Home Blog Page 110

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, warbixinno la xiriira diyaar-garowga doorashooyinka hal qof iyo hal cod, ee la qorsheynayo in dalka laga qabto.

Guddiga ayaa Golaha la wadaaggay Xogta liiska ku-meer gaarka ah ee diiwaan-gelinta codbixiyaasha Gobolka Banaadir, waxaana ay sheegeen in 30-ka bisha Nofeembar laga qaban doono caasimadda Muqdisho doorashada Golayaasha deegaanka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee la xiriirta darajooyinka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyada oo la raacayo sharciga dooraashooyinka ee qeexaya habraaca darajooyinka Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Darajooyinka loo asteeyey degmooyinka ayaa kala ah, sagaal degmo oo darjada (A) ah iyo toddabo degmo oo darjada (B) ah.

Degmooyinka Darajada (A)

1. Hodan

2. Yaaqshiid

3. Deyniile

4. Kaaraan

5. Dharkeenley

6. Wadajir

7. Warta-Nabadda

8. Heliwaa

9. Howl-wadaag

Degmooyinka Darajada (B)

1. Waaberi

2. Shibis

3. Xamar-jajab

4. Boondheere

5. Xamar-weyne

6. Cabdicasiis

7. Shangaani

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansxiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka, kuwaas oo kala ah;

𝟏. 𝐗𝐞𝐞𝐫-𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐫𝐚𝐚𝐬𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐭𝐚𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚.

𝟐. 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞-𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.

𝟑. 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐥𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐝d𝐮𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐚𝐟𝐬𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐫𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡.

𝟒.𝐗𝐞𝐞𝐫 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tacsiyeeyay geeriddii ku timid Cabdullaahi Daahir Barre.

0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud, iyo dhammaan masuuliyiinta iyo howl-wadeennada Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, eheladii, asxaabtii, iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka, Marxuum Cabdullaahi Daahir Barre, oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuum Cabdullaahi Daahir Barre waxa uu ku dhashay sannadkii 1940 degmada Luuq ee gobolka Gedo. Wuxuu ka mid ahaa garsoorayaashii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed, isagoo si rasmi ah ugu biiray garsoorka dalka 17-kii Abriil 1967-kii.

Intii uu noolaa, marxuumku waxa uu soo qabtay xilal muhiim ah sida:

– Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Baladweyne

– Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa

– Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer

– Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir

– Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka xilligii dowladihii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Madaxweyne Sheekh Shariif.

Marxuumku wuxuu door muuqda ka qaatay dib u habeynta caddaaladda iyo garsoorka dalka, isaga oo si daacadnimo iyo hagar la’aan ah ugu adeegay shacabka Soomaaliyeed muddo ku dhow 50 sano, laga soo bilaabo dowladdii rayidka ee 1967-kii.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo iimaan.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo ka qaybgalay shir looga hadlay horumarinta Dekedaha Bariga Dhexe iyo Afrika.

0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa ka qayb galay Shirkii 2-aad ee Madasha Horumarinta Dekedaha Bariga Dhexe iyo Afrika, oo lagu qabtay magaalada Dubai.Shirkan waxaa isugu yimid madaxda dekedaha, maal-gashadayaal iyo khubaro caalami ah oo ku takhasusay arrimaha badda.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho ayaa kulammo miro-dhal ah la yeeshay AD Ports Group, Tanger Med Engineering, iyo hay’ado kale oo goboleed. Waxaa lagu falanqeeyay dardargelinta mashruuca dekedda cusub ee Muqdisho, horumarinta gaadiidka xeebaha, iyo kobcinta maal-gashiga adeegyada logistics-ka.

Iskaashiyadan cusub ayaa muhiim u ah kor u qaadista ganacsiga iyo dhismaha dekedda Muqdisho oo noqonaysa xarun istaraatiiji ah. Waxaa sidoo kale lagu bogaadiyay kaalinta dekedda Muqdisho ee qiimeynta CPPI ee Bangiga Adduunka, taas oo muujisay horumarka ay dekeddu ku tallaabsatay.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gaaray Dalka Ciraaq

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaamanayo oo safar shaqo ugu baxay Dalka Ciraaq ayaa waxaa soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Federaalka Dalka Ciraaq Sarreeye Guud Sacad Khalaf badr, Safiirka Dalka Ciraaq u fadhiya Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed , Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ciraaq Sarreeye Gaas Calaa Caashuur Mataani iyo masuuliyiin kale .

Safarka Taliyaha ayaa salka ku haya casumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalka Ciraaq, si kor loogu qaado xiriirka walaalnimo ee labada dal.

Madaxdan ayaa ka wada hadli doona sidii laysaga kaashan dhinacyada Amniga ,Tababarada Ciidamada, is-dhaafsiga Khibradaha iyo la dagaallanka Argagixisada.

Wasiirka Gaashaandhigga oo furay tababar ku Saabsan Isku-duwidda Warbaahinta Xilliyada Xasaradaha

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta furay tababar hal maalin ah oo loogu talagalay howlwadeenada waaxyaha warbaahinta ee hay’adaha Dowladda Federaalka, kaas oo diiradda lagu saarayo habraaca iyo isku-duwidda warbaahinta dowladda iyo xafiisyada xiriirka, xilliyada lagu jiro xasaradaha iyo xaaladaha deg-degga ah, si gaar ah falalka argagixisadu ku lug leeyihiin.

Aqoon-isweydaarsigan, oo ay soo qabanqaabisay Unugta Xiriirka Istaraatiijiga ah (SCEU) ee Madaxtooyada Qaranka waxaana bixinayay khubaro ka socda Dowladda Ingiriiska.

Wasiir Fiqi, ayaa sheegay in tababarkan uu qexyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo isku-duwidda farriimaha amniga iyo kuwa kale ee loo gudbinayo shacabka, isagoo xusay in dagaalka lagula jiro khawaarijta uu yahay mid milatari iyo mid warbaahineedba ah, loona baahan yahay in hay’adaha dowladda ay si wadajir ah u gudbiyaan farriima mideysan oo ka tarjumaya xaqiiqda.

Furitaanka tababarka waxaa sidoo kale goob joog ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, iyo Mr. Sam Thomas, Safiir Ku-xigeenka Dowladda Ingiriiska oo labaduba bogaadiyay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameyneyso dhisidda awoodaha warbaahineed ee dowladnimada iyo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Natiijada laga filayo Tababarkan ayaa ah inuu horseedu doono nidaam warbaahineed oo mideysan, hufan, isla markaana waafaqsan xeerarka amniga qaranka iyo xeerarka warbaahinta.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha 2-aad ee U-adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo labo cisho ah.

Shirweynahan sanadkan waxa uu diiradda saaraya mowduuca: “Doorka Bulshada ee la Tacaalida Masiibooyinka iyo Isbeddelka Cimilada.” Waxaa si wadajir ah u martigelinaya Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho, iyadoo taageero laga helayo Hay’adda Plan International.

Shirka waxaa ka qeyb galaya wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha SoDMA, hoggaanka Jaamacadda Muqdisho, iyo boqolaal marti sharaf ah oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee bulshada.

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, oo booqasho shaqo ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Riyaad Wasiirka Gaadiidka iyo Adeegga Saadka Guud ee Boqortooyada, Mudane Saleh bin Nasser Al-Jasser.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada. Labada wasiir ayaa si gaar ah uga wada hadlay furitaanka duulimaadyo toos ah oo joogto ah oo u kala goosha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid muhiim ah, islamarkaana lagu dhisayo xiriir wada-shaqeyn ah oo faa’iido u leh shacabka walaalaha ah ee labada dal.

Wasiirrada ayaa sidoo kale isla gartay in la dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya fulinta heshiisyada iyo qorshayaasha lagu xoojinayo iskaashiga duulista iyo gaadiidka.

Safarka wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ah mid qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku horumarinayso xiriirka ganacsi, isu socodka, iyo is-dhaafsiga adeegyada ee kala dhaxeeya dalalka gobolka.

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka 

0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo wafdi ka kooban Xildhibaanno labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka, kaas oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Guddoomiye Abshirow oo shirka ka jeediyay khudbad ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan howlaha uu qabtay Baarlamaanka Soomaaliya, sida ansixinta sharciyada la xiriira arrimaha bulshada, bani’aadannimada, barakacayaasha iyo qaxootiga. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay martigelisay qaxooti kasoo cararay colaadaha ka taagan dalal ay ka mid yihiin Yemen iyo Suuriya.

Sidoo kale, wafdiga Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Abshirow ayaa u codeeyay laba mooshin oo kala ah: Sharciga Dambiyada Abaabulan ee Isaga Gudba Qaramaha, iyo mooshin waddanka Madagascar uu keenay oo lagu taageerayo xal waara oo loo helo dhibaatooyinka ka jira halkaas.

Shirka oo ay barbar socdaan shirar doceedyo u gaar ah wufuudda, ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maanta oo Arbaco ah. Inta uu shirku socdo, Guddoomiye Abshirow wuxuu kulamo gaar ah la qaadan doonaa madax ka socota dalalka kale iyo hay’ado caalami ah oo ku sugan xarunta Baarlamaanka Adduunka ee Geneva.

Ciidanka NISA oo howlgal guuleystay ka fuliyay Hiiraan

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Kuukaayle oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay NISA Howlgalka ayaa lagu beegsaday goobo ay gabbaad ka dhiganayeen malleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo lagu dilay toddobo dhagarqabe, waxaana lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo teendhooyin ay cadowgu ku dhuumaaleysanayeen.

Howlgalka oo dhacay seddax mar oo kala duwan ayaa kan koowaad lagu beegsaday teendho ay malleeshiyaad ku jireen, taas oo sababtay dhimashada seddax xubnood oo Khawaarij ah, kan labaad oo daqiiqado ka dambeeyay ayaa lagu dilay afar dhagarqabe , halka beegsiga seddaxaad lagu gubay gaadiid dagaal oo ay Khawaarijtu halkaas ku diyaariyeen si ay ugu qaadaan Malleeshiyaadka ay abaabulayeen.

Ciidanka NISA ayaa qaaday hawlgalkan kadib markii la sugay xog sirdoon oo muujinaysa dhaqdhaqaaqyo ay Khawaarijtu ka sameynayeen deegaanka Kuukaayle oo hoostaga degmada Maxaas, xogta oo loo beddelay howlgal ayaa suurtagalisay in halkaas lagu soo afjaro Khawaarijtii abaabulka wadday.

Howlgalkan ayaa kusoo dhammaaday guul, waxaana Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka NISA ka go’an in meel kasta lagu beegsado cadowga Khawaarijta ah ee ku howlan dhagarta iyo dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed.

 

 

 

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane Ilyas Cali Xasan, ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga danjirnimo ee dalka DRC Congo ka guddoomey Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaas, Marwo Thérése Kayikwamba Wagner.

Danjire Ilyas iyo Wasiiradda ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada mabadda gobolka, fursadaha ganacsiga, fududeynta socdaalka iyo in xabsiyada dalkaas laga sii daayo muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran.

Ugu danbeyn, waxaa kulanka labada dhinac lagu dhiirrageliyay kor u qaadidda maalgashatada, dhinacyada kala duwan ee ganacsiga iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa howlaha fududeynta dal ku galka iyo sharciyada deganaanshaha ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed.