Home Blog Page 1047

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Waddo Laami ah

Muqdisho-(SNTV)—Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyeha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa dhagax-dhigay waddo Laami ah oo laga hirgelinayo isgoyska Cali Kamiin iyo Ifka Xalane oo isku xira jidadka 30ka iyo Warshadaha. Waana waddadii 9aad oo maamulku dhisayo muddo sanad iyo bar ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhismaha Jidkani uu qeyb ka yahay qorshaha horumarinta Caasimadda ee Sanadkan 2019-ka lagu dhisayo waddooyin dhowr ah oo muhiim u ah isku socodka Dadweynaha, Gaadiidka iyo bilicda Magaalada.

“Waddadan waa Waddo muhiim ah oo halbowle u ah Bulshadda Caasimadda dagan, iyada ayaana u dooranay in la dhiso oo laga dhigo Laami casri ah oo noqoneysa mid kaalin wax ku ool ah ka qaadata bilicda iyo horumarka aan hiigsanayno, shirkadda dhisayso waxaan leeyahay Laamiga waaa in uu ahaado mid tayo leh oo si wanaagsan loo dhisay”ayuu yiri Guddoomiyahu.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in waddadan iyo kuwa kale ee Laamiga ahba ay wax badan ka beddaleen bilicda Caasimadda, isla markaana hagaajinaya adeegyada Bulshada.

Duqa Muqdisho, waxuu tilmaamay in xilligan Gacanta lagu hayo dhismooyinka Waddooyin dhowr ah iyo xarumo Maamulka oo qaarkood ay gabo-gabo marayaan, kuwa kalana mashruucooda dhismaha uu socdo.

Guddoomiyaha ayaa yiri” Waxaan rajeynayaa in sanadba sanadka ka dambeeya horumarku sii siyaado, Wadooyinku noo siisiyaadaan, dib u dhiska Caasimadduna ku socdo dardar , isbeddal dhab ah ayaa ku dhici doonta bilicda Muqdisho marka Waddooyinkan ay dhameystirmaan”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku weheliyey dhagax-dhigga Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya iyo qaar kamid ah Guddoomiye-kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta oo Axdii shaqo la saxiixday agaasime waaxeedyada wasaaradda

0

Axdi laga saxiixay agaasimeyaasha waaxyaha wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, waa halbeegyada ku  jira Tubaha ay wasaaradda, kuwaas oo ka soo farcamay Tubaha guud ee Xukuumadda.

Waaxda shaqaalaha ee wasaaradda iyo guddiga goob-shaqo  labaduna waxaa la faray in ay shaqaalaha gaarsiiyaan fulinta Halbeeyadan, iyadoo agaasime waaxeed walba uu Cahdi la saxiixan doono tirada shaqaale ee waaxdiisa ka howlgasha.

Shaqaalaha wasaaradda ayaa loo qeybiyey nuqullo ay ku qoran yihiin qoddobo sheegaya tilmaamayaasha shaqo ee xubinta shaqaalaha ku waajibtay.

Dowladda Soomaaliya ayaa u soo jeesatay in habka shaqo gudashada hey’adaheeda oo dhan ay noqdaan kuwa hufan, wasiirraduna uu kula xisaabtamayo Ra’iisul wasaaraha Dalka, Xasan Cali Khayre.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa xaqiijiyey in Tubaha iyo Halbeeyadooduba aysan ka imaaneyn, sharciga shaqaalaha Rayidka iyo Dastuurka KMG ah ee lagu dhaqmo. Codka wasiirka ee Xafiiska.

Faa’iidooyin waa weyn ayeey ka heli doonaan shaqaalaha dowladda, sida in ay saacado cayimman shaqeeyaan, in ciddii Saacado dheeri ah shaqeysa ay heli doonto qiimeyn gaar ah iyo abaalmarinno ka dhallan doona shaqo gudashada lagu heshiiyey.

Halbeeyada axdigooda la saxiixay ayaa leh wakhti ay ka bilowdaan iyo mid ay ku dhammaadaan, taasina waxa ay suurigelineysaa in meesha ay ka baxdo dhaliisha la xiriirta in shaqaalaha hey’’adaha dowladda ay ka gaabiyaan shaqada, fursadna loo helo horumarinta  Wasaaradaha Xukuumadda oo dhan, wasaaradda Warfaafinta, ayaa noqoneysa wasaaraddii ugu horreysay ee u howlsha hirgelinta qorshahaan.

 

Madaxi gobolka Amxaarada iyo la taliyiihiisi oo ku geeriyooday isku daygi afgembi ee ka dhacay gobolka Amxaraada

0

Madaxi gobolka Amxaarada dalka Itoobiya iyo la taliyihiisi ayaa ku geeriyooday iskudaygi afgmebi ee ka dacay gobolka Amxaarada, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Itoobiya.

madaxi gobolka Amxaarada Ambajew Mekoneen iyo la taliyehiisi Eris Waasiye ayaa lagu weeraray xafiisyadooda sabtidi , sida ay baahisay warbaahinta dowladda Itoobiya, warbaahinta Itoobiya ma sheegin cidda ka dambeysay.

goor sii horreysay ra’iisul-wasaaraha Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in taliyaha ciidamada Itoobiya la toogtay xilli uu isku dayayey in uu ka hortago iskudayga afgembi, Abii Axmed ayaa sheegay in taliyaha ay toogteen dad u dhow balse ma cadda in taliyuhu uu geeriyooday iyo in uu dhaawacmay sida laga soo xigtay xoghayaha warfaafinta Abii Axmed.

dadka deggan magaalada Bahir Dar ee caasimadda gobolka Amxaarada ayaa sheegay in gelinki dambe ee sabtidi rasaas laga maqlay xaafadaha qaar iyadoona la xiray waddooyinka qaar.

Saraakiil uu ku jiro taliyiha ciidamada dalka Itoobiya oo wax ku noqday afgambigii fashilmay ee ka dhacay gobolka Amxaarada

0

Taliyaha  ciidamada dalka Itoobiya ayaa wax ku noqday rasaas dhacday xilli uu socday isku day afgmbi oo ka dhacay sabtidi gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya sida uu sheegay ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abii Axmed.

isaga oo ka hadlayay telefishinka dowladda Itoobiya ayuu Abii Axmed sheegay in General Siyaare Mekonen uu ku jiro dad ay waxyeello  soo gaartay.

xoghayaha warfaafinta Abii Axmed  Billeene Seyuum ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in aysan  kala caddeyn in  taliyaha uu dhintay iyo inuu dhaawacmay.

Abii Axmed ayaa sheegay in taliyaha ay rasaaseeyeen dad ku dhow.

 

 

Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/Wasaaraha oo la shiray Agaasimayaasha Wasaaradaha Warfaafinta,Kalluumaysiga iyo Tamarta

0

Xog-hayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi, ayaa shalay kulan la qaatay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Warfaafinta, Kalluumaysiga iyo Tamarta.

Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi oo agaasimayaasha guud ku booqday wasaaradaha ayaa kala hadlay wixii uga qabsoomay halbeegyada ay ku leeyihiin Tubaha Qaranka ee ay ballan qaadeen in sannadkaan 2019 gudihiisa ay ku fulinayaan.

Intii ay socdeen kulamada oo qayb ka ahaa qorshaha isla-xisaabtana, daah-furnaanta, iyo hufnaanta oo loo daadejiyay heer agaasime guud ayuu Dr. Axmednuur war-bixinno uga dhagaystay agaasimayaasha guud, waxa uuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan ka guul qaaridda qorsha sannadeedka ay horay u ballan qaadeen.

Dhammaan wasiirrada xukuumadda ayaa sannadkaan billaawgiisii waxa ay Ra’iisul Wasare Xasan Cali Khayre u gudbiyeen halbeegyada iyo shaqooyinka hor-tebinta leh ee tubaha qaranka ay ku leeyihiin oo ay sannadkaan gudihiisa doonayaan in ay ku guuleystaan fulintooda.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Qaatay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Maalamaha Xorriyadda Iyo Midnimada

0

Muqdisho (SNTV)–Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaaradda warfaafinta kula kulmay guddiga abaabulka xuska munaasabadda maalmaha Xorriyadda iyo midnimada ee 26 June iyo July 01.

Guddooomiyaha guddiga ahna wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliye, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in shirkooda looga hadlay dardar-gelinta qorshaha u diyaar garowga xuska maalmahaan muhiimka u ah dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, ayna Ra’iisul Wasaaraha u soo bandhigeen qorshahooda waynaynta munaasabadda oo wax badan ka duwan hannaankii loo qaban jiray sannaddihii hore.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in guddigu ay shaqo wanaagsan qabteen wixii ka dambeeyay maalintii uu Ra’iisul wasaaruhu u magacaabay ka shaqaynta xuska sannad guurada 59-aad ee xornimada dalka, sannadkaanna xuska lagu qaban doono gooba kala duwan .

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bogaadiyay qorshaha guddiga ayaa kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan in munaasabadda xusku ay ku dhacdo qaabka ugu wanaagsan ee loo wayneyn karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa June 09, 2019 magacaabay guddiga qaban qaabada xuska sannad guurada 59-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya oo ka kooban wasiirrada Warfaafinta, Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga Gudaha, Dhallinyarada & Ciyaaraha, Haweenka, Iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Agaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka Baarlamaanka.

