Home Blog Page 183

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Dr. Hassan Sheikh Mohamud oo ka ambaaqaaday gogoshii uu horey ugu dhawaaqay ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ku howlana wadatashiyo gaar gaar ah oo uu la yeeshay qaar ka tirsan madaxii hore ee dalka, madaxda dowlad gobaleedyada, ururada siyaasadda, iyo bulshada rayidka.

Haddaba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada taas oo ka furmi doonta Magaalada Muqdisho 15ka Juun 2025.

Iyadoo oo la tixgelinayo, muhiimadda ay leedahay wadatashiyo dhab ah oo ku dhisan xeelinta danta guud, Madaxweynaha wuxuu sii wadi doonaa kulammo loogu gogol xaaryo shirkaan isla markaana diiradda lagu saaray arrimaha hortabinta u leh dawladda dhiska dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Amniga iyo Ciribtirka Argagixisada, Dimuqraadiyanta iyo Doorashooyinka, Dhammeytstirka Dastuurka, Midnimada iyo Dhab-u-heshiinta.

Haddaba waxaa laga codsanayaa siyaasinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay u diyaar garoobaan kaalín mug lehna ka gaystaan shirkaan muhiimka u ah dawladnimadeena ayna soo ajiibaan casuummadda rasmiga ah ee Madaxweynaha.

Arrimaha farsamada ee gogoshaa iyo wixii faahfaahin dheeri ah waxaa ka howlgalaya oo lagala xiriirayaa guddi gaar ah ee uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u saartay fududaynta gogosha iyo shirarka ka horeeyaba.

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐟𝐚-𝐠𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan gaar ah, oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare ,Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta amniga ee guud ahaan dalka, isku-dubaridka hey’adaha amniga, doorka bulshada ee xoojinta xasilloonida iyo diyaar-garowga Qaranka ee munaasabadaha ciidda, toddobaadka xorriyadda iyo u diyaar garowga imtixaanka shahaadiga ah.

Golaha, ayaa guul taariikhi ah oo ay gaartay Soomaaliya ku tilmaamay ka mid noqoshada Hey’adda Qaramada Midoobey ee horumarinta magaalooyinka iyo deegaanka ee (UN-HABITAT).

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub

0

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub oo lagu dhisayo hay’ad u gaar ah ilaalinta badqabka kalluunka iyo sugnaanta cuntada ee dalka Soomaaliya.

Xeerkan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo habraacyada iyo nidaamyada lagu maamulayo kheyraadka kalluunka, si loo hubiyo in kalluunka la helo uu yahay mid tayo leh, caafimaad qaba, islamarkaana ku habboon suuqyada gudaha iyo dibadda. Hay’adan cusub ayaa kaalin mug leh ka qaadan doonta ilaalinta badqabka kalluunka, iyada oo sare u qaadaysa kalsoonida macaamiisha iyo ganacsatada.

Xeerkani wuxuu sidoo kale xoogga saarayaa suuqgaynta kalluunka Soomaaliyeed, dhoofintiisa, iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Soomaaliya oo hodan ku ah khayraadka badda ayaa fursad weyn u leh in ay ka faa’iideysato suuqyada caalamiga ah ee kalluunka, iyadoo hay’ada dhowrista badqabka kalluunka ay kaalin weyn ka qaadan doonto hagaajinta iyo tayeynta dhoofka kalluunka. Tani waxay horseedi doontaa in dhoofka kalluunka uu noqdo mid xeer iyo sharci ku saleysan, laguna kalsoonaan karo, taasoo kor u qaadi doonta sumcadda kalluunka Soomaaliyeed iyo dakhliga laga helo.

Guud ahaan, xeerkan cusub ayaa dhiirrigelinaya kobaca dhaqaalaha dalka ee kasoo xaroon doona dhoofka kalluunka, isagoo abuuraya jawi ganacsi oo sharciyeysan, hufan, isla markaana ilaalinaya badqabka cuntada. Hay’adan dhowrista badqabka kalluunka ayaa sidoo kale la filayaa inay kor u qaado xirfadaha shaqaalaha kalluumaysiga iyo maamulka, isla markaana gacan ka geysato ilaalinta deegaanka badda, si kalluunka Soomaaliyeed uu mustaqbalka u noqdo mid waara oo faa’iido badan u leh bulshada Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Magacaabista Mahad Maxamed Salaad oo loo Magacaabay Agaasimaha NISA

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir deg deg ah ,ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, iyo Agaasimaha Hey’adda NISA.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.

Wasaaradda Caafimaadka oo Gaadiika gargaarka deg dega ah ku wareejisay Maamulka gobolka Hiiraan

0

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wareejisay seddax Gaari oo cusub oo nooca gargaarka degdega ah maamulka Caafimaadka ee Gobolka Hiiraan.

Gawaaridan, oo laga soo iibiyey mashruuca Damal Caafimaad, isla markaana ay fududeysay Hey’adda Save the Children ayaa loogu talagalay inay kor u qaadaan tayada adeegyada Caafimaadka ee Gobolka.

Wasaaradda Caafimaadka waxay gacanta ku haysaa 60 xaruumo Caafimaad oo ay ka mid yihiin Isbitaalka weyn ee Gobolka Hiiraan iyo Isbitaalada degmooyinka Matabaan, Buuloburde, Jalalaqsi, Maxaas, iyo Moqokori, kuwaas oo dhammaantood bixiya adeegyo Caafimaad oo bilaash ah.

Adeegyada Caafimaadka ee gobolka waxaa ka shaqeeya in ka badan 500 shaqaale, oo ay ka mid yihiin dhaqaatiir, kalkaaliyaal, umulisooyin, iyo shaqaale kale oo muhiim ah, sanadkii la soo dhaafay, in ka badan 1,300,000 qof oo isugu jira caruur, haween, waayeel, barakacayaal, iyo reer guuraa ayaa ka faa’iideystay adeegyada bilaashka ah ee gobolka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay mar walba ka shaqeynaysaa sidii loo gaarsiin lahaa adeegyo caafimaad oo loo wada siman yahay, loona horumarin lahaa tayada adeegyada caafimaadka, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa isla xisaabtanka hawlaha Caafimaad.

 

 

Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka qayb galay shirka warshadaha Dalalka ku bahoobay EAC

0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Hon Mohamoud Adan Geesood, ayaa ka qeyb-galay Shirka meertada 46-aad ee Golaha qeybaha Ganacsiga, Warshadaha, Maaliyadda, iyo Maalgashiga (SCTIFI), kaasoo socday intii u dhaxeysay 26-kii illaa 30-kii May 2025 xarunta EAC ee Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, iyadoo la raacayo qorshaha jadwal sanadedka ee Bulshada Bariga Afrika.

Kulanka ayaa lagu qabtay saddex kalfadhi oo heerar kala duwan oo ay ka soo bilowdeen Madax sare oo heer farsamo ah, waxaana ku xigay Xoghayayaasha Joogtada ah iyo Agaasimeyaasha Guud, waxaana lagu soo gabagabeeyay heerka Wasiirada EAC, sido kale Goluhu wuxuu diiradda saaray kobcinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada ganacsiga, warshadaha, maaliyadda, iyo maalgashiga Bariga Afrika.

Intii uu kulanka socday ayaa Soomaaliya waxa ay soo bandhigtay xog-wareysi heer qaran ah, iyadoo lagu faah faahiyay horumarka laga gaaray hirgelinta Roadmap-ka EAC, waxaana lagu soo bandhigay guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray qorshaha dib u habeynta ganacsiga, Ka-qaybgalkaani waxa uu calaamadeeyay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo is-dhexgalka gobolka iyo xoojinta, iskaashiga ee dalalka xubnaha ka ah EAC.

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Yemen oo wasaaradda Arrimaha dibedda Yemen ka guddoontay warqadaha Aqoonsiga

0

Danjiraha JFS ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Yemen Amb. Mustafa Al-nucmaan.

Danjiraha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta, iyo diblomaasiyadda.

Danjire Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa uga mahadceliyay wasiirka soo dhoweynta uu u sameeyay isagoo u ballan qaaday in uu xoojin doono xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal.

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

0

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed, oo hoggaamiya wafdiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ee uga qeyb-galaya shirka ( IFAD Innovation Day 2025) oo ay soo agaasintay Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha ee IFAD. Kulankaan oo sanadle ah ayaa lagu soo bandhigaa hal-abuurada guulaystay sanadkaas gaar ahaan kuwa saamaynta ku leh wax soosaarka cuntada dunida.

Qeyb ka mid ah kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa hal-abuurka ay dowladuhu hormuud ka ka yihiin, gaar ahaan dalalka nugul, waxaana Wasiir-dawluhu furay doodda “Government-Led Innovation in Fragile Contexts” isaga oo carrabka ku adkeeyay in hogaaminta xukuumaddu, marka ay ka amba-qaaddo baahida bulshada isla markaana ay la shaqeyso, la-hawlgalayaasha iyo khubarada caalamiga ah, ay horseedi karto isbadel muuqda oo xoojiya adkeysiga nidaamyada cuntada iyo kobaca dhaqaalaha dalalkaas.

Wasaaradda Beeraha & Waraabka waxay sidoo kale kasoo muuqatay dhammaan wejiyada shirweynaha sida dood-furan la xiriirtay doorka dowladuhu ku leeyihiin kobcinta hal-abuurka xilliyada nuglaanta iyo Bandhiga Marketplace-ka IFAD oo ay Xarunta Hal-abuurka Wasaaradda ee CIAD kusoo bandhigtay hal-abuuradi iyo fikradihi guulaystay ee ay taageereen barnaamijyada iyo mashaariicda Wasaaradda sida mashruuca RLRP.

Wasiirka Qoyska XFS oo furtay Imtixaanka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furtay Imtixaanka qoraalka ee Xubnaha u tartamaya Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Guddiga oo ay markii hore soo codsadeen shaqadiisa 302 muwaadin oo Soomaaliyeed ayaa waxaa shuruudaha buuxiyey oo kala xulidda Guddiga madaxa bannaan ee xulista kasoo gudbay 58 qof sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaanaa ee soo xulayey musharaxiinta guddiga Mudane Cumar Faaruuq Cismaan oo ka socday Bulshada Rayidka.

Guddoomiyaha Guddiga soo xulista musharaxiinta ayaa la weydiiyey su’aal ku aadaneyd sharuudaha iyo habraacyada guddigooda xulista ay musharaxiinta Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka kusoo xusheen ayaa sheegay in ka sokow aqoonta shahaadada heerka sare uu qofka xil dowladeed haya ee xubinnimada guddigan isku soo sharaxaya uu ugu horeyn iska soo casilayo xilka ama shaqada uu ka hayo hay’ad dowladeed.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo iyana furidda imtixaanka kadib saxaafadda kula hadashay xarunta Jaamacadda ee Imtixaanka lagu qaadayey ayaa sheegtay in tallaabadan taariikhiga ah ee guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka si daah furan imtixaanka loogu galayo, waxaana ay nasiib wacan u rajeysay ka qeybgalayaasha Imtixaanka.

Imtixaankan qoraalka ah ayaa ah tallaabada labaad ee musharaxiinta guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayadoo tallaabadii koobaadna ay aheyd is diiwaan gelinta taasi oo ay isku soo diiwaan geliyeen 302 ruux, iyadoo tallaabada ugu dambeysa ay tahay imtixaanka afka ah.

 

Xildhibaan Buraale “Furinta waxaan u joogaa in aan dhinto ama aan sharaf soo hooyo.”

0

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ka mid ah xildhibaanada golaha Shacabka ayaa warbaahinta qaranka uga waramay halka uu marayo hawlgalka lagu cirib tirayo khawaarijta,xildhibaan Buraale ayaa isagoo furimaha hore ee dagaalka ku sugan bogaadiyey doorka ay dagaalka ka qaateen Ciidamada kala duwan ee dowladda iyo ciidanka deegaanka macawisleyda gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Buraale ayaa sheegay in khawaarijta daciifeen iyagoo hadda maraya in ay afduubtaan hablaha taas oo muujinaysa awood darida ay wajahayaan” Khawaarijta waxa nacday bulshada Soomaaliyeed si gaar ah bulshada gobolka Hiiraan” ayuu yiri xildhibaan Buraale.

Dhinaca kale Xildhibaan Buraale ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyey in la fashiliyey qorshe khawaarijtu soo degtay” Khawaarijtu waxay soo dageen qorshe ay culays dagaal ku saarayaan Hiiraan siiba degmada Moqokori,damacaas waxa fashiliyey geesiyaasheena oo difaacay sharafta deegaankooda”.

Ugu dambayn Xildhibaanka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uga mahadceliyey doorka garab istaaga ee uu la garab istaagay Ciidanka deegaanka macawisleyda oo door muhiim ah ka geystay dabar goynta Khawaarijta.