Home Blog Page 21

Ololaha urrurada siyaasada ee doorashada deegaanka oo ka bilaabmay Muqdisho.

0

Shacabka magaalada Muqdisho iyo ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan ayaa si rasmi ah u bilaabay ololaha doorashada Golaha Deegaanka, taasoo lagu wado in ay noqoto mid taariikhi ah oo hirgelisa nidaamka dimuqraadiga ah ee daahfurnaanta ku dhisan.

Ololahan ayaa lagu arkayaa xayaysiisyada musharixiinta, shirar dadweyne, boorarka wacyigelinta iyo kulamo siyaasadeed oo ka dhacaya degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir. Ururrada siyaasadeed ayaa bilaabay in ay la kulmaan bulshada rayidka ah si ay ugu bandhigaan barnaamijyadooda ku aaddan maamulka deegaanka, adeegyada dadweynaha, iyo horumarinta caasimadda.

Tani waa markii ugu horreysay ee shacabka Muqdisho ay si toos ah uga qayb qaadanayaan doorasho heer deegaan ah muddo ku dhow 50 sano, taasoo astaan u ah koboca hannaan dowladnimo oo sal adag ku leh kalsoonida shacabka.

Guddiga doorashooyinka heer gobol iyo mid qaran ayaa ku baaqay in ololaha lagu wado nabad, is-ixtiraam, iyo ilaalinta sharciga, si loo xaqiijiyo doorasho xor iyo xalaal ah. Shacabka reer Muqdisho ayaa si weyn u muujinaya xiisaha iyo ka-qaybgalka codbixinta soo socota.

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Norway oo Oslo ku qabtay kulan sanadle ah.

0

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Norway ayaa magaalada Oslo ku qabtay kulan sanadle ah oo lagu xoojiyay is-dhexgalka ardayda iyo dabaaldeg rasmi ah oo loo sameeyay ardaydii dhammeysay jaamacadaha sanadkan.

Kulanka oo ahaa mid ay ka soo qaybgaleen arday, waalidiin, macallimiin iyo marti sharaf kale ayaa lagu soo bandhigay khudbado dhiirrigelin ah, waxqabadka ururka, iyo guulaha ay ardaydu ka gaareen tacliinta sare ee dalka Norway.

Guddoomiyaha Ururka Ardayda Soomaaliyeed ayaa sheegay in ujeedada kulankan tahay kobcinta wacyiga ardayda, isku xirka dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan Norway, iyo dhiirrigelinta dadaalka waxbarasho.

Sidoo kale, ardaydii dhamaysay jaamacadaha ayaa la guddoonsiiyay shahaado sharafyo, iyadoo loogu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen heerka tacliimeed.

Munaasabadda ayaa lagu soo gabagabeeyay ciyaaro dhaqameed, suugaan iyo is-dhexgal bulsho oo muujiyay midnimada iyo firfircoonida ardayda Soomaaliyeed ee Norway.

Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirweynaha 7aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka  

0

Shirweynaha toddobaad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Islamabad ee dalka Pakistan. Soomaaliya waxaa shirka ku meteleysa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Shirka sanadkan ayaa diiradda lagu saarayaa mowduucyada ku saabsan nabadda, degganaanshaha iyo horumarka, waxaana ka qeyb galaya wufuud heer caalami ah oo ka socda Baarlamaannada waddamada kala duwan.

Marwo Sacdiya Yaasiin ayaa ka jeedisay shirka khudbad ay ku muujisay muhiimadda uu shirkan u leeyahay dalalka caalamka, gaar ahaan Soomaaliya, iyadoo xustay in nabad iyo degganaansho ay saldhig u yihiin horumarka dowladnimada.

Inta lagu guda jiro shirkan, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doonta madaxda Baarlamaannada kale ee ka qeyb galaya, si loo xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqeynta Baarlamaannada caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhiggiisa Aljeeriya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Aljeeriya, ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay Qasriga Al-Muradiya, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Aljeeriya, Mudane Cabdulmajiid Tabbuun.

