Home Blog Page 1677

Madaxweynaha Puntland oo Ku Dhawaaqay Guluf Dagaaleed oo Ka dhan ah Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 09 June 2017 shir Jaraa’iid oo uu ku qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe waxaa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, kaas oo lagaga safaynaayo Dhammaan Degaanada Puntland.

Dr Cabdiweli ayaa ugu horayn tacsi u diray eheladii, qaraabadii iyo qaran kii ay ka baxeen dhamaan intii ku nafweydey dagaalkii  shalay ay ciidamada  Puntland  la galeen argagixisada Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay degaanka Af-urur, waxaana uu ku bogaadiyey ciidamada Puntland sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen burcad dimeedkaasi Al-Shabaab.

“Sidaad lasocotaan waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 08 June 2017 ay burcad dimeedka Al-shabaab kusoo qadeen weerar gaadmo ah tuulada Af-urur iyo xerada Daraawiishta ee Puntland, waxay weerareen dad muslimiin ah, cibaadaysanaya oo ku jira bil Ramadaan, waxaan bogaadinayaa oo amaan u soo jeedinayaa ciidamada Puntland ee sida geesinimada leh dadkooda iyo deegaankooda u difaacay, kuna shahiidey weerarkaas wuxuush nimada ah ee ay soo qaadeen wax matarayaasha Al-shabaab’’  ayuu yiri Madaxweynaha Puntland

‘’waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen ciidamada difaacayey dadkooda iyo saldhigooda ciidan, sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii dadkii shacabka ahaa ee ay ku xasuuqeen tuulada Af-urur sharwada yaashu’’ ayuu yiri Dr Cabdiweli.

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland meelkastay oo ay joogaan inay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhan ah kooxda Ugus ee Al-Shabaab ee kusoo duuley deegaankooda, kaas oo lagaga sifaynayo kooxdaasi dhammaan degaanada Puntland, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Puntland iyo shacabkeeduba ay ka wada qeyb qaadan doonaan dagaalkaasi ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuu magcaabay guddi Wasiiro ah kuwaas oo ka shaqayn doona qiimaynta dhibta dhacday iyo gurmadka dadka wax yeeladu kasoo gaarey dagaal kaasi.

“waxaan shalay magcaabay guddi Wasiiro ah oo soo qiimeeya dhibta dhacday kana qayb qaata gurmadka dadka dhaawaca ah iyo dadkii wax yeeladu kasoo gaartey dhacdadaasi foosha xun’’ ayuu yiri Cabdweli Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo beesha caalmka inay ku taageeraan dagaalka ay Puntland kula jirto kooxaha argagixisada ah.

“Waxaan ugu baaqayaa Dawladda Fadaraalka iyo beesha caalamka inay nagu tageeraan dedaalka adag ee aan kula jirno ladagaalanka sharwadayaasha usoo tafa-xaytey inay gumaadaan shacbiga Soomaaliyed’’ ayuu hadalkiis ku so gabo gabeeyay Madaxweynaha Puntland.

Tartan Qur’aan akhris ah oo lagu soo gaba gabeeyay Boosaaso

0

Mu’asasada Dacwada iyo Horumarinta ee Alminhaaj qaybta gobolka Bari ayaa si rasmi ah usoo gabagabeysay tartankii Qur’aan akhriska ee Ardayda Magaalada Boosaaso.

Xaflada lagu soo afmeerayay Tartanka Qur’aan Kariimka ee Ardeyda Magaalada Bosaso oo ka dhacday Masjidka Wayn ee Al- Rowda ayaa waxaa abaalmarinno kala duwan iyo lacag cadaan ah lagu gudoonsiiyay ardeydii kaalimaha hore ka galay tartanka.

Tartankaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Boosaaso ayaa ah tartan Qur’aan akhris ah oo sanad waliba bisha Barakeysan ee Ramadaan loo qabto ardayda magaalada Boosaaso, kaas oo ay ardayda ugu saraysa ay ugu gudbayaan tartanka guud ee magaalooyinka Puntland ee ka dhici doona magaalada Garoowe.

Goobta xafladda ayaa waxa ka soo qayb galay dadwayne aad u fara badan, waxaana ugu horayn hadalka lagu soo dhaweeyay Macalin Maxamed C/laahi C/axmaan oo ahaa xubin ka mid ah guddiga Garsoorka Tartanka Qur’aanka , isagoo ka hadlay qaabka ay wax u saxayeen, sidoo kale wuxuu sheegay in dhamaan ardaydii ka gayb gashay tartanka ay ahaayeen arday xul ah oo dadaal dheeraad ah lagu bixiyay Qur’aan baristooda.

