Home Blog Page 20

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland, oo ay ka mid yihiin Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Suldaan Mursal, iyo Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdullaahi, iyo marti sharaf kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray baahiyaha ka jira deegaannada, iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa shacabka iyo dowladdooda, si loo gaaro xasillooni iyo horumar waara.

 

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

0

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika ee ay martigelisay Jaamacadda Yangzhou ayaa si rasmi ah ula kulmay Raktarka Jaamacadda, Prof. Liu Qiaoquan.

Wafdiga ayaa Raktarka uga warbixiyay shirarka iyo dood cilmiyeedkii ay ka qeyb galeen, iyagoo si faahfaahsan u sharaxay qodobbada muhiimka ah ee lagu falanqeeyay intii ay kulamadaasi socdeen.

Raktarka Jaamacadda Yangzhou ayaa wafdiga u soo jeediyay in ay ka taageeraan horumarinta Xarunta Daraasaadka Soomaaliyeed (Center for Somali Studies), si loo xoojiyo cilmi-baarista loona kobciyo fahamka qoto dheer ee arrimaha Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray booqashada, waxaa sidoo kale la qabtay munaasabad xarig-jaris ah oo lagu daah-furayay bandhig lagu xusayay 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, taas oo muujinaysa xiriirka taariikhiga ah ee saaxiibtinimo iyo iskaashi ee labada dal.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna safiirka aan deggenayn ee Soomaaliya u qaabilsan dalka Belarus,Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Belarus, Alexander Lukashenko.

Madaxweynaha Belarus ayaa si diirran u soo dhoweeyay safiirka, isagoo muujiyay sida uu dalkiisu diyaar ugu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ku ballaarinayso joogitaankeeda diblomaasiyadeed, isla markaana ku xoojinayso xiriirrada ay la leedahay dalalka Bariga Yurub. Waxay sidoo kale muujinaysaa doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee masraxa caalamiga ah iyo sida ay uga go’an tahay dhisidda iskaashi istiraatiiji ah.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee rasmi ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Belarus ayaa la filayaa inuu furo fursado cusub oo iskaashi, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, beeraha, waxbarashada iyo is-weydaarsiga farsamada.

Safiir Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa dhankiisa carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashi miro dhal ah oo labada dalba anfaca, kana turjumaya danaha wadaagga ah iyo barwaaqo waarta.

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo gacanta ku dhigay Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin

0

Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo amni oo shacabka Caasimadda ay gacan ka geysteen ayaa caawa abaaro 23:40 PM ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin ay Khawaarijtu rabeen inay ku dhibaateeyaan shacabka, kuna qalqal-geliyaan amaanka Caasimadda.

Ciidamada amniga oo hayey xogta dhaqdhaqaaqa cadowga ayaa gudaha iyo daafaha degmada Deyniile ka fuliyey howlgal ay ku soo qabteen Mooto siday ilaa shan Hoobiye oo juwaano Qudaar ah lagu soo dhex-qariyey, taas oo Khawaarijtu ay doonayeen inay soo geliyaan gudaha Caasimadda Muqdisho.

Dhagarqabihii waday Mootada ayaa isku dayey inuu qarxiyo mootada iyo wixii saaraan markii uu ogaaday in la qaban rabo, balse Ciidamada ayaa ka hortegay dhagartiisa, waxaana lasoo bandhigay sawirrada Hoobiyeyaasha la qabtay iyo Mootadii Qudaarta siday ee lagu soo dhexqariyey.

Saraakiisha Ciidamada Amniga ee Caasimadda Muqdisho ayaa shacabka uga mahadceliyey doorka muuqda ee sugidda amniga ay ka qaadanayaan, iyagoo balan-qaaday in habeen iyo maalin ay u taagnaa doonaan ilaalinta amniga, badqabka bulshada iyo ka hortagga dhagaraha cadowga Khawaarijta ah.

 

 

 

Soomaaliya iyo Liibiya oo Xoojiyey Xiriirkooda Diblamaasiyadeed ka dib Wadahadallo ku dhexmaray Tripoli

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay dhiggiisa dalka Liibiya, Mudane Daahir Al-Baour.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhexeeya, Wasiirrada ayaa si gaar ah diiradda u saaray arrimaha tahriibta iyo socdaalka sharci-darrada ah, gaar ahaan dhibaatada haysata dhalinyarada Soomaaliyeed ee mara marinnada halista ah.

Wasiir Cabdisalaan ayaa mar kale ku celiyey inay ka go’an tahay la dagaallanka kooxaha dambiyada abaabulan iyo kuwa dadka ka ganacsada ee dhibaatada u geysta muwaadiniinta.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa isku raacay in maalmaha soo socda dalka dib loogu soo celiyo ilaa 400 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah.

