Home Blog Page 182

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS oo ka qayb galay shirweynaha hal-abuurnimada Afrika

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa magaalada Addis Ababa uga qaybgalay Shirweynaha Hal-abuurnimada Afrika oo si rasmi ah u daahfuray Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Itoobiya, Mudane Temesgen Tiruneh.

Shirweynahani, oo socon doona saddex maalmood (28–30 Abriil 2025), ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiirrada iyo mas’uuliyiinta ee wasaaradaha shaqada iyo horumarinta xirfadaha ee dalalka Afrika. Waxa diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa xirfadaha hal-abuurnimada iyo ganacsiga, taasoo qayb muhiim ah ka ah hirgelinta himilooyinka horumarineed ee sanadkan.

Maalmaha soo socda, Wasiir Yuusuf waxa uu kulamo la yeelan doonaa Wasiirada wasaaradaha shaqada ee dalalka Afrikada, isagoo sidoo kale ka qaybgalaya dood cilmiyeed cinwaankeedu yahay: Kartiyo iyo Xirfado Cusub si loo Horumariyo Hal-abuureyaasha iyo Ganacsatada Afrika.

Xuska maalinta caalamiga ah ee Tallaalka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa ka qeyb gashey Munaasabada xuska maalinta Caalamiga ah ee Tallaalka oo maanta lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Xuska maalinta Caalamiga ah ee Tallaalka waxaa ka soo qeyb galay Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, Madax qeybeedyo, xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed, Hay’adaha Caalamiga ah ee qeybta ka ah taageerada Caafimaadka Soomaaliya sida GAVI, UNICEF, Ururka Caafimaadka aduunka ee WHO, Save the Children, iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda Tallaalka ee badbaadinta nolosha dadka, gaar ahaan carruurta, iyo sida bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideysan karto adeegyada Tallaalka ee la heli karo, mas’uuliyiinta iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ayaa hoosta ka xariiqay in Tallaalku yahay furaha ka hortagga cudurrada halista ah, islamarkaana muhiim u yahay horumarinta Caafimaadka guud ee bulshada.

Waxa kale oo lagu boorriyey waalidiinta Soomaaliyeed in ay caruurtooda si joogto ah u Tallaalaan, si loo ilaaliyo Caafimaadka jiilalka soo koraya, xuskan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu dhiirrigelinayo wacyigelinta bulshada iyo kobcinta adeegyada Caafimaadka dalka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta adeegyada Caafimaadka gaar ahaan adeegga Tallaalka oo ah mid muhiim u ah bulshadeena taasoo carruurteena siinaysa awood Caafimaad iyo adkeysi nolaleed, waxayna Wasaaraddu markasta waalidiinta Soomaaliyeed ugu yeereysaa in ay qaataan tallooyinka Caafimaad ee ka imanaya qeybaha Caafimaadka.

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo khudbad ka jeediyay kulanka guud ee odeyaasha dhaqanka

0

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdixakiim Ashkir oo khudbad ka jeediyey kulanka guud ee odeyaasha dhaqanka ee Olaha Wacyigelinta iyo Abaabulka shacabka ee la dagaalanka Argigixisada ayaa ugu horreyn bogaadiyay kaalinta odeyaasha dhaqanka iyo beelaha Soomaaliyeed ee ciribtirka Khawaarijta.

Mudane Ashkir waxaa uu xusay in khawaarijta ay dhiigyacab yihiin, dagaalna kula jiraan diinta iyo dadka, isaga oo soo qaatay odeyaasha Dhaqanka ee ku shahiiday waddada halganka ee ladagaalanka Khawaarijta.

“Kaalinta Odeyaasha waa muhiim, Dhaqanka Dhiigooda u shubeen halganka, waxaana loo dilay dowlad-dhiska”.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Ashkir waxaa uu odeyaasha dhaqanka kula dardaarmay in ay beel-beel u shiraan, oo aan loo kala harin wacyigelinta iyo olalaha ciribtirka Khawaarijta.

Ugu dambeyntii, Wasiir Ashir waxaa uu soo jeediyey in ay sidoo kale muhiim tahay Doorashada Qof iyo Codka ah iyo in umadda lagu dhiirigeliyo isdiiwaanhelinta iyo in ay go’aan ka gaaraan ciddii matali lahayd.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qabatay kulan ku saabsan Wacyigelinta iyo Abaabulka Shacabka ee dagaalka Khawaarijta

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa caasimadda Muqdisho ku qabatay kulan guud oo Odeyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ah kaasi oo diiradda lagu saaray Olaha Wacyigelinta iyo Abaabulka shacabka ee ladagaalanka Argigixisa.

Kulankan oo cod dheer lagu diidanyahay Argigixisada iyo joogisteeda gudaha Soomaaliya, looguna abaabulayo beelaha Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta ayaa waxaa Goobjoog ka ah Wasiirka Wasaaradda mudane Cali Yuusuf Xoosh, Wasiir Dowlaha mudane Saadaad Caliyow, Wasiir Kuxigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdi ka socda Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeyb galay Shirweynaha 11-aad ee Shiinaha iyo Wadamada Carabta

0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamud Abdullahi Ahmed (Abukaate), ayaa maanta ka qeyb-galay Meertada 11-aad ee Shirweynaha Iskaashiga Ganacsi ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Wadamada carabta, oo si rasmi ah ah uga furmay magaalada Haikou oo ah caasimada gobolka Hainan ee Jamhuuriyada Shiinaha.

Shirkan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale midka maalgashi iyo hormarka warshadaha ee labada dhinac, sido kale shirkan ayaa waxa kaso qeyb-galay madax sare oo ka kala socota dalalka Carabta iyo Shiinaha, kuwaas oo ka wada hadlayay fursadaha cusub ee iskaashi iyo hormarinta xariirka labada geesoodka ah.

 

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Bankiga Adduunka ku wareejiyay Astaan dhaqan

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Bangiga Adduunka astaan dhaqameed Soomaaliyeed — Haan, Intii lagu jiray gabagabada shirka sannadlaha ah ee hay’adaha IMF iyo Bangiga Adduunka,

Waa markii ugu horreysay ee taariikhda ee astaan ka turjumaysa dhaqanka Soomaaliyeed la suro xarunta Bangiga Adduunka.

Haanta ayaa ah astaan ka tarjumaysa adkeysi, iskaashi iyo horumar.

 

DEG DEG: Ra’iisal wasaaraha XFS oo isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale oo akhriyay liiska xubnaha la magacaabay ayaa sheegay isku shaandheyntani ay saameyneyso xafiiska ra’iisal wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda, wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo wasaaradda Gaashaandhiga.

Ra’iisal wasaaraha markii uu arkay qodobada 97-aad, 98-aad iyo 100-aad ee Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, markii uu arkay howlaha baaxadda leh ee horyaala xukuumadda DanQaran, markii uu Ra’iisal wasaaruhu tixgeliyay talada madaxweynaha JFS,islamarkaana garowsaday baahida loo qabo magacaabidda xubnahan golaha wasiirada, waxaa Ra’iisal wasaare mudane Xamsa Cabdi Barre uu magacaabay xubnahan soo socda:-

1. Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi waxaa loo magacaabay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2. Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

3. Mudane Amb: Axmed Macallin Fiqi Axmed, waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda Gaashaadhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo deeqa dawo ah gaarsiiyay isbitaalka Xoogga Dalka

0

Wasiirro iyo xilidhaano katirsan BJFS ayaa maanta deeq dawo ah gaarsiiyay Isbitaalka xoogga Dalka oo ay ku jiraan dhaawacayad ciidanka Qaranka ee ku soo dhaawacay furumaha dagaalka.

Masuuliyiinta ayaa deqda dawada ah ku wareejiyay maamulka isbitaalka,taa oo ka kooban 10-nooc oo dawo ah,si loogu baxnaaniyo geesiyada ciidanka xoogga ee kusoo dhaawacmay dagaalka dalka looga xoreynayo khwaarijta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayer Mareeye,ayaa sheegay in ay marwalba ay garab taaganyihiin ciidanka Qarnka iyo kuwa degaan,waxa una intaa ku daray in muhiim tahay in dhammaan dowlad iyo shacab ay ka qeyb qaataan garab istaaga ciidanka xoogga dalka.

Wasiir Mareeye “Annagoo ah xildhibaannada urur siyaasadeedka cagaaran waxaan Isbitaalka Xoogga ku wareejinay 10 nooc oo dawo ah.”

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Dahabo Suusow oo kkamid ah xilidhibanad BFS ayaa ttirim “Haweenka Soomaaliyeed waa in ay muujiyaan taageeradooda geesiyaasha furimaha noogu jira ee Khawaarijta naga difaacaya.”

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee IIsbitaalka Ciidanka Xoogga Sadaam C/llaahi Cismaan,ayaa mas’uuliyiinta uga mahadceliyay garab istaaga ay u muujiyeen ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira khawaarijta.

“Wasiirrada iyo xildhibaannada waan uga mahadcelinayaa sida ay noogu garab istaageen daawadaan.”Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Xoogga

 

 

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO QAABILAY SAFIIRKA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan mira dhal ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida uu uga shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadiyay hogaamintiisa Golaha Shacabka iyo sida ay uga shaqeynayaan shuruucda furaha u ah horumarka dowladnimada Soomaaliya.

Dhinaca kale Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya ayaa amaanay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in dowladda Shiinaha ay Soomaaliya uga duwantahay dalalka kale islamarkaana xiriirka ka dhaxeeya uu yahay mid mudo aad u dheer soo jiray hadana uu meel wanaagsan marayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn bogaadiyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan oo hada meel wanaagsan maraya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa si gaar ah u bogaadiyay xiriirka ka dhaxeeya baarlamaanadda labada wadan oo meel wanaagsan maraya muhiimna ay tahay in la xoojiyo lana dardargeliyo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka iyo Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya ayaa isla gartay in labada baarlamaan ay dhex marto wada shaqeyn joogta iyo is dhaafsi dhinaca qibrada ah iyo sidoo kale in kor loo qaado aqoonta iyo tayada howlwadeenadda Golaha Shacabka.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo maalinkii 2-aad ka socoto 6-degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir

0

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si habsami leh uga wada 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka ee ku saleysan qof iyo cod.

Degmooyinka Hodan,Kaaraan, ,Warta Nabadda, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Hawlwadaag, ayay maalintii labaad kasocotaa diiwaangalinta codbixiyaasha si ay muwaadiniintu u helaan shahaaddada codbixinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka dhacaysa.

Qaar ka mid ah bulshada is diiwaangelineysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay ku faraxsan yihiin in markii ugu horeysay ay fursad u helayaan in ay soo doortaan madaxdooda

Horay waxaa diiwaangelinta dadweynaha ee gobolka Banaadir looga bilaabay toddoba degmo oo kala ah: Shangaani, Xamar Weyne, Shibis, Xamar Jajab, Boondheere, Waaberi iyo Cabdicasiis.

Qaar ka mid ah bulshada is diiwaangelineysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay ku faraxsan yihiin in markii ugu horeysay ay fursad u helayaan in ay soo doortaan madaxdooda

Muwaaddin is-diiwaan-gali oo iska diiwaan-gali degmadaada si aad u hesho xuquuqdaada codbixinta ee dastuuriga ah.