Home Blog Page 1385

Amisom”Weeraro hor leh ayaan qaadaynaa

0

War qoraal oo ka soo baxay Taliska ciidamada AMISOM, ayaa lagu sheeegay inay qaadayaan tallaabooyin dib u habayn ah ooku aadan habkii loo qaadi jiray weerarada ka dhanka ahaa Maleeshiyada Shabaab.

Tallaabooyinkan ay qaadayaan Ciidanka Amisom ayaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwa is daba-joog ah oo loogu talagalay qaabka ay u howl-galaan ciidmada AMISOM,taasi oo haatan weji cusub loo bedelayo.

War saxaafadeed  ka soo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa lagu sheegay in qorshahan uu la jaanqaadayo dhaqdhaqaaqa ciidamada milatariga Itoobiya ee hadda la arkay iyagoo ka gudbaya xadka Soomaaliya.

Madax hawlgalka AMISOM ayaa sheegay in ay toddobaadyada soo socda ay sii wadi doonaan dhaqdhaqaaqa istiraatiijiga ah, kaasi oo aan carqaladeynayn doonin bixinta adeegyada nabad-gelyada ee jira, si loo xaqiijiyo ammaanka dadka Soomaaliyeed.

Qaraarka golaha amniga ee Qaramada Midoobay ee 2372 (2017) wuxuu ku baaqayaa in xaalad ku saleysan si tartiib tartiib ah, looga saaro ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, ka dib tababar xoog ah iyo wacyi-gelin siinta ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliya.

Hadalkan ka soo baxay taliska Amisom ayaa ku soo beegmaya xili madaxda dowladda Soomaaliya ay kala hadleen sidii loo qaadi lahaa howlgalo cusub oo dalka looga saarayo Shabaab.

 

DFS, Danjireyaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo AMISOM oo ka wada hadlay qorshaha abaabulka dagaalka Alshabaab

0

Muqdisho(SONNA)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga dalka, Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa kulan muhiim ah la yeeshey hoggaanka Ciidamada AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrika.

Kulankan waxaa diirradda lagu saaray amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM.

Inta uu socday kulankaasi waxaa si weyn loo gorfeeyey mideynta qorshaha dagaalka iyo abaabulka dalka lagaga ciribtirayo Alshabaab, iyada oo la isla meel dhigay kaalinta Ciidamada AMISOM ay ka qaadanayaan dagaalka.

Danjirayaasha dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada uu ku dhawaaqay Madaxweynuhu, iyaga oo tilmaamay in midnimada go’aanka iyo qorshaha Madaxda Soomaaliya heer qaran iyo heer dowlad goboleed ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgyada dalka.

Dowladda Iraan oo beenisay in ay lug ku leedahay is Casilaadii Sacad Al-Xariiri

0

Dowladda Iran ayaa sheegtay in casilaada Ra’iisal wasaarihii dalka Lubnaan Sacad Al-Xariiri qeyb ka tahay Xiisada siyaasadeed ee ka taagan Gobolka,islamarkaana Iraan wax xiriir la lahayn qorshaha iscasilaadiisa.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Lubnaan ayaa is casilaadiisa sabab uga dhigay inuu u cabsaday noloshiisa.

Saraakiil sar oo u hadlay Iran ayaa ku eedeeyay Mareynkanka iyo Sacuudi Arabia iney ka danbeeyaan qorshaha uu sida lama filaanka ah isugu casilay Sacad Al-Xariire.

Hadalkii uu jeediyey ee uu ku sheegay iscasilaadisa ayaa Al-Xariiri wuxu si ba’an ugu dhaliilay Tehran iyo dhaqdhaqaaga Shiicada Lubnaan ah ee Xisbullah ee ay Iran taageerto.

Talaabadan uu qaaday ayaa Lubnaan dib ugu celinaysa hubanti la’aantii siyaasadeed.

Sacad Al-Xaraiiri wuxu carrabka ku adkeeyey Iran markii uu jeedinayay hadalkii uu ku shaaciyey iscasilaadiisa, waxaanu ku eedeeyey Tehran in ay colaad iyo burbur ka abuurto meel kasta oo ay gacanteedu gaadho. Hadalkiisan uu ka jeediyey Sucuudiga ee aanu ka odhan Lubnaan dhexdeeda ayaa dad badan durbadiiba ku dhaliyey in ay arinta u arkaan go’aan Riyaad ka dambayso.

