Home Blog Page 159

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda oo si rasmi ah uga socda magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen khubaro, mas’uuliyiin dowladeed, hay’adaha samafalka iyo daneeyayaal kale, ayaa lagu falanqeynayaa saameynta isbeddelka cimilada iyo sidii loo heli lahaa qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu wajahayo.

Mudane Axmed Cumar Maxamed ayaa khudbad uu ka jeediyay shirweynaha ku xusay muhiimadda maalinta deegaanka adduunka ee 5-ta Juun, isaga oo tilmaamay baahida loo qabo in si wadajir ah loo xoojiyo dadaallada ilaalinta deegaanka.

Shirweynahan ayaa la filayaa in laga soo saaro talooyin iyo qorshayaal mustaqbalka fog loogu adeegayo deegaanka Soomaaliya, lana dardargeliyo u diyaar garowga xaaladaha degdegga ah ee la xiriira cimilada.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku saabsanaa la-dagaallanka daacuunka (cholera), kaas oo lagu qabtay habka fogaan aragga.

Shirka oo uu soo qabanqaabiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Zambia oo kaashanaya hay’adaha Africa CDC, WHO, iyo UNICEF ayaa diiradda lagu saaray adkaynta iskaashiga gobolka iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu yareynayo saameynta daacuunka.

Wasiirka ayaa xusay in tan iyo bilowgii 2024 la diiwaan geliyay in ka badan 21,000 oo kiis oo daacuun ah iyo 138 dhimasho, halka sanadka 2025 oo keliya, shan bilood gudahood, ay jiraan in ka badan 4,400 kiis oo laga helay 19 degmo.

Wasiirka ayaa si gaar ah u muujiyay walaaca laga qabo caruurta yaryar, isagoo sheegay in ku dhawaad laba meelood saddex meel kiisaska daacuunka ay ku dhacayaan carruur ka yar 5 sano taas oo muujinaysa baahida degdegga ah ee tallaabooyin xooggan iyo iskaashi heer qaran iyo heer caalami ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxa ay sii xoojin doontaa dadaallada ay ugu jirto yareynta halista daacuunka, iyadoo la kaashanaysa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilka u kala wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyo Guddoomiyihii hore, Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Munaasabadda xil-wareejinta oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Guddoomiyeyaashii hore ee gobolka, Guddoomiye ku-xigeenada Gobolka, Xoghayaha Guud, Saraakiil ciidan, Culimaa’udiin, Ganacsato, Odayaal dhaqameed, Haween, Dhalinyaro iyo qeybaha kale ee bulshada.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Ruushka ayaa booqday daljirka daahsoon dhigayna ubax kaas oo ku yaalla darbiga Kremlin-ka caasimadda Ruushka una taagan astaan xusuus iyo ixtiraam loo hayo askartii geeryootay.

Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha golaha Federaalka Baarlamaanka Dowladda Federaalka Ruushka Marwo Valentino Matvienko waxayna ka wada hadleen adkaynta xidhiidhka soo jireenka ee labada dal iyo dhisidda xiriir wada shaqayneed oo dhax mara Aqalka Sare iyo Golaha Federaalka ee Baarlamaanka Dowladda Ruushka.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa, Inta ay ku suganyihiin dalka Ruushka waxay sii wadi doonan kulamada ay la leeyihiin madaxda ugu saraysa dowlada Ruushka iyo booqashooyinka goobaha taariikhiga ah.

Soomaaliya iyo Ruushka ayaa ah labo dowladood oo uu ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, kaas oo soo jiray qarniyo badan.

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Muqtaar Rooboow Cali ayaa sheegay in luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha ay jeedin doonaan maalmaha Xajka ma’suuliyiinta dalka Sacuudiga lagu daray luuqada Soomaaliga.

Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ballaaran ee ay xujeyda Soomaaliyeed u leedahay in lagu soo kordhiyo khudbadaha halkaasi laga jeedin doona luqadda Soomaaliga si ay u fahmaan xujeyda Soomaaliyeed.

