Home Blog Page 225

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo hoygiisa ku qaabilay xubno ka tirsan Golaha Warbaahinta

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa caawa hoygiisa ku qaabilay xubno ka tirsan Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed.

Xubnahan gudomiyaha Baarlamaanka Galmudug uu martiqaadka u sameeyay ayaa kala ah Madaxa Tababarrada Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed Hinda Jaamac iyo Lataliyaha sare ee Golaha Abdiqani Cabdullaahi, kuwaas oo howlo shaqo maalmahan u joogay magaalada Dhuusamareeb.

Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ku bogaadiyey shaqada wanagsan ee uu Golahu u hayo qeybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka, isagoo tilmaamay in loo baahanyahay in warbahinta wadanka gaar ahaan tan Galmudug in xirfadooda sara loo qaado si ay u ogadaan xuquqdooda iskana ilaaliyaan inay ka baxaan xeyndaabka suxufinimmo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed uu xafiisyo ka furto Galmudug si door muuqda uga qaato garaad dhiska suxufiyiinta Soomaaliyeed, si loo xoojiyo xiriirka Warbaahinta iyo dowladda.

Agaasimaha Waaxda Tababarrada ee wasaaradda Warfaafinta Galmudug Mudane Xassan Cabdiraxmaan oo isna meesha ka hadlay ayaa golaha markale ugu mahadceliyey qaban-qaabinta Tababarrada Golaha Warbaahinta u qorsheeyey Galmudug ee ugu dambeeyay kii maanta lagu soo xiray Dhuusomareeb, kaas oo ay ka faa’iideysteen suxufiyiin ka socday qeybaha warbaahinta Galmudug.

Madaxa Tababarrada Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed Hinda Jaamac iyo Lataliye sare Cabdiqani Cabdullaahi oo Guddoomiyaha Baarlamaanka uga mahadceliyay martiqaadkiisa ayaa uga warbixiyay doorka muhiimka ee Golahu ka qaadanaya sare u qaadidda xirfadaha iyo horumarinta warbahinta Soomaliyeed, iyagoo tilmaamay inay si dhow ula shaqeyn doonaan qeybaha kala duwan ee warbahinta Galmudug ka howlgasha si loo xoojiyo xiriirka suxufiyiinta iyo dowlad gobolleedka Galmudug.

Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu howlan sidii sare loogu qaadi lahaa tayada Warbaahinta dalka, si kor loogu qaado wacyiga suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo maanta Tababar socday 3 maalin ku soo xiray magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul wasaare Xamse oo guddoomiyey kulan ku saabsan doorashooyinka Qaranka

0

Ra’iisul wasaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka, kaas oo u dhexeeyey Xukuumadda xubnaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si talada dib loogu celiyo dadka, una soo doortaan hoggaankooda, taas oo ah xuquuq dastuuri ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ka maqnayd muddo ku siman konton sano.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa faray Wasaaradaha iyo hey’adaha ku shaqada leh in ay si dhow ula shaqeeyaan guddiga, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorashada, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda DanQaran ay gacanna dalka doorasho uga qabanayso, gacanna cadowga uga xorreynayso.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

0

Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029).

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in qorshahan ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada uu ku saleysan-yahay hannaan lagu horumarinayo kaabayaasha kala duwan ee dalkeennu leeyahay— laguna tayeynayo hey’adaha kala duwan ee dowladda, si dalka loo gaarsiiyo horumar waara.

“Xukuumadda DanQaran waxa ay ballan-qaadday in ay dalkeenna u jihayso hannaan kor loogu qaadayo dowladnimada iyo dhismaha hey’ado xooggan, iyada oo taas laga duulayana waxaan diyaarinay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029), oo lagu horumarinayo dhinacyada siyaasadda, amniga, caddaaladda iyo arrimaha bulshada, korna loogu qaadayo ilaha dakhliga dalka iyo fursadaha maalgashi ee loo baahan yahay”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo qoraalkiisu socday in muddo ah, ayaa waxaa diyaariyey in ka badan 400, oo qof, oo isugu jira khubaro iyo masuuliyiin dowladeed, kaasi oo beddelay Qorshihii hore ee Horumarinta Qaranka NDP9, waxaanna uu xoogga saarayaa qaabkii dalku u gaari lahaa horumar la taaban karo shanta ee soo socota.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay xubno kamid ah Golaha Wasiirrada

