Home Blog Page 224

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Serbiyaย 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallim Fiqi oo khadka Telefoonka kula hadlay Wasiirka Arimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia Danjire Marko Djuric ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

โ€œSoomaaliya iyo Serbia ayaa xiriirkooda saaxiibtinimo waxa uu gaarayaa muddo 65 sano ah, waxaan xoojin doonnaa, korna u qaadi doonnaa xiriirkeenna wadaagga ah oo muddadaa fog jirayโ€ ayuu yiri Danjire Axmed Fiqi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Danjire Marko Djuric Wasiirka Arrimaha Dibada Serbia ayaa boogaadiyay horumarka dhanka Diblomaasiyadda iyo Siyaasadda ee dhexdhexaad ka ah ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka qaadato danaha is diidan ee yaala Golayaasha Caalamka.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibada Serbia ayaa ballan qaaday in ay dowladdiisu taageero la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya.

Mar walba Soomaaliya waxay noo tahay saaxiib gaar ah, waxaan rumeysannahay in aan wax badan wada-qabsan karoโ€ ayuu yiri Marko Djuric.

Ugu dambeyn, labada Wasiir ayaa isla gartay in booqashooyin rasmi ah isweydaarsadaan, si loo ballaariyo fursadaha jira si looga wada faaโ€™iideysto arrimaha dhaqaalaha, amniga iyo Tiknoolajidda.

Hantidhowraha Guud ee JFS oo ka qeybgalayo Shirweynaha Maareynta Deymaha Caalamiga ah ee QM

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Shir-weynaha Maareynta Deymaha Caalamiga ah ee Ganacsiga iyo Horumarinta Qaramada Midoobay (๐”๐๐‚๐“๐€๐ƒ), kaas oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan oo la qabto labadii sanaba mar ayaa ah kalfadhigiisii 14-aad, oo soconaya 17-19-ka Maarso ee 2025. Waxaa looga doodayaa qaabka loo dhigo maalgelinta ajandaha horumarka, iyadoo qaddiyadaha deymuhu ay udub dhexaad u yihiin.

Waxyaabaha shirkan lagu sahminayo waxaa ka mid ah raadinta xalal wax looga qabanayo xiisadaha deymaha adduunka, iyo hindisidda istiraatiijiyado lagu maareynayo deymahaas, iyada oo diiradda la saarayo xoojinta adkeysiga, maareynta iyo wax-ka-qabashada qataraha xiisadaha adduunka ka jira.

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkaas ku metelay Soomaaliya, oo qayb ka ah dalalka maareeyey deymaha lagu lahaa, kadib markii ay si fiican uga shaqaysay qaariiraddii deyn-cafinta, taas oo ugu dambeyn dowladdu ku guuleysatay.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo daah-furay qalabka diiwaangelinta cod-bixiyaha

0

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u daahfuray qalabka diiwaan gelinta codbixiyaha oo ah qalab casri ah oo lagu qabanaayo doorashada dadwaynaha, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin wayn uu Dalka u jihaystay doorasho dadwayne, Gudoomiye Cabdikariim ayaa sidokle sheegay in 30-ka June Dalka ay ka dhici doonta doorashada goloha deegaanka.

Muddo konton sano ah kadib Shacabka Soomaaliyeed ayaa nasiib u yeelan doona in ay soo doortaan hoggaankooda, taas oo ah xuquuq dastuuri ah oo ay xaq u leeyihiin shacab-waynaha Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray jiidda hore ee dagaalka Khawaarijta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisada.

Madaxweynuhu ayaa u kuur-gali doonaa xaaladda ciidamada iyo xoogagga shacbiga ah ee u istaagay xoreynta deegaannadooda, isagoo warbixinno ka dhegeysan doona talisyada iyo hoggaannada ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay jab weyn gaarsiiyay cadowga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagi doona xaaladda nololeed ee deegaannada laga xoreeyey argagixisada muddadii la soo dhaafay, maadaama dowladdu ay dadaal badan ku bixisay gurmadka, adeegyada aasaasiga ah iyo daryeelka dadkeenna ku nool deegaannada la xoreeyey oo duruufo adag la noolaa inta ay ku jireen gacanta argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa baraarugga dhallinyarada Soomaaliyeed, haweenka, waxgaradka iyo culimada ee ka dhanka ah argagixisada dhibaatada ku haysa dalkeenna, gaar ahaan taageerada halyeeyada Ciidamada Qaranka ee naftooda u huraya qarannimada iyo gobanida dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ambabaxay jiidaha hore ee dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, si uu garab-istaag ugu muujiyo mujaahidiinta Ciidamada Qalabka Sida iyo halgameyaasha dadka deegaanka.

Inta uu Madaxweynuhu ku sugan yahay furimaha dagaalka waxa uu u kuur-gali doonaa xaaladda ciidamada, isaga oo warbixinno ka dheggeysan doona talisyada iyo hoggaannada horkacaya dagaalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay jab weyn gaarsiiyay cadowga Khawaarijta ah.

Tegitaanka Madaxweynaha ee furimaha dagaalka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda iyo guud ahaan dalka iyo dibaddaba ay taageero xooggan u muujiyeen howlgalka horumarka weyn laga sameeyay ee lagu dabarjarayo cadowga Khawaarijta ah.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Tanzaniya oo shirar muhiim ah uga qeyb galay Harare

0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tansaaniya iyo EAC Amb, Ilyas Cali Xasan ayaa kulan doceed muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda ka qayb gashay shirka wada jirka ah ee ay caasimadda Zimbabwe ee Harare ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga dalalka xubnaha ka ah Ururada EAC iyo SADC, kaas oo diiradda lagu saaray soo celinta nabadda iyo xasilloonida Bariga Congo DRC.

Danjire Ilyaas ayaa shirar gaar-gaar ah la yeeshay qaar kamid ah madaxda ka qeyb gashay kulanka oo ay kamid tahay Marwo Thรฉrรจse Kayikwamba, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Congo DRC.

Safiirka ayaa Marwo Thรฉrรจse u xaqiijiyay sida Soomaaliya uga goโ€™an tahay nabadda iyo xasilooni waarta oo ka dhacda gobolka.

Dhanka kale, waxa uu kala hadlay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Congo DRC iyo sidii wax looga qaban lahaay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo hoygiisa ku qaabilay xubno ka tirsan Golaha Warbaahinta

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa caawa hoygiisa ku qaabilay xubno ka tirsan Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed.

Xubnahan gudomiyaha Baarlamaanka Galmudug uu martiqaadka u sameeyay ayaa kala ah Madaxa Tababarrada Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed Hinda Jaamac iyo Lataliyaha sare ee Golaha Abdiqani Cabdullaahi, kuwaas oo howlo shaqo maalmahan u joogay magaalada Dhuusamareeb.

Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ku bogaadiyey shaqada wanagsan ee uu Golahu u hayo qeybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka, isagoo tilmaamay in loo baahanyahay in warbahinta wadanka gaar ahaan tan Galmudug in xirfadooda sara loo qaado si ay u ogadaan xuquqdooda iskana ilaaliyaan inay ka baxaan xeyndaabka suxufinimmo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed uu xafiisyo ka furto Galmudug si door muuqda uga qaato garaad dhiska suxufiyiinta Soomaaliyeed, si loo xoojiyo xiriirka Warbaahinta iyo dowladda.

Agaasimaha Waaxda Tababarrada ee wasaaradda Warfaafinta Galmudug Mudane Xassan Cabdiraxmaan oo isna meesha ka hadlay ayaa golaha markale ugu mahadceliyey qaban-qaabinta Tababarrada Golaha Warbaahinta u qorsheeyey Galmudug ee ugu dambeeyay kii maanta lagu soo xiray Dhuusomareeb, kaas oo ay ka faaโ€™iideysteen suxufiyiin ka socday qeybaha warbaahinta Galmudug.

Madaxa Tababarrada Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed Hinda Jaamac iyo Lataliye sare Cabdiqani Cabdullaahi oo Guddoomiyaha Baarlamaanka uga mahadceliyay martiqaadkiisa ayaa uga warbixiyay doorka muhiimka ee Golahu ka qaadanaya sare u qaadidda xirfadaha iyo horumarinta warbahinta Soomaliyeed, iyagoo tilmaamay inay si dhow ula shaqeyn doonaan qeybaha kala duwan ee warbahinta Galmudug ka howlgasha si loo xoojiyo xiriirka suxufiyiinta iyo dowlad gobolleedka Galmudug.

Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu howlan sidii sare loogu qaadi lahaa tayada Warbaahinta dalka, si kor loogu qaado wacyiga suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo maanta Tababar socday 3 maalin ku soo xiray magaalada Dhuusamareeb.

Raโ€™iisul wasaare Xamse oo guddoomiyey kulan ku saabsan doorashooyinka Qaranka

0

Raโ€™iisul wasaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka, kaas oo u dhexeeyey Xukuumadda xubnaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha dalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si talada dib loogu celiyo dadka, una soo doortaan hoggaankooda, taas oo ah xuquuq dastuuri ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ka maqnayd muddo ku siman konton sano.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa faray Wasaaradaha iyo heyโ€™adaha ku shaqada leh in ay si dhow ula shaqeeyaan guddiga, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorashada, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda DanQaran ay gacanna dalka doorasho uga qabanayso, gacanna cadowga uga xorreynayso.

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š

0

Raโ€™iisul Wasaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029).

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in qorshahan ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada uu ku saleysan-yahay hannaan lagu horumarinayo kaabayaasha kala duwan ee dalkeennu leeyahayโ€” laguna tayeynayo heyโ€™adaha kala duwan ee dowladda, si dalka loo gaarsiiyo horumar waara.

โ€œXukuumadda DanQaran waxa ay ballan-qaadday in ay dalkeenna u jihayso hannaan kor loogu qaadayo dowladnimada iyo dhismaha heyโ€™ado xooggan, iyada oo taas laga duulayana waxaan diyaarinay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029), oo lagu horumarinayo dhinacyada siyaasadda, amniga, caddaaladda iyo arrimaha bulshada, korna loogu qaadayo ilaha dakhliga dalka iyo fursadaha maalgashi ee loo baahan yahayโ€.Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa.

Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo qoraalkiisu socday in muddo ah, ayaa waxaa diyaariyey in ka badan 400, oo qof, oo isugu jira khubaro iyo masuuliyiin dowladeed, kaasi oo beddelay Qorshihii hore ee Horumarinta Qaranka NDP9, waxaanna uu xoogga saarayaa qaabkii dalku u gaari lahaa horumar la taaban karo shanta ee soo socota.

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay xubno kamid ah Golaha Wasiirrada

0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubno cusub ee Wasiirrada Xukuumadda JFS ee kala ah:

1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ด๐—ฎ

2. Md. Cabdiqaadir Maxamed Nuur โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐—ธ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ

3. Md. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฐ๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ

4. Md. Maxamed Faarax Nuux โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐——๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ

5. Md. Maxamed Cabdiqaadir Cali โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—น๐—น๐—ถ๐—ป๐˜†๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—–๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ

6. Md. Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

7. Mw. Sahuur Xaaji Culusow Xasan โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha

8. Md. Sulub Axmed Firin โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha

9. Md. Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

10. Mw. Aamina Xuseen Cali โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada

11. Md. Xuseen Cali Xaaji โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada

12. Mw. Fartuun Cabdiqaadir Faarax โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

13. Md. Maxamed Aadan Maxamed (Baydhabo Janaay) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha

14. Md. Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta

15. Mw. Dahabo Suusow Muunye โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

16. Md. Cismaan Axmed Macow โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka