Home Blog Page 1046

Baarlamaanka Oo Ansaxiyay Hindise Sharciyeedka Guddiyada La Dagaalanka Musuq-maasuqa “SAWIRRO”

Muqdisho (SNTV)-Kulanka guud ee Xildhibaanada Golaha BJFS Oo uu maanta shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa ugu horreeyn ka hadlay Guddoomiye kuxigeenka 2-aad  ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo sheegay in guddoonka Golaha Shacabka uu go’aan ku gaaray in xeer-hoosaadka lala tiigsado xildhibaankii sabab la’aan ay ku soo baxdo shaqa gudasho la’aan.

Intaasi ka dib Guddiga Cadaaladda ee Golaha Shacabka ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay ansixiyaan Hindise sharciyeedka guddiyadda la dagaalanka musuq maasuqa Oo ay wax ka bedel ku sameeyeen islamarkaana uu dib golaha ugu soo celin lahaa Golaha Aqalka Sare.

Axmed Xaaji Taaw oo ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya oo hadal ka jeediyay madasha ayaa golaha ka codsaday in ay ansixiyaan hindise Sharciyeedka.

Ugu dambeeyntii Xildhibaanada ayaa cod u qaaday hindise sharciyeedka si loo ansaxiyo iyadoo 149 xildhibaan ay codka HAA siiyeen hindise sharciyeedka waxaana diiday Hal xildhibaan oo keliya, Halka uu hal xildhibaan ka aamusay,

Natiijada codkii la qaaday ayaa waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Shir Laba Geesood Ku Qabtay Shiinaha “SAWIRRO”

0

Beijing (SNTV) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa wadahadal laba dhinacle ah maanta kula yeeshay dhiggiisa China, Mudane Wang Yi , Caasimadda Beijing.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Cawad ayaa ku ammaanay kaalinta uu dalka Shiinaha ee difaaca Arrimaha Afrika iyo kuwa caalamiga ah si xal loogu helo dhibaatooyinka iyo walwalka haysa dadka qaarkood, si gaar ah kuwa la xiriira nabadgelyada, ammaanka iyo horumarka.

Wasiir Cawad ayaa tilmaamay xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer ee Soomaaliya iyo Shiinaha ka dhexeeya iyo sida laga maarmaanka ay u tahay in laga shaqeeyo horumarinta iskaashigaasi wax wadaagga oo ay kamid yihin, dhaqaallaha, ganacsiga, ka faa’ideysiga waayo-aragnimada Dowladda Shiinaha ee dhinacyada horumarinta kaabayaasha, waddooyinka, tamarta, tiknoolajiyadda, dalxiiska, beeraha, caafimaadka, sayniska, dhaqanka, shidaalka iyo gaaska, taas oo gacan ka geysan karta xoojinta iyo ka guul keenidda  “Qorshaha Horumarinta Qaranka. “

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Shiinaha Wang Yi ayaa carabka ku dhuftay sida dalkiisu uu ugu faanaayo xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya ee dhinacyo kala gedisan leh, si gaar ah siyaasadda, ganacsiga, iyo sidoo kale isku dhowaanshaha aragtiyada iyo mowqifyada labada dal ee dibloomasiyadda Caalamiga ah iyo midda gobolka guud ahaan.

Dhammaadka wadahadalka diblomaasiyadeed ee salka ballaaran, Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa kala kala saxiixday heshiis ku qotoma iskaashiga dhaqaalaha iyo farsamada.

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qeyb Galay Xaflad Qelin Jebin Ee Ardayda Jaamacadda Ummadda “SAWIRRO”

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay munaasibad ay ku qalin jabinayeen dufcadda 20-aad ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Xafladda ayaa waxaa ka qeyb galay galay Wasiiro, Xildhibaano, Wasiir ku xigeenka arimaha dibadda Talyaaniga, safiirada dalalka caalamka u fadhiya magaalo madaxda Muqdisho, Khuburo wax ka dhiga Jaamacaddaha caalamka, iyo Bahda waxbarashadda dalka.