Guddoomiye Mursal oo kormeerey xarunta KMG cusub ee Golaha Shacabka

Muqdisho (SNTV)- Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka,Xildhibaano iyo Xoghayaha guud ee golaha iyo sidoo kale Safiirka Dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kormeeray Xarunta kmg ah ee Golaha shacabka ee dhawaan dhismahaheeda laga hir geliyay Xarunta guddoonka iyo gudiyada ee Villa Hargeysa.

Xubnaha guddoonka golaha Shacabka iyo Safiirka ayaa qeyb qeyb u kormeeray qeybaha ay xarunta ka koobantahay gaar ahaan hoolka ay ka dhici doonaan kulamada guud ee golaha iyo xafiisyada,waxaana xaruntan Oo ay dhistay shirkadda TIKA ay noqon doontaa mid si kmg ah uu goluhu ugu howlgalo  inta laga dhisaayo guriga Umadda oo dhawaan dib u dhis balaaran uu ka bilaaban doono.

Intaasi ka dib waxa ay yeesheen kulan looga hadlayay xoojinta iyo iskaashiga xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga gaar ahaan dar dar gelinta mashaariicda Walaalaha turkiga uu soomaaliya ku taageeraayo iyo sidoo kale ka taageerida golaha shacabka ee dhinaca sharci dejinta.

DFS oo wafdi u dirtay ka qeyb-galka aaska Abwaan Singub

0

Muqdisho(SNTV) Wafdigan uu hogaaminayo Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Addis Ababa ku soo dhaweeyay Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka ee Dowlada deeganka Soomaalida Eng Hamdi Axmed Omar iyo diplumaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Itoobiya.

Wafdiga uu Wasiir oomaar hogaaminayo oo ka kooban Xildhibaano, Fanaanii Abwaano iyo Masuul ka socota Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan aaska Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub” oo dhawaan ku geeriyooday Addi Abba.

Maanta ayaa lagu wadaa Abwaan Sangub in lagu aaso Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida. Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub” ayaa ka mid ahaa Abwaanada ugu weynaa taariikhda Umadda Soomaaliyeed isag oo sameeyay ruwaayado iyo heeso badam oo can ka ah Dalka.

Alla ha u naxriistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahu  Ciise(Singub) ayaa taariikh fcaweyn ku leh Soomaaliya,gaar ahaan wacyigelinta bulshada,iyadoo loo marayo dhinaca fanka, Hidaha iyo Dhaqanka.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Muwaadiniin Guryahooda Sifo sharci darro ah looga heystay Dib ugu celisay.

0

Muqdisho (SNTV)- Muwaadiniin Soomaaliyeed oo looga heystay guryahooda sifo sharci darro ah wixii ka dambeeyay bur-burkii dowladii dhexe ayaa maanta laba kamid ah qoysas sugaya fullinada Maxkamadda Gobalka Banaadir lagula kala wareejiyay guryahooda oo ku kala yaalla degmooyinka Dharkenley iyo Kaaraan .

Maamulada degmooyinkaas, ciidamada Amniga ee loo Xilsaaray fullinada Maxkamadda Sargaal uqaabilsan gobalka howlaha fullinta iyo guddoomiyaha Maxkamadda ayaa goob joog u ahaa hubinta in lagu simo guryahooda si nabad galya ah muwaadiniintan loo awood sheegtay.

Garyaqaan Muuse Macalin Maxamed Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa digniin u diray kuwa ku howlan marin habaaninta hey’adaha cadaaladda, isaggoo Dhinaca kale  ugu baaqay haldoorada bulshada in ay ka qeyb qaataan wacyi-gelin dadweynaha.

Saado Cali Ibraahim iyo Caaisha Sheikh Abuukar ayaa ka mahad celiyay kaalinta Dawladda ka qaadatay dib uhanashada hantidooda.

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay ka mid noqoshada JFS ee Cahdiga Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Naafada

0

Muqdisho (SNTV)- Juun 20, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay ka mid noqoshada JFS Heshiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Naafada.

Munaasabad uu ku dhaqan geliyey Madaxweynuhu ka mid noqoshada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cahdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada Ah ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, waxaana goob joog ku ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo tilmaamtay dadaalka joogtada ah ee dowladdu ugu jirto diyaarinta shuruucda iyo yagleelidda hay’adaha xaqsiinta dadkeenna nugul ayaa uga mahadcelisay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare akhrinta, falanqaynta iyo ansixinta Heshiiskan oo waxtar u leh dhismaha Hay’adda Naafadaqa Qaranka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaatay Bishii Oktoobar ee sanadkii 2018 in ay ka mid noqotay Cahdiga Xuquuqda Dadka Naafada ah, kaddib markii Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumaddu ay ku saxiixday Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.