Munaasabadda soo dhoweynta ayaa lagu maamuusay calammada labada dal, iyadoo cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaas ay siiyeen salaan sharaf Madaxweynaha Soomaaliya. Intaas kaddib, labada madaxweyne waxay yeesheen kulan gaar ah.

Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u guddoomiyay wada-hadallo ballaaran oo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan labada dhinac, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, dhaqanka iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Tabbuun iyo shacabka reer Aljeeriya soo dhoweynta diirran, isagoo xusay in booqashadani ay astaan u tahay xiriirka qotada dheer ee labada dal.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulmajiid Tabbuun ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaalka ay ku bixinayso xasillinta iyo dib u dhiska dalka, wuxuuna xoojiyay sida ay uga go’an tahay in Aljeeriya ay la garab istaagto Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

0

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga ah, kadib booqasho rasmi ah oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Aljeeriya, isagoo ka jawaabaya martiqaad uu ka helay dhiggiisa, Madaxweyne Cabdul-Majiid Tebbuun.

Booqashadan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, ganacsiga, waxbarashada iyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Booqashada ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, kuwaas oo wadaaga taariikh halgan ah oo ka dhanka ahaa gumeystihii iyo xiriir qotodheer oo ku saleysan aqoonsiga Carbeed iyo Afrikaannimo.

Sanadihii u dambeeyay, Soomaaliya waxay dib u soo ceshatay kaalinteedii siyaasadeed ee gobolka, halka Aljeeriya ay xoojisay doorkeeda diblomaasiyadeed ee Qaaradda Afrika, taas oo horseedday in xiriirka labada dal uu yeesho jihada cusub ee is-faham iyo wada-shaqeyn.

Dhinaca amniga, labada dhinac waxay ka wada hadli doonaan iskaashi ku aaddan la-dagaallanka argagixisada, xagjirnimada iyo kor u qaadidda awoodda hay’adaha amniga.

Aljeeriya oo caan ku ah waayo-aragnimadeeda dhinaca amniga iyo heshiisiinta Qaran ayaa la filayaa in ay la wadaagto Soomaaliya khibraddeeda, si loo xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida Geeska Afrika iyo gobolka Saaxil.

Dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga, waxaa la filayaa in booqashadu ay horseeddo fursado cusub oo la xiriira maalgelinta, is-weydaarsiga badeecooyinka, adeegyada kale iyo in la dhiirrigeliyo xiriirka u dhexeeya ganacsatada labada dal.

Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa sidii loo furi lahaa waddooyin cusub oo duulimaad iyo dekedaha ah oo fududeyn doona safarka iyo ganacsiga u dhexeeya Muqdisho iyo Aljeers.

Dhinaca waxbarashada iyo dhaqanka, Soomaaliya waxay doonaysaa in ay xoojiso iskaashiga Jaamacadaha Aljeeriya, si ardayda Soomaaliyeed ay ugu helaan fursado waxbarasho oo tayo leh, gaar ahaan culuumta caafimaadka, injineerinka iyo cilmiga siyaasadda.

Aljeeriya ayaa sidoo kale lagu xusaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda in ay tahay dal gacan weyn ka geysta horumarinta waxbarashada Carabiga iyo Islaamka ee Afrika.

Booqashada Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ee Aljeeriya ma aha oo kaliya munaasabad diblomaasiyadeed, balse waa tallaabo cusub oo lagu dhisayo xiriir istiraatiiji ah oo ku saleysan dano wadaag iyo iskaashi dhanka amniga, horumarka iyo waxbarashada, taas oo kor u qaadaysa danaha labada shacab iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

 

 

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga

0

Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane, Ilyaas Cali Xasan, ayaa si rasmi ah uga guddoomay Waraaqihiisa Aqoonsiga Madaxweynaha dalka Congo DRC, Mudane Félix Antoine Tshisekedi Tshilombo, kadib munaasabad ka dhacday qasriga Qaranka ee Kinshasa.

Danjire Ilyaas ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada ay dowladda iyo shacabka Congo siiyaan bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas.