Munaasabadu intii ay socotay mas’uuliyiinta Jaamacadda Ummadda ayaa ku soo bandhigay guulaha wax ku-oolka ah oo Jaamacaddu Ummadda Soomaaliyeed ay gaartay kaasi oo kuwajahan aragtida isbedel ahaaneed oo ku saleysan in la soo saaro arday Soomaaliyeed oo leh aqoon ku filan oo ay dalkooda wax ugu qabtaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gunaanudka munaasabada ka jeediyay khudbad dheer oo uu kula dar-daarmay Ardeyda Soomaaliyeed ee maanta nasiibka u yeeshay in ay noqdaan dufcaddii ugu horeysay ee Jaamacadda Ummadda ka qalinjabiya tan iyo bur-burkii dalka in ay qorshe iyo hadaf ay wax ugu qabtaan dalkooda iyo dadkooda, waxaana uu u sheegay in looga fadhiyo sidii ay dib uga celin lahaayeen deynta tacliineed oo ay gelisay jaamacadda maadaama ay si lacag la’aan ah dowladoodu wax u bartay.

Madaxweynaha Dalka ayaa sidoo kale khudbadiisa ku soo hadal qaaday guulaha la taaban karo ee dalkeenu ku talaabsaday, isagoo hoosta ka xariiqay waxyaabaha lagu guuleystay ee guulaha dhow ee u qabsoomay dowladda, iyo mustaqbalka quruxda badan ee dalkeena.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in caalamku u qiray Soomaaliya in ay gaartay guulo la taaban karo isagoo tusaale u soo qaatay Madaxa Hay’adda USAID oo dhowaan safar howleed ku yimid dalkeena Soomaaliya uu sheegay in Soomaaliya ay sameysay horumaro muuqda kuwaasi oo ay kamid yihiin Dhinacyada Maamul Wanaagga, Hufnaanta, iyo dib u dhiska Hay’adaha dhaqaalaha ee dalka.

Ugu dambeyn madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay dib u dhaca ay ku keeni karto dalkeena kala qoqobnaanta isagoo taasi bedelkeeda tusaale u soo qaatay in lagu bedelo Midnimo iyo Wadajir taasi oo uu sheegay in ay faa’iido weyn ay uleedahay dalkeena iyo dadkeena isagoona ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in ay Dowladooda garab istaagaan.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka mid aheyd hay’adihii dalkeena ee ku bur buray dagaaladii sokeeye ayaa dib loo howl geliyay sanadkii 2014-kii.

Wejiga Labaad ee dib-u-habaynta Ciidammada oo Billowday

0

Muqdisho (SNTV)–Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa billaaabay wejiga labaad ee dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka, kadib markii wejigii koowaad uu si guul ah kusoo dhammaaday.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu shaacinayay bilaabshada wejiga koowaad ee dib-u-habaynta ciidamada oo ka dhacday taliska ururka lixdanaad ee ilaalada madaxtooyada.

Wejiga labaad ayaa ka koobnaan ku hubinta ciidamada goobihii lagu diiwaangeliyay ee dhammaan gobollada dalka Soomaaliya iyo qiimeyn guud oo lagu sameynayo tayada ciidamada, si loogu saleeyo dhameystirka
baahida ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Daahir Aadan Cilmi “Indho qarshe” ayaa xukuumadda iyo taliskaba ku ammaanay guusha ay ka soo hooyeen dib-u-habaynta ciidamada wejigii koowaad oo lagu hergeliyay diiwaangelinta, tirakoobka iyo dejinta nidaamka mushaar bixinta CXDS oo ciidamda lagu siiyo xisaabaadkooda bangiyada.

Taliyaha ayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga ku amray in ay la shaqeeyaan saraakiisha ku howlan qorshaha dib-u-habaynta ciidamada ee booqanaya goobaha ay ciidmada ku suga yihiin.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ka go’an in uu ku guulaysto dib-u-habaynta ciidamada qalabka Sida oo qayb ka ah halbeegyada ugu muhiimta tubta amniga iyo caddaaladda.

Maamul cusub oo loo magacaabay degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay

Buur-hakaba (SNTV):- Wafdiga uu Hoggaaminaayo, Wasiirka Arimaha Gudaha ee maamulka koonfiur galbeed Maxamed Abuukar oo dhowaanahan Degmada Buur-hakaba u joogay Dhismaha Maamulka cusub ee Degmadaasi,ayaa maanta wuxuu magacaabay Guddoomiyaha Degmada iyo Ku-xigeenadiisa.

