Home Blog Page 1474

Labada gole ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo kulan looga hadlayey dardargalinta Dastuurka ku yeeshay Muqdisho

0

Kulankan ayaa waxaa  looga hadlay sidii loo  dar darin lahaa isla markaana wax looga qaban lahaa dastuurka, Waxaana ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Golaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiye ku xiggeenka  1aad golaha aqalka sare ee Soomaaliya Abshir Maxamed, Ku simaha Ra’iisul  wasaaraha ahna R/wasaare  ku xiggeenka Xukuumada soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh jibriil.

Kulankan  ayaa ugu horayn waxaa wada yeeshay  Guddoonada labada golle Baarlamaanka, Ku simaha Ra,iisal wasaaraha iyo wasiirka dastuurka, ka dib iyagoo wada socda Madaxda waxay gaareen Xafiiska ay ku shaqeeyaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Gole Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, halkaas ayay warbixino isku dhaafsadeen labada guddi, Wasaarada dastuurka  iyo madaxda.

Kulamada markay soo gaba gaboobeen ayaa warbaahinta Qaranka waxaa la hadlay  Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi  waxa uuna sheegay in Kulanka uu ahaa sidii loo dar dar galin lahaa dib u eegista dastuurka  oo ay Wadajir uga shaqayn Lahaayeen guddiyada u xil saaran iyo Wasaaradda Dastuurka.

Guddoomiye cabdi  xaashi cabdulaahi oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in labada gudi iyo wasaarada dastuurka looga baahanyahay sidii qodob Qodob ay ugu  eegi lahaayeen dastuurka si ay qorshe wada shaqayn u samaystaan.

24 kii Bishan ayay ahayd markii Guddoonada labada Golle Baarlamaanka federaalka Soomaaliya kusimaha Ra’iisul wasaaraha , labada guddi ee Dastuurka iyo Wasaarada dastuurka ee Xukuumada ay kulan looga hadlayay dar dar galinta dastuurka ay la qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kulankaasi oo  ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Akhriso:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo War saxaafadeed ka soo saartay Xaalada Galmudug

0

Muqdisho (SONNA)  Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa caawa War saxaafadeed kasoo saartay Xaalada ka taagan Magaalada Cadaado ee Xarunta ku meel gaarka u ah Maamul Goboleedka Galmudug.

Halkaan hoose ka Akhri digreetada Wasaaradda Arrimaha gudaha ay soo saartay.

1. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey ka wallaacsan tahay xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee maalmahan ka soo cusboonaaday xarunta KMG ah ee maamulka GalMudug ee degmada Cadaado.

2. Dawladda Federaalku waxey cambaareyneysaa falalka aan waafaqsaneyn sharciga iyo hannaanka dimoqraadiga ee lagu xayiray dhaqdhaqaaqyada Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka GalMudug, waxeyna ku baaqeysaa in si deg-deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

3. Dawladda Federaalku waxey ku baaqeysaa in la ixtiraamo go’aankii uu Baarlamaanka GalMudug gaaray maanta oo taariikhdu tahay 26 September 2017, loona hoggaansamo sareynta sharciga.

4. Dawladda Federaalku waxey fareysaa hay’adaha amniga inay ka hortagaan xasarad kasta oo keeni karta amni darro saameysa hay’adaha dastuuriga ah, waxeyna ugu baaqeysaa shacabka inay kaalin ka qaataan dhawrista nabadgelyada iyo xasiloonida deegaanka.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya oo la kulmay Fanaanadda Qaran ee Maryan Mursal Ciise”Sawirro” 

0
Muqdisho (SONNA)   Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xiggeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Fanaanadda Soomaaliyeed ee  caanka ah Maryan Mursal Ciise oo dalka dib-ugu-soo laabatay.
 R/Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhiiri gelinayaan Fanaaniinta iyo Abwaanada Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay in ay yihiin hal doorka Qaranka.
“Fanka  Soomaaliyeed  wuxuu kamid yahay guulaha ay dadkeenu ku faani karaan, dhammaanteen waxaa waajib inaga saaran yahay inaan xoogga saarno soo nooleynta fankeenii  wanaagsanaa kuna faanaa hiddaha iyo dhaqanka qaniga ah ee aynu leenahay”ayuu yiri Ra”iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.
Fanaanada Soomaaliyeed ee Maryan Mursal Ciise ayaa uga mahad celisay soo dhoweynta iyo marti qaadka ay ka heshay Xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan ku simaha Ra’iisul wasaraaha ahna R/wasaare ku xiggeenka , iyadoo xustay in ay wado heeso Wadani ah oo lagu baraarujinayo bulshada Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo Jabaan oo heshiis kala saxiixday+Sawirro

0

Nairobi(SONNA) Heshiiskan laba geesoodka ah oo ay maanta magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen Wasaaradda qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dowladda Somaaliya iyo hay’adda JICA ee wadanka Japan u qaabilsan Iskaashiga Horumarineed.