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubno cusub ee Wasiirrada Xukuumadda JFS ee kala ah:

1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮𝗮𝗻𝗱𝗵𝗶𝗴𝗴𝗮

2. Md. Cabdiqaadir Maxamed Nuur – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶𝗱𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗱𝗱𝗮

3. Md. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗻𝗮𝗰𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗪𝗮𝗿𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮

4. Md. Maxamed Faarax Nuux – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶𝗱𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗗𝘂𝘂𝗹𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗛𝗮𝘄𝗮𝗱𝗮

5. Md. Maxamed Cabdiqaadir Cali – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗖𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮

6. Md. Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

7. Mw. Sahuur Xaaji Culusow Xasan – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha

8. Md. Sulub Axmed Firin – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha

9. Md. Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

10. Mw. Aamina Xuseen Cali – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada

11. Md. Xuseen Cali Xaaji – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada

12. Mw. Fartuun Cabdiqaadir Faarax – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

13. Md. Maxamed Aadan Maxamed (Baydhabo Janaay) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha

14. Md. Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta

15. Mw. Dahabo Suusow Muunye – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

16. Md. Cismaan Axmed Macow – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka

Cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta oo gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe

0

Cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo qeyb ka noqon doona soo afjaridda khawaarijta ku sugan deegaanno ka tirsan gobolkaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar oo halkaa u joogo dardargelinta dagaalka lagu baacsanayo Khawaariijta ayaa ciidankan ku so dhaweeyay furumaha hore dagaalka Gobalka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo shalay laga sagootiyay magaalada Muqdisho.

Gobalka Shabeellaha Dhexe xiligaan waxaa ka soconayo howlgallo culus oo Argagixisada lagu naafeeyay, iyadoo Geesiyada is garabsanaya ay nafta dhaafiyeen Maleeshiyaad tiro beel ah, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, waxaana lagu burburiyay Saanad ciidan oo khawaarijta laheyd.

Guud ahaan deegaannada khawaarijta ku dhuumaaleysanaysa waxaa ka socda howlgallo dhulka iyo cirka ah oo ay iska kaashanayaaan Ciidanka Qaranka, kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamka, iyadoo horjoogayaal muhiim u ahaa khawaarijta lagu khaarajiyay looga Saanad ciidan.

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda oo martigeliyay dood cilmiyeed ku saabsan kaalinta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

0

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa dood cilmiyeed cinwaankeedu yahay “muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya markale ka mid noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay” ku qabtay Caasimadda Muqdisho.

Dood cilmiyeedkan oo sidoo kale ahaa af-fur wadareed ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daauud Aweys Jaamac, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda, Danjire Yuusuf-Garaad Cumar Axmed, aqoonyahanno iyo wakiillada bulshada rayidka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa furay dood cilmiyeedka , isagoo ka hadlay kaalinta Soomaaliya ee matalidda codka Afrika ee Golaha Ammaanka iyo ka go’naanshaheeda nabadda iyo ammaanka caalamiga.

Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda, Mudane Maxamed Maxamuud Guure, ayaa sheegay inuu horumarinayo howlaha iyo barnaamijyada machadka si uu uga dhabeeyo qorshayaasha deggan,

Ka qeybgalayaasha ayaa is-dhaafsaday aragtiyo ku qotoma xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka oo muddo xileedkeedu yahay labo sano, iyaga oo xusay muhiimadda ay arrinkaasi leedahay.

Intii madashu ka socotay doodda ayaa kaqeyb galayaashu ay ku tabaruceen 560 buug oo wax ka taraysa ballaarinta Maktabadda Machadka .

Wasiir Daa’uud Aweys’’ Shacabka haka fogaadaan goobaha ay joogaan Khawaarijta,’’

0

Dowladda Federaalka ayaa shacabka Soomaaliyees ugu baaqday in ay ka fogaadaan goobaha fara ku tiriska ah ee ay ku harsan yihiin Khawaarijta Al-shabaab, kuwaas oo ku soo koobmay in ay shacabka dhibaateeyaan.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in any Dowlasdu kordhisay duqeymaha cirka ee ay ka fulineyso goobaha ay joogaan Khawaarijta, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aysan ka agdhawaan goobaha Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan.

