Home Blog Page 126

Saraakiil Booliis oo tababar muhiim ah loo xiray

0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku-xigeenka Booliiska Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi ayaa Saraakiil Dalacaad loo sameeyey usoo xiray Tababar aqoon kororsi oo la xiriira Shuruucda iyo Nidaamka maamulka.

Xarunta Akadeemiyadda Ciidanka Booliiska ayaa laga dhaqangeliyey isbadal lagu sameeyey dhinaca Waxbarista Ciidanka oo hadda ay Saraakiishani bar bilow u noqdeen, in Saraakiisha dalacda lagu siiyo Tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo si looga dhabeeyo wax ka badalka lagu sameeyo Hab dhaqanka iyo Aqoonta Ciidanka Boliiska.

Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo shir ku qabatay Galmudug

0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa magaalada Galkacyo ku qabatay shir muhiim ah oo looga hadlayo caqabadaha ay la kulmaan xubnaha haweenka ah ee ka tirsan booliiska, iyo sidoo kale dhibaatooyinka soo wajaha haweenka bulshada ee u baahan adeegyada booliiska.

Shirkan oo soconaya maalmo ayaa lagu lafa-guri doonaa dhammaan caqabadaha jira, iyadoo la dhageysanayo talooyinka iyo aragtiyada ka imanaya dhinacyada kala duwan ee ka qaybgalaya. Xogta iyo natiijooyinka kasoo baxa shirkan ayaa lagu saleyn doonaa qorshaha shanta sano ee soo socota ee booliiska Galmudug, si loo helo xal waara oo wax looga qabto dhibaatooyinka haweenka ku xeeran marka ay la macaamilayaan adeegyada booliiska.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay in kulankani uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo cadaaladda, sinnaanta iyo helitaanka adeegyo amni oo loo wada siman yahay, iyadoo haweenka lagu dhiirrigelinayo inay kaalin muuqata ka qaataan dhismaha nabadda iyo sugidda amniga bulshada.

Soomaaliya oo ka qayb gashay mashruuca caalamiga ah ee isku dhafka dhaqanka iyo Gaadiidka

0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa ka qayb gashay mashruuca muhiim ka ah ee isku dhafka Gaadiidka iyo dhaqanka, kaas oo ka socda dalka Shiinaha.

Shirkan oo ah mid heer caalami ah oo 12 Dal oo aduunka ah ay ka qayb galayaan, ayaa ujeedadiisu tahay in la isku xiro horumarka tiknoolajiyada ee Gaadiidka iyo muhiimadda dhaqan ee bulshooyinka kala duwan. Wafdiga Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirkan ayaa xoogga saaraya sidii ay xiriir ula sameyn lahaayeen dalal kale, isla markaana ay uga faa’iideysan lahaayeen khibradaha caalamiga ah ee dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada.

Siciid Cabdullaahi Maxamuud oo ah Agasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaaradda iyo Abdirizak Adam Gedi lataliyaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa sheegay in ka qeyb galka Soomaaliya ee shirkan uu yahay mid muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan kuwa Gaadiidka iyo duulista hawada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xiddig Ramla Cali guddoonsiiyey Shahaado Sharaf

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada qaranka ku qaabilay xiddigta Soomaaliyeed ee caalamiga ah Marwo Ramla Cali oo dalkeenna ku matasha ciyaaraha feerka caalamiga ah.

Madaxweynuhu ayaa bogaadiyey doorka iyo dedaalka Ramla Cali, iyadoo ku adkaystay una dhabar adaygtay mataaladda qarankeeda, waxa uuna ku tilmaamay astaan dhiirrigelin iyo midnimo oo ay ku faanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Ramla Cali, isaga oo uga mahadceliyey dadaalkeeda, sumcadda ay dalka u soo hoysay iyo kaalinta ay ku leedahay dhiiri-gelinta ciyaaraha Soomaaliyeed.

Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club

0

Kooxda kubadda cagta Dekadaha FC oo Soomaaliya ku mataleysa tartanka CAF ayaa Axadda, 21-ka September 2025, la ciyaari doonta kooxda Alzamala Sports Club oo ka socota dalka Sudan, kulan ayaa ka dhici doona garoonka Nyayo National Stadium ee magaalada Nairobi, saacadda 4:00 galabnimo.

Ka hor safarka, Maareeyaha Dekadda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur “Ameeriko”, ayaa kulan sagootin ah u sameeyay ciyaartooyda iyo maamulka kooxda, Wuxuu ku dhiirrigeliyay inay si sharaf leh ugu matalaan magaca iyo calanka Soomaaliya, isagoo xusay in guusha ay gaaraan ay astaan u noqon doonto sumcadda iyo magaca qaranka.

“Kooxda Dekedaha waxay mataleysaa magaca qaranka, waxaana naga go’an inaan taageerno koox kasta oo kor u qaadaysa sumcadda Soomaaliya,” ayuu yiri Danjire Ameeriko, oo horey uga soo shaqeeyay diblomaasiyadda isagoo ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Danjiraha ayaa xusuusiyay waayo-aragnimadiisii hore ee Nairobi, xilli xulka qaranka Soomaaliya uu halkaas ciyaaro ku lahaa, isagoo tilmaamay sida jaaliyadda Soomaaliyeed ay u buux dhaafiyeen garoomada, Wuxuu xusay in xataa wargeysyada Kenya ay markaas qoreen in taageerayaashu garoonka ka dhigeen “sida Muqdisho oo kale.”

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS oo kulan la yeeshay Duqa Magaalada Minneapolis

0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Duqa Magaalada Minneapolis, Mudane Jacob Frey. Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta xiriirka ka dhexeeya maamulka magaalada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed, iyo ka wada hadalka arrimaha horumarinta dhaqanka, dalxiiska, bulshada, iyo dhaqaalaha.

