Home Blog Page 1170

Wasiirka Waxbarshada XFS oo kulan la qaatay Guddiga Tacliinta Sare ee Dalka Turkiga

0

Ankara (SNTV)- October -17-2018- Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo safar  shaqo ku jooga Magaalada Ankara ee Dalka turkiga oo uu wehliyo Danjiraha Safaaraadda Soomaaliya ee dalka  Turkiga Jaamac Cabdullahi Maxamed Caydiid iyo Uqaybsanaha  Waxbarashada ee Safaaradda  Cabdicasiis Cabdiraxmaan Xasan  ayaa kulan la qaatay Guddiga Tacliinta Sare ee Dalka Turkiga ee loo soo gaabiyo (YOK) .

Wasiirka ayaa  sheegay in uu ka la hadlay Guddoonka guddiga YOK Aqoonsiga   Jaamaacadaha Dalka Soomaaliya oo aysan horay u Aqoonsanayn  qaar kamid ah Jaamacahadaha ay wax ka soo barteen ardayda soomaaliyeed oo  aysana u suurta galin in ay sii wataan waxbarashadooda heerka labaad ee Jamacada gudaha   dalka Turkiga  maadaama aanan la aqoon sanayn jaamacaadahas oo aysan  Aqbalin Jaamacadaha ku yaala dalka turkiga Ardaydii u timid in ay wax ka bartaan.

Sidoo kale waxay kawada hadleen Gudoonka guddig arrimaha Ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarata dalka turkiga oo ay saamaynta ku yeelatay Afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka turkiga 2016 in ardaysaas la siiyo deeqo waxbarsho si ay usii wataan waxbarashadooda .

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta sare  Cabdullaahi Goodax Bare ayaa ka codsaday in Gudoonka Guddiga  YOK ay tababaro siiyaan  macalimiinta dugsiyada  Sare ee Farsamada  sida dugsiga sare ee farsamada gacanta , korantada ,Xanaanada xoolaha ,Beeraha iyo  kaluumaysiga,  taasoo ay ku howlaneed Wasaaradda waxbaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare siddii ay u hirgalin lahaayeen dugsiyadaas sare ee farsamada.

 

War-Murtiyeedka kulanka wasiirrada arrimaha dibadda, Soomaaliya , Itoobiya iyo Eritereya ee Muqdisho.

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Ereteriya Mudane Osman Saleh Mohammed iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Itoobiya Mudane Workneh Gebeyehu ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, Soomaaliya 17kii Oktoobar, 2018.

Booqashadani waxay qayb ka tahay iskaashiga dibloomaasiyadeed ee u dhexeeya saddexda dal iyo wadahadallada muddooyinkii danbe socday kaddib heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee saddexda hoggaamiye ku dhexmaray magaalada Asmara, bishii Sebteembar, 2018.

Intii booqashadu socotey, Wasiirrada waxaa qaabbilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, waxayna salaan ugu tageen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,kuwaas oo salaan uga siday Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaare Abiy AhmEd. Sidoo kale Wasiirada waxay wadahadallo la yeesheen Ra’iiaul wasaare Xasan Cali Khayre.

Intii ay wadahadalladu socdeen, hoggaamiyeyaashu waxay isla soo qaadeen heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee dhigayey in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, waxayna dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika.

Hoggaamiyeyaashu waxay sidoo kale tixgeliyeen tallaabooyinka togan ee hore loo qaaday kaddib markii la gaaray heshiiska saddex-geesoodka ahaa, kuwaas oo ay kamid tahay dib u furista xuduudda Itoobiya iyo Ereteriya iyo dib u soo celinta duullimaadyada tooska ah ee isaga kala goosha caasimadaha saddexda dal.

Iyaga oo metelaya madaxdooda, Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka Ereteriya iyo Itoobiya waxay ku celiyeen taageeradooda xooggan ee ku wajahan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiirradu waxay bogaadiyeen horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dadaallada dib loogu habaynayo waaxyaha dhaqaalaha iyo amniga iyo guud ahaan horumarka laga sameeyey dhammaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadeed.

Wasiirrada Arrimaha Dibeddu waxay tixgelinayaan dadaallada dib u habayn ee ummadda Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka, iyaga oo xusay kalsoonida kobcaysa ee Beesha Caalamku ku qabto hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

Wasiirradu waxay mar labaad sheegeen in Ereteriya iyo Itoobiya ay garab istaagi doonaan shacabka Soomaaliya iyo hoggaankiisa maaddaama ay rajo fiican u yihiin dib u soo kabashada qaranka. Waxay idil ahaan Beesha Caalamka ugu baaqeen inay si midaysan u taageeraan dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan in la hirgeliyo isbeddelka lagama maarmaanka u ah soo kabashada Soomaaliya ee wakhtiga fog.

Wasiirrada Ereteriya iyo Itoobiya waxay dhammaan dhinacyada ay khusayso ee gudaha iyo dibedda ugu baaqayaan inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Hoggaamiyeyaashu waxay mar labaad hoosta ka xarriiqeen sida ay uga go’an tahay amniga, barwaaqada iyo xasilloonida gobolku, iyaga oo dib u adkeeyey dhawridda madaxbannaanida dhuleed iyo tan siyaasadeed ee saddexda dal.

Ugu dambayntii, Wasiirrada Arrimaha Dibeddu waxay ka mahadceliyeen martisoorkii loo sameeyey iyaga iyo waftigii la socdey.

Shirkada Diyaaradaha Ethiopia oo dib u bilaabaysa duulimaadkeedii Soomaaliya.

0

Adis Ababa-(SNTV)- Agaasimaha fulinta Shirkada Diyaaradaha Ethiopia ayaa maanta shaaca ka qaaday in bisha November soo socota 2-eda ay shirkadu dib u bilaabeyso duulimaadkeedii khadka Adis-Ababa iyo Muqdisho kadib markii duulimaadkan uu go’ay  muddo haatan laga joogo 41 sano ah ka hor, wuxuuna sheegay in sabtidii aynu soo dhaafnay ay shirkada duulimaadkii u horeeyay ee ganacsi ah ka sameysay Adis-Ababa iyo Muqdisho.

Warkan oo Wakaalada Anadol ay kasoo xigatay Idaacadda ay Maamusho Dowladda Ethiopia oo lagu magacaabo Fana ayaa intaa raaciyay in dib u soo celinta duulimaadka rayidka ee labada dal Soomaalia iyo Ethiopia ay door weyn ka ciyaarayso sii xoojinta Cilaaqaadka labada dal ee deriska ah gaar ahaan dhanka dhaqaalaha iyo socdaalka.

Agaasimaha fulinta Shirkada Diyaaradaha Ethiopia wuxuu tilmaamay in soo celinta duulimaadkan ay faa’iido weyn u keenayso Soomaalida dibbadaha ku nool gaar ahaan wadamada Mareykanka,Yurub,Asia iyo Bariga Dhexe oo ay u sahleyso sidii ay Somalia u soo booqan lahaayeen iyagoo soo raacaya shirkada Diyaaradaha Ethiopia oo uu sheegay inay duulimaad ku sameyso 116 dal oo caalamka ka titsan.

Dhanka kale Masuliyiinta Shirkadda Diyaaradaha Ethiopia ayaa cadeeyay in  duulimaadkan uu noqon doono mid toos ah oo Todobaadkiiba Sedex mar ay Diyaaradu ku imaanayso Muqdisho.

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirkii 5-aad ee guddiga Joogtada ah ee Arrimaha xuquuqul-Insaanka ee Wadamada Islaamka

0

Muqdisho (SNTV) Shirkii 5-aad ee Caalamiga ah oo ay yeelanayaan Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha xuquuqul-Insaanka ee wadamada ku bahoobay Ururka Islaamka ayaa ka socda Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga,waxaana looga hadlayaa arrimo badan oo quseeya dowladaha Islaamka ee dunida.

Waxaa shirkani uu soo qaban qaabiyay guddiga Joogtada ah ee Arrimaha xuquuqul-Insaanka, Soomaaliya u matalaya wafdi ka socda wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul-Insaanka, kaasi oo uu horkacayo Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Deeq Suleymaan Yuusuf.

Ajendayaasha sanadkan diiradda lagu saari doono shirkaasi inta uu socdo waxaa kamid ah arrimo la xiriira dhibaatooyinka Islaam neceybka,ku xadgudubka xuquuqda aadanaha iyo faquuqa ka jira daafaha caalamka.

Shirkan ayaa sanadka ku soo aadaya iyadoo dunida daafaheeda ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo salka ku haya xadgudubyada xuquuqul-Insaanka,waxaana la filayaa in xubnaha matalaya wadamada ku mideysan ururka Iskaashiga Islaamku ay soo saaraan qodobo muhiim ah.

Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq oo la Kulmay Madaxweyne Barham Saalax

0

Muqdisho (SNTV) Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq Mudane Cabdifitaax Sheekh Axmed ayaa la kulmay Madaxweynaha dhawaan la doortay ee dalkaas Mudane Barham Saalax.

Siihayaha ayaa u gudbiyay Madaxweynaha Ciraaq salaan iyo hambalyo uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha dalka Ciraaq ayaa uga mahadceliyay siihayaha dhambaalka uu uga siday Madaxweyne Farmaajo isaga oo hoosta ka xarriiqay in Ciraaq ay dooneyso in ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Oslo oo baroor diiq loogu sameeyay dadkii lagu xasuuqay Zope SAWIRRO.

0

Munaasabad baroor diiq iyo duco ah oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Norway ayaa lagu qabtay magaalada Oslo ee caasimadda dalkaasi.

kulankan ducada ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay gudigii deeq aruurinta qarixii 14 Oktoobar oo sanad kahor looga dhawaaqay magaalada Oslo kuwaasoo tabarucaad badan ka uruuriyay Soomaalida ku dhaqan dalka Norway maadaama dadka waxyeeloobay ay u baahnaayeen caawimaad deg deg ah oo aan loo kala harin.

dadka isku yimid oo isugu jiray qeybaha bulshada ayaa si wadajir ah goobta ugu duceeyay dadkii halkaasi ku geeriyooday iyagoo alle uga baryay caafimaad  kuwo weli la xanuunsanaya werarkaasi bahalnimo oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 600 oo qof.

Ka qeyb galayaasha baroor diiqdaasi ayaa muujiyay sida dalku ugu baahanyahay in laga xoreeyo argagaxisada iyo taageerada qurba joogta ee dowladda federaalka ah oo dagaal xoogan kula jirta maleeshiyada Al shabaab iyo kooxaha xagjira.

Bashiir Gaani.

UK oo deeq waxbarassho siineysa Soomaalida

0

Xarunta Chevening ee dowladda Ingiriiska u qaabilsan horumarinta iyo hoggaaminta ayaa bixineysa fursad waxbarasho oo u furan  aqoon yahannada Soomaalida ee leh xirfadaha hoggaamineed.

Haddaba haddii aad daneyneyso fursaddaas waxbarasho, waxa aad kala xiriiri kartaa www.http://www.chevening.org ama www.facebook.com/ukinsomalia.

Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Eritrea oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV) Wasiiradda Arrimaha Dibada Dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya ay kusoo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirka Dowlada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa wafdigan soo dhaweeyay.

Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Eritrea ayaa inta ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Dalka, iyadoo laga wada hadli doono Xoojiinta Xiriirka iyo sare u qaadida Wada shaqeynta Dowladahaasi iyo Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa wada shaqeyn xoogan la leh Wadamada Geeska Afrika, Iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Magaalada Asmara Heshiis Iskaashi kula galay Madaxweynaha Eritrea iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Khartuum uga qeyb-gashay shirka 65-aad ee ururka caafimaadka aduunka ee WHO.

0

Khartuum (SNTV):- Shirka 65-aad ee ururka caafimaadka aduunka ee WHO ayaa ka socda magaalada Khartuum ee dalka Sudaan, waxaana Soomaaliya ku matalaya wasiirka wasaaradda caafimaadka Drs. Fowsiya Abiikar Nuur.

Shirkaas oo socon doona ilaa 18-ka bishan ayaa looga hadlayaa wax ka qabashada cudurada faafa, fidinta adeegga caafimaadka, in hay’adaha gaarka loo leeyahay ay ka qayb qaataan horumarinta caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr Fawsiya ayaa loo doortay ku xigeenka shir gudoonka, waxaana ay ka hadashay dadaalada horumarineed ee dawladda Soomaaliya ku horumarinayso adeegga caafimaadka, taas oo ay codsatay in lagu gacansiiyo.

Eng Yarisow “Barnaamijka Waxbarashada Dadka Waaweyn waa mid kor loogu qaadayo aqoonta Bulshada Caasimadda”

0

Muqdisho (SNTV)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Daah-furay Barnaaijka Waxbarashada dadka Waaweyn ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay ujeedka barnaaijkani in uu yahay mid aqoonta bulshada kor loogu qaadayo, maadaama qorshuhu yahay in sanadka 2020 ay dalka ka dhacaan doorashooyin, isla markaana ay muhiim u tahay qorista iyo akhrintu codbixiyaha.

“Si kor loogu qaado aqoonta iyo tayada bulshada ee dhinaca waxbarashada, gaar ahaan dadka waaweyn xiligan loo diyaar garoobayo doorashooyin qof iyo cod ah sanadka 2020 ahmiyad wayn ayuu ku fadhiyaa barnaamijkan waxbarashada dadka waaweyn ee Gobolka Banaadir”.

Guddoomiye Yarisow ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado akhrinta iyo qorista afka hooyo iyo aqoonta dadka waaweyn ee waqtigu u saamixi waayay in ay maraan nidaamka waxbarashada aas-aasiga ah.

Munaasabadda Daah furka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Benaadir Marwo Basmo Caamir Axmed, masuuliyiin ka tirsan Maamulka iyo dadweyne kale, iyadoo intii ay socotay munaasabaddu laga jeediyey khudbado kala duwan oo taabanaya ahmiyadda barnaaminka Waxbarashada dadka Waaweyn