Home Blog Page 109

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Xildhibaanno ka tirsan Labada Gole ee BFS

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay kulan casho sharaf ku maamuusay xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Duqa Muqdisho ayaa lagu bogaadiyay waxqabadka maamulka gobolka Banaadir iyo dadaallada dowladda federaalka ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo diiradda saaraya dowlad-dhisidda, nabadeynta, iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale, waxaa lagu taageeray hirgelinta doorashada qof iyo cod, iyadoo la adkeeyay muhiimadda midnimada umadda iyo wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo shacabka.

Guddoomiye Muungaab ayaa uga mahadceliyay xildhibaannada ka qaybgalay kulanka, isagoo ku booriyay masuuliyiinta in ay sii xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo danta guud ee qaranka Soomaaliyeed.

Wasiir Jaamac oo kulamo wadatashi ah ka wada degmada Waajid

0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulamo wadatashi iyo wacyigelin ah ka bilaabay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, kuwaas oo ku saabsan hirgelinta doorashada qof iyo cod iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka shacabka.

Wasiir Jaamac ayaa kulamo la yeeshay Golaha Deegaanka Degmada Waajid, Odayaasha Dhaqanka, iyo Dhalinyarada, isagoo dhegaystay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan habka ugu habboon ee lagu gaari karo doorasho daahfuran, caddaalad ah, isla markaana shacabka awood u siinaysa inay si toos ah u soo doortaan wakiilladooda siyaasadeed.

Wasiirka ayaa xusay in doorashada qof iyo cod ay tahay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta dimuqraadiyadda, hufnaanta hoggaanka, iyo horumarinta maamulka dawladeed ee dalka, isagoo ku booriyay bulshada Koonfur-galbeed Soomaaliya inay kaalin muuqata ka qaataan geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

 

Guddiga Doorashooyinka oo degmada Warshiikh ka bilaabay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta Degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellaha dhexe ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan Degmada Warshiikh ayaa si rasmi ah ugu daahfuray Degmada ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sidoo kale daahfurka waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Degmada.

Xubnaha Guddiga iyo masu’uuliyiinta ayaa bulshada ku nool Degmada iyo deegaannada ku xeeran ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay u dhiibtaan codkooda maalinta doorashada taas oo ah xuquuq dastuuri ah ee ay leeyihiin.

default

default

default

Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, oo ay weheliyaan madaxda Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

Madaxa Shirkadda Favori ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey qorsheyaashooda ku aaddan horumarinta garoonka, waxana ay xuseen in isbeddel muuqda lagu sameyn doono qeybaha kala duwan ee adeegyada garoonka, si uu ula jaanqaado heerarka caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey shirkadda Favori dadaalka ay ku bixisay horumarinta Garoonka Aadan Cabdulle, ayaa sheegay in garoonku uu yahay albaabka ugu muhiimsan ee dalka laga soo galo, loona baahan yahay in uu noqdo mid horumarsan oo leh adeegyo casri ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo xusay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa uga mahadceliyey kaalintooda ku aaddan sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.

 

Taliyaha Ciidanka dhulka Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Nigeria

0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid), ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Kigali ee dalka Rwanda Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Nigeria, Major General Usman Abdulmumin Yusuf.

Kulanka labada taliye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinaca ciidamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Nigeria, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga khibradaha dagaal, iyo tababarada ciidamada.

Labada Taliye ayaa isku raacay in la sii ballaariyo iskaashiga labada ciidan, maadaama ay labada dal wajahaan cadow isku dabeecad ah oo argagixiso ah, islamarkaana ay muhiim tahay in la mideeyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku xoojinayaan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa magaalada The Hague ee dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards.

Munaasabaddan waxaa Wasiir Al-Cadaala ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee magaalada Brussels ee dalka Belgium, saxafiyiin rug-caddaa ah, iyo mas’uuliyiin kale oo Soomaaliyeed oo xilal ka haya dalka Netherlands.

Xafladda oo si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu guddoonsiiyay abaalmarinno kala duwan muwaadiniin Soomaaliyeed oo horumar la taaban karo ka sameeyay ganacsiga, iyagoo tusaale u noqday dadaalka iyo kartida qurba-joogta Soomaaliyeed.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti

0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo toddobaadkan booqasho rasmi ah ku joogey Jamhuuriyadda Djibouti ayaa intii uu ku sugnaa Djbouti.

kulan booqasho ah ugu tagey Madaxweynaha Dalka Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka Wasaaradda oo kulanka uu ku wheliieyey dhiggiisa Dalka Djibouti Mudane Muumiin Xasan Barre ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti ee aan walaalaha nahay uga mahadceliyey dadaalada iyo garab istaaga joogtada ah ee uu mar kasta u muujiyo Soomaaliya, wuxuuna ku suntahay badbaadiyaha Soomaaliya, kadib qaran jabkii ku dhacay Soomaaliya 1991, gaar ahaan shirkii nabada ee Carte ee uu qabatey sanadkii 2000, kaasoo ee dib loogu yegleeley Jamhuuriyadda 3aad ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa ugu mahad celiyey Madaxweynaha Djibouti mudane Ismaaciil cumar Geelle iyo dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha islaamka iyo Awqaafta soo dhoweynta diiran ee ay walaaltinimadu ku dheehan tahay ee lagu soo dhoweeyey asaga iyo wefdiigiisa, wuxuuna xusey in waxyaabihii ay ka faaideysteen Wasaaradda Arrimaha Islaamka iyo Awqaafta ee jamhuuriyadda Djibouti ay ka hirgelin doonaan Soomaaliaya, sida dhisidda Awqaafta, Diiwaanka Sekada iyo Machadka Dhexdhexaadnimada iyo ee fidinta dhaqanka nabada ee Dalka DJibouti.

Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la yeeshay Xoghayaha Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Jarmalka

0

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan doceed la yeeshay Dr. Géza Andreas von Geyr, Xoghayaha Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, intii lagu guda jiray Shirka Cimilada iyo Amniga ee Berlin (#BCSC2025).

Kulanka waxaa lagu gorfeeyay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Jarmalka ee ku saabsan Isbeddalka cimilada, dhisidda adkeysiga bulshooyinka, iyo horumar waara, taas oo muujineysa go’aanka labada dal ee ah in si wadajir ah wax looga qabto saameynta xiriirka ka dhexeeya cimilada iyo amniga

Danjire Ilyas Cali Xasan oo loogu soo dhoweeyay Magaalada Lubumbashi ee Dalka Kongo DRC 

0

Lubumbashi, Kongo DRC, Oktoobar 23, 2025 – Wafdi uu hoggaaminayo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo Urur Goboleedka EAC, Mudane Ilyas Cali Xasan, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Lubumbashi ee gobolka Haut-Katanga ee dalka Kongo DRC.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka gobolka Haut-Katanga, Mudane Hon. Michel Kabwe Mwamba, Duqa magaalada Lubumbashi, Mudane Hon. Patrick Afwimbi Mumamba, iyo bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan ayaa garoonka diyaaradaha si diirran ugu soo dhoweeyay Danjiraha.

Danjire Ilyas, oo socdaal shaqo ku jooga dalka Kongo DRC, ayaa u kuurgalaya xaaladda ay ku sugan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas. Waxa uu horey kulamo ula yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Kinshasa, waxaana uu sidoo kale kulamo la qaadan doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Lubumbashi.

Ugu dambeyn, Danjiraha ayaa la hadlay dadkii soo dhoweeyay iyo warfidiyeenka, isaga oo uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran ee ay u fidiyeen dowladda Kongo DRC iyo bulshada Soomaaliyeed ee deegaanka.

Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo kala hadashay Turkiga Sharciga Deggenaanshaha Soomaalida

0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ee Ankara ayaa bilihii la soo dhaafay ku mashquulsaneyd sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha sharciga deggenaanshaha ee qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga.

Danjire Faxtudiin Cali Maxamed (Ospite), oo arrintan si dhow uga warqabay, ayaa shir muhiim ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Ali Yerlikaya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira sharciyeynta deggenaanshaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga, iyo sidii xal waara looga gaari lahaa caqabadaha ay wajahaan.

Danjiraha ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliyeed wada-shaqeyntii ay safaaradda kala sameeyeen arrinkan.

Sidoo kale, wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.