacadihii hore ee maanta ka soo muuqday TV-ga Gabon ayaa sheegay in ay matalaan dhammaan ciidamada ammaanka iyo difaaca ee dalka,iyagoo intaa raaciyay in la laalay natiijada doorashada ee ka dhacday dalkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda dalka xubnaha ka ah OPEC. Ilaa hadda ma cadda halka uu ku sugan yahay Bongo oo markii ugu dambeysay lagu arkay goob fagaare ah, markii uu codkiisa ka dhiibtay doorashadii Sabtidii.

” waxaan go’aansanay inaan difaacno nabadda anagoo meesha ka saarayna nidaamka hadda jira,” ayeey saraakiishu ku sheegeen hadal ay soo saareen.

Saraakiishaasi qabsaday Gaaboon ayaa kala diray xukuumadda, golaha guurtida, golayaasha qaranka, maxkamadda dastuuriga ah iyo guddiga doorashada,waxaana la xiray xuduudahana dalkaasi illaa amar dambe.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Xarardheere

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane, Axmed Macallin Fiqi oo maalmahan howlo shaqo ujoogay Galmudug ayaa isaga iyo wafdi uu hoggaaminaya waxay gaareen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Wasiirka Arrimaha gudaha oo ay wehliyaan mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka federaalka iyo Galmudug ayaa waxa uu socdaalkiisu la xiriiraa dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dhiirri gelinta ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray furimaha dagaalka

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kormeeray furimaha dagaalka, halkaas oo uu ka socdo abaabuka guluf culus oo lagu cirib tirayo khawaarijta.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ku sugan magaalada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegay in ay halkaasi u tageen dhiirri gelinta Ciidamada qalabka sida, xoogagga deegaanka iyo abaabulka bulshada deegaanka.

Mudane, Guudlaawe ayaa u mahad celiayay sida ay madaxweynaha DFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaruhuba ugu go’an tahay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta,wuxuuna bulshada deegaanka ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan cirib tirka nabad-diidka.

Guddiga difaaca ee golaha Shacabka oo ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Guddiga difaaca ee golaha Shacabka BFS ayaa bogaadiyay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidanka Qaranka.

Xoghayaha guddiga difaaca ee BFS Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin oo la hadlay saxaafadda ayaa marka hore ka warbixiyay kulan uu guddiga difaaca maanta la qaatay Wasiir kuxigeenka wasaaradda gaashaandhiga xildhibaan Cabdifataax Qaasim iyo taliye kuxigeenka ciidanka xoogga dalka.

Kulanka ayuu sheegay inuu ku saabsanaa is xog waraysi , gaar ahaan xaaladda dalka, dedaallada Ciidanka xoogga dalka ku jiro,cirib tirka khawaarijta, guulaha la gaaray, goobaha la xoreeyay, caqabadaha jira.

Axmed Cabdi Kooshin oo aqrinayay baaq ay soo saareen guddiga difaaca ayaa sheegay in aan horumar la gaarayn, inaan barwaaqo la gaarayn inta cadowgu dalka ku jiro, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in loo tafa xayto cirib tirka khawaarijta.

Xildhibaan Kooshin oo ku hadlayay afka Xubnaha guddiga difaaca ee BFS ayaa sidoo kale ugu baaqay xildhibaannada labada gole, bulshada qaybaheeda kala duwan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ciidamada qalabka sida hiil iyo hooba isla garab taagaan.

Xoghayaha guddiga difaaca ee BFS Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin ayaa sheegay in guddigu ay ka digayaan in la siyaasadeeyo dedaallada uu ciidanka xooggu ku jiro, lagana fogaado wixii dhiirri gelin u ah argagixisada uu gabbalkoodu dhacay.

 

R/W ku xigeenka XFS oo daah-furay shir ku saabsan Isku-duwidda deeqaha

0

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay Qaab-dhismeedka Guddiyadda Tiirarka, Hab-raaca Cusub ee Wadashaqeynta Isku-duwidda Deeqaha.

Waxaa shirka si rasmi ah u daahfuray Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Salaax Axmed Jaamac, waxaana furitaanka munaasabadda khudbado ka jeediyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene).