Home Blog Page 226

Hamas iyo Israel oo maanta mar kale isweydaarsanaya maxaabiis

0

Hamas iyo Israel ayaa maanta isweydaarsanaya sadex maxaabiis oo Yuhuud ah iyo 183 Falastiiniyiin ah ,taas oo qeyb ka ah heshiiska xabbad joojintii ee Gaza ka dhaqangalay 19-kii Janaayo ee la soo dhaafay

Xamaas ayaa magacawday saddex maxbuus oo kala ah Eli Sharabi, Ohad ben Ami iyo Or Levy ,kuwaas oo maanta lagu wado in lagu badasho 183 maxbuus falastiiniyiin ah.

Tallaabadaan ayaa timid xilli uu dib u dhac ku yimid isdhaafsigii maxaabiista,kadib markii Xamaas ay ku eedaysay Israa’iil in ay jebisay xabbad joojinta iyada oo ka hortagtay ama hakisay gargaarka bini’aadanimo iyo sahayda kale ee galaya Gaza.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in la isdhaafsado maxaabiista labada dhinac ,waana markii shanaad ee la isweydaarsanaayo dadka ay kala heystaan Israel iyo Hamas.

Illaa hadda 33 maxaabiis iyo in ka badan 2 kun oo Falastiiniyiin ah ayaa la isweydaarsaday lixdii isbuuc ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Ugaandha

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Kambaala ee caasimadda dalka Ugaandha, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggiisa Madaxweynaha Dalka Ugaandha Mudane Yoweri Museveni oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Intaas kaddib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta u amba-bixi doona magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya, si uu uga qayb galo shir aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo colaadda ka aloosan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka, iyadoo Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay iskaashi buuxa iyo taageero ku aaddan nabadda iyo horumarka mandiqadda.

Wasiir Fiqi oo ka qeybgalay kulan loogu gogol-xaarayo Shir Madaxeedka EAC-SADC

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta ka qeybgalaya kulan heer wasiir ah oo loogu gogol-xaarayo Shir madaxeedka wadaagga ah ee ay iskugu imaanayaan Madaxda dowladaha xubnaha ka ah Urur goboleedka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Urur goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) oo la qorsheeyay inuu ku qabsoomo magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania , soconna doonana muddo labo cisho ah 07-08 Febraayo.

Shirkan ayaa ujeedadiisu daaran tahay in la soo saaro talooyin, go’aanno iyo war-murtiyeed qabyo ah oo madaxda dowladuhu falanqayn doonaan inta aan la faafin, iyadoo diiradda lagu saarayo daminta xiisadda, joojinta colaadda, iyo xaqiijinta bedqabka dadka rayidka ah.

Soomaaliya oo ah xubin aan joogto ka ahayn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa ka go’an in ay ku baaqdo xal diblomaasiyadeed oo ku qotoma nabad iyo wadahadal in lagu maareeyo qalalaasaha taagan.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa la filayaa in inta shirku socdo uu kulamo doceedyo la yeesho qaar ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka xubnaha ka ah Urur goboleedyada EAC iyo SADC.

Hantidhowraha Guud ee JFS oo kulan la yeeshay Hantidhowrka Masar 

0

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa Hay’adda Dhexe ee Hantidhowrka Masar, Mudane Maxamed Al-Faisal Yusuf, si loo xoojiyo xiriirka iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada hay’adood ee arrimaha hantidhowrka.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo horumarin lahaa awoodda shaqaalaha iyo xirfadaha hantidhowrista ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo la isku raacay in la sameeyo qaab-dhismeed wada-shaqeyn joogto ah oo labada dhinac ka wada faa’iidaysan karaan.

Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa carabka ku adkeeyey muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ka faa’iideysato waaya-aragnimada qotoda dheer ee Masar ee ku aaddan isla-xisaabtanka iyo ilaalinta maaliyadda dadweynaha. Sidoo kale, Mudane Maxamed Al-Faisal Yusuf ayaa caddeeyey sida ay Masar uga go’an tahay inay Soomaaliya la yeelato xiriir iskaashi oo waara, iyada oo diiradda la saarayo baarista maaliyadda iyo xoojinta dowladnimada.

Kulankan ayaa sidoo kale gogol-xaar u noqday fursado cusub oo iskaashi, kuwaas oo horumarin doona is-dhaafsiga khibradaha farsamo iyo awoodaha aqooneed ee labada hay’adood. Waxaa la isla gartay in la abuuro qaab-dhismeed wada-shaqeyn oo degdeg ah si loo horumariyo korjoogteynta, daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka labada dal.

Kulankan ayaa sidoo kale gacan ka geysan doona mideynta dadaallada labada dal ee xoojinta dowladnimada iyo isla-xisaabtanka maaliyadda, taasoo kaalin weyn ka qaadan doonta horumarinta dhaqaalaha iyo maamulka wanaagsan ee labada waddan.

Madaxweynaha JFS oo xoojiyey baaqa Golaha Wasiirrada ee Dagaalka ka dhanka ah Daacish

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sii xoojiyay baaqa Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan howlgalka ka dhanka ah argagixisada Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey guulaha taariikhiga ah ee ay soo hooyeen ciidanka iyo shacabka Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay dardargeliso hirgelinta go’aanka taageerada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay argagixisada Daacish kaga sugan yihiin buuraleyda gobolka Bari. Waxa uu xusay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka adkaanayaan argagixisada isa soo baheysatay, islamarkaana ay ka xoreynayaan taako kasta oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka ah ay ka go’an tahay la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada caalamiga, iyadoo la xoojinayo awoodda ciidanka, korna loo qaadayo daryeelka caafimaad ee halyeeyada ku dhaawacmay xoreynta deegaannada lagu baacsanayo argagixisada.