Intaa kadib waxa hadalka qaaty Ustaad Cismaan Maxamed Cumar oo ahaa Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada tartanka Qur’aanka ee magaalada Boosaaso, waxa uuna ka waramay tirada ardayda sanadkan tartanka ka qayb qaadatay iyo tirada dugsiyada ay ka kala socdeen, iyo heerarka ay ku kala tartamayeen.

Waxa isna madasha xaflada hadlka qaatay Ustaad Xasan C/laahi Xasan Guddoomiyaha Mu’asasada Al-minhaaj qaybta gobolka Bari, wuxuuna ku dheeraaday ujeedooyinka laga leeyahay tartankan Qur’aanka kariimka ah ee sanad kasta la qabto, waxa uuna yiri isagoo ka hadlaya : “Ujeedooyinka aynu tartankan u qabano waxa ka mid ah inaynu sunada quraanka akhriskiisa, xifdigiisa iyo dhiiri gelintiisa ayaa ah hadafka koowaad ee aynu ka leenahay qabashada tartankan iyo inaynu ogaano halka ay dhalinyaradeenu ka marayaan xifdiga quraanka iyo inay is bartaan dhalinyarada dhigata dugsiyada kala duwan ee magaalada boosaaso, ee ku hawlan xifdiga quraanka kariimka’’.

Sheekh Axmed Yuusuf Daad, oo ah Guddoomiyaha guud ee tartanka Quraanka deegaanada Puntland, wuxuuna ka hadlay habka uu sanadkan noqon doono tartanka Qur’aanka heer Puntland.

Gabagabadii xaflada ayaa halkaasi waxa looga dhawaaqay ardaydii ku guulaysatay kaalmaha 1aad , 2aad iyo 3aad, ee sadexda qaybood ee lagu tartamayay oo kala ahaa 30-ka Jus ee Qur’aanka, 20 Jus , 10 Jus , iyo 5 Jus, iyagoo abaal marinno kala duwan lagu gudoonsiiyay.

Ardayda ku guulaysatayna kaalmaha koowaad ee afarta heer ee lagu kala tartamayay, ee u gudubtay tartanka heer puntland ee Garoowe, waxay kala ahaayeen:

30-ka Jus :-

C/lahi C/kariim Siciid, kana socday Dugsiga Ibnu Baaz.
20-ka Jus:-

1-C/shiid Jaamac Ismaaciil, kana socday Dugsiga Ibnu Baaz..

10-ka Jus:-

1-Khaalid Sh Daahir Awcabdi, kana socday Dugsiga Daru Al-Qur’aan.

5-Ta Jus:-

1-Ibraahim C/laahi Cali, kana socday Dugsiga Daru Al-Quraan.

Daawo Sare kac laga dareemay qiimaha Qudaarta iyo Hilibka ee suuqyada Muqdisho

0

Iyadoo lagu jiro bisha fadliga iyo kheyrka badan ee Ramadan ayaa hadana suuqyada magaalada Muqdisho waxaa laga dareemay sare u kac ku yimid qiimaha la iibiyo Hilibka iyo Qudaarta.

Qaar ka mid ah kuwa hilibka iibiya ayaa Radio Muqdisho u sheegay in sarakaca ku yimid qiimaha hilibka ay sabab u tahay xoolihii loo iib keeni jiray Muqdisho oo yaraaday, maadaama lagu jiro xilligii roobka, islamarkaana ay dadka xoola dhaqatada ah ay dhaqaaleysanayaan xoolahooda wixii uga soo haray abaarti.

Wasiirka amniga oo xalay kormeerray saldhigyada Muqdisho

0

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaalia Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa xalay kormeer ku tegay qaar ka mid ah saldhigyadda booliiska ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kormeerka wasiirka ayaa ku wajahnaa hubinta shaqada Ciimadamada Amniga  waxa uu ka hadlay qorshaha lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda iyo uruurinta hubka sharci darrada ah.

Saldhigyada booliiska ee wasiirku xalay tagey ayaa kala ahaa Saldhigyada  Kaaraan, Waabari, Shibis iyo Xamar Jajab, waxa uu soo indha indheeyay sida shaqadu u socoto, isagoo warbixin o ka dhageystay taliyayaasha saldhigyadaasi.

Wasiirka amniga ayaa sheegay in howlgalka hub uruurinta ah uu qeyb ka yahay qorshaha lagu xaqiijinayo amaanka guud ee caasimadda.

Wuxuu tilmaamay in habeen iyo maalinba ay ciidamadu wadaan howlgallo qorsheysan oo lagu sugayo ammaanka caasimada kaasoo socondoona tan iyo inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee dalka.

Dhanka kale wasiirka amniga ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday weerarkii argagixiso ee shalay ka dhacay tuulada Af urur,  ee buuraleyda Galgala ee gobolka Bari Puntland


Ciidamada Puntland oo si rasmi ah u soo afjaray dagaalki ka dhacay Galgala

0

Ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa soo afjaray dagaalkii shalay ay maleeshiyaadka Shabaab ku soo tuulada  Af urur ee deegaanka Galgala gobolka Bari.

Xaaladda tuuladaasi ayaa saaka deggan kaddib markii ciidamada Puntland ay xaqiijiyeen ammaanka deegaankaasi, waxaana halkaasi gaaray cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland .

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa la sheegay in ay halkaasi ku dileen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, sidoo kale waxaa dagaalkaasi ku dhintay ciidamo ka tirsanaa Puntland oo aan tiradooda la sheegan, halka maleeshiyaadki argagixisada ay halkaasi uga carareen meyd farabadan.

Ciidamada dowladgoboleedka Puntland ayaa haatan isu diyaarinaya sidii ay usoo afjari lahaayeen haraadiga maleeshiyaadka argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

C/casiis oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan çilmiyeedka warbaahinta Qaranka

0

Habeenkii laba iyo tobnaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, isla markaana uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, waxaa ku tartamay degmooyinka C/casiis iyo Howl-wadaag oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

Qeybta hore labada degmo waxaa la weydiiyey afar su’aal degma kasta, waxaa kaddib la galay qeybta nasashada oo iyaduna lagu soo gudbiyey warbixinnadii ka hadlayey taariikhda labada degmo ay ku leeyihiin gobolka Benaadir.

Natiijada Howl-wadaag

Degmada Howl-wadaag ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabbeen hal su’aal, laba si ka faa’ideysi ah ayeey u haleelleen, waxa ayna uruursadeen Lix dhibcood ( 6 dhibcood)

Natiijada C/casiis

Degmada C/casiis ee gobolka Benaadir waxaa iyaduna la hordhigay toddoba su’aal, waxa ay ka jawaabbeen laba su’aal shan waa ay qaldeen laba kale si ka faa’ideysi ah ayeey uga jawaabbeen sidaa darteed waxa ay heleen siddeed dhibcood ( 8 dhibcood), degmada C/casiis ayaana nasiib u yeelatay in ay u gudubto wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka.

Habeen dambe waxaa tartan adag uu dhexmari doonaa degmooyin Baydhaba oo ka tirsan goboka Baay iyo Yaaqshiid oo ka tirsan gobolka Benaadir.

Wareegga koobaad ee tartan Cilmiyeedka warbaahinta Qaranka habeen dambe ayaa la soo gabo-gabeyn doonaa INSHA ALLAAH.

 

 

Golaha Wasiirada oo anixiyey miisaaniyadda dowladda ee 2017-ka

0

Muqdisho, 8, June, 2017….Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, waxana looga hadlay arrimo kala duwan oo kamd yihiin, ansixinta Miisaaniyadda sanadkan 2017, mowqifka Soomaaliya ee xiisadda diblamaasiyadeed ee gacanka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran dalal dhowr ah.

Ugu horeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka dooday xisaab xirka miinasaaniyaddii hore iyo meel marinta miisaaniyadda 2017, waxana goluhu isku raacay ansixinta miisaaniyadda cusub oo ka kooban $246 Malyuun oo dollar, taasi oo dawladdu ku shaqeyn doonto inta ka dhiman sanadkan.

Golaha Wasiirada Xukuumadda ayaa sidoo kale ka dooday mowqifkii dawladdu ay ka qaadatay khilaafka diblamaasiyadeed ee u dhexeeya Qatar, Sucuudiga iyo dalalka Carbeed ee isbahaysiga la ah, waxana goluhu taageeray goaanka dhex dhexaadnimada ah ee dawladda Soomaaliya ka qaadatay arrinkaas, iyagoo bogaadiyey dadaalada socda ee xalka loogu raadinayo khilaafka labada dhinac.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa walaac ka muujiyey xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee Yaman iyo dhalinyarada ku xirran Liibiya, waxana goluhu sheegay in uu ku dadaali donaan sidii wax loogu qaban lahaaa samatabixinta dadkaas oo dhibaatooyin kala duwan haystaan. Sidoo kale waxaa Golaha Wasiiradu soo dhaweeyeen dhaqan gelinta heshiiskii dawladda Soomaaliya iyo Hindiya ku gaareen in dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaas ku xiran dib loogu soo celiyo dalkoodii hooyo.

—-DHAMMAAD—-

President Farmaajo: “We will pursue them, and we will defeat Alshabab terrorists.

0

President Mohamed Abdullahi Farmaajo has sent his condolences to the families and the people of Puntland following today’s ambush on a military camp in Af-Urur, near Galgala Mountains.

The president has termed the fallen soldiers as the true martyrs, as they died protecting their people and their country.

“ We are deeply saddened by the tragic loss of a number of our gallant soldiers in today’s attack in Af-Urur, Puntland. They fought hard and bravely for their country, to keep their people safe during this holy month of Ramadan. We will forever remember them, they are the real martyrs”

The president assured the citizenry that his administration would not show mercy in dealing with Alshabab terrorists who have no regard for the sanctity of life and the holy month of Ramadan.

“This once again proves that the enemy we are facing is dangerous, is bent on causing harm to the peace loving people of this country and must be fought with by all means. We must show no mercy in dealing with Alshabab”

President Farmaajo promised Alshabab would be pursued and would pay for today’s attack.

“We promise that Alshabab won’t get away with this. As of now, our troops are in hot pursuit of the enemy; they will pay for today’s attack. I am confident our forces would defeat this abhorrent enemy”

President Farmaajo spoke on the phone with the president of Puntland and assured him that the Federal Government would stand by the administration and people of the region.

END

Madaxweyne Farmaajo “Waan ka daba tageynaa, waana ka guuleysanaynaa argagixisada”

0

Muqdisho, 08 June 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay weerarkii bahalnimada ahaa ee ay kooxda argagaixisada ah e Al shabaab ay ku qaadeen xarun ay ciidamada Daraawiishta Puntland ay ku leeyihiin Af-Urur oo ka tirsan Degmada Gal-gala ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha isaga oo tacsi u diraya qoysaskii iyo guud ahaan qaranka ay ka baxeen shacabkii iyo Mujaahidiintii ku geeriyooday weerarkan argagixisada ah ayuu sheegay in ay yihiin shuhado dhiiggooda u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta

“Waxaan aad uga tiraanyeysanahay geerida ku timid shacabkeena iyo ciidanka geesiyaasha ah ee ku baxay weerarkii tuulada Af-urur ee Degmada Gal-gala. Waxay u dagaallameen si geesinimo leh si ay u difaacaan dalkooda iyo dadkooda iyaga oo cibaadeysanaya bisha barakeysan ee Ramadaan.”

“Weerarkan wuxuu caddeyn u yahay khatarta ay leeyihiin kooxaha cadowga ah ee aan la dagaallameyno kuwaas oo doonaya in ay mar walba dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel. Waxaan xoogeenna isugu geyn doonnaa sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha argagixisada ah.”

“Waxaan ballan qaadeynaa in Al Shabaab aan looga hari doonin falkan foosha xun. Waxaa haatan haraadigooda ku daba jira ciidamada Daraawiishta Puntland. Waan ku kalsoonahay in ciidamadeennu ay soo afjari doonaan falalka burcadnimada ah ee ay kooxdan caadeysatay in ay maalin walba ku layso dad Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay taageero dhinac walba ah la garab istaagayso Puntland.

DHAMMAAD

Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray xabsi laga dhisayo Gaalkacyo

0
Xabsi laga hirgelinayo duleedka  koofureed ee magaalada Gaalkacyo kuna fadhiya dhul dhan 500 mitir ayaa waxaa maanta  kormeeray  madaxweynaah Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf”.
Madaxweynaha Galmudug  oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka  gobolka Mudug ayaa kormeerkiisa  ku tegay dhismaha qabyada ah ee xabiga oo loogu tala galay in lagu xiro dadka galay danbiyada kala duwan.
Xaaf oo halkaasi  ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku dadaali doono dhameystirka dhismaha xabsiga si loo helo meel danbiilayaasha lagu xiro.
Sidoo kale bulshada deegaanka ayuu ugu baaqay inay maamulka la shaqeyaan si loo gaaro horumur iyo nabad gelyo.
Waxaa uu sheegay in la soo wareejin doono  maxaabiista ku xiran deegaannad Somaliland iyo Puntland marka la dhameeyo dhismaha xabsigan.