Home Blog Page 20

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

0

Munaasabadda dhagax-dhigga masaajidka cusub ee laga dhisayo Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara), Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka Jeneraal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Ciro), iyo saraakiil kale.

Ugu horreyn, Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Jeneraal Khaalid, oo madasha ka hadlay, ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Awqaafta dadaalkooda iyo taageerada ay siiyeen dhismaha masaajidka cusub, isaga oo xusay muhiimada ay leedahay in Ciidanku yeeshaan goob cibaado iyo wacyigelin.

Dhinaciisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa tilmaamay in dhismaha masaajidkan uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu gaarsiinayo adeegyada diinta talisyada iyo xarumaha kale ee dowladda.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey heshiisyo Is-afgarad ah oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo ku saabsan iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka ee labada dal.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno la xiriira ammaanka caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxaa looga dhageystay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu weheliyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Warbixinnadaas ayaa lagu soo bandhigay horumarka laga sameeyay sugidda amniga, iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir ee dhawaan la qaban doono.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay guulaha ay Ciidanka Qalabka Sida ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa cambaareeyay dhacdooyinkii ka baxsanaa dhaqanka iyo diinta suubban ee Islaamka ee lagu dhibaateeyay shacab birma-geydo ah, iyada oo Xukuumaddu ay fartay hey’adaha amniga in sharciga la horkeeno cid kasta oo ku lug yeelatay falalkaas xadgudubka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay Safaaraddeenna dalka Aljeeriya .

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, waxaana Masuuliyiinta la socday ka mid ahaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali.

Madaxweynaha ayaa xogwareystay diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Safaaradda oo uu hoggaaminayo Danjire Yuusuf Axmed Xasan, iyadoo ay soo bandhigeen guulaha dublumaasiyadeed iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal oo ay xaqiijisay Safaaraddu markii dib loo furay bilowgii sannadkan 2025.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Safiirka iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Aljeeriya waxa uu ku adkeeyey in ay labo jibbaaraan shaqooyinka baaxada leh ee ay Safaaraddu u qabato muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna doorkooda ka qaataan dhaqan gelinta heshiisyada iskaashi ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya oo daah-furay qorshe lagu horumarinayo xarunta (SOHO).

0

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, Sarreeye Guuto Admiral Cabdiwahaab Cabdullaahi, iyo khubaro ka socota Italian Hydrographic Institute (IIM) ayaa si rasmi ah u daahfuray qorshe lagu dhisayo laguna horumarinayo xarunta “Somali Oceano-Hydrographic Office (SOHO).”

SOHO waxay noqon doontaa xarunta cusub ee xog-uruurinta badda, jaantusyada khariiradaha socdaalka, badbaadada maraakiibta, xogaha cimillada badda, tides-ka Soomaaliya, iyo sugidda amniga xeebaha.

Xaruntan ayaa sidoo kale noqon doonta xarunta ugu weyn ee xog-uruurinta badda Soomaaliya, qaybna ka qaadan doonta ilaalinta xeebaha iyo kheyraadka badda dalka.

Kulankan oo ah qorshe qaran ayaa lagu dhisay iskaashi farsamo, iyadoo la qorsheynayo tababarro sare iyo qalab casri ah si loo xoojiyo badbaadada maraakiibta, amniga xeebaha, awoodda badda, iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badaha Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS oo booqday Warshadaha kala duwan ee ku yaalla dalka Aljeeriya. 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ubax dhigay Taallada Shuhadada ee dalka Aljeeriya oo lagu xusuusto halyeeyadii naf-hurnimada ku bixiyay halgankii xornimada iyo difaaca qarannimada dalkaas. Madaxweynaha ayaa tilmaamay taariikhda halgan-wadaagga ah ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Aljeeriya, kuwaas oo ka mid ahaa dalalkii hormuudka ka ahaa halgankii xornimadii Afrika.

Madaxweynaha oo maalintiisii labaad ku sugan dalka Aljeeriya ayaa booqday Masaajidka Weyn ee Jaamaca Aljeeriya, halkaas oo uu kula kulmay culimada dalkaas, kuwaas oo guddoonsiiyay xusuus reeb ku saabsan booqashada Madaxweynaha. Culimadu waxay sidoo kale la wadaageen mowqifkooda ku aaddan in ay si cad uga soo horjeedaan fikirka xagjirnimada iyo argagixisada ee dhiigga shacabka Soomaaliyeed lagu daadinayo.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Warshadda Daawooyinka ee dalka Aljeeriya iyo Xarunta Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence Center), halkaas oo uu warbixino ku saabsan wax-soosaarka iyo adeegyada xarumahaasi ka dhegeystay maamulka iyo agaasimayaashooda.
DHAMMAAD

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan la qaatay Wasiirrada maamul goboleedyada dalka.

0

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirrada Dastuurka ee dowlad-goboleedyada, kaas oo diiradda lagu saaray geeddi-socodka dhammaystirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah, oo ah mid kamid ah howlaha hortabinta u leh xukuumadda.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay horumarka laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka, oo ay ka mid yihiin dhammaystirka warbixinta cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka iyo gudbintooda Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka, halka cutubyada 1–4aad horey loo ansixiyay.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu xoojiyay dardargelinta latashiyada lagu sameynayo cutubyada harsan ee 10-aad ilaa 15-aad. Wasiir Xasan Macallin ayaa carrabka ku adkeeyay in xukuumadda ay ka go’an tahay dhameystirka Dastuurka, ayna ku howlan yihiin diyaarinta farsamo ee cutubyadaas si baarlamaanka loogu gudbiyo.

Dhankooda, wasiirrada dastuurka ee dowlad-goboleedyada ayaa la wadaagay kulanka guulaha ay ka gaareen latashiyada dastuurka, waxayna ballanqaadeen in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Wasaaradda iyo Guddiyada Dastuurka si loo dhameystiro Dastuurka dalka.

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

0

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay Shirka Isku-duwidda Maareynta Hubka iyo Rasaasta oo la qabto labo jeer sannadkii. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray ansixinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta 2025–2030.

Shirka waxaa guddoominayey La-taliyaha Amniga Qaranka, waxaana ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca, wakiillo ka socday Wasaaradaha Amniga Gudaha, Caddaaladda, hay’adaha amniga sida Booliska, NISA, Asluubta iyo Xoogga Dalka. Waxaa kale oo goobjoog ahaa wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, safaarado iyo hay’ado caalami ah.

La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa sheegay in kulankan uu muujinayo sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay nidaaminta hubka iyo rasaasta, si loo waafajiyo xeerarka caalamiga ah iyo go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Agaasimaha Wasaaradda Difaaca, Mudane Abdulqaadir, ayaa tilmaamay in istaraatiijiyaddu diiradda saaraysa dhismaha awood dowladeed, yareynta khatarta kaydinta rasaasta, iyo joojinta faafinta hubka sharci darrada ah, iyadoo la raacayo tilmaamaha IATG iyo Qaraarka UNSC ee 2776 (2025).

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday in Wasaaradda Gaashaandhigga ay u gudbiso istaraatiijiyadda Golaha Wasiirrada si loo ansixiyo loona bilaabo hirgelinteeda.

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay masuuliyiin ka socday hay’adaha UNODC iyo UNDP. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo taageeridda dadaallada la xiriira Maareynta Halista Musuqmaasuqa (Corruption Risk Management), si loo horumariyo daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Hantidhowraha Guud, Kuxigeenkiisa, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska, kuwaas oo muujiyay sida ay uga go’an tahay adkaynta wada-shaqeynta la leh hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa sidoo kale sheegay inuu sii dardar gelin doono baarista iyo la socodka khataraha la xiriira musuqmaasuqa, si loo gaaro hannaan hufan oo daahfuran.

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka Wasiirrada Maaliyadda ee Wadamada Carabta oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Beirut, caasimadda dalka Lebanon.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda u saaray maalgelinta arrimaha bulshada, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka iyo daryeelka dadka nugul.

Wasiir Biixi oo dood heer sare ah ka qeyb galay, kana ag fadhiya Wasiirrada Maaliyadda ee dalalka Lebanon, Ciraaq iyo Syria, ayaa soo bandhigay waayo-aragnimada Soomaaliya ee ka soo kabashada colaadaha iyo guulaha laga gaaray dib-u-habaynta maaliyadeed.

Waxa uu sharaxay horumarka la taaban karo ee dowladda Soomaaliya ka gaartay adeegsiga tiknoolajiyada si loo kordhiyo dakhliga gudaha, iyadoo lagu guuleystay dib-u-habaynta maamulka maaliyadda, xasilinta dhaqaalaha iyo deyn cafinta iyadoo loo marayo habka HIPC.

Wasiirku waxa uu xusay sida dadaalladaasi ay usii xoojinayaan kalsoonida caalamka iyo taageerada horumarineed ee Soomaaliya.

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

0

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer sare ah u qabtay munaasabad ballaaran oo lagu hawlgelinayay hawlwadeennada ololaha doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Munaasabaddan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay hawlwadeenno iyo taageerayaal badan, kuwaas oo muujiyay firfircoonida iyo diyaar-garowga ay u leeyihiin hirgelinta qorshaha ololaha doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay munaasabadda Wasiirro, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka, Xoghayayaal, Garabyada kala duwan ee Ururka, Guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Ugu dambeyn, kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka, Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu yahay musharaxa rasmiga ah ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) u matalaya xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.