Mudane, Rooboow oo magaalada Makkah ee dalka Sacuudiga kula hadlay shirkadaha Xajka ee Soomaaliya ayaa intaa ku daray in Xajku yahay cibaado ay tahay in loo qabto si ixtiraam, dulqaad iyo si adeeg wanaagsan leh.

Wasiirka wuxuu ku dhiirrigeliyay shirkadaha in ay xoogga saaraan badbaadada iyo daryeelka xujeyda, fulinta jadwalka raridda si waqtiyeysan iyo ka shaqeynta sumcadda wanaagsan ee Soomaaliya.

Dr. Khadar Daahir Suleymaan oo ka mid ah madaxda shirkadaha Xajka ayaa sheegay in ay xoojinayaan dhanka farsamada ee fulinta howlaha raridda xujeyda, qorshaha isuduwidda safarrada xujeyda inta u dhaxeysa Maka, Mina, Carafa, ka hortagga ciriiriga, isdhexyaaca, la shaqeynta maamulka Sacuudiga iyo la socodka nidaamka cusub ee elektaroonigga ah ee la adeegsanayo sanadkan.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in la sameynayo nidaam lagu qiimeeyo waxqabadka shirkadaha, lagana hortagayo wixii cabasho ah ee horey uga imaan jiray howlaha Xajka.

 

 

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

0

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu eedeeyay in uu khawaarijta u sameyn jiray gaadiidka ay qaraxyada ku fuliyaan iyo kuwa ka cilladooba, isaggoo gawaarida cusubna ka tiri jiray sumadaha aqoonsiga Chassis Number, mid cusubna saari jiray, si tixraac aysan ugu sameyn hay’addaha ammaanka, tan iyo sanadkii 2018 ayuuna howlahaan u hayay aragixisada.

Dhagarihii uu ka qeyb qaatay waxaa kamid ah qaraxii Zoobbe 2 oo dhacay 29-kii oktoobar 2022, kaasi oo loo adeegsaday mooto kuwa xamuulka qaada ah oo farsameynteeda uu lahaa, sidoo kale qaraxyo ka dhacay SYL, Beach View ayuu ka qeyb qaatay.

Eedeysane Cabdinaasir oo hoostagayay horjooge lagu magacaabo Khaalid, ayaa mushaar ahaan u qaadan jiray $240 dollar, waxaana loo iibiyey gaari noha ah oo u isctimaali jiray fududeynta howlihiisa khawaarijnimo, sidoo kalana waxaa loo furay garaash uu wakiil uga ahaa Argagaxisada.

Waxa uu la shaqeeyay xukunsanayaal ku jira xabsi dhexe iyo kuwa lagu dilay Xabsiga, ka dib markii ay isku dayeen iyaggoo dagaalamaya inay baxsadaan Sanadkii 2024.

Horjoogahaan, ayaa gacanta ciidamada amniga soo galay 19-kii septembar ee 2024, iyadoo lagu soo qabtay gawaari loo diyaarinayey in loo adeegsado qaraxyo.

Maaddeey Cabdi Xuseen oo makaaniknimo ku shaqeysta ayaa xiriirka argagixisada ka helay eedeysanaha 1aad Cabdinaasir, Safar qaatay maalin iyo habeen ayuu ku tagay Kuunya barrow Shabeelada hoose, si uu khawaarijta ugu farsameeyo seddex gaari oo ka ciladeysnaa, waxaana uu horey usii watay Ciise Maaddeey Cabdi Xuseen.

Muddo bil ah oo ay halkaasi joogeen kadib waxay kusoo laabteen Ceelasha Biyaha, iyaggoo wata $400 dollar oo khawaarijtu ay kusoo sagootisay, 50 dollar ayuuna ka siiyey Ciise.

Cabdiqaadir Cali Faarax Tabliiq oo hore tiro laba jeer ah loo soo xiray ayaa lagu soo eedeyay inuu kala gudbin jiray dadka u dacwooda Khawaarijta iyo inuu ka iibsan rabay argagixisada gaari isaga uu lahaa, balse isaggoo aan gadan ayey kawar heleen ciidanka amniga, sidaasna lagu qabtay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday sagaal iyo tobankii Bishaan. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.

– Cabdinaasir Maxamed Xasan ayey .maxkamadu ku xukuntay Xabsi Daa’in.

– Maaddeey Cabdi Xuseen ayaa lagu xukumay labo sano oo xabsi argagixiso ah.

– Ciisa Maaddeey Cabdi Xuseen ayaa isna lagu xukumay hal sano oo Xabsi Argagixiso ah.

– Halka Cabdiqaadir Cali Faarax Tabliiq ay maxkamaddu dib u siisay xoriyadiisa, kadib markii lagu waayey eedii loo heystay.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo lagu soo xiray muqdisho

0

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa soo xiray shirweynaha Qaran ee maareynta hubka, rasaasta, iyo ka hortagga qaraxyada macmalka ah, kaas oo muddo labo maalmood ah ka soconayay magaalada muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in maareynta hubka iyo rasaasta ay laf-dhabar u yihiin amniga dalkeenna, isla markaana ay xukuumadda DanQaran mudnaan gaar ah siinayso horumarinta siyaasadaha iyo farsamooyinka lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah iyo la-dagaallanka maleegidda qaraxyada lagu carqaladeynayo amniga.

Shirweynaha ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta qorshaha Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda hay’adaha ammaanka ee la-dagaallama qaraxyada iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qaran ee heerarka kala duwan iyo saaxiibada caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday magaalada taariikhiga ah ee Carta

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta booqday magaalada taariikhiga ah ee Carta oo ahayd halkii lagu soo unkay Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, sanadkii 2000.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kormeer ku tagey goobo kala duwan oo kamid ah magaalada Carta, gaar ahaan halkii lagu qabtay shirka sanadkii 2000, halkaas oo laga hirgeliyey madxaf weyn oo ay ku keydsan yihiin dhammaan taariikhdii uu lahaa shirka iyo marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti doorka weyn ee ay ka qaateen dowlad-dhiska Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey dhismaha madxafka lagu keydiyey taariikhda shirka uu lahaa, si jiilasha soo socda ay ugu noqoto raad ay ku heli karaan taariikhdii uu shirkaas lahaa.

 

Wasiir dowlaha amniga oo kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan hawlgalka QM ee UNTMIS

0

Wasiir dowlaha Wasaaradda amniga gudaha mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa guddoomiyey kulan gaar oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha amniga dowladda iyo wakiillo ka socday hay’adda United Nations Transition Mission in Somalia (UNTMIS).

Qodobbada shirka diiradda lagu saaray waxaa ka mid ahaa:

Xoojinta wada shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Amniga iyo UNTMIS, dardar gelinta qorshaha kala guurka amni ee Soomaaliya, iyo horumarinta hannaan wadajir ah oo lagu daba-galo horumarka amniga.

Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa uga mahadceliyay UNTMIS iyo saaxiibada caalamiga ah taageeradooda joogtada ah, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka iyo isfahamka dhanka amniga si loo gaaro xasillooni siyaasadeed iyo amni waara.

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo Muqdisho ka furmay

0

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta shir soconaya muddo labo cisho ah oo looga hadlayo maareynta hubka, rasaasta iyo ka hortagga qaraxyada macmalka ah ku qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay hay’adaha ammaanka heer federaal iyo kuwa mamulada dalka ka jira, sidoo kale shirka waxaa qayb ka ah hay’adaha caalamiga ah ee dhanka ammaanka iyo ka hortagga hubka iyo rasaasta sharci darradda ah ka taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS Axmed Macallin Fiqi, Wasiir ku xigeenka Amniga gudaha Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin iyo masuuliyiin kale ayaa shirka ka qeyb gashay.

Wasiirrada, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo masuuliyiinta kale ee shirka ka hadashay ayaa tilmaamay sida ay muhiim u tahay in Dowladda Federaalka iyo mamulada dalka ay uga wada shaqeyn lahaayeen dajinta qorshaha istiraatiijiyadda 2025-2030, sidoo kale waxay masuuliyiintu isku raaceen in la xoojiyo ka shaqaynta sidii looga hortegi lahaa hubka iyo rasaasta sharci darrada ah iyo qaraxyada la farsameeyo.