Home Blog Page 158

MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO LA DARDAARMAY CIIDANKA DARAAWIISHTA EE U RUQAANSADAY KHAWAARIJTA

0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle Gaashaanle Sare Xasan Dhicisoow Xasan ayaa si adag ula dardaarmay Ciidanka Daraawiishta Hirshabeelle gaar ahaan dufcada 5-aad ee dhawaan tababarka u soo dhammaaday.

Saraakiisha iyo Ciidanka ayaa wacad ku maray inay ka rumeyn doonaan dardaaranka Madaxweynaha ee ah in lasoo af-jaro Khawaarijta.

Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabeelle ayaa tilmaamay in la joogo xilliga ay awooddooda soo bandhigi lahaayeen Ciidamada Daraawiishta Hirshabeelle.

“Maanta wax walba waa idiin dhammeystiran yihiin waxaan ku kalsoonahay inaad ciqaabi doontaan Khawaarijta.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay saraakiishii gacanta ku heysay muddadii tababarka iyo qalabeynta dufcada 5-aad ee Daraawiishta Hirshabeelle.

Wasiir Beene Beene” Dowladda iyo deeq bixiyaasha waxay ka shaqeynayaan in la buuxiyo mashaariicdii ay hakisay USAID

0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene),ayaa sheegay in dowladda iyo deeq bixiyaasha ay ka shaqeynayaan in la buuxiyo mashaariicdii ay hakisay USAID

Wasiirka oo ka qeyb galay dood Ku saabsan Siyaasadda Dibadda ee Maraykanka iyo Saamaynta Geeska Afrika ayaa tilmaamay wada shaqeynta dowladda mareekanka iyo soomaaliya gaar ahan dhanka mashariicda oo uu ka ammaanayo sida ay uga garab siiyaan dowladda soomaaliya.

Wasiir Beene Beene” Dowladda Soomaaliya iyo deeq bixiyaasha waxay ka shaqeynayaan in la buuxiyo mashaariicdii ay hakisay USAID.

Waxa uu wasiirka Qorsheynta intaa hadalkiisa ku daray in madaama Soomaliya oo ah goob Alle ku manneeystay kheyraad kala duwan loo baahanyahay in loo jiheeyo bulshada Soomaaliyeed sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen,loogana maarmi lahaa caawinada dibadda ah.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in Wasaaradda Qorsheynta ay dadaal xooggan ku bixinayso hirgelinta istiraatiijiyado lagu dhiirrigelinayo iskaashi wax-ku-ool ah oo lala yeesho dalalka horumaray, si gaar ahna loo xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka.

Mudane Maxamuud C. Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa uga mahadceliyey Hay’adda Maareynta Horumarinta Dalka qabanqaabada doodda, isagoo ku dhiirrigeliyey dhammaan daneeyayaasha inay iska kaashadaan sidii Soomaaliya ay uga faa’iidaysan lahayd fursadaha iskaashi ee caalamiga ah.

Wakiilada Israel oo Masar kala hadlaya kordhinta xabbad-joojinta Gaza

0

Waklillo ka socda Israel ayaa u ambabaxay Magaalada Qaahira ee Daka Masar si loo kordhiyo heshiiska xabbad joojinta Gaza ee ay qeybta ka yihiin Xamaas.

Ergayga Trump, Steve Witkoff, ayaa sheegay in wadahadallada wejiga labaad ee xabbad joojinta Israa’iil iyo Xamaas ay sii socon doonaan toddobaadkaan, xilli wada-xaajoodayaasha Israa’iil ay ku wajahan yihiin Qaahira.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa ku wajahan Sacuudiga kaddib markii uu la kulmay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu,waxaana jira shaki ku aadan sii socoshada heshiiska xabbad-joojinta Gaza,kadib haladallo ka soo yeeray ninkaasi oo la xiriiray in la ciribtiro Xamaas.

Israa’iil ayaa weli xannibaad ku heysa Marinka Gaza,iyagoo diidan in halkaasi la geeyo tobanaan kun oo guryo guur-guura ah iyo teendhooyin ay adeegsadaan barakacayaasha Falastiin.

