Home Blog Page 1233

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kormeeray Dekadda Muqdisho

0

Muqdisho(SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer ku tegay dekadda Muqdisho ayaa u kuur-galay habsami u socodka howsha dekadda.

Ra’iisul wasaaraha oo kormeerkiisa ku tegay qaybaha ka duwan ee dekadda ayaa maamulka dekadda, taliska booliiska iyo madaxa cusub ee canshuurta dekadda ku boorriyay in ay dar-dar geliyaan shaqada, qayb waynna ka qaataan la dagaallanka musuq-maasuqa, si sare loogu qaado dakhliga dowladda.

Dekadda Muqdisho oo kamid ah ilaha ugu mumiisan ee dhaqaalaha dalka ayaa dhawaan waxaa lagu sameeyay horumarin ballaaran, iyada oo lagu guulaysatay in dekaddu shaqayso habeen iyo maalin.

Xukuummadda Soomaaliya oo hadafyadeeda ugu wayn ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah musuqa iyo kobcinta dhaqaalaha dalka ayaa dardar gelisay qorshaha lagu baarayo shaqsiyaadka dawladda u shaqeeya ee looga shakisanyahay xatooyada xoolaha dad-waynaha, waxaana dhawaan la xiray 10 sarkaal oo kamid yahay madaxii canshuurta dekadda Muqdisho oo lagu eedeeyay in ay musuqmaasuq gaysteen.

Safiirka Shiinaha: Waxaan kordhinaynaa taageerada aan siinno Soomaaliya

0

Muqdisho(SNTV)-Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaliya, Amb. Qin Jian ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta Dawladda kaga warbixiyey taageerada ay Dawladdiisa siiso Soomaaliya, si gaar ah mashaariicda horumarineed, deeqaha waxbarashada, maal-gashiga iyo shir madaxeedka Shiinaha iyo Africa oo horaanta Bisha September ka dhacaya Beijing.

Xiriirka Diplomaasi ee Soomaaliya iyo Shiinaha

Xiriirka Diplomacy ee Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa soo billawday 14-kii Bishii December 1960, waxaa labada Dawladood ay leeyihiin xiriir saaxiibtinimo dheer oo taariikhi ah, wuxuuna ku saleysan yahay iskaashi siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan, waxbarasho iyo dhinacyo kale oo muhiim u ah iskaashiga labada Dawladood.

” Shiinaha iyo Soomaaliya waxa ay leeyihiin saxiibtinimo soo billaabatay 600 Sano ka hor, balse midka diplomacy waxa uu billawday 1960, wuxuuna ahaa mid miro dhal ah oo labada dhinacba kawada faa’idaysteen,waana xoojineynaa taageerada, saaxiibtinimada, iskaashiga wax wada qabsi ee Soomaaliya iyo Shiinaha”, sidaa waxaa yiri Safiirka.

Mashaariicda Shiinaha uu ka fuliyey Soomaaliya

Safiirka waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka fuliyeen 89 mashruuc intii u dhaxeysay 1960 ilaa 1991-dii, waxaana uu ka xusay dhismaha jidad, Garoonka kubbadda Cagta Muqdisho (Stadium Mogadishu) , Cusbitaalka Benaadir, golaha murtida iyo madadaalada (National Theater) iyo kuwa kale oo badan.

Shiinaha ayaa Soomaaliya u soo diray 13 koox oo ay ku jiraan 393 Dhaqaatiir ah, kuwaas oo daaweeyay kumanaan Soomaali ah, iyadoo tababarro siinayey Soomaalida, waxaana dheeraa deeqaha waxbarasho ee ay Ardayda Soomaaliyeed ka faa’idaysan jirtay waqtigaas.

Deeqaha Waxbarasha hadda

Safaarada Shiinaha ee Soomaaliya ayaa dib loo furay 2014-tii,  kadib bur-burkii Dawladeenii 1991, waxaana Dawlada Shiinaha bixineysaa deeqo waxbarasho sannadkii labaad, in ka badan 50 Arday oo Soomaali ah ayaa deeq waxbarasho ka helay Shiinaha Sannadkii hore, kuwaas oo Shiinaha waxbarasho uga maqan hadda, waxaana Sannadkan baxaya (September) Arday ka badan 40, waxaana uu safiirka sheegay in ay kordhinayaan deeqaha waxbarasho.

