Home Blog Page 148

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaari doona caqabadaha ka taagan safarada xildhibanadda

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaari doona caqabadaha ka taagan safarada iyo ku xad gudubka xildhibaanadda, taasoo ka dhalatay doodii arintaas la xiriirtay oo ay mudanayaasha Golaha Shacabka yeesheen kulamadii 2-aad iyo sedaxaad ee kalfadhigan lixaad.

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOGAADIYAY DOORKA HAWEENKA EE XOREYNTA DALKA IYO DOORASHADA TOOSKA

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur ah ku maamuusay haldoorka haweenka Soomaaliyeed, munaasabad 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka awgeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer u sharaxay kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab, kaas oo haweenku ay yihiin udub-dhexaadka bulshada, islamarkaana ay si toos ah uga qeyb qaataan dadaallada lagu xoreynayo dalka, iyagoo ka shaqeynaya wacyigelinta, taageerada ciidamada iyo dhisidda bulshada deegannada laga xoreeyey argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo xoreynta dalka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qeyb qaataan hanaanka doorashooyinka tooska ah oo fursad u siinaya in ay codkooda dhiibtaan, u tartamaan xilalka qaranka, isla markaana ay door muuqda ku yeeshaan hoggaanka dalka.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo guddoomiyey shir looga hadlayay amniga caasimadda.

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shir-guddoomiyey kulan ku saabsan amniga caasimadda oo ka dhacay xarunta Gobolka Benaadir.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray qorshaha horumarinta amniga caasimadda iyo degmooyinka ku xeeran, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka shacabka ku nool Gobolka, loona adkayn lahaa iskaashiga hey’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha amniga.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran, ay muhiimad weyn siinayso la shaqaynta hey’adaha amniga, dhiirrigalinta ciidamada qalabka sida, is-dhexgalka laamaha dowlada iyo shacabka, wuxuunna faray golaha wasiirrada in bisha barakaysan ee Ramadaan ay kula soo afuraan shacabka iyo Saraakiisha amniga degmooyinka caasimadda.

Mudane Saalax, ayaa kula dardaarmay Saraakiisha kala duwan ee masuulka ka ah amniga caasimadda in ay isku xirnaadaan, ayna dhexgallaan shacabka ku nool Gobolka Benaadir, si bulshada looga soo dhex-saaro kuwa halista ku ah amniga, ee ku dhex gabbanaya shacabka caasimadda.

GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KA DOODAY SHARCIGA KA HORTAGA LACAG DHAQIDA IYO MAALGELINTA ARGAGIXISADA

0

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa afaraad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Intaasi ka dib Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa mudanayaasha Golaha u aqriyay heshiiska u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Turki ee ku saabsan iskaashiga caalamiga ah ee garsoorka, muhiimada heshiiskan iyo danaha qaranka ugu jira isagoo xusay in heshiiskan uu yahay mid muhiim ah oo wax badan ka bedeli doona shaqada garsoorka Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS mudane Biixi Iimaan Cige ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka la wadaagay warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedyada kala ah sharciga wax ka bedelka sharciga ka hortaga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal gelinta argagixisada iyo hindise sharciyeedka Canshuurta Dakhliga, waxaana xildhibaanadda Golaha ay aragtidooda ka dhiibteen labadan sharci ee ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda, iyagoo dooda ku saleeyay muhiimada uu qaranka u leeyahay iyo hadii ay jiraan qodobo khilaaf keeni kara.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka laga doonayo iney warbixinta Akhrinta sedaxaad ku soo daraan talooyinka iyo dooda Xildhibaanada isla markaana Golaha ku so celiyaan labadaan sharci.

Dalalka Muslimka iyo Yurub oo taageeray qorshaha Carabta ee dib u dhiska Gaza

0

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo dhowr waddan oo Yurub ah ayaa taageeray qorshaha Carbeed ee la doonayo in dib loogu dhiso deegaanada Gaza ee ku burburay dagaalka Israel.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa si wadajir ah u sheegay inay taageerayaan qorshaha dib u dhiska Gaza, kaasoo ay ku baxayso lacag dhan $53b.

Qorshahan ayaa waxaa soo diyaarisay Masar, waxaana madaxda Carabta ay ku meel mariyeen shirkii Jaamacadda Carabta ee bishan ka dhacay magaalada Qaahira.

57-da dale e xubnaha ka ah ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa sidoo kale si rasmi ah u ansixiyay qorshahaan kulan degdeg ah oo ay ku yeesheen Magaalada Jeddah ee Dalka Saudi Arabia.

Qorshaha Carabta oo loo arkaa mid lid ku hindisaha Trump,waxaa qodobadiisa kamid ah in Xamaas aysan maamulin Gaza iyo in aysan khatar ku noqon Israa’iil.

