Ciidamada xoogga dalka oo Shabaab ka soo badbaadiyay xoolo ay dhaceen

Date:

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgallo lagu soo badbaadiyay xoolo ay dhaceen maleeshiyadka Al-shabaab ka sameeyay qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe Taliyaha Guutada 52aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgalka lagu soo badbaadiyay in ka badan 100 neef oo Ari ah, waxaana uu xusay in dadka deegaanka ay kolkii hore Shabaabka ka dileen labo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

“Howlgalka waxaan ka sameynay deegaanka Bood oo aan ka soo dhicinay xoolo ay dadka deegaanka ka dhaceen, sidoo kale ciidamada waxa ay la wareegeen deegaanka Wabxo oo ka mid ah meelaha ay Al-Shabaab dadka ku dhibaateeyaan” ayuu yiri Jeneraal Axmed.

Taliyaha Guutada 52aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in maleeshiyaadka ay dileen hal qof oo ka mid ah dadka reer miyiga ah oo ay ka dhaceen xoolaha, waxaana uu intaa ku daray in ay la baxsadeen 100 kale oo neef oo Ari ah, kuwaasi oo iminka ku daba joogaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....