Home Blog Page 108

SoDMA oo raashiin ka qaybisay qaybo ka mid ah degmooyinka Hirshabeelle

0

Wajiga koowaad ee mashruuc cunno qeybin ah oo socon doona muddo saddex bilood ah ayaa laga billaabay degmooyinka Jalalaqsi iyo Balcad, kuwaas oo ka wada tirsan Hirshabelle.

Inta lagu guda jiro wajigan hore, waxaa ka faa’iideystay 5,705 qoys oo ku nool labada degmo.

Mashruucan waxaa si wadajir ah u hirgelinaya Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo African Risk Capacity (ARC), kuwaas oo iska kaashanaya sidii gargaarka bini’aadantinimo loo gaarsiin lahaa dadka u baahan waqtiga ugu habboon.

Horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Jubada dhexe

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya saaxiibbada caalamka ayaa duqeyn qorshaysan oo ka dhacday 26-ka Oktoobar 2025 magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Xaamud, kuna magac dheeraa Jacfar Gurey.

Dhagarqabe Jacfar Gurey wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Khawaarijta, isagoo saaxiib dhow la ahaa horjoogayaashii isaga ka dambeeyay hoggaanka Khawaarijta, Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye, kuwaas oo uu muddo dheer la soo shaqeeyay. Wuxuu hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Madaxa Amniga Dibadda, Madaxa Amniga Madaxda Khawaarijta, iyo Madaxa Dabagalka, dhammaan xilalkaas oo la xiriiray hawlaha sirdoonka, qorsheynta weerarrada, iyo dilalka arxan darrada ah ee Khawaarijta.

Dhagarqabahan ayaa door muuqda ku lahaa maalgelintii iyo dhismahii hore ee Khawaarijta, isagoo qayb ka ahaa lacag laga soo dhacay shirkad Itoobiyaan ah oo uu la socday horjoogihii hore ee kooxda, Axmed Cabdi Godane, taas oo lagu maalgeliyay aasaaskii ururka Khawaarijta.

Hawlgalka guuleystay ee lagu khaarijiyay dhagarqabe Jacfar Gurey wuxuu ka tarjumayaa wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamka ee ku aaddan la dagaallanka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxay mar kale u xaqiijinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah Khawaarijta ay sii socon doonaan ilaa dalka laga xoreeyo haraadiga kooxaha argagixisada, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad, xasillooni, iyo horumar waara.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dowladda Imaaraadka kala wareegay Gaadiid Dab-damis ah

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegay gaadiid dab-damis ah oo lagu xoojinayo adeegyada gurmadka iyo badbaadinta shacabka.

Wasiir Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa dowladda Imaaraadka uga mahadceliyay deeqdan, isagoo sheegay in gaadiidkan dab-damiska ah uu wax weyn ka tari doono howlaha gurmadka degdegga ah iyo ka hortagga dababka ka dhaca caasimadda.

“Dowladda Imaaraadka waan uga mahadcelineynaa gaadiidkan waxtarka u leh bulshada, gaar ahaan marka ay dhacaan masiibooyinka dabiiciga ah,” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka ay ka jawaabtay codsi ay u direen maamulka gobolka, si loo helo gaadiid casri ah oo lagu xoojinayo adeegyada dab-damiska, looguna adeegayo badbaadinta hantida iyo nolosha shacabka magaalada Muqdisho.

 

 

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka oo kormeer ku tagay xarunta iskuul taariikhiga ah ee degmada Waajid

0

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool, ayaa maanta kormeeray iskuul taariikhi ah oo arday danyar ah si lacag la’aan ah ugu helaan waxbarasho tayo leh.

Iskuulkan, oo la aas aasay sannadkii 1945-kii, ayaa ka mid ah dugsiyada ugu fac weyn ee gobolka Bakool, wuxuuna soo saaray aqoonyahanno iyo masuuliyiin door muuqda ku lahaa adeegga Qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Intii uu kormeerka ku jiray, Wasiirka ayaa u kuurgalay xaaladda waxbarasho ee carruurta danyarta, isagoo baahiyaha jira ka dhageystay macallimiinta, maamulka iyo ardayda dugsiga.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa lagu ammaanay tabarucaadkii uu ugu deeqay mushaarka 20-ka macallin ee halkaas ka shaqeeya, si loo hubiyo in ardayda danyarta ahi ay si joogto ah u helaan waxbarasho bilaash ah oo tayo leh.

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda.

Intii uu halkaas joogay, Wasiirku wuxuu booqday Xarunta Xusuusta Kigali iyo Matxafka Ololaha Lagaga Hortagay Xasuuqa, isagoo u muujiyay tixgelin iyo xusuus dhibbanayaasha xasuuqii 1994 ee lagu laayey dadka Tutsiga.

Rwanda oo ka soo kabatay dagaalladii sokeeye ayaa maanta tusaale u ah dib-u-heshiisiin iyo horumar waara.

Booqashada Wasiirka ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyadoo Soomaaliya iyo Rwanda ay ka wada shaqeynayaan nabadda, horumarka iyo iskaashiga gobolka.

 

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada :Dhamaadka sanadkan 2025 ayaa dalka ka howlgelaysa diyaaradda Somali Airlines”

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax, ayaa sheegay in dhammaadka sanadkan 2025 ay dalka dib ugu soo laaban doonto diyaaraddii qaranka ee Somali Airlines, taas oo muddo dheer ka maqneyd hawada.

“Waa farxad weyn in dhamaadka sanadkaan 2025 ay dalka ka hawlgali doonto diyaaradda Somali Airline,” ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Qaranka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay gaartay horumar la taaban karo, isla markaana la adkeyn doono ilaalinta sharciga iyo nidaamka duulista. Wuxuu sidoo kale caddeeyay in aan la ogolaan doonin siyaasiyiin ama cid kale oo fowdo ku abuurta garoomada dalka.

Somali Airlines, oo la aasaasay sanadkii 1964, ayaa ahayd diyaaraddii qaranka Soomaaliya oo duulimaadyo ka fulin jirtay gudaha iyo dalal ay ka mid yihiin Kenya, Talyaaniga, Imaaraadka iyo Suudaan, balse way istaagtay kadib dagaalkii sokeeye ee 1991. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda dadaal ugu jirta soo celinta astaantii duulimaadka qaranka.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo shir muhiim uga qeyb galay Qaahira

0

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay “Madasha 3aad ee Horumarinta Daahfurnaanta iyo Ladagaalanka Musuqmaasuqa Dowladaha Carabta”, kaas oo ka dhacay magaalada Qahira ee dalka Masar, sidoo kalena ay ka soo qaybgaleen saraakiil sarsare, hay’ado caalami ah iyo quburo ku xeel-dheer dowlad wanaagga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa.

Madasha ayaa bidhaamisay kaalinta teknolojiyadda iyo dhijitaalka ee ku aaddan xoojinta hufnaanta iyo daahfurnaanta la xiriirta dejinta siyaasado/qorshooyin dadweyne oo wax weyn ku kordhiya dowladnimada, iyada oo loo marayo in ay dalalka Carabta iyo hay’adaha caalamiga ah is weydaarsanayaan waaya-aragnimadooda iyo dhaqamada maamul wanaagga.

Hantidhowraha Guud ee JFS oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa sheegay in Soomaaliya ay bilowday dhijitaaleynta isla-xisaabtanka, iyada oo laga faa’iideysanayo teknoloojiyadda. Waxa uu xoojiyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Carabta ay iska kaashadaan horumarinta hufnaanta iyo bobcinta kalsoonida dadweynaha.

Madashan Saddexaad ee Dowladaha Carabta waa fadhi ay Dowladaha Carabtu isku weydaasrsadaan waaya-aragnimadooda, ayna ku horumariyaan hal-abuurka ah in xal dhijitaaleysan loo helo isla-xisaabtanka, si loo adkeeyo dowladnimada.

Wasaaradda Warfaafinta oo dowladda Turkiga Ka guddoontay Qalab warbaahin oo Casri ah

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qalab casri ah oo Warbaahineed ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper AKTAŞ.

Qalabkan oo isugu jira camerooyin casri iyo qalabka sida tooska loogu tebin karo barnaamijyada ayaa qeyb ka ah heshiis hore u dhexmarey Soomaaliya iyo Turkiga ee dhanka horumarinta Warbaahinta qaranka. Hay’adda Turkisha Cooperation and Coordination Agency (TIKA) ayaa heshiiskaasi fulintiisa wakiil uga ahayd Dowladda Turkiga, iyadoo munaasabadda guddoominta oo ka dhacdey magaalada Muqdisho, uu goob joog ka ahaa Madaxa TIKA Soomaaliya, Zafer Eski. Qalabkan, casriga ah ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo laguna horumariyo qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka, si loo dardar geliyo howlaha Warbaahineed ee dowladda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa;uud Aweys Jaamac ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo Hay’adda TİKA taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Warbaahinta Qaranka. Wasiirka ayaa xusay in deeqdan qalabka ah ay qeyb ka tahay barnaamijyo xiriir iskaashi oo labada dowladood dhexmarey, kaas oo looga golleeyahay horumarinta iyo tayeynta warbaahinta.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay qalabkan uga faa’iideysan doonto fulinta ajendayaasha qaran ee horyaalla, sida dowlad dhiska, isla xisaabtanka hay’adaha dowladda, dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta iyo doorashooyinka taariikhiga ah ee la filayo inay dhowaan ka dhacaan dalka.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, H.E. Alper AKTAŞ, ayaa sheegay in xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid qoto dheer, isla markaana labada dal ay si dhow uga wada shaqeynayaan kor u qaadista warfaafinta iyo is-dhaafsiga aqoonta saxaafadda iyo istaraatiijiyadda warbaahinta.

Madaxa Hay’adda TİKA ee Soomaaliya, Mr. Zafer Eski, ayaa dhankiisa sheegay in qalabkan uu qayb muhiim ah ka qaadan doono tayeynta warbaahinta Soomaaliya, isla markaana Hay’adda TIKA ay kaalin ka qaadn doonto, tababarka, qalabeynta, iyo hawlaha casriyeynta ee Warbaahinta Qaranka. Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay qalabka casriga ah ee la guddoonsiiyay Warbaahinta Qaranka, iyadoo masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo hay’adaha Turkiga ay ballanqaadeen inay sii xoojin doonaan iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal.

Guddiga Doorashooyinka oo degmada Cadale ka bilaabay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Masuuliyiinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan degmada Cadale ayaa si rasmi ah ugu daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sidoo kale daahfurka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha degmada Cadale ee Gobolkaas.

Guddiga iyo maamulka degmada Cadale ayaa ugu baaqay bulshada degmada iyo deegaannada hoos yimaada inay ka qeyb galaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay codkooda u dhiibtaan xilliga doorashada, taas oo ah xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin.

32-kamid ah suxufiyiinta ka howlgala warbaahinta oo tababar loo furay

0

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan, ayaa tababar ku saabsan ka hortaga been abuurka iyo marin habaabinta bulshada Muqdisho uga furay 32 kamid ah suxufiyiinta ka howlgala warbaahinta dalka.

Tababarkaan oo ay iska kaashanayaan NUSOJ iyo Dowladda Australia ayaa lagu kobcinayaa xirfadaha weiyaasha ka kala yimid Muqdisho iyo gobollada dalka, iyadoo muhiimadda gaar ah la siinayo awoodda saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ka hortagga wararka been abuurka ah iyo marin-habaabinta ee loo adeegsado aaladaha warbaahinta.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan ayaa goobjoog ahaa furitaanka tababarkaan, halka Safiirka Australia ee Kenya, Marwo Jenny Da Rin, ay qadka fogaan aragga uga qayb gashay furitaanka tababarka.