” Waxaan Sannadkii labaad siinay Soomaaliya deeq waxbarasho, 50 iyo dhawr Arday oo ka fa’ideysatay sannadkii hore, sannadkan waxaa ka faa’ideysanaya in ka badan 40, waxa ayna baxayaan Bisha na soo aaddan, waxa ayna baranayaan kulliyado muhiim ah sida caafimaadka, Computer-ka IWM, waxa aan filayaa in Ardayda door muhiim ah ka qaataan dib u dhiska Dalkooda, ayna buundo u noqdaan xiriirka saaxiibtinimo ee labada Dal”, ayuu yiri safiirka Qin Jian.

Waxa uu intaas ku daray in dhawaan la dhisay urur(China-Somali Association) oo hormuud ka ahaa Arday hore wax uga soo baratay Shiinaha.

Shir madaxeeda Shiinaha iyo Africa: Soomaaliya oo ka qayb galeysa  

Shir madaxeedka Africa iyo Shiinaha (Focac) ayna ka qayb galayaan in kabadan 53 hogaamiye African ah iyo wafuud ballaaran oo la socota ayaa ka dhacaya Magaalada Caasimada ah ee Beijing 3-4 Bisha September, 2018.

Safiirka Shiinaha Amb. Qin Jian ayaa wareysiga ku sheegay in wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka qayb geli doona shirka China African Summit.

Waa Madaxweynihii uga horeeyay ee Soomaaliya oo taga Shiinaha kadib bur-burkii Dalka, waxaana uu sheegay safiirka in Shirkan uu  leeyahay fursado badan iyo iskaashi faa’ido u wada leh Shiinaha iyo Africa.

Maal-gashiga:

Shirkadaha Shiinaha ayaa aad u daneynaya in ay maal-gashi ku sameeyaan Soomaaliya, waxa ayna qayb ka qaadanayaan hurumarinta nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Uga dambeyn safiirka Shiinaha ayaa sheegay in ay Soomaaliya ay ka taageeraan dhinacyada Beni’aadannimada oo uu tusaale u soo qaatay abaarihii iyo fatahaaddii dhawaan uu sameeyey Webiga Shabeelle, waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay kordhinayaan taageerada ay Soomaaliya siiyaan.

Maxamed Cismaan Cobra

Aabbe Macallin Ibraahim “Aniga ayaa ku guubaabiyay inuu Dalkiisa difaaco sharaf ayayna ii tahay booqashada Madaxweynaha”.

0

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku booqday Hooygooda Magaalada Muqdisho, waaliddiinta uu ka tagay Alle ha u naxariistee shahiid Cabdullaahi Macallin Ibraahim, oo dhawaan ku shahiiday howlgallo ay Ciidanka xoogga Dalka ka fuliyeed Gobolka Shabeellada hoose.

Madaxweynaha Dalka ayaa Qoyska Shahiid C/llaahi la qaybsaday tiiraanyada geeridiisa, wuxuuna u muujiyay sida ay madaxda Qaranka u garab taagan yihiin Askarta ku waxyeelloowda difaaca Dalkooda, Diintooda iyo Sahacbkooda.

Macallin Ibraahim Nuur oo ah Abbaha Shahiid C/llaahi Macallin ayaa sheegay inuu aad ugu qanacsan yahay inuu Wiilkiisu ku geeriyoodo difaaca Dalkiisa Hooyo, isagoo sheegay inay sharaf u tahay booqashada Madaxweynaha Dalka iyo sida uu ula qaybsaday xanuunka geerida Wiilkooda.

“Sharaf bay noo tahay tan, anigaana ku guubaabiyay, Ciidanka anaa u qoray, anaa ku guubaabiyay inuu Dalkiisa iyo Qarankiisa u dhinto, Allaa mahad leh, Alle ka sokoowna waxaannu ugu mahadineynaa Madaxweynaha Dalka sida uu noo sharfay, Maydad badan ayaa ku dhintay Xaafadda, Madaxweynaha inuu Jinaazo ku tukadana isaga ayay nasiibkiisa noqotay sharaf weyn ayayna ii tahay” ayuu yiri Aabbe Macallin Ibraahim Nuur.

Booqashada uu Madaxweyne Maxamed C/llaahi Faermaajo ku tagay Gurigii uu ka baxay Allaha u naxariistee C/llaahi Macallin Ibraahim ayaa sare u qaadday hanka iyo niyadda ay Ciidamada Soomaaliya u hayaan difaaca Qarankooda.

