Home Blog Page 21

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tegay xarunta maamulka degmada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha degmada Baydhabo ahna Duqa magaalada, Cabdullaahi Cali Watiin.

Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd hubinta habsami u socodka howlaha maamulka degmada, dardargelinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa maamulka iyo shacabka deegaanka.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Hoggaamiyaha ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay mas’uuliyiinta degmada, kuwaas oo la wadaagay xaaladda guud ee maamulka, heerka adeegyada bulshada, iyo caqabadaha jira. Sidoo kale, wuxuu indha-indheyn ku sameeyay xarumaha muhiimka ah ee degmada si uu u qiimeeyo heerka adeeg-bixinta.

Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ku bogaadiyay maamulka degmada dadaalka ay ku bixinayaan u adeegidda bulshada, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo horumarinta adeegyada aas-aasiga ah.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa caddeeyay in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay horumarinta maamul-wanaagga iyo kor u qaadidda adeegyada bulshada ee deegaannada hoos yimaada.

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund – NCF) ayaa si rasmi ah u daah-furay tababarka Green Climate Fund (GCF) Direct Access Accreditation Training Programme, kaas oo ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Tababarkan muhiimka ah waxaa ka qeyb galaya hay’ado dowladeed iyo daneeyayaal kala duwan, iyadoo ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo diyaar-garowga Soomaaliya ee helitaanka aqoonsiga tooska ah ee GCF (Direct Access Accreditation). Sidoo kale, tababarku wuxuu kor u qaadaya fahamka shuruudaha aqoonsiga, wuxuuna taageerayaa hay’adaha si ay u dhistaan nidaamyada lagama maarmaanka u ah helitaanka iyo maareynta maalgelinta cimilada.

Hay’adaha ka qeyb galaya tababarka waxaa ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliyeed (SDRB), kuwaas oo loo asteeyey inay hoggaan ka noqdaan geeddi-socodka aqoonsiga. Waxaa sidoo kale ka qeyb galaya hay’ado kale oo mustaqbalka u tartami kara helitaanka aqoonsigan, kana kala socda daneeyayaasha heer qaran ee Soomaaliya.

Barnaamijkan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya qodobbo muhiim ah sida: heerarka maaliyadeed (fiduciary standards), ilaalinta deegaanka iyo bulshada, sinnaanta jinsiga, diyaar-garowga hay’adaha, iyo habraacyada loo maro helitaanka aqoonsiga. Intaa waxaa dheer, wuxuu fursad u abuurayaa hay’adaha inay hagaajiyaan qorsheyntooda howlaha iyo inay xoojiyaan iskaashiga dhexdooda.

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey uu soo gaaray biyaha dalka, si uu u bilaabo howlgalkii ugu horreeyay ee qodista shidaalka badda (offshore) ee Soomaaliya.

Markabkan ayaa la filayaa inuu si rasmi ah ugu soo xirto Dekedda Muqdisho maalinta Jimcaha, 10-ka April, halkaas oo laga bilaabi doono diyaarinta iyo fulinta howlaha sahminta iyo qodista shidaalka.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid taariikhi ah oo Soomaaliya u horseedi karta horumar dhaqaale, maadaama sahminta shidaalka badda ay fure u noqon karto kobaca dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo soo jiidashada maalgashi caalami ah.

Sidoo kale, iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca tamarta ayaa muujinaya kalsoonida caalamku ku qabo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan shidaalka ku jira xeebaha dheer ee Soomaaliya.

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shahaadooyinka musharraxnimada guddoonsiiyey musharraxiinta u tartamaya kursiga HOP#204, kaas oo horay uga bannaanaa Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada kursigan ayaa goor dhaw ka dhici doonta magaalada Baydhabo, oo ah xarunta Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA HAWLAHA GUUD EE MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO KULAN LAGU DARDARGELINAYO KOBACA DAKHLIGA IYO HORUMARINTA ADEEGYADA CAASIMADDA LA QAATAY QAYBAHA AY KHUSAYSO

0

Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa Talaadada maanta ah shir muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiin ka kala socday waaxyaha kala duwan ee Dowladda Hoose ee Xamar, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha horumarinta caasimadda iyo xoojinta kobcinta dakhliga.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen Agaasimaha Waaxda Fasaxyada Dhismo-wadaagga, Agaasimaha Hawlaha Guud, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan qaybaha hoos yimaada Dowladda Hoose ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay hababka wax-ku-oolka ah ee lagu horumarin karo adeegyada bulshada iyo kordhinta ilaha dakhliga ee maamulka.

Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud oo ugu horeyn dhageystay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan hawlaha socda, caqabadaha jira, iyo fursadaha la heli karo ee lagu horumarin karo waxqabadka, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la laba-jibbaaro dadaallada lagu xoojinayo dakhliga Dowladda Hoose, si loo suurtageliyo adeegyo tayo leh oo loo fidiyo bulshada ku dhaqan caasimadda.

Sidoo kale, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan ayaa faray dhammaan waaxyaha ay khuseyso inay kordhiyaan wadashaqeynta, islamarkaana ay hor-tebinta siiyaan hawlaha mudnaanta u leh bilicda, nadaafadda, iyo kaabayaasha aasaasiga ah ee magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi ku aaddan in la xoojiyo isla xisaabtanka iyo dardargelinta fulinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda Hoose, si loo gaaro yoolalka iyo himilada Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ee ah hirgelinta horumar waara iyo adeeg bulsho oo hufan.

 

 

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee ku sugan magaalada Baydhabo, kaasi oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, adkeynta amniga, xasillinta, dib u dhiska hay’adaha maamulka iyo dardar galinta adeegyada dowliga ah.

 

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada, ahna Duqa magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdullaahi Cali Watiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Duqa degmada Baydhabo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee magaalada, dadaallada lagu xoojinayo amniga, horumarka laga sameeyey adeegyada bulshada iyo caqabadaha jira ee u baahan iskaashi heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey shaqada maamulka degmada Baydhabo, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda si loo hubiyo amni waara, horumar muuqda iyo adeegyo bulsho oo tayo leh oo ay helaan shacabka magaalada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha ku shaqada leh in la dardargeliyo hirgelinta mashaariicda horumarineed iyo barnaamijyada gurmadka, si loo xoojiyo adkeysiga bulshada loona horumariyo kaabeyaasha nolosha ee magaalada Baydhabo.

Kulankan, waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Hoggaamiyaha Kumeelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil C/rashiid Xaaji iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, Mudane Cali Yuusuf Cali.

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaan Maxamed Keerow iyo Xildhibaan Maryan Macalin oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Cabdulaahi Cali Watiin oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha maamulka Degmada Baydhabo, gaar ahaan dhinacyada amniga, adeegyada bulshada, iyo horumarinta bilicda magaalada. Hoggaamiye Jabriil ayaa faray Guddoomiyaha Degmada Baydhabo inuu laba jibbaaro dadaallada lagu xoojinayo maamulka iyo adeegyada muhiimka u ah shacabka.

Xildhibaannadii ka qeyb galay kulanka ayaa iyaguna adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn buuxda oo dhex marta hay’adaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo horumar waara oo ka hirgala degmada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka amniga Koofur Galbeed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeedì, kaasi oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga deegaanka, maareynta isbeddelladii amni iyo maamul ee dhawaan dhacay iyo xaqiijinta hannaan caddaaladeed oo loo simanyahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Shirka warbixinno faah faahsan uga dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Saraakiisha hay’adaha ammaanka, kuwaasi oo soo bandhigay qorsheyaasha lagu sugayo amniga deegaanka, dardargelinta howlgalada ka dhanka Khawaarijta iyo kor u qaadidda wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey Masuuliyiinta iyo Saraakiisha hay’adaha amniga muhiimadda ay leedahay in si mideysan looga shaqeeyo ilaalinta amniga, xakamaynta ciidamada hubeysan ee aan shaqada ka haynin gudaha magaaalada, xoojinta kalsoonida shacabka iyo taageerada ay bulshada u hayaan hay’adaha dowliga ah.

Kulankan, waxaa ka qayb galay Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil C/rashiid Xaaji, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada JFS iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashooyinka. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay hirgelinta doorashooyin hufan oo daahfuran, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska dalka.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyay dadaallada Guddiga Doorashooyinka, wuxuuna caddeeyay in Dowladdiisu ay ka go’an tahay taageeridda howlaha muhiimka u ah qabsoomidda doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo wada-shaqeyn joogto ah si loo gaaro yoolalka qaran ee la xiriira doorashooyinka iyo horumarinta maamul wanaagga.