Home Blog Page 107

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhoweeyay Dalka Jabuuti 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey caasimadda Dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, halkaas oo uu uga qeybgalayo Munaasabad lagu xusuusanayo dadaalkii dowladda Jabuuti ee qabashada Shirweynihii dib u heshiisiinta Soomaalida iyo dib u yagleelidda Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo martigelinaya munaasabadda xuska sannad-guurada 25-aad ee Shirkii Nabadda Soomaaliya ayaa ku maamuusay Madaxda Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed daahfurka Xarunta cusub ee dib u heshiisiinta Geeska Afrika ee loogu magac daray Taallada Nabadda ee Carta, taas oo taariikh mugweyn ku leh Nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo dalka Jabuuti waxa uu kulamo la yeelandoona Madaxda sare ee dalkaasi, isaga oo khudbad ku saabsan guulaha mira dhalka ah ee ay Soomaaliya ka dhaxashay Shirkii dib u heshiisiinta Carta ku soo bandhigidoona Munaasabadda daahfurka xarunta dib u heshiisiinta Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya 60 sano oo saaxiibtinimo iyo iskaashi ah”.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalay xuska 102-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga oo lagu qabtay xarunta Safaaradda ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in maalintan ay tahay maalin farxad wadaag ah oo u dhexeysa labada dal.

“Maalintani waa maalin aan si wadajir ah ula faraxno walaalaheen Turkiga, waa maalin lagu xusayo geesinimadii iyo halgankii uu hormuudka u ahaa Mustafa Kemal Atatürk, kaas oo dhidibbada u taagay Jamhuuriyad casri ah oo dhiirrigelisay dunida oo dhan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid qoto dheer, taariikhi ah oo walaaltinimo ku dhisan, isaga oo dib-u-xusuusiyay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku yimid Muqdisho bishii Agoosto 2011  xilli Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay abaar iyo amni darro.

“Sannadguuradan waxa ay fursad u noqon doontaa in aan sii xoojinno iskaashigeenna dhinacyada ganacsiga, amniga, dhaqanka, waxbarashada iyo xiriirka shacabka labada dal,” ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda Jamhuuriyadda Turkiga taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Amb. Fatxudiin Cali Maxamed (Ospite), ayaa maanta ka qayb galay xaflad heer sare ah oo lagu maamuusayay sanad-guurada 102-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga.

Munaasabaddan ayaa ka dhacday magaalada Ankara, iyadoo ay kasoo qaybgaleen madax sare oo ka tirsan dowladda Turkiga, diblomaasiyiin caalami ah iyo marti sharaf kale.

Intii lagu guda jiray xafladda, Danjire Fatxudiin ayaa si rasmi ah Madaxweynaha dalka Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, ugu gudbiyay hambalyada iyo bogaadinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uga mahadceliyay xiriirka qotada dheer iyo iskaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, ganacsi iyo iskaashi ee kala dhexeeya Turkiga, taasoo ah mid salka ku haysa walaaltinimo, taariikh iyo dano guud oo labada shacab wadaagaan.

Ugu dambeyn, xafladda ayaa ku dhammaatay jawi farxadeed iyo is-dhaafsi hambalyo ku aaddan munaasabadda qiimaha leh ee 29-ka Oktoobar maalinta qaranka Turkiga.

Wasiirka Caddaaladda oo furay wadatashi ku saabsan Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha.

0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta furay kulanka wadatashiga labada Hindise Sharciyeed: Xeerka Taxkiimka (Arbitration Law) iyo Xeerka Caddeymaha (Evidence Law), kaas oo socon doona muddo labo maalmood ah.

Kulanka waxaa ka qeyb galay xubno ka socda bahda caddaaladda, khubaro sharci iyo wakiillo ka tirsan kulliyadaha sharciga ee jaamacadaha dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in kulankan uu qayb ka yahay dadaallada lagu casriyeynayo nidaamka garsoorka, laguna dhisayo sharciyo waafaqsan heerarka caalamiga ah si loo xoojiyo kalsoonida maalgashadayaasha.

Wuxuu tilmaamay muhiimadda uu Xeerka Taxkiimka u leeyahay xallinta khilaafaadka ganacsi iyo dhiirrigelinta maalgashi ammaan ah, halka Xeerka Caddeymaha uu yahay laf-dhabarka garsoorka dalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa adkeeyay in Wasaaraddu ka go’an tahay diyaarinta sharciyo aqooneed, waayo-aragnimo leh oo ku dhisan wadatashi dhab ah, si ay u taageeraan dowlad wanaagga, cadaaladda iyo horumarka dalka.

Soomaaliya iyo Jarmalka oo lala saxiixday heshiis horumarineed oo la gaaraya €75 Milyan   

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi horumarineed oo ka badan €75 milyan.

Heshiiska waxaa u kala saxiixay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C/raxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), iyo Madaxa Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta Jarmalka, Julia Hanning.

Heshiiska oo socon doona laba sano (2026–2028) ayaa diiradda saaraya waxbarashada, shaqo-abuurka, biyaha, maaraynta biyo-gelinta, isbeddelka cimilada iyo horumarinta nidaamyada cuntada, isagoo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).

Labada dhinac ayaa muujiyay adkeynta iskaashiga, waxaana Wasiir Beenebeene uga mahadceliyay Jarmalka taageerada joogtada ah, halka Julia Hanning sheegtay in xiriirka labada dal uu yahay mid qoto dheer oo saaxiibtinimo ku dhisan.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga

0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada dal, kobcinta fursadaha maalgashi, iyo ballaarinta iskaashiga warshadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimadda iskaashi dhaqaale oo miro-dhal ah, kaas oo gacan ka geysan kara horumarinta ganacsiga iyo warshadaha dalka.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii adkeeyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee labada dal.

Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BJFS oo kulan la tashi ah la qaatay Bankiyada

0

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay wakiillo ka socday bankiyada iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay, kaas oo ka dhacay xafiiska guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), ayaa diiradda lagu saaray la-tashiga Hindise Sharciyeedka Lacag Bixinta Qaranka oo uu guddigu gacanta ku hayo.

Wakiillada ka socday bankiyada iyo xawaaladaha ayaa kulanka uga qeyb galay si ay ula wadaagaan guddiga talooyin iyo aragtiyo ku saabsan qodobbada ku jira hindisaha.

Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame ayaa uga mahadceliyay wakiillada ka qaybgalka iyo aragtidooda, isagoo xusay in guddigu sii wadi doono kulamada la-tashiga ah ee ay la leeyihiin wasaaradaha iyo hay’adaha ay shuruucdani khuseeyaan.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Sabuun ee Jowhar

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Jowhar Off-stream Storage Programme (JOSP) oo in muddo ah lagu howlanaa sidii loo hirgentiisa.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in mashruucani yahay mid qaran oo tiir-dhexaad u ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (2025–2029), kaas oo kor u qaadi doona maaraynta biyaha iyo horumarinta beeraha.

Mashruuca kaydka biyaha ee Jowhar (JOSP) ayaa horseedi doona in dadkeenna ay si buuxda uga faa’iideystaan kheyraadka dalka, isla markaana uu dalku ka maarmo kaalmo shisheeye, iyadoo hadii hirgalo mashruucan ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan 300,000 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Shirkan waxa ka qayb galay mas’uuliyiinta dowladda, bahwadaagta horumarineed, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah,waxaana diiradda lagu saaray dib u eegista horumarka JOSP, xallinta caqabadaha fulinta iyo xoojinta taageerada farsamo, dhaqaale iyo siyaasadeed ee wejiga xiga ee mashruuca.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiayay kulanka aan caadiga ahayn ee guddiga joogtada ah

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin kooban oo ku saabsan howlaha baaxadda leh ee horyaalla Golaha Shacabka iyo sida ay laga maarmaanka u tahay in goluhu kalfadhiga todobaad xoogga lagu saaro ka shaqeynta shuruucda Golaha hortaalla.

Ugu dambeyn, Habdhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Saalim Caliyow Ibrow.

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta guddoomiyay shirka Amniga oo lagu gorfeeyay xaaladda caasimadda iyo guud ahaan gobolka Banaadir.

Shirka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Liibaan Aadan iyo Taliyeyaasha guutooyinka Militariga ee ka shaqeeya taageerada Booliska ee loo yaqaan Bolisiya Militaaro.

Kulanka ayaa lagu guudmaray dardargelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo degmooyinka gobolka, kordhinta wadashaqeynta iyo isku xirnaanta hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka, ka hortagga falalka amni-darrada iyo abuuridda jawi nabadeed oo shacabka loogu adeego si hufan.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday in la xoojiyo joogteynta is-dhexgalka iyo xog-wadaagga hay’adaha amniga, in la dar-dargeliyo hawlaha ka hortagga falalka nabadgelyo-darrada, iyadoo xoogga la saarayo degmooyinka istaraatiijiga ah ee caasimadda, gaar ahaan xakamaynta kooxaha dambiyada abaabulan gaysta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ku nuuxnuuxsaday in nabadgelyada iyo xasilloonida caasimaddu ay saldhig u tahay horumarka guud ee dalka, isla markaana maamulka gobolka ay ka go’an tahay in uu la shaqeeyo dhammaan hay’adaha amniga.

Shirka ayaa kusoo dhammaaday in la sii wado tallaabooyinka lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo difaaca shacabka ku nool caasimadda iyo nawaaxigeeda, iyadoo la ilaalinayo ku dhaqanka sharciga iyo kala dambaynta.