Sidoo kale, weerarada ciidamada Israel ayaa weli ka socda guud ahaan deegaanada dhaca Daanta Galbeed ee la haysto.

Wasiirka Qorsheynta oo Ka qaybgalay dood Ku saabsan Siyaasadda Dibadda ee Maraykanka iyo Saamaynta Geeska Afrika

0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qaybgalay dood muhiim ah oo lagu falanqeeyey Siyaasadda Dibadda ee Maraykanka iyo Saamaynta Geeska Afrika gaar ahaan dalkeena Soomaaliya, taas oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayna soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Horumarinta Dalka.

Doodda waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin sare, khuburo dhanka siyaasadda dibadda ah, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah, ayaa diiradda lagu saaray:

Wasiirka Qorsheynta, Mudane Maxamuud C. Sh. Faarax (Beenebeene), oo hadal ka jeediyey madasha, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya iyo Maraykanka.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in Wasaaradda Qorsheynta ay dadaal xooggan ku bixinayso hirgelinta istiraatiijiyado lagu dhiirrigelinayo iskaashi wax-ku-ool ah oo lala yeesho dalalka horumaray, si gaar ahna loo xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka.

Mudane Maxamuud C. Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa uga mahadceliyey Hay’adda Maareynta Horumarinta Dalka qabanqaabada doodda, isagoo ku dhiirrigeliyey dhammaan daneeyayaasha inay iska kaashadaan sidii Soomaaliya ay uga faa’iidaysan lahayd fursadaha iskaashi ee caalamiga ah.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dibadda si loo xaqiijiyo yoolalka horumarineed ee dalka, loogana faa’iideeysto fursadaha maalgashi ee sare u qaadi kara dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Isgaarsiinta oo daahfuray Shirka fulinta Howlgalka Mashruuca EA-RDIP,

0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS Mudane Xildhibaan 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 (𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈) ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Shirka fulinta Howlgalka Mashruuca EA-RDIP, oo markii ugu horreysay lagu qabtay gudaha Soomaaliya, kaddib go’aanka Wasiirka ee haa in shirarka mashruuca lagu qabto gudaha dalka halka markii hore dibadda looga qaban jiray.

Shirkan oo socon doona mudo saddex maalmood ah, ayaa waxaa kaqeyb galay wakiillo ka socday Bangiga Adduunka, wafdi ka socda dowladda, iyo Xafiiska Hirgelinta Mashruuca (PIU).

Furitaanka shirkan ayaa lagu lafaguray Qorshaha Sanadlaha ah ee Mashruuca (AWP), iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dedejiyo hirgelinta mashruuca, maadaama sanadkan uu saldhig u yahay guusha mustaqbalka ee mashruuca.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢, ayaa ka hadlay doorka hoggaamineed ee Xafiiska Hirgelinta Mashruuca (PIU), isaga oo xusay in iskaashi, isla xisaabtan, iyo hufnaan ay lagama maarmaan u yihiin guusha mashruuca. Wasiirku waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyey dhammaan dhinacyada ay quseyso mashruuca inay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii yoolalka muhiimka ah loo gaari lahaa, loona xaqiijin lahaa in mashruucu uu si waxtar leh u gaaro bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha iyo ka-faa’iideystayaasha mashruuca inay muujiyaan dadaal wadajir ah si loo xaqiijiyo horumar waara, loona dhiso kaabeyaasha lagama maarmaanka u ah mustaqbalka dijitaalka ah ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa calaamad u ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyada isgaarsiinta iyo tiknolojiyada, si loo gaaro horumar dhab ah oo wax ku ool u ah bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Cadaaladda oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir

0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin, ayaa ka qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhacay Garoonka kubadda Cagta Municipio.

Tartankan sanadlaha ah ayaa dhiirrigelinaya isdhexgalka dhalinyarada iyo horumarinta xirfadooda ciyaareed. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Waxbarashada, mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, iyo madaxda isboortiga dalka.