Bayaanka ka soo baxay afarta waddan ee Yurub ayaa lagu sheegay in ay taageerayaan doorka dhexe ee maamulka Falastiiniyiinta iyo hirgelinta ajendaha dib u habeynta.

Dunida Muslimka ayaa ku booryay Beesha Caalamka iyo hay’adaha maalgelinta caalamiga ah iyo kuwa gobolka inay si degdeg ah u bixiyaan taageerada lagama maarmaanka u ah qorshaha Catabta.

Wasiirka Maaliyadda oo uu wehliyo guddoomiyaha Banka ayaa la kulmay Gudidda maaliyadda iyo guddi ka socotay Culimada Soomaaliyeed

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya oo uu wehliyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa xalay waxa ay kulan wadatashi ah la qaateen guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka JFS iyo guddi matalayay Culimada Soomaaliyeed.

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa sidii culimadda Soomaaliyeed looga talo gelin lahaa qodobada Xeerka hay’adaha maaliyadda Dalka ee sharci Lr 130 oo soo baxay 22-kii April, 2012, waxaana inta kulanka uu socday guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka oo ay wehliyeen wasaaradda maaliyadda iyo bankiga dhexe ee Dalka iyo sidoo kale culimada Soomaaliyeed isku raaceen in la waafajiyo mabaadii’da sharceecada islaamka iyo maslaxada ummadda soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda ee XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in Xeerka hay’adaha maaliyadda uu yahay xeer hore u jiray balse hada wax ka bedel lagu sameeyay, isaga oo tilmaamay in xeerkan uu soo maray marxalado kala duwan hadana talooyinka culimada Soomaaliyeed ay muhiim tahay in la tixgaliyo.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda bisha barakaysan ee Ramadaan, isla markaana ugu baaqey inay is taageeraan oo gacmaha is qabsadaan.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, bahda caafimaadka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariisteen Dr Maxamed Yuusuf Xasan.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgaley Shir Madaxeed aan Caadi ahayn oo Jaamacadda Carabta kaga hadashey arrimaha Gaza.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre magaalada Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Uganda Mr.Qimiao Fan.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran si looga feejignaado dhagarta cadowgu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimeyaal guud cusub iyo xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aaddan currashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka.

8- Golaha Wasiirrada ayaa ka dooday dardargelinta dagaalka Khawaarijta, bogaadinta guulaha ciidanka, iyaga oo soo saaray go’aanno dhowr ah oo la xiriira amniga.

9- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay dib u eegista heshiiska lagu dhisay Urur Goboleedka IGAD, kaas oo xoojinaya iskaashiga gobolka iyo doorka Soomaaliya ee arrimaha diblomaasiyadda iyo horumarka wadajirka ah.

10- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalam Cabdi Cali oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa tababbar usoo xiray dufcadii 9-aad ee Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.

11- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Isbitaalka Hodan ee Magaaladda Muqdisho ku booqday askar ku soo dhaawacantay dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta ee ka dhacay gobolka Bakool.

12- Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay tartan aqooneedka bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay ka qeyb galayaan tartamayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo kuwa gobollada kale ee dalka.

13- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ms. Karin Johansson.

14- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa u magacaabay Cabdiraxmaan Axmed Xayle inuu noqdo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha ee Galmudug.

15- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa deeq kala duwan gaarsiisay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku soo dhaawacmay furimaha dagaalka ee ku jira Isbitaalka Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho.

16- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa ka qeybgalay carwada 11-aad ee shidaalka waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu qabtay magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

17- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa Baarlamaanka hor geeyay 3 hindise sharciyeed oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka.

18- Wasiirka Batroolka Mudane Daahir Shire iyo Wasiirka Tamarta ee Azerbaijan Parviz Shahbarov ayaa magaalada Baku ku kala saxiixday heshiis ay labada dal iska kaashanayaan horumarinta arrimaha shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

19- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa laba aqoon isweydaarsi kala duwan kuna saabsanaa Maareynta Xiriirka Warbaahinta ee xaaladaha deg degga ah iyo fududeynta xaqa xog helista dadweynaha uga qabatay Muqdisho 65 xubnood oo ka kala socday hay’adaha dowladda, warrbaahinta iyo bulshada rayidka

20- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa Baarlamanka horgeeyay hindise sharciyeedka daawada Soomaaliya, oo muhiim u ah adkeynta nidaamka tayada daawada dalka iyo bedqabka bulsho waynta Soomaaliyeed.

21- Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gobollada Hiiraan iyo Shabeellha Dhexe ka wada dardar galinta hawlgalka lagu ciribtirayo argagixisada.

22- Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Maxamed Cusmaan Naastaro ayaa Hay’adda Gargaarka ee Boqor Salmaan kala wareegay qalab loogu talagalay dadka naafada ah.

23- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Ilyaas Sheekh Cumar Abubakar ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Arrimaha Goleyaasha Baarlamanka Masar Mudane Maxamuud Fawzi.

24- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa magaalada Berlin ee dalka Jarmalka uga qaybgalay shirka sannadlaha ee bandhiga Dalxiiska ee ITB Berlin.

25- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socotay dalka Masar.

26- Hawlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, ayaa si guul ah looga fuliyay deegaano hoos taga magaalada Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

27- Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Asad CusmaanCabdullaahi oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayo amniga caasimadda

28- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa beenisay warar been abuur ah oo laga faafiyey Garoonka Diyaaradaha Baardheere oo sheegayay in garoonka xannibaad saaran tahay.

29- Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Maxamed, ayaa ka qayb galay shirweynaha caalamiga ah ee ajendaha caafimaadka Afrika (Africa Health Agenda International Conference – AHAIC 2025) oo ka dhacay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

30- Guddoomiye Ku-Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye ayaa guddoomiyay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta amniga caasimadda oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan Saraakiisha amniga caasimada qeybahooda kala duwan.

31- -Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

32- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa gargaar bani’aadannimo oo degdeg ah geysay degaannada Nuur-Dugle iyo Aqab-Duco.

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud congratulated the Somali people on the occasion of the holy month of Ramadan, and called on them to support each other.

2- President Hassan Sheikh Mohamud has sent his condolences to the family, relatives, the medical community, and the Somali people in general on the passing of Dr. Mohamed Yusuf Hassan. May God have mercy on him.

3- Prime Minister Hamsa Abdi Barre attended an extraordinary Arab League summit in Cairo to discuss the situation of Gaza.

4- Prime Minister Hamsa Abdi Barre held talks in Mogadishu with the World Bank Country Director for Somalia, Kenya, Rwanda and Uganda, Mr. Qimiao Fan.

5- Prime Minister Hamsa Abdi Barre chaired a meeting to discuss accelerating security in the capital and surrounding areas aimed to protect the civilians from Kharijites Al Shabab during the month of Ramadan.

6- Prime Minister Hamsa Abdi Barre has appointed new directors general and a Permanent Secretary of the Ministry of Defense.

7- Prime Minister Hamsa Abdi Barre has sent his congratulations on the beginning of the Holy Month of Ramadan to the Somali people and all Muslims around the world.

8- The Cabinet has discussed the acceleration of the war against the Kharijites Al Shabab, commending the military’s achievements, and issuing several decisions related to security.

9- The Cabinet has approved the revision of the agreement establishing the IGAD Regional Body, which strengthens regional cooperation and Somalia’s role in diplomacy and joint development.

10- The 2nd Deputy Prime Minister, Mr. Abdisalam Abdi Ali, accompanied by the President of the South West Regional State, Mr. Abdiasis Hassan Mohamed, have attended the closing ceremony of training for the 9th batch of the South West Darwish forces.

11- The Speaker of the House of the People of the Federal Parliament of Somalia, Sheikh Aden Mohamed Nur, visited soldiers injured in the fighting against the Kharijites in Bakool region.

12- The Minister of Information, Culture and Tourism, Mr. Daud Aweis Jama has kicked off the Ramadan Quiz program which brings together districts of Banadir Region and other regions.

13- The Minister of Finance Bihi Iman Ige met with the European Union Ambassador to Somalia, Ms. Karin Johansson.

14- The President of Galmudug State, Ahmed Abdi Kariye, has appointed Abdirahman Ahmed Hayle as the Minister of Planning, Investment and Economic Development of Galmudug.

15- The Minister of Family and Human Rights Development, Ms. Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, delivered various donations to the Somali National Army soldiers who were injured in the fighting and are in the National Army Hospital in Mogadishu.

16- The Minister of Petroleum and Mineral Resources, Mr. Dahir Shire Mohamed, participated in the 11th East African Community (EAC) regional oil fair held in Dar es Salaam, Tanzania.

17- The Minister of Finance, Mr. Bihi Imaan Cige, has presented to Parliament 3 bills that are important for the development of the country’s economy.

18- The Minister of Petroleum, Mr. Daahir Shire, and the Minister of Energy of Azerbaijan, Parviz Shahbarov, signed an agreement in Baku for the two countries to cooperate in the development of oil and natural gas.

19- The Ministry of Information, Culture and Tourism held two separate workshops in Mogadishu on Crisis Communication Management and Facilitating the Public’s Right on Access to Information for 65 participants from government agencies, the media, and civil society.

20- The Minister of Health and Social Welfare of the Federal Government of Somalia, Dr. Ali Haji Adam, has presented to Parliament a draft law on the Somali medical drugs, which is important for strengthening the country’s quality medicine system and the safety of the Somali community.