Maxamuud Sheekh Ibraahim oo ka tirsan Ciidanka Soomaaliyeed oo dareenkiisa la wadaagay SONNA ayaa sheegay in tallaabbadii Madaxweynaha ay ku beertay dareen aad u qiimo badan , wuxuuna intaa raaciyay in Askarigu uusan ku dhiirran dhaqaale la siiyo oo qura, balse ay niyaddiisu sare u qaadi karto marka saaxiibkiisii ka horreeyay la booqdo Agoontii uu ka tagay, lana daryeelo Saaxiibkiisii ku dhaawacmay difaaca Dalka.

“Askarigu kuma dhiirrado dhaqaale la siiyo, wuxuu ku dhiirradaa marka Saaxiibkiisii ka horreeyay agoontiisa la booqdo, lana daryeelo, sidoo kalana saaxiibkiisii dhaawacmayna loo xannaaneeyo Carruurtiisa lana ogaado, Askariga haray oo fayoow wuxuu keenaa kalsooni Dal jacayl ah iyo shaqa saa’id ah, wuxuuna naftiisa u huraa Dalkiisa maaddaama uu ogyahay inuu maamul saxan ka dambeeyo oo daryeelaya ubadkiisa” Ayuu yiri Maxamuud Sheekh Ibraahim.

Maxamuud Sheekh Ibraahim ayaa sheegay tani in ay soo xasuusisay xilligii Madaxweyne Farmaajo uu ahaa Ra’iisul wasaaraha Dalka, markaas oo uu booqday Ciidamada naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira Isbitaalka Martiini, isagoo sheegay in ay Maalintaasi qiiro xooggan ku beertay.

“Maalintaas Illin baa iga timid waxaan ogaaday Dad na og inuu jiro, Soomaali weli way nooshahay, Shalay Markuu u tagay  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Qoyska Marxuumka waxaan ogaaday inaan noolaannay, waxaanan ugu baaqayaa in ay Ciidamada Soomaaliyeed Naftooda u huraan oo ay cadawga ka saaraan, waxaanan leeyahay sii haya howsha fiican ee aad waddaan” ayuu sii raaciyay Maxamuud.

Booqashada uu Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tagay Hooyga Shahiid C/llaahi Macallin Ibraahim ayaa Ciidanka Soomaaliyeed gelineysa kalsooni buuxda oo ay ku qabaan Madaxdooda, waxayna taasi keeneysaa in ay Cadwga argagixisada Al-shabaab iyo kuwa gabbaadka siiyaba ay meesha ka baxaan, Dalkana uu noqdo mid leh Ciidan iyo hoggaan isku duuban.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya oo xilkiisa la wareegay

0

Muqdisho-(SNTV)- Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliyeed  Admiral; Xasan Nuur  oo dhawaan loo Magacaabay ayaa xilkaasi si buuxda ugala wareegay Shalay oo ay Taariikhdu ahayd 22 Augost, ka dib munaasabad ballaaran oo ka dhacday Muqdisho.

Munaasabadda xil wareejinta oo ay ka qayb galeen qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada kala duwan iyo masuuliyiinta Dowladda ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay taliyihii hore ee ciidamka Badda Admiral; Maaddeey Sheekh Nuureey (Ufuroow) wuxuuna kula dardaarmay Ciidanka ilaalada Badda iyo Saraakiishooduba in ay la shaqeeyaan taliyaha cusub una feejignaadaan howsha culus ee u taalla.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Ilaalada Badda Admiral ; Xasan Nuur ,ayaa  sheegay in uu halka hadda ay  marayaan  howlaha taliska Ciidanka ilaalada Badada uu wax ku soo kordhin doono, isagoo uga mahadceliyay taliyihii hore kaalinta uu ka qaatay dib u dhiska Ciidanka Badda.

Madaxa hoggaanka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto; Maxamed Maxamud Xasan Qafow ayaa ka hadlay muhiimadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu u leeyahay Dalka,  isago tilmaamay in Ciidanka ilaalada  Badda ay u taallo howl culus , loogana baahan yahay in ay ka soo dhalaalaan oo ay ka hortagaan kooxaha ka qowleysta Baddeena.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkanba wadday dedaallo ay ku dhiseyso tirada iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si loo helo ciidan awood leh, markii ay isa soo tareen dhibaatooyinka iyo boobka ay Maraakiibta shisheeye ku hayaan Biyaha Soomaaliya iyo tacaddiyada ay geystaan Kooxaha Burcad badeedda ah.