Wasiirka Caddaaladda ayaa xusay doorka isboortigu ku leeyahay nabadda iyo horumarinta dhalinyarada, isagoo caddeeyay sida wasaaraddu uga go’an tahay taageeridda dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo cadaaladda

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo guddoomiyay shir muhiim ah

0

Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa shir-guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlayey dardargalinta howlaha Xukuumadda, Xeer-Nidaamiyaha Xukuumadda iyo Qorshaha dib-u-habeynta hey’adaha dowladda, iyada oo lagu saleynayo Qorshaha isbeddelka Qaranka (NTP2025-2029).

Kulanka oo ay kasoo qeyb-galeen Agaasimayaasha Guud iyo Maareeyayaasha hay’adaha kala duwan ee dowladda, ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay qorshaha howl-fulineed ee qaab-dhismeedka hay’adaha iyo jaangoynta Darajooyinka Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Adis-ababa oo uu ka socda shirka 38-aad ee Midowga Afrika kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay antonio guterres.

Madaxweynaha iyo antonio guterres ayaa ka wada hadlay horumarka ka socda Soomaaliya, dagaalka lagula jiro argagixisada caalamiga ah, howlgalka AUSSOM iyo doorka muhiimka ah Qaramada Midoobay ee dhinacyada amniga, xasillinta iyo horumarka.

Sidoo kale, waxay isweydaarsadeen aragtiyo la xiriira nabadda iyo amniga gobolka, wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, isagoo qiray taageerada joogtada ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO DAAH-FURAY MASHRUUCA DHALLINYARADA IYO NABADDA

0

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle Maxamed Xuseen Ceynte ayaa daah-furay mashruuca dhallinyarada iyo nabadda.

Mashruucu wuxuu dhallinyarada Jowhar ku xoojinayaa doorkooda nabadaynta, xallinta khilaafaadka, iyo maareynta kheyraadka dabiiciga ah sida dhulka iyo biyaha waxana iska kaashanayo Dowladda Soomaaliya, Hirshabeelle, IOM iyo FAO.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XJFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle fursad-siinta dhallinyarada iyo sida ay maamulkiisa uga muuqdaan.

“Dhallinyarada waa awoodda Hirshabeelle waxana ay sabab u yihiin halganka, nabadda iyo horumarka.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay Wasiir Maxamed Barre u-qareemida dhallinyarada iyo soo gaaristiisa Hirshabeelle.

 

Dood wadaag ku saabsan geedi socodka dimoqraadiyeynta iyo dagaalka khawaarijta oo lagu qabtay Muqdisho

0

Wasiirro, xildhibaano iyo ururada bulshada ayaa muqdisho uga qeybgalay dood wadaag ku saabsan geedi socodka dimoqraadiyeynta dagaalka dowladda iyo shacabka ay kula jiraan khawaarijta baneeysatay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed,waxaana soo qaban qaabisay hay’adda maareynta horumarinta dalka.

Dooda ayaa diirada lagu saaray dadaalada dowladda ay ku bixisay dimoqraadiyeynta iyo dagaallad dalka looga xoreynayo khawarijta

Wasiirka cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka xukuumadda faderaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin,oo ka qeyb galay dooda ayaa sheegay in dhankooda ay dadaal badan ku bixiyeen dhammeystirka dastuurka iyo adkeynta hay’adaheena Cadaaladda dalka .

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala,ayaa sheegay in khawaarijta ciidan ahaan iyo dhaqaala ahaanba lagu jabiyay,dowladana ay ka go’antahay ciribtika khawaarijta si dalka u gaaro hormar waara.

“khawaarijta Ciidan ahaan iyo dhaqaala ahaanba waa u jabinay”ayuu yiri Wasiir Al-Cadaal

Wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee ka qeyb galay dooda ayaa ku dheeraday sida ay muhiimka u tahay in laga wada shaqeeyo arrimaha dimoqraadiyenta iyo ciribtirka kooxda khawaarijta sid dalka u gaaro hormar waara.