Home Blog Page 1290

ku dhawaad 35million oo lacag ah ayaa ku baa-ba’day roobabkii ka da’ay Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV)-Guddoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho ayaa la fariistay qaar kamid ah ganacsatada ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxa  uu sheegay in ay ka wada hadleen sidii ay kaga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo sameynayo dadkii ay wax yeelada ka soo gaartay daadakii ku dhufay magaalada Muqdisho

“Waxaan maanta kulan dheer la yeeshay Ganacsatada Gobolka Banaadir oo ka wada xaajoonay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen gurmadka loo sameynayo shacabka ay dhibaatadu ka soo gaartay Roobabkii da’ay” Duqa Muqdisho ayaa sidaas ku qoray bartiisa twiter.

Dhanka kale Guddoomiaya Gobalka Benaadir Eng Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow ayaa soo bandhigay si hor dhac ah dhaqaalaha maaliyadeed ee ku baaba’ay roobabkii da’ay, waxaana lagu qiyaasay 35million oo doollar sida uu markale u sheegay  warbaahinta

“Roobabkii mahiigaanka ahaa ee Caasimadda ka da’ay 48-dii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo lagu qiyaasay ugu yaraan $35 Million oo dollar” -Yariisow

Maamulka gobalka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa wado dadaallo lagu caawinayo dadka ay saameeyeen roobabka ku dhuftay magaalada Muqdisho, waxaana jiro caawimaad iyo dib u dejin uu ilaa iyo hadda maamulku wado.

Mahdi Maxamed Guuleed oo shir gudoomiyay kulan looga hadlaya Sidii looga hortagi lahaa Xag-jirnimada

0

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta shir gudoomiyay kulan lagu qabtay magaalada Muqdisho oo looga hadlayay Sidii looga hortagi lahaa Fikirka Qaldan ee Xag-jirnimada ah iyo Argagaxisada.

Kulanka oo diiradda lagu saaray sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa Fikirka Qaldan ee Xag-jirnimada iyo argagaxisada, ayaa waxaa kasoo qeyb galay safiirka Sweden ee Soomaaliya, masuuliyiin ka socota wadamada Ingiriiska iyo Norway, xariiriyaha Barnaamijka kahor tagga fikirka Xajirinimada ah, xubna ka socda maamul gobaleedyada dalka iyo maamulka Gobalka Benadir.

Intii uu socday kulanka waxaa leesla gartay in dhaqan celin loo sameeyo dhalinyarada kasoo laabata fikirka Xag-jirnimada ee ay marin habaabiyeen kooxaha Argagaxisada ah, si looga saaro fikirkaas oo dhaqanka wanaagsan dib loogu toosiyo.

Culimada Soomaaliyeed ayaa loogu baaqay in ay dowr muhiim ah ka qaataan la dagaalanka Fikirka Qaldan ee Xag-jirnimada ah iyo argagaxisada oo ay bulshada Soomaaliyeed si qorta dheer uga wacyi geliyaan maadaama fikirku uu ka fogyahay diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban.

Hooyooyinka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay muhiim tahay in ay ogaadaan oo ay la socdaan goobaha caruurtoodu ay waxbarashada u doontaantaan si looga fogaado in Fikirka Xag-jirka ah uu bulshada ku dhex faafo.

Modi iyo Putin oo badda madow ku kulmay.

India (SNTV)- Ra’isul wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku wada kulmay badda madow isniinta maanta ah.
“Waxaan kalsooni ku qabaa wada xaajoodka Madaxweyne Vladimir Putin, wuxuu sii xoojin doonaa iskaashiga istiraatiijiga gaarka ah ee mudnaanta leh ee ka dhaxeeya Hindiya iyo Ruushka ” ayuu ku qoray bartiisa twitter Ra’isul wasaaraha Hindiya Modi.
Arrimaha gobalka, go’aankii mareykanka ee lagu buriyay heshiiska Iiraan iyo wadamada quwadaha caalamka ee nuclear kala dhexeeyay ayaa kamid ah arrimaha diiradda lagu saaray wada hadalka labada hugaamiye.
Madaxa Guddiga La-talinta Amniga Qaranka Hindiya ayaa u sheegay Al-jazeera in labada hugaamiye ay ka wada hadleen arrimaha ku saabsan siyaasadda juqraafiga ah (geopolitical) ee deegaanka ku soo koraty.
“ujeedada ra’isul wasaaaha safarkiisa waxa ay ku qotantaa in xaaladda siyaasadeed ay ka qaataan isfaham mideysan, si’ ay meel uga soo wada jeestaan, waxa ay sidoo kale kari karaan in ay ka yeeshaan ujeeddo mid ah” Raghavan oo sidoo kale ahaa u qaabilsinihii Ruushka ee Hindiya ayaa sidaas u sheegay Aljazeera.
Ra’isul wasaaraha Hindiya ayaa tan iyo markii uu yimid xafiiska 2014 waxa uu xiriir dhow la lahaa Mareykanka taasi oo iyana dib u dhigtay xiriirkii kala dhexeeyay Ruushka balse Hindiya ayaa hadda qorsheyneysa in soo cusbooneysiiso xiriirka kala dhexeeyo Ruushka.

Maduro oo markale ku guuleystay madaxtinimada dalka Venezuela.

 Venezuela (SNTV)-Madaxdweynaha la doortay ee Maduro ayaa xafiiska madaxtinimo sii joogi doono lixda sano ee soo socoto.
(CNE) guddiga doorashooynka qaranka ayaa sheegay in ka badan 90% codadka la tiriyay ee doorashooyinka uu Mr Maduro helay codad gaarayo 67.7% oo u dhiganta 5.8 million oo cod. sida ay sheegtay madaxa guddiga doorashooyinka Tibisay Lucena.
Mr Falcón ayaa helay 21.2% codadka la tiriyay, taasi oo u dhigan 1.8million oo cod sida ay isla madaxa guddiga doorashooyinka wadankaasi ay sheegtay.
kooxaha mucaaradka ayaa iska diiday natiijada ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka qaranka ee wadankaasi, waxa ayna dalbadeen in dib loogu celiyo doorashada, sida uu sheegay madaxa isbaheysiga mucaaradka waddankaasi Henri Falcón.
Doorashada uu ku guuleystay madaxweynaha markale sii jooogi doono xafiiska ayaa muran badan ka taagan-yahay wallow ay is difaaceen guddiga doorashooyinka oo iyaga laftooda shaki la geliyay sida loogu kalsoonaan karo balse hawaaneyda hugaamisa guddigaas ayaa is difaacday waxa ayna eedeymaha mucaaradka kaga jawaabtay in aysan jirin wax ku shubasha halka madaxa isbaheysiga mucaaradka wadankaasi uu ku dooday in horey loo ogaa natiijada guddiga.
55-jir la doortay ayaa mucaaradka ugu baaqay in ay yimaadaan miiska wada hadalka inkastoo horey loogu guul darreystay wada hadallo dhex maray kooxaha mucaaradka iyo xisbiga uu hugaamiyo madaxweynaha iminka talada haya ee Maduro.

Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug oo kormeeray isbitaal

0

Dhuusa-mareeb(SNTV);- Madaxa Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir ayaa Maanta Kormeerkan ku tagay Isbitaalka Guud ee Gobolka Galgaduud, wuxuuna u kuur galayey Xaaladaha ay ku sugan yihiin Bukaanada Jiifa iyo Duruufaha uu ku shaqeeyo Isbitaalku, kaasoo ay jaraan Daawa yari iyo Shaqaalaha oo aan Mudo laba Sano ah helin Mushaaraad, Sheikh Shaakir ayaana mid mid u booqday Qaybaha uu ka kooban yahay Isbitaalku.

Agaasimaha Isbitaalka Dr: Axmed Mahdi Maxamed ayaa kormeerka ka dib waxa uu sharaxaad ka bixinayaa Baahiyaha ugu daran ee Hadda ay qabaan.

Gudoomiaha Gobolka Galgaduud Sheikh Axmed Cali Jimcaale ayaa Maamulka iyo Shaqaalaha Isbitaalka ugu baaqay inay u dhabar adeegaan Shaqada ay Bulshada u hayaan lana gaari doono Waqti la helo waxyaabaha loo baahan yahay.

Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir ayaa waxa uu Wasaarada Caafimaanka Dowlada Soomaaliya iyo Hay’adaha ugu baaqay inay wax ka qabtaan Baahiyaha Caafimaad ee ka jira Deegaanada Galmudug.

Isbitaalka Guud ee Gobolka ayaa waxa uu daboolaa Baahiyaha Caafimaad ee Gobolada Dhexe ee Soomaaliya waxaana looga yimaadaa Meelo aad u fog fog.

Howlgallo ka dhan ah Maleeshiyada Al-shabaab oo ka socda Jubbaland

0

Kismaayo(SNTV)- Iyadoo ay sii kordhayaan dhibaatooyinka ay Maleeshiyaad Shabaab ku hayaan dadka shacabka ah ayaa waxaa soconaya qorshayaal ku aadan sidii dadkaasi looga dulqaadi lahaa dhibaatooyinkaasi,kuwaasi oo ah howlgallo lagu sifeynayo Alshabaab oo ay wadaan ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland.

Goobaha bartilmaameedka ah ee ugu horeeya ayaa ah deegaanada dhaca dhinaca Waqooyi ee magaalada Kismaayo,sida uu sheegay Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ee Dowlada Goboleedka Jubbaland Xasan Maxamed Aadan,wuxuuna intaasi ku daray in dhawaan la qaadayo howlgal safballaaran ah oo ka dhan ah argagixisada Alshabaab.

Shacabka kunool deeganada dhanka Waqooyi ee magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa cabasho ka muujiyay dhibaatooyin ay kala kulmaan maleeshiyadaasi Alshabaab,kuwaasi oo handadaad ku haya rayidka.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaa shanaya Saaxiibada Caalamka ayaa howgallo kawada Koonfurta iyo Bartaha Dalka ,iyadoo Howlagalkaasi lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Arxan-laawayaasha Jid iyo Jiha Diidka ee Alshabaab.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo booqday dadka ay saameynta ku yeesheen Roobabkii ka da’ay

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay booqasho ugu tagay dadkii ku guryo beelay Roobabkii ka da’ay Muqdisho,kuwaasi oo Maamul Gobolka Banaadir uu dejiyay goobo KMG ah si uu idhihiisa ugu arko xaaladda dadka barakacay iyo gurmadka uu maamul Gobolka wado.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) iyo Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ka qeyb qaadanayay gurmadka dadka lagu keenay goobaha uu ugu talagalay Maamul Gobolka Banaadir in si KMG ah u degaan.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahad celiyay dhammaan dadka ka qeyb galay gurmadka lagu badbaadinayay dadkaasi saameynta ay ku yeesheen roobabkii da’ay,wuxuuna Ra’iisal wasaaraha mid mid uga xog wareystay dadka soo barakacay xaaladda ay hadda ay ku sugan yihiin,isagoona amray in si deg deg ah wax loogu qabto hooy rasmi ahna la dejin doono.

Dadkan guryahooda ay ka soo barakaciyeen roobabka ayaa waxay isugu jiraan dad da’ah,Haween iyo carruur,kuwaasi oo u nugul dhaxanta iyo dhibicda roobka.

Dhanka kale,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kormeeray waddooyinka halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ay biyaha roobka fariisteen,halkaasi oo ay ka socdaan howlo biyaha looga saarayo oo ay wadaan maamulka Gobolka Banaadir.

Ugu danbeyntii,Mudane Xasan Cali Kheyre,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan gurmadka lagu badbaadinayo Shacabka Soomaaliyeed oo caasimadda iyo qaar ka mid Gobollada dalka ku kala nool,kuwaasi oo ay saameyn ku yeesheen roobabka iyo fatahaadaha dalka ka jira.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ku howlan nadiifinta waddooyinka

0

Magaalada Muqdisho ayaa laba iyo tobankii Saacadood ee la soo dhaafay waxaa ka Socday roobab lixaad leh oo geystay dhimasho dhaawac iyo khasaare hantiyeed saacadihii la soo dhaafay, ayadoo taasi ay sii dheertahay wadooyinka qaarkood oo ay biyo fariisteen.

Maamulka Gobolka Banaadir oo had iyo jeer ka warqaba baahida bulshada Gobalka Banaadir ayaa u istaagay in uu wax ka qabto arrintaasi.