Waxaa goobta magacaabista joogay Wasiirada Ganacsiga Maaliyadda iyo Wasiir ku-xigeenka Amniga iyo Wasiirka Arimaha Gudaha oo goobta kaga dhawaaqay, Maamulka Cusub,

                 Magacyada Mas’uuliyiinta la magacaabay:-

1- Cabdi Maxamed Axmed Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba eeBaay.

2-Yarre Nuur Cabdi Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Buur-hakaba

3-Maxamed Yarrow Cabdi Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda

4-Axmed Cabdullahi Axmed Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada,

5-Siidow Cusmaan Xasan Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada,

Kahor inta lagu dhawaaqin maamulka cusub ee degmada Buur-hakaba Wafdiga Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed waxay kulan xog wareysi ah la yeesheen Odayaasha dhaqanka ee ku nool Buurhakaba,

Sidoo kale Wafdiga Wasiirada ayaa waxay booqdeen Ciidanka Daraawiishta Koonfur galbeed Qeybtooda ee ku sugan Buurhakaba iyagoo ku dhiira geliyay iney u adeegaan Bulshada Deegaanadooda,

Wafdigan ka kooban Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan ayaa waxay joogi degmada Buur-hakaba ilaa iyo inta ay ka xaqiijiyaan wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta maamulka cusub iyo Bulshada deegaanka.

Madaxweynaha K/Galbeed oo booqday Degmada Wala-weyn

Muqdisho(SONNA):- Wafdigan uu hogaaminayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee maanta gaaray degmada Wala-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa soo dhoweyntiisa ka qeyb qaata maamulka degmada,odayaasha,Dhalinyarada iyo Saraakiisha Ciidanka.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo wafdigisa ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay Mas’uuliyinta degmada, Odayaasha iyo Dhalinyarada, waxayna madaxweynaha la wadaageen tashada ay qabaan dadka deegaanka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta gareen) ayaa dhankiisa Sheegey in sida ugu dhow ay wax uga qaban doonaan Cabashooyinka ay so gudbiyeen bulshada reer Walaweyn,waxaana uu sheegey in marna aan raali ka noqonaynin in la dhibaateeyo Shacabka ku nool Deeganadda Shabeellaha Hoose.

Safarka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli Gobolka Shabeellaha hoose ay ka socoto howlgal lagu ciribtiraayo haraadiga Al-Shabaab,wuxuuna madaxweynaha Koonfur Galbeed shacabka ku dhira geliyay iney ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shbaab.

Wafdiga uu hoggaaminaayey Madaxweyne Lafta Gareen waxa Qeyb ka ahaa Wasiirada wasaaradaha Amniga, Dekadaha iyo Xildhibano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya iyo Kuwa Koonfur Galbeed,wuxuuna ujeedka uu ahaa sidii wax badan looga ogaan lahaa baahiyaha dadka deegaanka ay qabaan.

Ciidanka DANAB oo dib u howlgelinaya Ceelbiyood maleeshiyada Al-Shabaab ka gubeen dadka deegaanka Ceel-saliini

Muqdisho (SNTV):- Ciidamada DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa qorsheynaya iney dib u howlgeliyaan Ciil-biyood ku yaalo deegaanka Ceelsaliini oo Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab ay ka gubeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka Ceel-saliini ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ka biyo diiday iney baad-siiyaan maleeshiyada Al-Shabaab,taas badalkeedan waxay Kooxda argagixisada gubeen Ceelkii Biyaha ay ka cabi jireen dadka deegaanka oo awalba la daala dhacayay dhibaatooyin kale oo dhanka nolosha ah.

Gaashaanle C/raxmaan Sheikh Cumar (Jini-qaar),taliyaha Ururka 4-aad ee Ciidanka DANAB oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay iney ku dadaali doonaan dib u howlgelinta Ceelka Deegaanka Ceel-salliini oo ay maleeshiyada Al-Shabaab gubeen.