Ugu dambeyn, labada wasiir ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, iyagoo ku heshiiyey inay sare u qaadaan iskudubbaridka si loo ilaaliyo xasilloonida iyo danta guud ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda soo dhoweynta markabka casriga ah ee qodista shidaalka ee Çağrı Bey, kaasi oo si rasmi ah u billaabaya howlaha qodista shidaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in imaanshaha markabka Çağrı Bey ay tahay tallaabo qaran oo dalkeenna u horseedaysa horumar dhaqaale, koboc maalgashi iyo fursado shaqo oo cusub, isaga oo xusay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso in kheyraadka dabiiciga ah looga faa’iideeyo si mas’uuliyad leh oo shacabka Soomaaliyeed dan u ah.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay maareyn hufan oo caddaalad ku dhisan, si dakhliga ka soo baxa kheyraadka shidaalka loogu beddelo adeegyo bulsho, horumar dhaqaale iyo xasilooni waarta, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga iskaashiga dhow ee ay la leedahay Soomaaliya, kuna ammaanay taageerada joogtada ah ee ay ka geysanayso dib u dhiska, horumarinta iyo kobcinta awoodda dhaqaale ee dalka.

Munaasabaddan taariikhiga ah oo ka dhacday Dekadda Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiye Ku xigeenka ee Golaha Shacabka BJFS, Ra’iisulwasaaraha XFS, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro ka tirsan XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka dabiiciga ah ee Turkiga, Safiiro iyo marti sharaf kale.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Xuseen Xasan (John).

Munaasabadda dhaarinta oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa goob-joog ka ahaa wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, goleyaasha kala duwan ee Dowladda Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo marti sharaf kale.

Wasiirka cusub ayaa si rasmi ah u dhaartay, isaga oo ballan qaaday inuu si daacadnimo leh ugu adeegi doono shacabka iyo Dowladda Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa hambalyo u diray wasiirka cusub, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta amniga, la dagaallanka falalka amni darrada ah, iyo kor u qaadista wada-shaqeynta hay’adaha amniga.

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday dalka Turkiga.

Madaxda Qaranka ayaa la filayaa inay dhawaan dekedda Muqdisho kaga qeyb galaan munaasabad lagu soo dhoweynayo markabkan iyo kuwo kale oo la socda. Markabkan ayaa bilowga toddobaadka dambe u jihaysan doona xeebaha Galmudug, halkaas oo horey looga sameeyay sahanno shidaal, si loo dardargeliyo howlaha soo saaristiisa.

Tani waa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa horumar la taaban karo, isla markaana kor u qaadaysa rajada laga qabo kobaca dhaqaalaha dalka, ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah, iyo dhisidda mustaqbal barwaaqo leh.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil  – Fartaag, ayaa xafiiskiisa kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya Mr. Mirko Giulietti.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, xasillinta, iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah, iyada oo si qoto dheer looga wada hadlay arrimaha horutabinta u leh Qaranka, ee ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga amniga guud, la-dagaallanka argagaxisadda, iyo kor u qaadidda tayada hay’adaha ammaanka.

Intii uu kulanku socday ayaa si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta dadaallada la-dagaallanka argagaxisadda, iyada oo isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo iskaashiga dhinacyada sirdoonka, tababarka ciidamada, iyo taageerada farsamo, si loo wiiqo awoodda kooxaha khatarta ku ah amniga dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Fartaag ayaa uga mahadceliyay dowladda Switzerland taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu door muhiim ah ka qaadanayo adkeynta nabadda, xasiloonida, iyo horumarka dalka.

Dhankiisa, Safiirka Switzerland Mirko Giulietti ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay dalkiisa sii wadidda taageerada ku aaddan nabadda, xasiloonida, iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo awood leh, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhow oo joogto ah.

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan la yeeshay Mudane Raisedon Zenenga, Ku-simaha Madaxa Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kala-guurka Soomaaliya (UNTMIS), oo ay wehelinaysay Marwo Lebogang Diteko, Sarkaal Sare oo Arrimaha Siyaasadda ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray geeddi-socodka kala-guurka ee UNTMIS iyo xoojinta isku-duwidda, si loo hubiyo in taageerada caalamiga ah ay si buuxda ula jaanqaaddo mudnaanta qaran ee Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday, waxaa la muujiyay doorka hoggaamineed ee Soomaaliya ay ka qaadanayso qaabeynta wejiga xiga ee iskaashiga, taas oo ka tarjumaysa xiriirka adag ee ay la leedahay Qaramada Midoobay iyo ujeeddo cad oo ku aaddan xalal ay hoggaaminayaan Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta nabadda, dhismaha hay’adaha dowliga ah, iyo horumarinta koboc dhaqaale oo waara.