War-Saxaafadeed: Wasaaradda Batroolka oo si rasmi ah shaacinaysa dhammaadka wajiga hore ee sahminta shidaalka

Date:

WAR-SAXAAFADEED

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u shaacinaysaa dhammaadka wajiga hore ee sahminta shidaalka iyo macdanta ee lagu sameeyay qaar kamid ah xeebaha badda Soomaaliya taas oo lagu xaqiijiyay in khayraadkaas looga faa’iidaysan doono si hufan, cadaalad ah, waxtarna u leh koboca dhaqaalaha dalka iyo bararaha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed.

Sidaa daraadeed, iyada oo gudanaysa xilka sharci, kuna shaqaynaysa siyaasadda Xukuumadda Dan Qaran, Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta waxay heshiisyo wax soo saar wadaag ah la gashay Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO) taas oo baaritaan iyo sahamin shidaal ka billawday badda Soomaaliya 21-dii Oktoobar 2024 iyadoo baaritaan kaas uu fuliyey markabka Oruç Reis Seismic Research Vessel.

Baaritaankaa iyo sahminta shidaalka ayaa ahaa mid socday 234 cisho iyadoo Shirkadda Turkish Petroleum ka ururisay xog badan oo ku saabsan xeebaha Soomaaliya xog shidaal kuwaas oo la darsi doono si loo ogaado celesha iyo tirada shidaal ee ku jira goobihii sahminta lagu sameeyay.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta XFS waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Juun 2025 si rasmi ah u shaacinaysaa dhammaaday wajigii koowaad ee sahminta shidaalka ee ay wadeen Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO). Wasaaraddu waxay shacabka Soomaaliyeed la soo wadaagi doontaa natiijada xigta oo la aruuriyey marka ugu horeysa ee xog sax ah soo baxdo.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta XFS waxay uga mahadcelinaysaa dhigeeda Wasaaradda Tamarta ee Turkiga wada shaqaynta iyo is-kaashi wanaagga ee u dhexeeya labada Wasaaradood ka oo fududeeyey in wax sahamin u qabsanomd sidii loo ogaan lahaa muddadii ay socotay hawlaha baarista iyo sahminta shidaalka.

Wasaaraddu waxay uga mahadcelinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xassan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre kaalintoodii hoggaamineed ee la addin soo saarta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka shidaalka dalka.

Ugu dambeyntii, Wasaaraddu waxay ugu bishaaraynaysaa Ummadda Soomaaliyeed in dalkennu uu socdo dhabbaha horumarka iyadoo la raacayo hufnaan iyo cadaalad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...