“ Waxaan qabanay deegaanka Ceel-saliini oo u ahayd argagixisada taliskooda Guud,markii ay isku dayeen in shacabka lacago baad ah ka qaadaan shacabkiina uu diiday waxay ka gubeen Ceelbiyoodkii dadka ay biyaha ka cabi jireen,waxayna ku kalifeen dadka iney ka barakiciyaan deegaanka oo dhan,dadka Ceel-saliini ku nool waxay u aroor tagaan deegaanka N.50,inshalah waxaan ku dadaaleen inaan si deg deg ah u sameynayo Ceelbiyoodka shacabkeenna Soomaaliyeed,”ayuu yiri Taliye Jini-qaar.

Ugu dambeyntii, Taliyaha Ururka 4-aad ee Ciidanka DANAB Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidanka ku sugnaan doonaan dhammaan deegaanadii laga saaray gacanta cadowga ummadda Soomaaliyeed,islamarkaana ku dadaali doonaan sidii shacabka nolol wanaagsan u heli lahaayeen.

Deegaanka Ceelsaliini wuxuu 20-km dhanka Waqooyi kaga beegan yahay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose,wuxuuna isku xiraa deegaanada Dhannaane,Gandarshe, N.60 iyo Deegaano kale,sidoo kalena wuxuu marin muhiim u ahaa maleeshiyada Al-Shabaab oo ka soo abaabuli jiray falalka guracan ee lagu gumaadayo Shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda qorsheynta Soomaaliya oo wada tashi la yeelatay ganacsatada

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasaaradda qorsheynta Qaranka Soomaaliya ayaa Maanta kulan wada tashi ah oo ku saabsan horumarinta Dalka kula  yeelatay Ganacsatada Soomaaliyeed Magaalada Muqdisho.

Kulankan wada-tashiga ah ee ku aaddan wareegga Labaad, qorshahiisa Sagaalaad horumarinta Qaranka Soomasliya, ayaa diiradda lagu saaray, qodobo ay ka mid yahiin, soo jeedin ku saabsan nuqalka koowaad ee qorshaha horumarinta Qaranka, soo jeedin waxyaabaha lasyku raacay iyo waxa dhiman ee ay tahay in lagu daro qorshaha.

Xubno ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed, ayaa ayaa ka dhiibtay aragtidooda ku  aaddan Qorshaha horumarinta Qaranka, waxayna ku fogaadeen hannaanka shaqo abuuka iyo in la dhiiri-geliyo ganacsiga, si Dalku uu u gaaro isku filnaansho dhaqaale iyo mid horumar.

Agaasimaha qorsheynta Qaranka Soomaaliya, Ased Yuusuf Qanyare, ayaa sheegay in ay ka Wasaarad ahaan ka go’an tahay siddii ummadda Soomaaliyeed looga qeyb-gelin lahaa qorshaha horumarinta Qaranka, isla markaana loo dhageysan lahaa talooyinka ku aaddan qorshaha si uu u noqdo qorshe ay wada leeyihiin umadda Soomaaliyeed.

“Sida aad la socoteen waxaan wareegga koowaad ee qorsahahan  horumarinta Qaranka wada –tashi kala yeelannay dhammaan Bulshada Soomaaliyeeed oo aad qeyb ka tahiin , marka qorshahan waa mid ay wada leeyihiin umadda Soomaaliyeed, Ayuu yidhi Agaasime, Asad Yuusuf Qanyare.

Wuxuu sheegay Agaasimuhu in haddii la diyaariyo uu qorshahani saldhig u noqon doono in Soomaaliya laga cafiyo daynta lagu leeyahay, wuxuuna intaa ku daray in la soo koobi doono ahmiyadda la doonayo in la fuliyo, si xoogga loo saaro Dalka horumarkiisa , lana dar-dar geliyo.

Wasaradda Qorsheynta DFS, ayaa sidan oo kale wax ay wada-tashiga wareegga Labaad la yeelatay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo dhageysto talooyinkooda ku aaddan qorshaha horumarinta Qaranka iyo in loo soo bandhigay ahmiyadda Wareegga koowaad.

Munaasabad ku saabsanayd is-dhexgalka Soomaaliya iyo Turkiga oo lagu qabtay Ankara

0

Ankara-(SNTV)-Munaasabad ku saabsanayd is-dhexgalka Bulshooyinka walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Xalay  lagu qabtay Magaalada Ankara ee caasimadda Dalkaasi.