Booyado waa weyn oo loogu tala galay in ay qaadan biyaha fariistay wadooyinka qaar ayaa lagu  arkayay qaar ka mid ah wadooyinka Magalada Muqdisho ayadoo ay ku guuleysteen Maamulka Gobalka Banaadir in ay nadiifiyaan wadooyinka qaar oo hada ku soo laabtay sidii caadiga ahayd.

Agaasimaha Howlaha Guud ee Maamulka Gobalka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane oo ku sugnaa goobaha biyaha ay fariisteen ayaa bogaadiyay Shaqada Maamulka Gobolka Banaadir uu u haayo Umada Soomaaliyeed ayadoo Wadoyinka qaarkood ay noqdeen kuwa aanan la mari Karin isku socodka bulshada Saameyn weyn ku yeeshay,

“Galabta markii meelaha qaar aan ka bilownay shaqada waxay ahayd meelo aanan la mari Karin balse haatan wadooyin badan oo uu xiray roobkii ka socday Magalada Muqdisho Waxaan ku guuleysanay in aan Furno Wadooyinkaasi” ayuu yiri Cabdi Fitaax Cumar Xalane Agaasimaha Howlaha Guud ee Maamulka G/Banaadir oo dhowaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu u magacaabay xilkaasi.

Xalay marka  Sacadu ay aheyd labadii habeennimo oo daqiiqado dhiman ayaa agasimaha iyo Xubno kale oo ka socda Maamulka Gobalka Banaadir waxaa ay ku sugnaayeen goobaha ay  ka socdeen howlaha nadiifinta wadooyinka biyaha ay fariisteen.

Maamulka maaliyadeed ee wasaaradda howlaha guud oo lagu wareejiyay wasaaradda maaliyadda

0

La wareegitaanka maamulka maaliyadeed ee wasaaradda howlaha guud oo lagu wareejiyay wasaaradda maaliyadda ayaa ka dambeysay markii ay kulan wadatashi ah yeesheen mas’uuliyiinta labad Wasaaradood.

Kusimaha Wasiirka Maaliyadda ahna Wasiiru Dowlaha Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdullahi Sheekh Cali (Prof Qaloocoow) ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Howlaha guud iyo Dib udhiska Xukuumadda Soomaaliya iyadoona ka wada hadalay la wareegista Wasaaradda Maaliyadda ay la soo wareegtay maamulka Dakhliga ay soo uruuso Wasaaradda Howlaha Guud,tasoo si toos ah ugu dhici doonta Bangiga dhexe ee Dowladda.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maamuleysa dhamaan Hey’adaha Dowladda ee Dakhliga sida gaar ka ah u soo xareeya.

Arrinkaan waxa uu daba socda Go’aankii ka soo baxay Shirkii ay wada qaateen R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre iyo Wasaaradaha iyo Hey’adaha Dowladda ee Dakhliga uruuriya, go’aankaasoo ahaa in dhamaan wixii Dakhli ah ay maamusho wasaaradda Maaliyadda.

Shibis oo dhib la’aan isku diyaarineyso wareegga labaad ee tartan aqooneedka bisha Ramadan

Muqdisho (SNTV)-Waxaa caawa u ballansanaa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan Beledweyn & Shibis oo ka kala tirsan goballada Hiiraan iyo Benaadir.

Nasiib xumo  degmada Beledweyn ayaa xilli dambe waxa ay soo jeediyaan cudr daar ah in aysan ka qeyb geli karin tartanka loo ballansanaa  caawa duruufo  jiro awgood, hasa ahaate guddiga tartanka oo hore u dejiyay shuruudo  iyo hab-raacyo loogu tala galay tartanka ayaa sheegay in ay jebiyeen Beledweyn mid kamid ah xeerarka tartanka taasi oo ugu dambeyn guddiga go’aan ku gaareen in dhibcahaas lagu wareejiyo Shibis, sidaasna ay ku hartay degmada Beledweyn ee gobalka Hiiraan.

Sida uu u bilowday tartanka ayaa waxa ay u tahay caawa warbaahinta qaranka  habeenkii ugu horreeyay uu baaqdo, waxaana sidoo kale Shibis ay u noqotay fursad ay kaga baaqsadeen is jii-jiidka cilmiga ah ee garwadeenka ka tahay warbaahinta  qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir.

Habeen dambe Boondheere iyo Warta-nabadda ayaa ku ballansan fagaaraha tartan aqooneedka bisha Ramadan.