Shir Maaliyadeed oo u dhexeeya DFS iyo IMF oo lagu soo gabagabeeyay Riyadh

0

waxaa maanta Magaalada Riyadh ee Boqortooyada Saudi Arabia lagu soo gabagabeeyay shir muhiim ah oo u dhexeeyay Hey’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, shirkaas oo diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda wax ku oolka ah oo ay ugu muhiimsan yihiin ilaha wax soosaarka dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo hoggaaminaya xubnaha kala duwan ee shirkaan ka qeyb galaya oo ka kooban Xafiisyada Madaxeynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha kala ah Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Batroolka, Bangiga Dhexe, Hey’adda Warbixinada Maaliyadda, Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyo Xafiiiska Xisaabiyaha Guud.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo xiritaanka shirka ka hadlayay ayaa tilmaamay sida ay Dowladda Soomaaliya muhiimad gaar ah u siinayso in la helo maalgalin ku saabsan ka faa’iideysiga kheyraadka Dalka, sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa xaqiijiyay qorshaha Dowladda ee ku aadan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta hannaanka dakhli uruurtinta si sare loogu qaado dakhliga gudaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah 

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Kulanka oo looga hadlayay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka ayaa xubnaha guddiga joogtada looga dhageystay guddi walba qorshayaashiisa kalfadhiga lixaad iyo shuruucda uu gacanta ku haayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kalfadhiga lixaad oo dhowaan furmi doona Golaha Shacabka ay horyaalaan howlo muhiim ah iyo sidoo kale ka shaqeynta shuruuc kala duwan oo dowladnimada dalka muhiim u ah.

Golaha Wasiirrada oo bogaadiyey Ciidamada Puntland oo guulo ka gaaray dagaalka Khawaarijta 

0

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu ansixiyey laba heshiis oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Aserbajaan, kuwaas oo ku saabsan dhinacyada Waxbarashada, Tababarrada iyo Tamarta.

Heshiisyada is-afgarad ee ay wada gaareen Soomaaliya iyo Aserbajaan, ayaa wax weyn ka tari doonaa horumarinta dhinacyada Waxbarashada, Tamarta iyo tayeynta xirfadaha.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo guulo waaweyn ka gaaray jab xooggana gaarsiiyey kooxda Khawaarijta Daacisha ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Golaha ayaa go’aamiyey in hey’addaha dowladda ay mid walba qaadato doorkeeda waxtarka ah ee kaga aaddan garab istaagga ciidamada iyo shacabka Puntland ee dagaalka kula jira cadowga.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulen la yeeshay ku-simaha Madaxa UN Women

0

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Soomaaliyeed -SoDMA mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA kula kulmay Pia Weurlander, Ku-simaha Madaxa xafiiska haweenka Qaramada Midoobay (UN Women), si loo xoojiyo xiriirka adag ee u dhexeeya labada hay’adood ee ka shaqeeya wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah ee maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista ka-qaybgalka haweenka ee dadaallada yaraynta khataraha musiibooyinka (DRR), hubinta in codadka haweenka lagu daro geeddi-socodyada go’aan-qaadashada iyo abuurista goobo ammaan ah oo loogu talagalay haweenka ku nool bulshooyinka ay musiibooyinku saameeyeen, iyadoo ay soo fool leeyihiin abaarihii ka dhashay La Niña, haweenku waa kuwa ugu nugul, taasoo ka dhigaysa mid aad muhiim u ah in la xoojiyo adkaysigooda iyo in la hubiyo inay helaan taageerada iyo agabyada lagama maarmaanka ah.

SoDMA iyo UN Women waxay sii wadi doonaan inay ka shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa Soomaali adkeysi badan leh oo loo dhan yahay.

Shirweynaha 7-aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

0

Shirweynaha 7-aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed ayaa maanta galay maalintii labaad, iyadoo sanadkan diiradda la saarayo mawduuca muhiimka ah ee la dagaallanka maalgelinta iyo ilaha dhaqaalaha argagixisada. Shirkan waxaa ka qeyb galaya madax sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, xeer ilaaliyeyaasha heer federal iyo heer dowlad goboleed, iyo wakiillo ka socda hay’adaha amniga.

Shirweynahan ayaa ah mid lagu soo bandhigayo cilmi baarisyo iyo xog ururin muhiim ah oo ku saabsan sida looga hortagi karo maalgelinta argagixisada iyo curyaaminta dhaqaalaha u gudba, iyadoo la isku dayayo in la baabi’iyo ilaha dhaqaale ee u fududeeya argagixisada in ay ka howlgalaan gudaha dalka iyo gobolka.

Waxa la qorsheeyay in shirkan laga wada hadlo tallaabooyinka lagu xoojin karo iskaashiga hay’adaha amniga, xeer ilaaliyeyaasha iyo dowladda si loo joojiyo dhaqaalaha ka soo galay ilaha sharci-darrada ah ee argagixisada. Inta uu socdo shirku, waxaa lagu soo bandhigi doonaa dadaallada laga sameeyay gudaha iyo dibadda ee lagu xakamaynayo maalgelinta kooxaha argagixisada.

Shirweynahan ayaa sidoo kale ah fursad loogu talagalay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku xirnaanta ka dhexeysa hay’adaha kala duwan ee dalka si looga hortago dhaqaalaha xun ee ay ku taageeraan kooxaha argagixisada, waxaana la filayaa in ka qeyb galayaasha ay kasoo saaraan go’aanno muhiim ah oo ku aaddan sidii loo xoojin lahaa amniga iyo xakamaynta dhaqaalaha argagixisada.