Kooxaha fanka ee Heegan iyo Onkod oo Shacabka kala qeyb galay dabaal degga maalinta labaad ee Ciidul Adxa

0

Muqdisho (SNTV), Magaaladda Muqdisho, ayaa Maalintii labaad waxaa looga dabal dagayaa munaasabada  Ciidul adxaa, waxaana wadooyinka iyo goobaha la isugu yimaado sida xeebta Liido lagu arkayaa dad weyne aad u fara badan oo dhamaashaadaya.

Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliska iyo Kooxda Onkod ee Ciidanka Asluubta, ayaa ka qeyb qaatay dabaal degga maalintii labaad ee Ciidul Adxaa, waxaana bandhig faneed guubaabo ah ay ku qabteen Beerta Nabadda, Xeebta Liido iyo meelo kale oo ay iskugu yimadeen kumaman shacab ah oo  ka kala yimid degmooyinka gobolka banaadir.

Bandhig faneedka ay sameeyeen Kooxaha Fanka ee heegan iyo Onkod, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan”, Taliyaha Ciidanka Booliska S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko masuuliyiin ka socday maamulka Gobolka Banaadir iyo saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo labaduba kormeeray goobaha ay isugu yimaadeen dadweynaha, ayaa sallaan la dhex qaaday shacabkii halkaasi ku sugnaa, iyaggoo la qeybsaday farxadda Munaasabadda Ciidul Adxaa.

Madaxa hoggaanka wacyi gelinta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle sare C/rashiid Cismaan Colod, ayaa sharaxay u jeedka barnaamijkaan, waxaana uu xusay inay ugu gol leeyihiin is dhex galka Ciidanka iyo Bulshadda.

Qaar kamid ah dadkii ku sugaa Beerta Nabadda iyo Xeebta liido oo la hadlay warbahiinta Qaranka, ayaa sheegay inay  aad ugu faraxsan yihiin in ay la dabaldagaan Ciidamada Qaranka, taasina ay u ifneeyso hormarka dawladnimada.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo La Ciiday Qaar kamid ah Bulshada ku nool Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo maanta kormeer ku tegay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, ayaa la ciiday qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa tegay goobo ay bulshada ku kulanto oo ku yaalla xaafadaha ku xeeran waddooyinka Sodonka iyo Wadnaha.

Ra’iisulwasaaraha ayaa kulamo xog-wareysi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka dhageystay talooyinkooda, isla markaasna u sharraxay qorsheyaasha dowladda ee dib u soo noolaynta kaabayaasha aasaasiga u ah dowladnimada.

Ujeedka kormeerka ra’iisul wasaaraha XFS, ayaa ahaa in uu si dhow ula socdo tabashooyinka shacabka, si loogu saleeyo wax-qabadka hay’adaha dowladda, laguna dabbaqo nidaamka isla xisaabtanka.

 

Garoonka weyn US Banka Stadium ee Magaalada Minneapolis oo markii ugu horreysay Muslimiintu ku dukadaan Salaadda Ciidul-adxaa.

0

Minneopolis (SNTV)–Garoonka weyn US Banka Stadium  ee dhaca bartamaha magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota oo ay Somalidu u badan tahay ayaa taariikhda Markii ugu horraysay Muslimiinta Ku nool Gobolka Gudaha garoonka ku oogay Salaadd Ciidul Adxa.

Muslimiinta Gobolka Minnesota ee soo xaadiray oo koox koox u galiyey Gudaha garoonka ayaa lagu qiyaasay 25 kun,iyagoo dhammaan wajiyadooda laga dareemayey farxad iyo rayn rayn.

Qaar ka mid ah Culumada Masaajidada Gobolka Minnesota ayaa wakhti badan galiyey in ay kulmiyaan inta badan Muslimiinta Gobolka Minnesota,isla markaas-na hal goob lagu wada tukado ,iyagoo sheegay in ay dirayaan fariin ku socota kuwa ku bahoobay Muslim nacaybka.

Xoghaya Safaaradda Soomaaliya ku leedahay Magaalada Washington Mudane Cabdirahmaan Bashiir ayaa soo gaarsiiyey dhabmbaal  Salaan ah uu ka  siday Madaxda Soomaaliyeed,wuxuuna ugu baaqay Soomaalda gobolkaan in ay gacmaha isma qabsadaan.