Lataliye sare oo u hadlay Iran ayaa dusha u saaray Sucuudiga in ay tallaabadan wada qorsheeyeen Maraykanka oo intan madaxweyne Trump hogaanka u qabtay si aad ah u taageera aragtida siyaasadeed ee Sucuudiga ka leeyahay Bariga Dhexe.

Mr. Xariiri Aabihii Ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Lubnaan Rafik Al-Hariri ayaa shirqool lagu dilay sanadkii 2005.

Boqorka Dalka Sucuudiga ayaa xilalkii ka qaaday qaar ka mid ah Gobolaha Wasiirada

0

Amar ka soo baxay Boqorka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdal Casiis ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii ciidamada Ilaalada Qaranka, wasiirkii dhaqaalaha iyo mas’uuliyiin kale.

Dhammaan hay’adaha Qaranka ayaa la hoos keenay dhaxal sugaha Sucuudiga oo ah wiilka uu dhalay Boqor Salamaan.

Maxamed Bin Salmaan ayaa sidoo kale madax looga dhigay hay’adda la dagaalanka musuq maasuqa, taas oo durba soo xirtay ilaa 10-Amiir oo ay ku jiraan wasiiro hore iyo 4-wasiir oo xilka haya.

Caadil Al Faqiih wasiirkii dhaqaalaha iyo Mutcib Ibnu Cabdalla oo uu dhalay boqorkii hore ayaa ka mid ahaa dadka bqortooyada awoodda badan ku laaha, balse talaabadan isbadalka deg degga ah ayaa loo arkaa mid awoodda dhaxal sugaha sare loogu qaadayo.

Dhinaca kalena Milatariga Sucuudiga ayaa soo riday gantaal ay kooxda Xuuthiyiintu doonayeen inay gaarsiiyaan garoonka diyaaradaha magaalada Riyad ee caasimadda Sucuudiga.

Sida ay ku warantay warbaahinta Sucuudiga dhawr gantaal oo dhinaca Yeman laga soo riday ayaa lagu qabtay hawada Sucuudiga, inkastoo Xuuthiyiintu ay sheegeen in bartilmaameedkii ay lahaayeen ay gantaaladaasi gaareen.

Sucuudiga ayaa lugta la galay dagaalka ka socda Yeman, isagoo hogaamiya Isbahaysi ay dhawr dal oo Carbeed ay ku taageerayaan dawladda Yeman.

AMISOM oo sheegtay in ay qaadayaan Dagaal ka dhan ah nabad diidka Al shabaab

0

War qoraal oo ka soo baxay Taliska ciidamada AMISOM, ayaa lagu sheeegay inay qaadayaan tallaabooyin dib u habayn ah ooku aadan habkii loo qaadi jiray weerarada ka dhanka ahaa Maleeshiyada Shabaab.

Tallaabooyinkan ay qaadayaan Ciidanka Amisom ayaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwa is daba-joog ah oo loogu talagalay qaabka ay u howl-galaan ciidmada AMISOM,taasi oo haatan weji cusub loo bedelayo.

War saxaafadeed  ka soo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa lagu sheegay in qorshahan uu la jaanqaadayo dhaqdhaqaaqa ciidamada milatariga Itoobiya ee hadda la arkay iyagoo ka gudbaya xadka Soomaaliya.

Madax hawlgalka AMISOM ayaa sheegay in ay toddobaadyada soo socda ay sii wadi doonaan dhaqdhaqaaqa istiraatiijiga ah, kaasi oo aan carqaladeynayn doonin bixinta adeegyada nabad-gelyada ee jira, si loo xaqiijiyo ammaanka dadka Soomaaliyeed.

Qaraarka golaha amniga ee Qaramada Midoobay ee 2372 (2017) wuxuu ku baaqayaa in xaalad ku saleysan si tartiib tartiib ah, looga saaro ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, ka dib tababar xoog ah iyo wacyi-gelin siinta ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliya.

Hadalkan ka soo baxay taliska Amisom ayaa ku soo beegmaya xili madaxda dowladda Soomaaliya ay kala hadleen sidii loo qaadi lahaa howlgalo cusub oo dalka looga saarayo Shabaab.

War murtiyeedka Shirka Wadatashiga Warbaahinta Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Bahda Warbaahinta

0

Kulan Wadatashi ah oo looga hadlayay iskaashiga, mideynta iyo horumarinta warbaahinta dalka, ayaa Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bahda Warbaahinta ah wuxuu uga furmay 31kii Oktoober 2017 Hoteelka Jaziira ee magalada Muqdisho.

Kullanka, ayaa socday muddo shan maalmood ah 31dii Oktoober ilaa 04tii November, 2017.

Shirkan, waxaa si habsami leh u furay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow). Sidoo kale Waxaa ka soo qaybgalay Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqanka ee Puntland Mudane Abdifatah Nur Ashkir, Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Tiknolojiyada Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdinur Cali Adan, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Bulshada ee Koofur-Galbeed Mudane Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hannuuninta, Dhaqanka & Dalxiiska ee GalMudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawaa), Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska HirShabelle, Mahad Xassan Cusmaan, Agaasimaha Warbaahinta G/Banaadir Abdifatah Arizona, Guddiga Saxaafada iyo Isgaarsiinta Golaha Shacabka Soomaaliya, iyo Guddoomiyaha Guddiga Saxaafada Aqalka Sare Senator Muna Hassan. Waxaa kaloo shirka ka qeybgalay Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Mudane, Dr.Axmed Cali Daahir , iyo Bahda Warbaahinta qeybaheeda kala duwan, sida NUSOJ, SWJ, SOMA, SIMHA, iyo kuwa kale.

Kulanka 5ta cisho socday, ayaa looga dooday qodobada ay ka mid yihiin:

1- Xoojinta Iskaashiga Qaybaha Kala Duwan Ee warbaahinta dalka kadib Masiibadi 14 iyo 28ka Oktoobar,
2- Mideynta Hawlaha Iyo Fariimaha Warbaahinta Dowliga ah ee Soomaaliya.
3- Dib u eegista Xeerka Saxaafadda, iyadoo Guddiga Golaha Shacabka warbixin laga dheagaystay.
4- Doodda Wadatashiga xasilinta dalka ee Doorka dowladaha bulshada, saxaafadda gaarka loo leeyahay.
5- Istaraatiijiyadda Wacyigalinta iyo Istaraatiijiyadda Horumarinta Warbaahinta Dalka

Waxaa lagu heshiiyay qoddobadan soo socda:

1.
  Ka qeybgalayaashu, waxay u mahad celiyeen Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sida wanaagsan ee ay u soo abaabushay shirkan muhiimka ah.
2.
 Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen una mahadceliyeen madaxda iyo suxuufiyiinta warbaahinta ee doorkooda ku aadan wadatashiga iyo soo gudbinta fikradahooda la xiriira qodobada looga dooday shirka. Sidoo kale waxaa lagu ammaanay warbaahinta doorkii ay ka qaateen gurmadka dadkii waxyeeladu ka soo gaartay Masiibadii Qaran ee 14kii iyo 28kii Oktoober 2017 kuna dhiirigeliyey inay joogteeyaan.
3.
 Ka qeybgalayaashu, waxay isla qiimeeyeen baaxadda ay Lahayd musiibadii 14 iyo 28kii Oktoober iyo 28kii Oktoober ka dhacday magaalada Muqdisho iyo sidii gacan looga gaysan lahaa sii wadidda taakuleynta dadkii dhibaatadu saamaysay loogana midoobi lahaa masiibooyinka qaranka. 
4.
 Ka qeybgalayaashu, waxay soo jeediyeen Wasaaradda Warfaafinta Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,  in ay ka wada tashtaan si cadaalad ku salaysanna u qeybsadaan dhammaan mashaariicda warbaahinta ee hay’adaha caalamku ay ugu yaboohaan dalka. 
5.
  Ka qeybgalayaashu, waxay xuseen in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah dowladda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku midoobaan dhaqangelinta Wacyigelinta Bulshada sida Abaaraha, Amniga, la dagaalanka Musuqmaasuqa, Dib-uheshiinta, Dowlad-wanaagga, La dagaalanka Jahliga iyo Fikirka xagjirka ah. Waxaana la isla gartay in si mideysan, oo xilkasnimo leh looga wada howlgalo diyaarinta Qorshaha iyo Istraatejiyadda Wacyigelinta.
6.
  Ka qeybgalayaashu, waxay isla qaateen in warbaahinta dowliga ay gudbiso farriimo mideysan, oo u adeegaya danaha Qaranka Soomaaliyeed, ayna xoogga saarto ka hortagga fikirka xagjirka ah, isla markaana la helo xarun dhexe oo soo saarta barnaamijyo si rasmi ah ugu wajahan ka hortagga fikirkaas, kadibna laga baahiyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta qaranka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
7.
   Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen baahida loo qabo in la dhameystiro istaraatiijiyada Warbaahinta Qaranka si loo dhaqangeliyo. 
8.
   Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in la dhiso guddi farsamo, oo ka kooban dhamaan dhinacyada, oo ka shaqeyn doona dhamaystirka istaraatiijiyadda wacyigalinta iyo in uu kormeer joogto ah ku sameeyo guddigaasi ka wada shaqeynta arrimaha soo kordha.
9.
    Ka qeybgalayaashu, waxay ammaan iyo mahadcelin u jeediyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan taageeradooda xilligan warbaahinta Soomaaliyeed gelayso marxaladda cusub, ayna si buuxda ula shaqeeyaan.
10.
   Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen abuurista xafiiska Istaraatiijiyadda Warbaahinta dalka, iyadoo ay dhinac ka ahaan doonaan xafiisyadaas Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada, waxayna soo jeediyeen in si deg deg ah loo howlgaliyo xafiiskaas, oo mas’uul ka ahaan doona mideynta iyo hagista fariimaha warbaahinta dalka. 
11. Ka qeybgalayaashu, waxay isla qaateen in saxaafada aan loo adeegsan dhinaca xun ee loo adeegsado dhinaca wanaagsan, lagana fogaado hadalada iyo wararka been abuurka ah.
12.
  Ka Qeybgalayaashu waxey u mahadceliyay Guddiga Saxaafadda ee Golaha Shacabka sida ay wadatashiyo ula sameeyeen bahda saxaafadda iyo wasiirada dowlad goboleeyda, Waxayna ugu baaqeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay si hufan u meemariyaan sharciga saxaafadda, si loo dhaqangaliyo. 
13. Ka qeybgalayaashu, waxay tilmaameen ahmiyadda dhamaystirka xeerka saxaafadda, waxayna ku baaqeen in tallooyinka Dowladaha xubnaha ka ah DFS lagu soo daraa ka dibna marka la isku raaco ay Guddiga Saxaafada ee Baarlamaanka Soomaaliya horgeeyaan G/Shacabka si loo ansixiyo.
14. Ka Qeybgalayaashu waxey u mahadceliyay Guddiga Saxaafadda ee Golaha Shacabka sida ay wadatashiyo ula sameeyeen bahda saxaafadda iyo wasiirada dowlad goboleeyda, Waxayna ugu baaqeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay si hufan u meemariyaan sharciga saxaafadda, si loo dhaqangaliyo.
15. Ka qeybgalayaashu, waxay ku heshiiyeen in shirkan la joogteeyo, laguna qabto Dhamaan xarumaha Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xilliyo kala duwan, iyadoo kan ugu horeeya la isku raacay in uu ka dhaco magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.
16. Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in Warbaahinta Dowladda ahmiyad siiso wadashaqeyntooda, iyagoo heshiisyo wadashaqeyn kala saxiixday, islana gartay in la sii xoojiyo wadashaqeynta iyo xiriirkooda.
17. Ka qeybgalayaashu, waxey ka qeybgaleen xaflada lagu xusayo maalinta isla xisaabtanka falalka dambiyada ah si loo sharciga loo horgeeyo dadka dambiilayaasha ah (Impunity Day), iyagoo ka codsaday hay’adaha amniga iyo garsoorka inay dabagal ku sameeyaan sidii sharciga loo horkeeni lahaa dhammaan danbiilayaasha ku xad-gudbay wariyeyaasha Soomaaliyeed. Waxeyna dawlada ka codsadeen inay abuurto jawi xasiloon oo amni iyo nabadeyn ka jirto si wariyeyaasha ay howlahooda u gutaan si daacad ah.
18. Ka Qeybgalayaashu, waxay isku raaceen in Bahda Warbaahinta iyagoo la tashanaya wasaaradaha warfaafinta heer Federaal iyo Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya in guddi farsamo loo saaro oo soo diyaariya Anshaxa weriyeyaasha (code of ethics) sida uu farayo Xeerka Saxaafada.

MAHADSANIDIIN

Roob Xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka da,ay Magaalada Muqdisho

0

Roobkaan oo ahaa mid Xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu ka da,ay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka iyo duleedkeedaba.

Roobkaan oo bilowday abaare afartii habiinimo ee xalay si xooggan kaga da,ay Magaalada iyo deegaanada duleedka ka ah Caasimadda Muqdisho sida Gobolada Shabeelooyinka,

Roobka dayrta ayaa ka curtay inta badan Gobolada Dalka sida Gobolka Gedo,Hiiraan,Galguduud,Mudug,Shabeelaha hoose iyo shabeelaha dhexe.

Hasayeeshee Roobkaan xalay ka da,ay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka ayaasaamayn ku yeeshay dadka Barakacayaasha ah ee ku jira Kaamamka ku yaalada Magaalada iyo deegaanada duleedka ka ah.

Dadka ku nool Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo gaadiidka ka dhexe shaqeeya degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa saaka inta badan hakad ku jira Maadaama uu magaalada ka socdo Roob xooggan.

AKHRISO:-War murtiyeedka Shirka Wadatashiga Warbaahinta Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Bahda Warbaahinta

0

Muqdisho(SONNA):-Shirkan Wadatashiga ah oo looga hadlayay iskaashiga, mideynta iyo horumarinta warbaahinta dalka, ayaa Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bahda Warbaahinta ah wuxuu uga furmay 31kii Oktoober 2017 Hoteelka Jaziira ee magalada Muqdisho.

Kullanka, ayaa socday muddo shan maalmood ah 31dii Oktoober ilaa 04tii November, 2017.

Shirkan, waxaa si habsami leh u furay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow). Sidoo kale Waxaa ka soo qaybgalay Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqanka ee Puntland Mudane Abdifatah Nur Ashkir, Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Tiknolojiyada Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdinur Cali Adan, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Bulshada ee Koofur-Galbeed Mudane Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hannuuninta, Dhaqanka & Dalxiiska ee GalMudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawaa), Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska HirShabelle, Mahad Xassan Cusmaan, Agaasimaha Warbaahinta G/Banaadir Abdifatah Arizona, Guddiga Saxaafada iyo Isgaarsiinta Golaha Shacabka Soomaaliya, iyo Guddoomiyaha Guddiga Saxaafada Aqalka Sare Senator Muna Hassan. Waxaa kaloo shirka ka qeybgalay Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Mudane, Dr.Axmed Cali Daahir , iyo Bahda Warbaahinta qeybaheeda kala duwan, sida NUSOJ, SWJ, SOMA, SIMHA, iyo kuwa kale.

Kulanka 5ta cisho socday, ayaa looga dooday qodobada ay ka mid yihiin:

1- Xoojinta Iskaashiga Qaybaha Kala Duwan Ee warbaahinta dalka kadib Masiibadi 14 iyo 28ka Oktoobar,
2- Mideynta Hawlaha Iyo Fariimaha Warbaahinta Dowliga ah ee Soomaaliya.
3- Dib u eegista Xeerka Saxaafadda, iyadoo Guddiga Golaha Shacabka warbixin laga dheagaystay.
4- Doodda Wadatashiga xasilinta dalka ee Doorka dowladaha bulshada, saxaafadda gaarka loo leeyahay.
5- Istaraatiijiyadda Wacyigalinta iyo Istaraatiijiyadda Horumarinta Warbaahinta Dalka

Waxaa lagu heshiiyay qoddobadan soo socda:

1.
  Ka qeybgalayaashu, waxay u mahad celiyeen Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sida wanaagsan ee ay u soo abaabushay shirkan muhiimka ah.
2.
 Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen una mahadceliyeen madaxda iyo suxuufiyiinta warbaahinta ee doorkooda ku aadan wadatashiga iyo soo gudbinta fikradahooda la xiriira qodobada looga dooday shirka. Sidoo kale waxaa lagu ammaanay warbaahinta doorkii ay ka qaateen gurmadka dadkii waxyeeladu ka soo gaartay Masiibadii Qaran ee 14kii iyo 28kii Oktoober 2017 kuna dhiirigeliyey inay joogteeyaan.
3.
 Ka qeybgalayaashu, waxay isla qiimeeyeen baaxadda ay Lahayd musiibadii 14 iyo 28kii Oktoober iyo 28kii Oktoober ka dhacday magaalada Muqdisho iyo sidii gacan looga gaysan lahaa sii wadidda taakuleynta dadkii dhibaatadu saamaysay loogana midoobi lahaa masiibooyinka qaranka. 
4.
 Ka qeybgalayaashu, waxay soo jeediyeen Wasaaradda Warfaafinta Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,  in ay ka wada tashtaan si cadaalad ku salaysanna u qeybsadaan dhammaan mashaariicda warbaahinta ee hay’adaha caalamku ay ugu yaboohaan dalka. 
5.
  Ka qeybgalayaashu, waxay xuseen in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah dowladda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku midoobaan dhaqangelinta Wacyigelinta Bulshada sida Abaaraha, Amniga, la dagaalanka Musuqmaasuqa, Dib-uheshiinta, Dowlad-wanaagga, La dagaalanka Jahliga iyo Fikirka xagjirka ah. Waxaana la isla gartay in si mideysan, oo xilkasnimo leh looga wada howlgalo diyaarinta Qorshaha iyo Istraatejiyadda Wacyigelinta.
6.
  Ka qeybgalayaashu, waxay isla qaateen in warbaahinta dowliga ay gudbiso farriimo mideysan, oo u adeegaya danaha Qaranka Soomaaliyeed, ayna xoogga saarto ka hortagga fikirka xagjirka ah, isla markaana la helo xarun dhexe oo soo saarta barnaamijyo si rasmi ah ugu wajahan ka hortagga fikirkaas, kadibna laga baahiyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta qaranka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
7.
   Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen baahida loo qabo in la dhameystiro istaraatiijiyada Warbaahinta Qaranka si loo dhaqangeliyo. 
8.
   Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in la dhiso guddi farsamo, oo ka kooban dhamaan dhinacyada, oo ka shaqeyn doona dhamaystirka istaraatiijiyadda wacyigalinta iyo in uu kormeer joogto ah ku sameeyo guddigaasi ka wada shaqeynta arrimaha soo kordha.
9.
    Ka qeybgalayaashu, waxay ammaan iyo mahadcelin u jeediyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan taageeradooda xilligan warbaahinta Soomaaliyeed gelayso marxaladda cusub, ayna si buuxda ula shaqeeyaan.
10.
   Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen abuurista xafiiska Istaraatiijiyadda Warbaahinta dalka, iyadoo ay dhinac ka ahaan doonaan xafiisyadaas Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada, waxayna soo jeediyeen in si deg deg ah loo howlgaliyo xafiiskaas, oo mas’uul ka ahaan doona mideynta iyo hagista fariimaha warbaahinta dalka. 
11. Ka qeybgalayaashu, waxay isla qaateen in saxaafada aan loo adeegsan dhinaca xun ee loo adeegsado dhinaca wanaagsan, lagana fogaado hadalada iyo wararka been abuurka ah.
12.
  Ka Qeybgalayaashu waxey u mahadceliyay Guddiga Saxaafadda ee Golaha Shacabka sida ay wadatashiyo ula sameeyeen bahda saxaafadda iyo wasiirada dowlad goboleeyda, Waxayna ugu baaqeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay si hufan u meemariyaan sharciga saxaafadda, si loo dhaqangaliyo. 
13. Ka qeybgalayaashu, waxay tilmaameen ahmiyadda dhamaystirka xeerka saxaafadda, waxayna ku baaqeen in tallooyinka Dowladaha xubnaha ka ah DFS lagu soo daraa ka dibna marka la isku raaco ay Guddiga Saxaafada ee Baarlamaanka Soomaaliya horgeeyaan G/Shacabka si loo ansixiyo.
14. Ka Qeybgalayaashu waxey u mahadceliyay Guddiga Saxaafadda ee Golaha Shacabka sida ay wadatashiyo ula sameeyeen bahda saxaafadda iyo wasiirada dowlad goboleeyda, Waxayna ugu baaqeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay si hufan u meemariyaan sharciga saxaafadda, si loo dhaqangaliyo.
15. Ka qeybgalayaashu, waxay ku heshiiyeen in shirkan la joogteeyo, laguna qabto Dhamaan xarumaha Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xilliyo kala duwan, iyadoo kan ugu horeeya la isku raacay in uu ka dhaco magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.
16. Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in Warbaahinta Dowladda ahmiyad siiso wadashaqeyntooda, iyagoo heshiisyo wadashaqeyn kala saxiixday, islana gartay in la sii xoojiyo wadashaqeynta iyo xiriirkooda.
17. Ka qeybgalayaashu, waxey ka qeybgaleen xaflada lagu xusayo maalinta isla xisaabtanka falalka dambiyada ah si loo sharciga loo horgeeyo dadka dambiilayaasha ah (Impunity Day), iyagoo ka codsaday hay’adaha amniga iyo garsoorka inay dabagal ku sameeyaan sidii sharciga loo horkeeni lahaa dhammaan danbiilayaasha ku xad-gudbay wariyeyaasha Soomaaliyeed. Waxeyna dawlada ka codsadeen inay abuurto jawi xasiloon oo amni iyo nabadeyn ka jirto si wariyeyaasha ay howlahooda u gutaan si daacad ah.
18. Ka Qeybgalayaashu, waxay isku raaceen in Bahda Warbaahinta iyagoo la tashanaya wasaaradaha warfaafinta heer Federaal iyo Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya in guddi farsamo loo saaro oo soo diyaariya Anshaxa weriyeyaasha (code of ethics) sida uu farayo Xeerka Saxaafada.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, kuwa Dowlad goboleedyada iyo Warbaahinta Madaxa banaan oo caawa kala saxiixanaya hishiisyo dhanka Wacyi gelinta ah “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Waxaa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Caawa ka socda Munaasabad ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta oo Ujjeedkeedu uu yahay Kulanka isdhexgalka iyo Wacyi gelinta Bulshada Dowladda iyo Bahda Warbaahinta ee Xasilinta dalka, waxaana kasoo qeyb galay Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisoow, Wasiiradda Warfaafinta Dowlad goboleedyada, La taliyaha Madaxweynaha ee Dhanka arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/guud Bashiir Maxamed Jaamac, Masuuliyiin Dowladda ka tirsan iyo Marti sharaf kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS, Mudane C/raxmaan Shiikh Yuusuf Alcadaala oo furitaanka Munaasabadda hadlay, ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaraddaha Warfaafinta Dowlad goboleedyada iyo Warbaahinta Madax banaan ee dalka Caawa ay kala saxiixan doonaan hishiisyo qodobo badan ka kooban oo uu kamid yahay in loo midoobo habka Wacyi gelinta Bulshadda Soomaaliyeed iyo in si isku mid ah looga wada qeyb qaato Horumarka Dalka.

Munaasabaddan Wararka kusoo kordha kala Soco Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA

 


 

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, kuwa Dowlad goboleedyada iyo Warbaahinta Madaxa banaan oo caawa kala saxiixanaya hishiisyo dhanka Wacyi gelinta ah

0

Waxaa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Caawa ka socda Munaasabad ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta oo Ujjeedkeedu uu yahay Kulanka isdhexgalka iyo Wacyi gelinta Bulshada Dowladda iyo Bahda Warbaahinta ee Xasilinta dalka, waxaana kasoo qeyb galay Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisoow, Wasiiradda Warfaafinta Dowlad goboleedyada, La taliyaha Madaxweynaha ee Dhanka arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/guud Bashiir Maxamed Jaamac, Masuuliyiin Dowladda ka tirsan iyo Marti sharaf kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS, Mudane C/raxmaan Shiikh Yuusuf Alcadaala oo furitaanka Munaasabadda hadlay, ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaraddaha Warfaafinta Dowlad goboleedyada iyo Warbaahinta Madax banaan ee dalka Caawa ay kala saxiixan doonaan hishiisyo qodobo badan ka kooban oo uu kamid yahay in loo midoobo habka Wacyi gelinta Bulshadda Soomaaliyeed iyo in si isku mid ah looga wada qeyb qaato Horumarka Dalka.

KULAN ISDHEXGALKA IYO WACYIGALINTA BULSHADA DOWLADDA IYO BAHDA WARBAAHINTA EE XASILINTA DALKA

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Σάββατο, 4 Νοεμβρίου 2017