Waxaa munaasabadda ka qeyb galay, Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaannada Labada Dal, Ganacsato, Dhaqaatiir, Cuqaal iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ay dhammaantood ka muuqato bogaadin iyo in ay ku faraxsan yihiin is dhexgalkooda.

Safiirka Soomaaliya u jooda Turkiga, Danjire; Jaamac C/llaahi Caydiid, ayaa sheegay in Dowladda ugu dhow Soomaaliya ay tahay Turkiga xiriir ballaaranna uu ka dhexeeyo Labada dhinac, wuxuuna aad ammaanay waxyaabaha wanaagsan ee ay Soomaalida ku soo kordhisay Turkiga oo ay ka mid yahay ganacsiga furfuran.

Xildhibaan, Axmed Macallin Fiqi, oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay Garab istaagtay Soomaaliya, isagoo ku dheeraaday sida wanaagsan ee ay muwaaddiniinteenna u soo dhoweysay xukuumadda Ankara, wuxuuna Labada Shacab kula dardaarmay in ay adkeeyaan xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya.

Farxaan Maxamed Dhoorre, oo ah maamulaha Shirkadda Guuleed (Real State), ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay munaasabad noocan oo kale ah ku qabsadaan Dalka Turkiga, kuna guuleystaan qaban qaabadii ay u galeen qabsoomidda kulankan ee lagu xoojinayo xiriirka Labada Shacab, isagoo ballan qaaday in ay sii wadi doonaan qabashada munaasabado kale oo tan la mid ah.

Munaasabaddan ayaa kusoo beemeysa xilli uu aad u sii xoogeysanayo xiriirkii soo jireenka ah ee Labada Shacab, iyadoo ay waayadii dambana aad usoo badanayeen Dadka Soomaaliyeed ee degaya ama siyaabaha kala duwan u tagaya Dalka Turkiga, taas oo sii adkaynaysa cilaaqaadka qotoda dheer ee Muqdisho iyo Ankara.

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Waddo Laami ah

Muqdisho-(SNTV)—Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyeha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa dhagax-dhigay waddo Laami ah oo laga hirgelinayo isgoyska Cali Kamiin iyo Ifka Xalane oo isku xira jidadka 30ka iyo Warshadaha. Waana waddadii 9aad oo maamulku dhisayo muddo sanad iyo bar ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhismaha Jidkani uu qeyb ka yahay qorshaha horumarinta Caasimadda ee Sanadkan 2019-ka lagu dhisayo waddooyin dhowr ah oo muhiim u ah isku socodka Dadweynaha, Gaadiidka iyo bilicda Magaalada.

“Waddadan waa Waddo muhiim ah oo halbowle u ah Bulshadda Caasimadda dagan, iyada ayaana u dooranay in la dhiso oo laga dhigo Laami casri ah oo noqoneysa mid kaalin wax ku ool ah ka qaadata bilicda iyo horumarka aan hiigsanayno, shirkadda dhisayso waxaan leeyahay Laamiga waaa in uu ahaado mid tayo leh oo si wanaagsan loo dhisay”ayuu yiri Guddoomiyahu.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in waddadan iyo kuwa kale ee Laamiga ahba ay wax badan ka beddaleen bilicda Caasimadda, isla markaana hagaajinaya adeegyada Bulshada.

Duqa Muqdisho, waxuu tilmaamay in xilligan Gacanta lagu hayo dhismooyinka Waddooyin dhowr ah iyo xarumo Maamulka oo qaarkood ay gabo-gabo marayaan, kuwa kalana mashruucooda dhismaha uu socdo.

Guddoomiyaha ayaa yiri” Waxaan rajeynayaa in sanadba sanadka ka dambeeya horumarku sii siyaado, Wadooyinku noo siisiyaadaan, dib u dhiska Caasimadduna ku socdo dardar , isbeddal dhab ah ayaa ku dhici doonta bilicda Muqdisho marka Waddooyinkan ay dhameystirmaan”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku weheliyey dhagax-dhigga Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya iyo qaar kamid ah Guddoomiye-kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir.