Home Blog Page 110

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay safiirka Yeman ee Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya danjire Fadli Cli Axmed oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, xaaladda qaxootiga iyo jaaliyadda Yemen oo ay Soomaaliya keeneen daruufaha ka jira dalkooda.

Soomaaliya iyo Yemen waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo taariikhi ah oo ku suntan dhinacyada dhaqanka, bulshada iyo ganacsiga kaas oo saldhig adag u ah kor u qaadidda iskaashi ku dhisan danaha wadaagga ah ee labada shacab ee walaalaha ah.

 

 

 

Golaha Shacabka BFS oo Akhrinta koowaad marsiiyay Sharciyo muhiim ah

0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 14-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 146-xildhibaan, waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta koowaad ee Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta iyo Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.

Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed AlMakhzoumi ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka u faahfaahisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta iyo qodobada uu ka koobanyahay, waxaana maadaamaa akhrinta koowaad uu marayay islamarkaana aanu wax dood ah ka furneyn, waxa ay Xildhibaanadda Golaha ay wasiirka weydiiyeen su’aalo ku saabsan mabaadii’da guud iyo saameynta miisaaniyadeed ee uu yeelan karo.

Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedkan Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyadda ku shaqada leh labada hindise in ay soo diyaariyaan akhrinta labaad dibna ay Golaha ugu soo celiyaan si looga doodo.

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.

Hindise sharciyeedkan ayaa ah mid lagu xoojinayo awoodda iyo kartida Soomaaliya ee ku aaddan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca garsoorka, iyadoo la eegayo baahida sii kordheysa ee is-dhaafsiga garsoor, xog, iyo la dagaallanka dambiyada caalamiga ah.

Wasiir Xasan Macallin ayaa Xildhibaannada si faahfaahsan ugu sharraxay muhiimadda sharcigan, isagoo xusay in uu fududeyn doono in Soomaaliya ay si hufan ula shaqeyso waddamada kale iyo hay’adaha sharciga caalamiga ah.

“Sharcigan wuxuu door weyn ka ciyaari doonaa xoojinta caddaaladda, la dagaallanka dambiyada abaabulan, iyo xaqiijinta wada shaqeyn dhaxal gal ah oo dhex marta Soomaaliya iyo beesha caalamka,” ayuu yiri Wasiir Xasan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo dood kaleh sharciyaan,iyagoo oo muujiyay ahmiyadda uu dalka u leeyahay,waxaana xildhibaannada ay marsiin doonaan akhrinta labaad iyo dood furan si loo dhammeystiro ansixintiisa.

Hindise sharciyeedkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-habeynta garsoorka iyo dhismaha dowladnimo hufan oo caddaalad ku dhisan.

Taliyaha NISA iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ay wehliyaan Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, si Ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ay ugu dhiirigeliyaan dagaalka Khawaarijta.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa inta u dhaxeysa deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan iyo degmada Aadan-Yabaal lagu dilay in ka badan 70 Khawaarij ah oo horjoogayaal ay ku jiraan.

Ciidamada Qaranka iyo xaq u dirirka deegaanka ayaa maanta kaabiga ku haya degmada Aadan-yabaal ee gobolka Sh/Dhexe, halkaas oo Khawaarijtii lagu jabiyay dagaalka ay isaga carartay, waxaana weli aaggaas ka socda howlgallada sifeynta ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo si gaar ah u dhaliilay nidaamka doorasho dadban oo muddo badan ka jiray Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay in la hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah oo hufan, caddaalad ah, una adeegta rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Isagoo arrintaas ka hadlayay ayuu yiri

“Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Ra’iisul wasaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in doorashada dadweynaha ee dalka laga hirgelinayo ay tahay mid shacabka Soomaaliyeed loogu soo celinayo awooddoodii ka maqneyd in ka badan 56 sano, isla markaana ay tahay waddadii dhallinyaradu ku xaddidi lahayd nooca dalkoodu u ekaanayo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hadalkaan ka sheegay kulan xalay uu la qaatay Hal-doorka dhallinyarada Soomaaliyeed,kaa oo daranaa xoojinayo doorka ay ku leeyihiin difaaca Qaranka iyo Doorashooyinka.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗤𝗼𝗳 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗼 𝗱𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in difaaca dalka uu yahay waajib diini ah oo dhallinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gutaan.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan idin kugu yeeray oo caawa halkaan aad u joogtaan in aan idiin soo gaarsiiyo farriin ah difaaca dalka, taas oo ah

waajib ay tahay in aan loo kala harin, dhammaanteenna aan u wada istaagno”. Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran muddadii ay jirtay ay xaqiijisay guulo waaweyn oo la taaban karo, isla markaana ay ka go’an tahay in ay dadka Soomaaliyeed ku hoggaamiso ciribtirka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in doorashada dadweynaha ee dalka laga hirgelinayo ay tahay mid shacabka Soomaaliyeed loogu soo celinayo awooddoodii ka maqneyd in ka badan 56 sano, isla markaana ay tahay waddadii dhallinyaradu ku xaddidi lahayd nooca dalkoodu u ekaanayo.

— Dhammaad —

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Daccò Coppi iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ka socday Safaaradda Talyaaniga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada caddaaladda, dib-u-habaynta garsoorka, iyo dhameystirka dastuurka. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso Soomaaliya, halka wafdigu ay ku bogaadiyeen dadaallada dowladda ee ku aaddan tayeynta cadaaladda iyo dastuurka iyagoo ballanqaaday sii wadista taageerada.

Wasaaradda Cadaaladdu waxay sii xoojineysaa dadaallada ku aaddan tayeynta nidaamka Cadaaladda iyo dhameystirka iyadoo la kaashaneysa bahda cadaaladda iyo saaxiibada caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo uu wehliyo Duqa Muqdisho ayaa Dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo uu wehliyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo ee marta degmooyinka Warta-Nabadda, Boondheere ilaa Shibis.

“Waddo markii la dhiso waxaa lagama maarmaan ah in loo sameeyo goobo biyo mareen ah haddii kale siima jireyso waddadaas, guddoomiyaasha degmooyinka waxaan farayaa in ay tallaabo ka qaadaan dadka ku dheelaya nadaafadda waddooyinka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeen Jibriil ayaa maamulka gobolka ku boogaadiyay in xoogga uu saaro dhismaha waddooyinka hal bowlaha ah ee Magaalada Muqdisho, oo ahmiyad weyn u leh shacabka caasimadda, waxa uuna shacabka kula dar-daarmay in ay ka qeyb qaataan nadaafadda iyo bilicda waddooyinka.

Dowladda oo war kasoo saartay Qarax saakay ka dhacay xero Damaayo degmada Hodan

0

WARSAXAAFADEED

Saakay abaare 09:20am waxaa afaafka hore ee xerada Ciidanka ee Damaayo ka dhacay qarax uu fuliyay qof nafti halige ah,, Ciidanka waxa ay ka hortageen in dhagar qabuhu gaaro yoolkiisa ahaa in uu khasaaro xooggan gaarsiiyo shacabka

Hay’adaha Amniga waxa ay ka howlan yihiin xaqiijinta Khasaaraha, waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay warbixinta rasmiga ah ka sugaan Hay’adaha Dowladda ee gacanta ku haya.

Faahfaahin dhameystiran waxaan soo gudbin doonaa goor dhow insha allah.

Maxkamadda gobolka Baay oo xukun dil Toogasha ah ku riday Nin horay dil u geeystay

0

Maxkamada gobolka Baay ayaa u fariisatay dhageysiga dacwadda kiis dil ah oo loo heysto Axmed Cabdullaahi Maxamuud oo Baydhabo ku diley marxuum Abshir Xasan Cabdiraxmaan.

Maxkamadda ayaa la horkeeney marqaatiyaal goob joog u ahaa falkan dilka ah iyadoo ugu dambeyn maxkamadda gobolka Baay ay eedeysanaha ku xukuntay dil toogasho ah.