Sidoo kale, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in duqeymo dhacay Saacadihii la soo dhaafay lagu dilay horjoogayaal ku sugnaa degmada Jilib.

‘’ Waxaan markale shacabka Soomaaliyeed la wadaageynaa howlgalo ballaaran oo lagu beeraha carpets Khawaarijta, kuwaas oo ka dhacay degmada Jilib, markale, waxaan shacabka Soomaaliyeed uga dogma in ay ka fogaadaan goobaha carpets ka soo abaabulayo dhagarta ama ay rabaan in ay ka sameeyaan carqalado dhinac nabadda la xiriira, dowladda federaalka waxaa ka go’an in ay sii waddo howlgallada oo waliba u badan duqeymoDhanka cirka ah, marka si loo yareeyo khasaaro soo gaaro shacabka waa in ay ka fogaadaan goobaha ay joogaan Cadowga,’’ ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys oo shir jiraa’d ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta.

Howlgalka Jilib laga fuliyay oo ku soo dhammaaday guul ayaa lagu bur buriyay xarumo muhiim u ahaa Khawaarijta oo ay ku jiraan labo guri oo ay deganaayeen labo horjooge oo la kala yiraahdo Xasan Yacquub iyo Amiin oo intaba ku yaalo degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA LA-TALIYENIMO KA QAADAY MAXAMED XASAN IBRAAHIN (QOONE)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Lataliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada, Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu mar walba ka rajeynayaa masuuliyiinta uu u magacaabo xilalka sare ee Qaranka inay gacan ka geystaan horumarka iyo midnimada dalka, iyagoo waajibaadkooda u gudanaya si hufan, daacadnimo leh, isla markaana u hoggaansamaya mas’uuliyadda ka dhalata xilalka ay hayaan.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa uga mahadceliyay Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) muddadii uu u soo shaqeeyay Qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay duqeymo iyo dagaallo lagu naafeeyay Qawaarijta

0

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Sheekh Abuukar Maxamed ayaa ka warbixiyay duqeymo iyo dagaallo toos ah oo saacadihii lasoo dhaafay Khawaarijta lagu naafeeyay, kuwaas oo ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Galgaduud

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku sheegay deegaan si tooska ay oga dhaceen duqeymaha iyo weerarada lagu naafeeyay Kooxaha Qawaarijta in ay kala yihiin Owdheegle, Boos-hareeri,Sumadaale, Geerile, Doonka Shabeeloow, Ceel-buur iyo Laba-garas oo ka wada tirsan Gobollada Galgaduud, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Sheekh Abuukar ayaa oga mahadceliyay ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka sida dagaal ay ugu naafeeyeen Kooxaha Argixisada ee caadeytay daadinta dhiiga dadka muslimka ah.

Wasiir Axmed Fiqi oo sheegay in Wasaaraddiisu xoojinayso wadashaqaynta ay la leedahay qurbajoogta

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa xalay ka jeediyay khudbad xaflad af-fur ah oo Waaxda Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda ay soo qaban-qaabisay oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda, isaga oo sheegay kaalinta wax ku oolka ah ee Qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib-u-kabashada iyo horumarka qaran ee dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in qurbajoogta Soomaaliyeed ay kaalin wacan ku leeyihiin dadaallada dib-u-kabashada, maalgeshiga iyo dib-u-dhiska dalka , isaga oo xusay in dhismaha Xarunta Maamulka Arrimaha Qurbajoogta Soomaaliyeed la guda-galay, bilooyin gudahooda ay ku idlaan doonto.

Wasiirka ayaa ku dhiirrigeliyay Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta, Dr. Maxamed Xuseen Gaas, inuu dardargeliyo wadashaqaynta dhow ee qurbajoogta iyo dadka ku soo guryo-noqday dalka ay la leeyihiin waaxda si loo adkeeyo kaalintooda muuqata ee horumarka leh.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay bisha barakaysan ee Ramadaan, isaga oo tilmaamay fadliga soonka iyo ka shaqaynta adeegga bulshada inta lagu gudo-jiro bishani fadliga ah.