Home Blog Page 1170

Puntland oo dayactir ku sameysay mid kamid ah xarumaha maamulkaasi

0

Garowe(SNTV);- Madaxweynaha Maamulka Gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 6 August 2018 waxaa uu xariga ka jaray xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Maamulka Puntland, xaruntaas oo dayactir lagu sameeyey.

Madxaweynaha Puntland waxaa ku wehelinayey xaRig jarka, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Puntland Shire Xaaji Faarax, Agaasimaha Hay’ada UNDP Soomaaliya Mr.George Conwey Madxa UNDP Puntland Mr. Sayid iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dhinaca kale Xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Maamulka Puntland oo ahayd xarun horey ay wasaarddu ugu shaqeyn jirtay ayaa waxaa dayactir balaadhan ku sameeyay Hay’ada UNDP oo maashaariico horumarineed oo badan ka fulisay deegaanada Puntland, wada shaqayn dhowna la leh Dowladda Puntland.

Xarig jarka kadib Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxaa uu kormeer ku sameeyay xafiisyada iyo qaybaha ay ka koobantahay dhismaha wasaaradda, islamar’ahaantaana mid mid ugalay xafiisayada wasaaradda oo xiligaasi ahaa kuwa mashquulsan oo shaqado maalmeedkii ka socotay, sidoo kalena  madaxweynaha ayaa indhaindheeyey qaabka ay u shaqadu socoto.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kalmad koobn ka jeediyay munaasibadii xadhig jarka xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Dowladda Puntland ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa”

“Waan ku faraxsanahay inaan maanta imaado Wasaarada Qorsheynta oo waji cusub yeelatay, waan ku faraxsanahay inay wasaardu saas isku bedeshay, waxaan ka hadlayaana maaha muuqaalka guriga,  ee waxaan ku faraxsanahay waxa weeye markaan tegay xafiisyada iyo shaqada kasocota, iyo inaan arkay dad dhalinyaro ah oo ku faraxsan shaqada ay hayaan, wasaardani waa wejigii laga soo gelayey Dalka,  markaa inay fiican tahay, wanaagsan tahay, qurux badan tahay waa wax aad loogu baahan yahay,  idinkana ka wasaarad ahaan waxaan idinkula dardaarmayaa in shaqada aad wadaan aad meesha kasii wadaan, sidoo kalena hay’ada UNDP way ku mahadsan yihii shaqada wanaagsan ee ay qabteen, waxaana maanta mahadagaara unaqayaa madaxda hay’da oo uu ugu horeeyo George,  iyo Seyid oo isaguna ah madaxa Hay’ada ujooga caasimada Puntland oo aan sigaara ugu mahadcelinayo, runtii isbedal balaadhan bay Wasaaradu gaadhay intii uu Wasiir Shire wasaarada yimaadey, wayna kamuuqataa hogaamintiisa wasiirku  Wasaarada” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Taliye  Saldhig  oo Musuq loo xiray.

0

Muqdisho (SNTV)- Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha    saldhiga Boliska degmada Wartanabadda iyo Alifle Cabdi Cumar Isaaq  Baaraha Dambiyada Saldhiga  iyo Kormeera Labaada Cabdifitaax Maxamuud Cabdi oo ka tirsana Ciidamada saldhiga  degmada  ayaa lagu soo eedeeyay in  ay qaateen lacag laauush ah.

Kowda bishan aynu ku jirno ayaa Ciidamada Amniga soo xireen Eedeysanayaal    Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen taliyaha saldhiga degmada Warta-nabadda , baaraha dambiyada saldhiga   Alifle Cabdi Cumar Isaaq  iyo Cabdifitaax Maxamuud Cabdi  oo ka tirsanaa ciidamada saldhiga ayaa  lala xiriirinayaa qaadasho lacag laaluush ah, waxaana markii ay soo xireen Ciidamada Amniga eedeysanayaasha  kadib ku soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida .

Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa markii ay soo gaartay eedda ka dhanka ah eedeysanayaasha, waxa ay   maalin kadib horgeeyeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xeer Ilaalinta ayaa weydiisatay garsoorayaasha in la xiro si’ ay u soo dhameystiraan  cadeymaha eedda loo heysto  Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha  Boliska saldhiga  degmada Wartanabadda  iyo labada askari ee kala tirsanaa saldhiga degmada Warta-nabadda.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xabsiga dhigtay taliyihii Boliska Saldhiga  Warta-nabadda iyo laba askari oo kala tirsanaa saldhiga, waxa ayna fareen xafiiska xeer ilaalinta in ay soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanayaasha.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii loo soo afjari lahaa Musuqa, Maxkamadaha rayidka iyo tan ciidamada qalabka sida ayaa la horgeeyay eeddo lala xiriirinayo Musuq-maasuq waxa ayna Maxkamadaha xabsiyada dhigeen  eedeysanayaal loo heysto Laaluush iyo ku tagrifal awoodeed.

Quruxda iyo dhaqanka qaaradda Afrika

0

Dhaqanka Afrika waa mid aad uu kala duwan oo ka kooban isku dhafka  dalalka leh qabiillo kala duwan oo mid waliba uu leeyahay astaamo gaar ah oo ka soo jeeda qaarada Afrika.

Waa wax soo saarka dadyowga  maanta ku nool qaaradda Afrika iyo qurba joogtaa  Afrika. Dhaqanka Afrika waxaa lagu muujiyay farshaxankiisa,dhaqanka iyo diinta, dharka, cuntada, heesaha iyo luuqadaha,Hadalka dhaqanka.

tiro badan oo kala duwan oo dhaqamadda qaraada ayaa laga heley dhaqan aan ku wangsanayn diinteen suuban ee alibaxnimada  iyo hormaarka  laga soo garay.

Inkasta oo dhaqamada Afrikaanka ay aad u kala duwan yihiin, sidoo kale, marka, si hoose loo darso, waxa loo arka  in uu leeyahay isbarbardhig badan.

Tusaale ahaan, anshaxa waxa ilaaliyaan, jacaylkooda iyo ixtiraamkooda dhaqankooda ay u hayan iyo sidoo kale ixtiraam xoogan ay haystaan ​​dadka da’da ah iyo muhiimadda Boqortooyayinka  iyo Taliyeyaasha go’aanka laga garayo habka ilaalinta dhaqanka dadku ay isku faahmayan waxanna markasi u soo gogol fadhisnaya dadka lagu da’ada oo inta badan loga danbeyo dhaqanka xiligaasi nool.

Afrika waxay saameyn ku yeelatay  qaar ka mid ah waddaamada kale  ee caalamka  iyagoo  tan ku muujiyay  rabitaanka iyo karamadda ayaa leyihiin in ay la qabsaddan aduunyada casriga.

waxa  isbedelaya halkii ay ka sii joogi lahaayeen dhaqankooda caadiga ah. Qaar ka mid ah dadka reer galbeedka ah, waxay ku qanciyeen dhaqanka Yurub.

dhaqanka qaaradda ayaa ahaa mid ay aad ugu adagyihiin dadka  kunooll man diiqadda geeska afrika  qaranimada Afrika iyo dib u soo kabashada dhaqanka ayaa waxa taba galiyaha in taa badan  oo dhawara dadka ehelka u ah

Dawladaha ugu badan Afrika ayaa dhiiri galiya qoob-ka-cayaarka iyo muusikada ,farshaxan,qoraalka iyo dadka qoryaasha ah si ay u laa jan qadan dhaqanka iyo barrashada bulshada mustaqbalka dheer oo ay dadkoodu ka leyihiin dhaqanka qaaradda Afrika.

 

Dowladda Mareykanka oo cunaqabateyn cusub oo ku soo rogtay dowladda Iran

0

Maamulka dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in maalinimada Talaadada ee berri ah  ay bilaabaan dhaqangalinta  cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogo dalka Iran.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii May ee la soo dhaafay ka baxay heshiiskii dhinaca hubka niyuklerka ee lala galay Iran,inkastoo   aysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya in maamulka Tehran  ay ku xadgudbeen heshiiskii ay la gashay lixda dal.

Madaxwaynaha dowladda Mareykanka ayaa  caddeyay in ay sareen dalka Iran cunaqabateyn ay ugaa goleyini  sidi xalwara logu heli laha hubka Nukleyrka  dowladda Tehran.

Waxyaabaha ugu horeeya ee Mareykanku doonayo in cunaqabateyntu ka bilaabato waa qeybaha warshadaha Baabuurta iyo ganacsiga xagga dahabka iyo macdanta kale.

Wareegga labaad ee cunaqabateynta ayaa la shaaciyay in la bilaabi doono 4-ta bisha Nofembar ee soo socota  sida ay sheegtay Washington.

 

Galmudug oo ku baqday Xoojinta Nabad Gobolka Mudug

0

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa kormeer ku tagay Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobalka Mudug,waxayna ugu kuurgalayeen Amniga iyo Xaaladaha Bini-aadanimo ee ka jira Deegaanadaasi.

“Socdaalkaan Mas”uuliyiintaan ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug ay ku mareen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Mudug ayaa ahaa xoojinta Nabad galyada iyo u kuurgelida Xaaladaha Bini-aadanimo ee ay ku nool yihiin bulshada ku dhaqan deegaanada Maamulka Galmudug.

Mas”uuliyiinta ka socotay Galmudug ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar, iyagoona xog-wereysanayay Bulshada ay kula kulmayeen Deegaanada  ay socdaalka ku marayeen.

Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha deegaanada ay kormeerka ku tageen Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in xaaladda deegaanadooda u ay tahay mid degan,islamarkaana Bulshada si wanaagsan ula shaqeeyaan Maamulka.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar ayaa sheegay inay Baahiyo weyn ka jiraan deegaanada ay booqdeen, wuxuuna ugu baaqay Hay”adaha Samafalka ka shaqeeya inay Caawimaad lasoo gaaraan Dadka ku dhaqan deegaanada ay socdaalka ku tageen ayna la xisaabtami doonaan Hay”adaha.

Soomaaliya oo goob joog u noqotay heshiiska Suudaanta Koonfureed

Khartuum(SNTV): –Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan uga qayb galay munaasabadda lagu saxiixay heshiiska dawladda midnimada qaran ee lagu soo af-jaray colaaddii waqtiga dheer u dhexeysay dhinacyada isku hayay siyaasadda Suudaanta Koonfureed.

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda kale ee ka socota waddamada IGAD ayaa goob joog ka ahaa saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku hayay siyaasadda dalka Suudaanta Koonfureed kuwaas oo dhex-dhexaadin waqti dheer qaadatay kadib isku raacay in ay dhistaan dawlad midnimo qaran oo dhinacyada dhan ay ku qanacsanyihiin.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaanay dhinacyada heshiiska saxiixay tanaasulka iyo biseylka siyaasadeed oo ay muujiyeen si ay u badbaadiyaan mawaadiniinta dalkooda, ugana qayb qaataan horumaka gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika, waxa uuna u xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’antahay nabadda, amniga iyo xasilooni siyaasadeed ee Suudaanta Koonfureed.

“Xaaladda murugeysan ee dalkiinna da’da yar ma qeexayso mustaqbalkiinna, waxa aan idiin xaqiininayaa in laga guuleysanayo dhibaatada jirta. Waxyaabaha wanaagsan ee labaddenna dal ay wadaagaan ayaa ah in aan leennahay khayraad dabiici ah oo dahan iyo bulsho ku wanaagsan hal abuurka ganacsi”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

“Sida ku cad war-bixintii dawladaha daciifka ah ee soo baxday 2017, Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya ayaa ahaa laba dawladood ee ugu daciifsan dunida, casharro adag ayaan ka barannay iyo in ay muhiim tahay in aan u tanaasulno dadkeenna, tanaasulku ma aha astaan muujineya in aan liidanno ee waxa ay muujineyssa awoodenna iyo fahamka mustaqbalka” ayuu Ra’iisul wasaaruhu raaciyay hadalkiisa.

“In aan garannay xalka mushaakilaadkeenna kaliya ma saameyneyso horumarkeenna ee waxa ay saameyn ku leedahay deriskeenna iyo gobalka oo dhan, waana arintaas sababta aan idinkugu dhiirri gelinayno in aadan gadaal fiirina ee aad sawirataan mustaqbalka adinka oo u danaynaya dadkiinna. Sida dib u soo kabashada Soomaaliya oo kale, badbaadinta Suudaanta Koonfureed waxa ay farxad gelineysaa dadaalka qaaradda Afrika. Waxa aan idiin xaqiijinayaa in Soomaaliya ay ka go’antahay in Suudaanta Koonfureed ay hesho nabad, ammaan iyo xasilooni waarta”, ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ku sheegay khudbadda uu ka jeediyay munaasabadda lagu saxiixayay heshiiska xalka looga gaaray colaadii Suudaanta Koonfureed.

Heshiiska oo dhaqan-gelintiisa ay dusha kala soconeyso IGAD ayaa ogolaanaya in Riek Machar oo ahaa hogaamiyaha mucaaradka uu noqdo madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dawladda midnimada qaran.

Mudda sedax bilood ah ayaa loo qorsheeyay in dhinacyada saxiixay heshiiska ay kusoo dhistaan dawladda wadaagga ah oo talada dalka hayn doonta muddada sedaxda sano ah ee soo socota.

Soomaaliya iyo Turkiga oo is dhaafsanaya Dhaqanka

0

Muqdisho(SNTV):- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Rugta Ganacsiga Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Safiirka Turkiga u fadhiga Soomaaliya Olgan Bekar.

Wasiir Maareeye ayaa Safiirka Turkiga ee Soomaaliya kala hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Xoojinta Xiriirka Ganacsi ee Labada dal, sidii suuqyada Turkey loogu furi lahaa wax-soo-saarka Soomaaliya sida Kalluunka, Mooska, Liin dhannaanta, Sisimta,  oo hore heshiis looga gaaray hadana la doonayo sidii loo bilaabi lahaa shaqada arinta PGM iyo arimo kale.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horay magaalada Ankara ugu gaaray Heshiis Ganacsi iyo Dhaqan,kaasi oo xoogga saaraya sidii Turkiga wax kaga iibsan lahaa Soomaaliya sida Mooska,Liinta la qalajiyey,sisimta iyo Kalluunka.

Waxaa kaloo heshiiskaasi dhiniciisa dhaqan ka faa’ideysanaya Fannaaniinta,Ardayda Jaamacadaha iyo Wariyeyaasha,iyadoo xarumo qaabilsan dhaqanka laga kala furi doono Soomaaliya iyo Turkiga.

Maamulka Gobolka Banaadir oo iska wareystay arrimaha barakacayaasha

0

Muqdisho(SNTV);- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay barnaamijka wada-tashiga siyaasadda barakacayaasha ayaa sheegay in isku tashiga iyo wax wada qabsiga bulshada ay asaas u yihiin dadaallada lagu xallinayo dhibaatooyinka haysta barakacayaasha.

Guddoomiyaha ayaa la wadaagay ergeda barakacayaasha ee ka qeyb qaadanayey wada tashiyadan, qorsheyaasha Gobolka Banaadir ee ku saabsan sidii xal waara loogu sameyn lahaa dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan Gobolka Banaadir.

“Waxaan qorsheynaynaa sidii aan deegaameyn dhammeystiran ugu sameyn lahaa barakacayaasha, duruufta adag ee ay la noolyihiinna aan garab uga siin lahayn, taas oo u baahanna in aan dadaalladeena u mideyno, wax-qabad muuqdana aan ka muujinno.”

Eng.Yarisow ayaa ku bogaadiyey dadka barakacayaasha ah dhabar adeygga iyo dadaalka ay ku maareeyeen xalaadihii nolaleed ee soo maray, isagoona tilmaamay in mudnaan la siin doono talada iyo aragtida ay ku darsadeen siyaasadda xal u helista barakacayaasha ee maanta la horkeenay.

“Tan iyo sanadkii 2011kii dad Soomaaliyeed ayaa duruufo adag ku nool xeryaha Barakacayaasha ee ku yaalla Muqdisho, Muddaas 7-da sano ah laguma guuleysan in xal waaro loo helo, balse haatan waxaa muuqata fursad ku aaddan in aan dadkan u abuuri karno nolol ku haboon, una sameyn karno deegamayn dhammeystiran.”

Dhankooda, xubnaha barakacayaasha ee qeybta ka ah diyaarinta qorshahan ayaa uga mahad celiyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka ay ugu jiraan xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran ee la xiriira dhanka nolasha, gaar ahaan deegaanka, caafimaadka iyo fursadaha shaqada.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo sheegay in ciidamada Amniga ay dileen raggii ka dambeeyay dilkii Maxamed Maxamuud Sheekh Cali

0

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay toogteen toogtey maleeshiyaad hubeysan oo Baabuurta ka dhex toogta dad aan waxba galabsan.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in haayo cadaymo muujinaya in maleeshiyadaan ay ka danbeeyeen dilkii Muqdisho loogu gaystay Allaha u naxariistee Maxamed Maxmuud Sheekh oo ka mid ahaa dhalinyarada firfircoon ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaamay in ciidanka ammaanka haatan gacanta ay ku haayaan Gaari ay wateen maleeshiyaadkaan iyo Hubkii ay dadka ku dilayeen.

Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay falkii foosha xumaa ee Maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab ay Masaajid ku yaala degmada Xamar Jajab ay ku dhex dileen qof salaad ku jiray oo dukanayay, wuxuuna ku tilmaamay in falkaasi uu muujininayo sida maleeshiyadaan ay uga been sheegayso diinta islaamka.

Al-Shabaab oo Qof Sujuudda Salaadda ku jira dilay

0

Kooxda Argagaxisada Al-Shabaab ayaa  xalay dilay qof Muslim ah oo ku tukanayay Masaajid ku yaala Degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Falkaan ay gaysatay kooxda Al-Shabaab ayaa ah mid aad uga fog diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida. wuxuuna ka dhiganyahay in ay kooxdaani diidantahay gudashada waajibka Salaada oo ah Rukniga Labaad ee Islaamku ku dhisanyahay.

Falkaan gurracan oo ay gaysatay kooxda Al-Shabaab ee ku abtirsato ururka argagaxisada ee Al-Qaacidda ayaa muujinayo in aysan waxba ku kala duwnayn Daacishta iyo Al-Shabaab ka Soomaaliya.

Garabka Al-Qaacidda ee dalka Yaman ama Afgaanistaan uma gaystaan dil Muslimiinta ku guda jiro Salaada taasoo tilmaamayso in kooxda Al-Shabaab ay yihiin argagaxisada aduunka ugu khatarta badan ayna ku gumaadaan dadka muslimiinta ah iyagoo gudanayo waajibka Salaada.

2013 ururka argagaxisada Al-Qaacidda ayaa faray laamihiisa ku firirsan aduunka in aan la beegsan karin Masaajidda iyo Suuqyada. Laakiin Al-Shabaab ayaa ah koox ku caadaysatay gumaad aan kala sooc laheeyn.

Horay ayay kooxda Al-Shabaab u qodeen Qabuuro Cullimada laga soo bilaabo 2008. Sidoo kale, Masaajid  waxay ku dhax dileen Shiikh C/qadir Nuur Faarax sanadkii 2013. waxayna gumaadeen Dhaqaatiir Soomaaliyeed iyo dad bir ma gaydo ah.

Falkaan ay kooxda Al-Shabaab ka gaysatay xalay Masaajidka dhaxdiisa, ayaa ujeedkiisu yahay in aan lagu dukan Masaajidda lana oogin Rukniga Islaamiga ah ee Salaada.

Culimada Soomaaliyeed ayaa marar badan ka hadlay dhaqanada xun xun ee Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ay ku dhibaateeyaan Dadka Muslimiinta ah iyagoo adeegsanaya Magaca Diinta Islaamka.

Sidoo kale Culumada Al-Azhar Al-shariif ee Dalka Masar, oo ah Xarunta Diimeed ka ugu caansan Caalamka Islaamka ayaa dhowaan soo saartay Fatwo iftiimineysa sida argagixisada Al-shabaab ay u baal marsan yihiin Diinta Islaamka, kuwaas oo caadeystay daadinta Dhiigga Muslimiinta iyo ku been abuurashada Diinteenna suubban.