Heshiiskan labada dhinac ayaa waxaa dowladda soomaaliya u saxiixay Wasiir ku_xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga XfS, Fahmo Ahmed Nuur, halka dowladda Japan ay u saxiixday Madax Hay’ada JICA Dalka kenya.

Sidoo kale waxaa madasha goobjoog ka ahaa Agaasimaha Xafiiska Ogalaasha Mashaariicda Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horuamrinta dhaqalaha, iyo Wafdi ka socda hay’adda japan oo ka yimad m agaalada tokyo dalkaasi.

Nuxurka Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ahaa xoojinta ilaha dhaqaaalaha Dalka sida Kalluumeysiga iyo kor u qaadista tayada hay’adaha wax soo saarka.

Heshiiskan ayaa daba socdaa kulamo sanadkii hore ku dhaxmaray dalka Japan Madaxda Wasaaradda Qorsheynta iyo Hay’adda Jica, taasi oo ku saabsanaa sidii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa tayada shaqaalaha rayidka iyo horumainta hay’adda.

Puntland oo ugu baaqday ganacsatada Hubka heysata in ay hubkooda sharciyeystaan

0

Muqdisho (SONNA)  Wasiirka Amniga ee Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf oo Wariyeyaasha maanta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulkaasi ayaa ka hadlay guud ahaan Xaaladda Amaan ee puntland iyo Howlgallo Ciidamada Amaanka ay ka bilaabeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, laguna baadi goobayo Hubka sharci darrada ah.

Axmed Cabdullaahi Yuusuf Wasiirka Amniga Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay Ganacsatada iyo Hay’adaha aan Dowliga aheyn ee  heysta Hubka Sharci darrada ah in hubkooda ay sharciyeystaan, si loo oggaado tirada hubka ay heystaan, lagana warhaayo.

 Wasiirka Amniga Puntland ayaa xusay in arrintaasi ay keeneyso in la adkeeyo Amaanka, islamarkaana Ciidamada ay u fududaaneyso in ay gacanta ay kusoo dhigaan dadka amni darrada abuura ee hubka sharci daradda ee Maamulka aan u diiwaan gashaneen heysta, isagoo Shacabka ugu baaqay in Ciidamada ay la shaqeeyaan.

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf, oo sii hadlayey ayaa sheegay in hubka ay sharciyeynayaan uu ugu weyn yahay Qoriga loo yaqoono AK47, ayna oggoleyn hub qorigaasi ka weyn.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo wafdi la socda oo Garoowe gaaray “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA)  Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo ay la socdeen Wasiiradda Maaliyada Dowlad goboleedyada dalka ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad goboleedka Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhoweeyey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya iyo Wasiirada Maaliyadda ee Dowlad goboleedyada ayaa Magaalada Garoowe uga qeyb gali doona shirweyne horumarinta Maaliyada Soomaaliya  lagu gorfeynayo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka mahad celiyey soo dhoweynta wanaagsan ee loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa, isagoo sheegay in ay u yimaadeen Garoowe ka qeyb galka Shirweyne looga hadlayo horumarinta Maaliyada Soomaaliya iyo mideynta Canshuuraha dalka oo ka furmay Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Sacuudiga (Sawiro)

0

(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Sooamaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Jidda ee Dalka Sacuudiga.

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudiga ayaa Madaxweynaha iyo Wafdigiisa kusoo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Jidda oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Maxamed Bin Cabdul Fani Qiyaad.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu la kulmo Boqorka Dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, iyaga oo ka wada hadlaya arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal.

Waa booqashadii Saddexaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ka tago Dalka Sacuudiga. isaga oo booqashadiisa u horeysay ku tagay dalkaasi markii loo doortay xilka Madaxweyne, markaasi oo ay labada dhinac kala saxiideen heshiisyo wax ku ool ah.

Sidoo kale Bishii May ee sanadkaan ayey ahayd markii uu Madaxweynaha kaga qeybgalay Sacuudiga Shirkii u dhaxeeyay Donald Trump iyo hogaamiyaasha dalalka Islaamka.

 

Labada gole ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo kulan looga hadlayey dardargalinta Dastuurka ku yeeshay Muqdisho “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA)  Kulankan ayaa waxaa  looga hadlay sidii loo  dar darin lahaa isla markaana wax looga qaban lahaa dastuurka, Waxaana ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Golaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiye ku xiggeenka  1aad golaha aqalka sare ee Soomaaliya Abshir Maxamed, Ku simaha Ra’iisul  wasaaraha ahna R/wasaare  ku xiggeenka Xukuumada soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh jibriil.

Kulankan  ayaa ugu horayn waxaa wada yeeshay  Guddoonada labada golle Baarlamaanka, Ku simaha Ra,iisal wasaaraha iyo wasiirka dastuurka, ka dib iyagoo wada socda Madaxda waxay gaareen Xafiiska ay ku shaqeeyaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Gole Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, halkaas ayay warbixino isku dhaafsadeen labada guddi, Wasaarada dastuurka  iyo madaxda.

Kulamada markay soo gaba gaboobeen ayaa warbaahinta Qaranka waxaa la hadlay  Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi  waxa uuna sheegay in Kulanka uu ahaa sidii loo dar dar galin lahaa dib u eegista dastuurka  oo ay Wadajir uga shaqayn Lahaayeen guddiyada u xil saaran iyo Wasaaradda Dastuurka.

Guddoomiye cabdi  xaashi cabdulaahi oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in labada gudi iyo wasaarada dastuurka looga baahanyahay sidii qodob Qodob ay ugu  eegi lahaayeen dastuurka si ay qorshe wada shaqayn u samaystaan.

24 kii Bishan ayay ahayd markii Guddoonada labada Golle Baarlamaanka federaalka Soomaaliya kusimaha Ra’iisul wasaaraha , labada guddi ee Dastuurka iyo Wasaarada dastuurka ee Xukuumada ay kulan looga hadlayay dar dar galinta dastuurka ay la qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kulankaasi oo  ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Wasiirka dekedeha iyo Gaadiidka Badda oo ka qeyb gashay kulan looga hadlayey horumarinta Dekedaha dalka

0

Muqdisho (SONNA)  Kulanka oo looga hadlayey horumarinta dekedaha dalka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, wasiir ku xigeenka wasaaradaasi, xubno matalayey qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka iyo masuuliyiin ka socday shirkad Jarmal ah oo kaalin kuleh qorshaha horumarinta dekedaha Soomaaliya oo uu maal galinayo Bankiga Aduunka.

Martin Goericke oo ka socday shirkadda Inros Lackner oo door ku leh qorshahan ayaa ugu horeyn sheegay in horey ay usoo qabteen tababro ay ka qeyb galeen xubno matalayey dowlad goboleedyada, kuwaas oo looga hadlayey hanaanka lagu hormarinayo dekedaha Soomaaliya.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Dr Maryan Aweys Jaamac ayaa sheegtay in lasoo gaba gabeeyey qorsha la doonayo in lagu hormariyo dekedaha dalka, islamarkaan Dekedda Muqdisho ay tahay mida ugu horeysa ee qorshahaasi lagu bilaabayo.

Dr Maryan Aweys Jaamac wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa tilmaamtay in arin lagu farxo ay tahay in mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya looga hadlo dalka gudihiisa, iyada oo taasi aaney horey u dhici jirin.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay ku xiggeenka Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) 26- Seb, 2017——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta Wasaaradda difaaca Mareykanka kula kulmay  Ku xiggeenka Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka Patrick Shanaha, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada Amniga iyo gaashaandhigga ee ka dhexeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyey Dawladda Mareykanka taageerada dhinacyada badan ee ay siiyaan Soomaaliya. Wuxuuna xusay in xiligani oo  ay dawladdu  la tacaaleyso dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ay muhiim tahay iskaashi dhinacyo badan oo dhex mara labada dal.

“Dawlada Maraykanku waxay ka qeyb ahayd dalalkii dadka Soomaaliya usoo gurmaday waqtigii lagu jiray dagaalada sokeeye iyo hadda oo dagaal caalami ah lagula jiro kooxo argagixiso ah, waxaan la kulanay madax uu kamid yahay ku xigeenka Xog-yahaya difaaca Mareykanka oo nagu qaabilay xarunta Pentagonka, waxana ay noo balan qaadeen dib-u-dhiska ciidamadda Soomaaliya ay door ka qaadanayaan”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Patrick Shanaha  ku xiggeenka Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka  ayaa Dawladda Soomaaiya ku ammaanay kaalinta fir-fircoon ee ka qaadanayaan dib u soo celinta amniga iyo kala danbeynta dalka. isla markaana  uga mahadceliyey door kooda ku aadan dagaalka lagula jiro kooxaha nabadda diidan. Isagoo xusay in Mareykanka ay ka go’an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.