Intii uu kulanku socday, Duqa Minneapolis ayaa Wasiirka uga warbixiyey xaaladda guud ee magaalada, adeegyada bulshada, iyo sida bulshada Soomaaliyeed ay door muhiim ah uga ciyaaraan horumarinta magaalooyinka iyo dhisidda bulsho isku xiran. Waxa uu sidoo kale ka hadlay barnaamijyada kala duwan ee dowladda hoose ee Minneapolis ku taageerto bulshada qurbajoogta, gaar ahaan adeegyada waxbarashada, caafimaadka, fursadaha shaqo, iyo horumarinta dalxiiska.

Wasiir Al-Cadaala ayaa uga mahadceliyey Duqa Minneapolis sida sharafta leh ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyey, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga iyo xiriirka dhow ee ka dhexeeya Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo maamulka magaalada. Wasiirku wuxuu tilmaamay in kulankan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta labada dhinac, islamarkaana lagu horumarinayo fursadaha dhaqanka, dalxiiska, iyo adeegyada bulshada ee magaalada Minneapolis iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey sida bulshada Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadan karto horumarinta dhaqanka, dalxiiska, iyo adeegyada bulshada, iyadoo la isku raacay in la sameeyo iskaashi joogto ah oo dhanka warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada ah.

Wasiirka gaashaandhiga XFS oo kulan la qaatay dhigiisa Shiinaha

0

Wasiirka Gaashaandhigga JFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Beijing kulan doceed kula yeeshay Wasiirka Difaaca Jamhuuriyadda Dallka Shiinaha, Admiral Dong Jun, xilli uu ka qayb-galay Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Xiangshan. Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee heer wasiir dhex mara labada dal muddo ku dhow 40 sano, taas oo calaamad u ah bog cusub oo ku saabsan xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiir Fiqi ayaa kulanka ku sharaxay horumarka muuqda ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo difaaca, isagoo xusay in ciidamada Soomaaliyeed ay xoreeyeen dhul badan oo ay hore ugu sugnaayeen kooxaha argagixisada, isla markaana lagu tallaabsaday xasillinta deegaanno muhiim ah oo dalka ka mid ah.

Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun, ayaa bogaadiyay horumarka iyo jihada wanaagsan ee ay Soomaaliya ku socoto, isaga oo ku tilmaamay “tallaabo rajo iyo xasillooni horseedaysa” dadaallada socda ee dib-u-dhiska amniga iyo adkeynta hay’adaha difaaca.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta, iyada oo diiradda la saarayo xasilloonida gobolka, la dagaallanka argagixisada, taageerada howlgalka AUSSOM, iyo tayaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo nabad iyo amni waara oo ka hirgala Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo cadeeyay kaalinta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay tahay guul taariikhi ah, islamarkaana xoojineysa kaalinta dalka ee difaaca arrimaha gobolka iyo caalamka.

Madaxweynaha oo waraysi uu siiyey kanaalka “Al-Arabiya” ku sheegay in “Soomaaliya hore ugu fariisatay Golaha Ammaanka sanadkii 1972, waxaana tani tahay markii labaad ee la doorto xubinta aan joogtada ahayn,” isagoo tilmaamay in dalki “ka qayb qaato doodo badan oo Golaha ah, isaga oo matalaya Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in “Soomaaliya ay si cad ugu taagan tahay arrimaha Falastiin,” isagoo xusay in dalka “mas’uul ka yahay difaaca arrimaha dunida Islaamka iyo wakiil ka noqoshada dalalka nugul ee la kulma caqabado amni oo la mid ah kuwa aanu la kulannay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku daray in “Soomaaliya ay tahay dal yar oo leh ajende caalami ah oo kooban, balse ka tirsan dalalka dhexdhexaadka ah , mana taageerto koox ka dhan ah mid kale,” isagoo carabka ku adkeeyey in joogitaankeeda Golaha Ammaanka uu yahay “si loo adeeggo danaha dadka aanu matalno.”

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo gaaray Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka 

0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa soo gaaray Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. Wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaas.

Mudane Cadaale yaa maalmahan ku sugnaa magaalada Miami ee gobolka Florida, halkaas oo uu wafdigiisu kaga qaybgalay Shirweynaha Sanadlaha ah ee dalalka dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dalxiiska, shir caalami ah oo ay isugu yimaadaan madax iyo khubaro ka kala socda dalal badan.

Wasiirku waxa uu Jaaliyadda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo karaamada ay u muujiyeen. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu la qaadan doono kulamo Jaaliyadda, isagoo uga warbixin doona xaaladda guud ee dalka, horumarka dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimo badan oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada, iyo sidoo kale kaalinta muhiimka ah ee qurba-joogta looga baahan yahay taageerada dalka hooyo.

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

0

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka howlaha muhiimka ah ee ay SODMA qabatay tan iyo markii la aasaasay, xilli ay halkaasi kormeer ku tageen madaxdu.

Guddoomiyuhu wuxuu iftiimiyay sida ay hay’addu uga jawaabtay xaaladihii degdegga ahaa ee ka dhashay abaaraha iyo fatahaadaha, isaga oo sheegay in gurmad degdeg ah lala gaaray kumanaan qoys oo Soomaaliyeed.

Waxyaabaha uu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa dhismaha bakhaarro casri ah oo lagu kaydiyo gargaarka degdegga ah, si loo hubiyo in masiibooyinka laga gaadho meel kasta oo ay ka dhacaan.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa si taxaddar leh u dhagaystay warbixinta Guddoomiyaha, iyagoo muujiyay qaddarin iyo taageero ay u hayaan shaqada adag ee ay Hey’addu hayso.