Safiirku waxa uu sidoo kale hambalyo u diray Madaxweyne Tshisekedi guusha ay DRC ku gaartay ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo xusay in Soomaaliya oo xubin ka ah golahaasi ay diyaar u tahay in la iska kaashado arrimaha gobolka iyo caalamkaba.

Danjiraha ayaa mar kale adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal.

Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in la aasaaso Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Congo si kor loogu qaado ganacsiga iyo maalgashiga ee labada dal.

Ugu dambeyn, Danjire Ilyaas ayaa Madaxweynaha ku dhiirrigeliyay in la fududeeyo helista rukhsadaha ganacsiga iyo fiisayaasha si loo xoojiyo isu socodka ganacsatada labada dal, maadaama ay xubin ka wada yihiin Ururka Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay kulan wadatashi iyo is-xogwaraysi ah la yeeshay Culimada Soomaaliyeed, si uu ula lafaguro doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin xoojinta dowladnimada iyo wacyigelinta bulshada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Culimada ay u sii wadi lahaayeen dadaallada lagu xoojinayo midnimada iyo nabadda bulshada, loona sii laba-jibbaari lahaa halganka ka dhanka ah afkaaraha khaldan ee lagu marin habaabiyo dhallinyarada iyo bulshada.

Guddoomiye Dr. Muungaab, ayaa tilmaamay in wadashaqeynta Maamulka Gobolka iyo Culimada ay tahay tiir udub-dhexaad ah oo lagu dhisayo bulsho nabdoon iyo dowlad sal adag.

Culimada iyo Duqa Muqdisho ayaa isku raacay in la dardar-geliyo wacyigelinta bulshada iyo iskaashiga ka dhanka ah afkaaraha xun ee lidka ku ah Diinta xaniifka ah ee Islaamka, Nabadda iyo Dowladnimada Soomaaliya.

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay u adkaysiga cimillada

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir muhiim ah oo lagu qabtay Caasimada Dalka Itoobiya ee Addis Ababa, kaas oo uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD.

Shirka oo uu Soomaaliya ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng. Maxamed Xasan Cabdulle, ayuu ujeedkiisu ahaa daahfurka mashruuc cusub oo diiradda lagu saaraya maamulka dhulka, u adkaysiga cimillada iyo cunto soosaarka waara ee gobolka.

Mashruucan oo socon doona shan sano, ayaa ujeeddadiisu tahay in dalalka IGAD ay iska kaashadaan xoojinta maamulka dhulka, nabadda iyo horumarinta nolosha beeraleyda iyo reer guuraaga.

Eng. Maxamed Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay door muuqda ka qaadan doonto hirgelinta mashruucan, maadaama uu muhiim u yahay maamulka dhulka, sugnaanta cuntada iyo iskaashiga gobolka.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, oo meertadan lagu qabtay magaalada Jowhar, caasimadda Hirshabelle.

Shirka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Hirshabelle, Marwo Caasha Khaliif, wasiirrada gargaarka ee dowlad-goboleedyada dalka, maamulka Gobolka Banaadir, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, ururrada samafalka, bulshada rayidka, hoggaamiyeyaal maxalli ah, iyo xubno ka socda hay’adaha caalamiga ah.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), ayaa ah madal muhiim ah oo ay ku kulmaan hey’adaha dowladda, dowlad-goboleedyada, ururrada maxalliga ah, iyo kuwa caalamiga ah, si ay uga wada hadlaan dardar-gelinta jawaabaha bani’aadannimo iyo qorsheyaasha looga hortagayo xaaladaha musiibooyinka ee dalka.

 

 

 

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

0

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan wasaaradaha arrimaha gargaarka ee dowlad-goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, hay’adaha deeq-bixiyeyaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), isla markaana ah kii 9-aad, ayaa inta uu socdo diiradda lagu saari doonaa xaaladaha bani’aadannimo, gaar ahaan barakaca, abaaraha, iyo sidii loo mideyn lahaa jawaabaha degdegga ah ee laga bixiyo musiibooyinka.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe, uu si rasmi ah u daah-furo shirka.