Home Blog Page 1706

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

0

April. 2, 2017—-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Eng. Mahdi Axmed Guuleed oo weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda an walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Veysi Kaynak.

Labada Ra’iisul Wasaare ku xigeen ayaa wadajir u booqday xarunta Bisha Cas ee Turkigu ku leedahay Muqdisho, halkaas oo Maamulka Gobolka Banaadir uu ku wareejiyey Gaadiid iyo agab kale oo loogu talagalay in kor loogu qaado Bilicda Caasimadda Muqdisho.

Mudane Veysi Keynak ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxana ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan abaaraha ka jira dalka iyo sidii ay gacan mugleh uga geysan lahaayeen.

—-DHAMMAAD—-

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho yimid(Sawirro)

0

Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku soo dhoweyeen masuuliyiin uu horkacayey Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya.

Turkiga Vyesi Kaynak Ra’iisul wasaare ku xigeeka dalka, Turkiga garoonka Muqdisho waxaa ku soo dhoweeye, mudane Mahdi Axmed Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibedda Yuusuf Gaaraad Cumar iyo diblomaasiyiin isugu jirta Soomaaliya iyo Turkiga.

Turkiga Vyesi Kaynak Ra’iisul wasaare ku xigeenka, ayaa u kuurgeli doona xaaladaha abaaraha iyo sidii dowladda Turkiga ay sii xoojin lahayd dedaalkeeda ku aaddan gurmadka abaaraha Soomaaliya ka taagan.

waxaa la filayaa in masuuliyiinta sare ee dalka uu la kulmo wefdigaasi ballaaran ee Turkiga ka socda.

 

 

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka tacsiyadeeyey Geeridii Wasiir Nuur Faarax oo xalay ku geeriyooday Muqdisho

0

Innaa Lillaahi wa innaa illeyhi raajicuun

Muqdisho, Apriil 2.2017——-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Golaha Xukuumada ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Nuur Faarax Xersi oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gadiidka Badda ee xukuumadii hore.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo ummada Soomaaliyeed, ee uu ka baxay, isaga oo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala Muqdisho oo uu labadii todobaad ee ugu dambeysay ku xanuunsayay.

“Aadbaan uga naxay geerida Nuur Faarax Xirsi, waxaana alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno siiyo, Samir iyo iimaana ka siiyo qoyskii uu ka baxay” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku tilmaamay inuu ahaa Nuur Faarax shaqsi howlkar ah oo daacad ah, isla markaana qeyb weyn ka qaatay sidii dalka horumar loo gaarsiin lahaa.

—-DHAMMAAD—-

labo Wiil oo Soomaali ah oo lagu dilay South Afrika

0

Kooxo burcad South Afrikaan ah ayaa Deegaanka Tambisa ee ku taala duleedka magaalada Johannesburg waxaa ay ku dileen labo muwaadin oo Soomaali ah ayaga oo mid kale dhaawac u geystay kaddib markii weerar ay ku qaadeen goob ganacsi oo ay lahaayeen dhallinyaradaan Soomaaliyeed.

Haddaba halkaan ka dhageyso Cabduqaadir Axad Dhaqane  oo Arrintaan inooga soo warramay

Alle ha u naxariistee waxaa maanta lagu aasi doonaa Muqdisho Wasiirkii hore ee Dekedaha Nuur Faarax Xirsi

0

Alle ha u naxariistee Nuur Faarax Xirsi ayaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumaddii hore uu Ra’isul Wasaaraha ka ahaa Cumar C/rashiid.

Wasiirka ayaa muddooyinkan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho waxa uuna yaalay Isbitaalka Digfeer halkaas oo lagula tacaalayay xanuunkiisa.

Waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho Wasiirkii Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Nuur Faarax Xirsi, waxaana aaska ka qeyb gali doono mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Boliiska dalka Kenya oo gacanta ku dhigay nin la baadi goobayay in muddo ah

0

Wararka ka imaanaya dalka Kenya gaar ahaan Boliiska dalkaas waxa ay sheegaya in gacanta lagu dhigay Cali Xuseen Cali iyo labo nin oo ay wada shaqaynayeen kuwaas oo laga soo qabtay magaalada Malindi ee dalkaas kaddib markii lagu eedeeyay in ay lacago u uruurinayeen  kooxaha Argagixisada ah ee ka dagaallama bariga Afrika.