Xildhibaanadda Aqalka Wakiilada ee Gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka Ilhaan Cumar iyo Gudoomiyaha Degmada lixaad ee Magaalada Minneapolis  Mudane Cabdi Warsame oo la hadlay warbaahinta qaranka,ayaa ku tilmaamay in ay meel kuwada tukadaan dadka Muslimiinta ah gaar ahaan Soomaalida  guul u soo hoyatay.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka uga soo warama Minnesota ee Dalka Maraykanka Cabdixakiim Cabdi Ismaciil ayaa sheegay in goobtaasi lagu oogay Salaadda Ciidul-adxaa ay aheyd mid ay ka muuqatay rayrayn iyo farxad aan la soo koobi karin waayo waxay aheyd markii ugu horreysay ay Muslimiinta Magaalada ku nool ku wada dukadaan hal meel, taasoo muujineysa isku duubnaanta Muslimiinta.

Mareykanka oo xubno sare ka dilay Al-shabaab

0

Taliska ciidammada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay dileen laba xubnood oo muhiim u ahaa Al-shababaab kaddib duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose.

War laga soo saaray taliska ciidanka Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerar la qorsheeyey ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka meel 44km duleedka bari ka xigta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

“Weerarka waxa uu bartilmaameedsanayey laga horjeegeyaal sare ka ahaa Kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab, waxaan ku guuleysannahay in labadaa xubnood ay dhintaan, isla markaana la waxyeelleeyo malleeshiyaad badan oo ku sugnaa goobta ay duqeynta ka dhacdey” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay taliska AFRICOM.

AFRICOM ma sheegin magacyada labada  horjooge ee ay ka dileen Al-shabaab,  ciidammada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ayaa wadajir isaga kaashada weerarrada gaarka ah ee lagu dilo horjoogeyaasha sare ee Argagixsada Al-shabaab.

Dhammaadkii Bishii June  ciidammada Amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay  dilaan horjoogeyaal halka kuwa kalena ay dhaawac culus gaarsiiyeen, kaddib markii ay qaadeen howlgal loogu magac daray Howlgalka Haddiyadda Xorriyadda.

 

 

 

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay janaasada askari ku shahiiday howlgallada ciidanka ee ka socda Shabeelada Hoose

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay janaasada Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Macalin Ibraahim.

Marxuumka ayaa ka tirsanaa Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna ku shahiiday howlgal ciidanku ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan degmada Marka ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey shahiidkan in uu abaalkiisa ka yeelo jannada, qoyskiisa, iyo Dowladda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku booqday hooygooda magaalada Muqdisho, waalidiinta uu ka tagay Alle ha u naxariistee shahiid Cabdullaahi Macalin Ibraahim.

Madaxweyne Waare oo la dukaday bulshada Jowhar

0

Jowhar(SNTV):–Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa saaka subaxnimadii  La tukaday salaada ciidul Adxaa shacabka ku dhaqan caasimada Dawladda Hirshabelle ee Magaalada Jowhar.

Salaada Ciida ayaa lagu dukaday Masaajidka Carabta Xaafadda Horseed Ee Magaalada Jowhar, waxaana Madaxweynaha ku wehlinayay Gudashada Waajibaadka Salaada  Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, Guddomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre iyo kuxigeenkiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Hirshabelle saraakiisha ciidamada, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon yahano, Culumo iyo shacab weynaha Magaalada Caasimada Ah Ee Jowhar.

Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare  ayaa Salaada Kaddib Hadal kooban uu jeediyay Ugu hanbalyeeyay ummada Soomaaliyeed iyo shacabka reer Hirshabelle meelkastay joogaan munaasibada ciidul adxaa darteed, waxaana uu madaxweynihu sheegay in Hirshabelle ka jirto nabad gelyo loona baahanyahay in la iska kaashado xoojinta Dowladnimada, waxaana uu ku dheeraaday ka sheekeynta ficilada guracan ee kooxda Dhagarta badan ee Al Shabaab.

“ Waxaan rabaa in aan hambalyada ciida u diro shacab weynaha Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Hirshabelle farxad iyo wanaag ku ciida, waxaan Iyana si gaar ah ugu mahadnaqayaa ciidamada qalabka sida ee qaar ay dhufaysyada ugu jiraan in ay naga difaaacaan cadowga shar wadayaasha Al shabaab i, si gaar ah Ayaan ugu mahadcelinayaa si gaar ah ayaan ugu hambalyeynayaa iyaga xaasaskooda iyo caruurtooda.

Mudane Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa hambalyo u diray Ciidamada Jibuuti ee Hiil Walaal kuwaa oo naftooda u huraya Umadda Soomaaliyeed islamarkaana ka howlgala Deegaannada Hirshabelle, waxaana uu ka sheekeeyay doorka walaalitinimada Leh ee Walaalaha Jibuuti hambalyo Reer Jibuuti Hambalyo Ciidamada Hiil Walaal Ayuu Hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Madaxweyne Waare.