21- The Somali National Army Command is engaged in accelerating the military operations to eliminate terrorism in Hiran and Middle Shabelle regions.

22- State Minister of the Ministry of Family and Human Rights Development, Mohamed Osman Nastaro, has received equipment for people with disabilities from the King Salman Relief Fund.

23- The Minister of State for Justice and Constitutional Affairs, Mr. Ilyas Sheikh Omar Abubakar, met in Cairo with the Egyptian Minister of Parliamentary Affairs, Mr. Mahmoud Fawzi.

24- The Deputy Minister of Information, Culture and Tourism, Mr. Abdirahman Yusuf Al-Adala, attended the annual ITB Berlin Tourism Fair in Berlin, Germany.

25- The Commander of the Somali Police Force, Brigadier General Asad Osman Abdullahi, received senior officials from Egypt in Mogadishu.

26- A joint airstrike operation by the Somali National Army and US AFRICOM forces was successfully carried out in areas near the town of Ceel Baraf in Middle Shabelle region.

27- Police Commander Brigadier General Asad Osman Abdullahi has chaired a meeting to discuss security in the capital.

28- The Somali Civil Aviation Authority has denied false reports circulating about Baardheere Airport stating that the airport is under lockdown.

29- The Deputy Minister of Health of Somalia, Mr. Mohamed Hassan Mohamed, attended the Africa Health Agenda International Conference (AHAIC 2025) held in Kigali, Rwanda.

30- The Deputy Commissioner for Security and Politics of the Banadir Regional Administration, Mr. Mohamed Ahmed Diiriye, chaired a conference to discuss the acceleration of security in the capital, which was attended by all security officers from various departments of the capital.

31- – Mohamed Abdi Hassan (Afweyne) has been elected as a member of the House of the People of the Federal Parliament of Somalia.

32- The Somali National Disaster Management Authority (SoDMA) has deployed emergency humanitarian aid to the Nur-Dugle and Aqab-Duco areas.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay Gaadiid dagaal oo laga gubay khawaarijta 

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa si faahfaahsan uga hadlay gaadiidka dagaal ee laga burburiyay Khawaarijta, iyadoo uu ka jawaabay su’aal laga weydiiyay waraysi uu bixiyay.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyadoo lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo hub farabadan oo ay Kooxaha Khawaarijta isticmaalayeen.

Wasiirku wuxuu sidoo kale tilmaamay in howlgalada militeri ee socda ay ka qeyb qaateen xoojinta amniga gudaha, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah argagixisada, iyo in ciidamada ay gacanta ku hayaan degaano badan oo muhiim ah oo ay Khawaarijtu horey ugu xoogeysteen.

Mudane Cabdulqaadir wuxuu sidoo kale xusay in ciidamada Soomaaliya ay helayaan taageero caalami ah, waxaana qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah ee ka dhanka ah Khawaarijta iyo kooxaha argagixisada, kuwaas oo inta badan ku lug leh falal amni-darro ah oo ka dhaca gobolka.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Xukuumadda ay sii wadi doonaan dagaalka Khawaarijta, iyadoo xoogga la saarayo in laga hortago isku-dayo kasta oo lagu carqaladeynayo amniga iyo nabadgelyada dalka.

Waraysigan ayaa muujinaya go’aanka adag ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada qalabka sida ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida guud ee dalka.

Wasiir Cali Balcad “Dowladda FS waxa ay gacan ka geysanaysaa xaaladda amni ee Suudaan”

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Balcad ayaa ka hadlay qorshaha Soomaaliya ee badbaadinta dalka Suudaan, isagoo sharaxaad ka bixiyay sida Dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay inay gacan ka geysato xaaladda amni ee Suudaan.

Mudane Balcad ayaa sheegay in Soomaaliya ay taageero buuxda u fidinayso shacabka iyo dowladda Suudaan, iyadoo la kaashaneyso hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka gobolka. Wasiiru Dowlaha ayaa tilmaamay in qorshaha Soomaaliya ee badbaadinta dalka Suudaan uu qayb ka yahay dadaallada nabadda ee geeska Afrika, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay ka qeybqaadato dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasiloonida dalka Suudaan.

Arrintan ayaa ka dambeysa xiisad siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye oo ka socda dalka Suudaan, kuwaas oo sababay khasaare iyo burbur baahsan. Soomaaliya ayaa la xiriiraysa Qaramada Midoobay, IGAD, iyo ururada kale ee gobolka si looga wada-hadlo xalinta xaaladda ka taagan Suudaan.

Balcad ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay ka faa’idaysaneyso khibradeeda iyo taageerada caalamiga ah si loo xoojiyo nabad-gelyada iyo xasiloonida gobolka.