Horay dowladda kenya waxa ay lacag u dul dhigtay madaxa Cali Xuseen Cali oo ah Muwaadin  Soomaaliyeed  muddana ay  kudaba jireen helidda Xogtiisa.

Dowladda Burundi oo sheegtay in ay ciidankeedu ka sii mid ahaan doonaan howlgalka AMISOM

0

Dowladda Burundi ayaa sheegtay in ay dib uga laabatay  go’aan keedii ahaa in ciidamadeeda jooga Soomaaliya kala bixi doonto kaddib markii la xaliyay Cabashooyin ay   ka tabanayeen Ururka Midowga Afrika, isla markaana ay ciidamadeedu baaqi kusii ahaan doonaan Soomaaliya.

Arrintaan ayaa timid kaddib markii wada hadallo ay dhexmareen  Madaxweyne kuxi-geenka koowaad ee Dalkaas iyo Guddoomiyaha Amniga iyo Nabad Gelyada Midowga Afrika Ismaaciil Sharqi,iyadoo laysla gartay in la joogteeyo Mushaaraadka Ciidamada Burundi ee ka midka ah Howlgalka AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Burundi  ayaa horay ugu hanjabay  Ururka Midowga Afrika in uu Dacweyn doono haddii ay bixin waayaan mushaaraadka Ciidankooda jooga Soomaaliya.

Dab Xoogan oo ka kacay dukaamo ku yaala suuqa Bacaad

0

Gelinkii dambe ee maanta ayaa damb xoogan waxaa uu qabsaday qeybo kamid ah suuq Bacaad oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir isla markaana ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa la sheegay in uu wax yeelo u geystay ilaa Lix dukaan oo ku yiiley suuqaas, iyadoo sababta dabka dhalisayna maamulka degmada ay ku sheegeen cilad koronto.

Ilaa iyo hadda laga soo sheegin wax khasaare nafeed oo dabkaas uu geystay marka laga soo tago hantida uu baabi’iyay dabkaas.

Gaadiidka dab-damiska ee dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa gaaray suuqa dabka uu ka kacay ayagoo ugu dambeyna ku guuleystay in ay bakhtiyaan  dabka.

Sidan oo kale, waxaa horey dab xoogan u qabsaday qeybo kamid ah suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho kaas oo hanti badan oo dad Soomaaliyeed ay halkaas ku lahaayeen digaan digaha ka dhigay.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo xilka la wareegay

0

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa maanta xilka Wasaaradda si rasmi ah ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi Mudane Maxamed Cumar Caymooy, iyadoo munaasabadda xil wareejinta uu ka qeyb galay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirkii hore Kuluumeysiga iyo Khayraadka Badda Maxamed Cumar Caymooy ayaa tilmaamay in waxyaabo badan ay u qabsoomeen mudadii uu xilka hayay, waxaana uu ka codsaday shaqaalaha Wasaaradda inay la shaqeeyaan Wasiirka cusub.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in  ay sii wadi doonan waxii u qabsoomay Wasaaradda isla markaana dadaal uu ku baxin doono sidii dhallinyarada Somaaliyeed shaqo abuur  loogu sameyn lahaa.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuled ayaa ku amaanay mas’uulayiintii hore ee Wasaaradda waxyaabaha u qabsoomay, waxaana uu kula dar daarmay  inay sii labo jibaaraan howlaha horyaalla.

Wasiirka Boostada oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay

0

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsinta iyo Teknoloojiyadda Eng. Cabdi  Canshuur Xasan ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Maxamed Jaamac Mursal, iyadoo munaasabaddii xil wareejinta uu ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo howlwadeenada Wasaaradda.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boostada oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in muddadii uu Wasaaradda joogay ay wax badan u qabsoomeen, isla markaana ay jiraan waxyaabo kale oo u baahan in la sii dar dargeliyo, isagoo u mahadceliyay intii la soo shaqeysay.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsinta iyo Teknoloojiyadda Eng. Cabdi  Canshuur Xasan ayaa xusay in uu howsha halkeedii ka sii wadi doono, isla markaana uu ka codsaday howlwadeenada Wasaaradda inay si hufan ula shaqeeyaan.