Madaxweynaha K/Galbeed oo La Kulmay Wafdi uu Hogaaminayo Madaxa Hay”adda WFP “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV) Wafdigan uu hogaaminayey Madaxa Hay”adda WFP Casar Arroyo ee Manta Soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa ujeedkiisa ahaa sidii ay u ogaan lahayeen Xaaladaha Kajira Deegnaadda Koonfur Galbeed Somaliya.

Xarunta Aqalka Madaxtooyada Kumeel Gaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo Wafdiga waxaa kulan kula Qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Qaar ka Tirsan Golihiisa Wasiirada

Waxaana Kulanka inta uu Socday looga hadlay Sidii Hay”adda WFP ay u kordhin lahayd Arimaha Gargaarka ee ay ka wado Deeganadda Koonfur Galbeed Somaliya Waxaana Madaxa Hay”adda WFP uu Sheegey inay kordhin Doonan Kaalmada Bini adan nimo ee ay ka wadan Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta-gareen” ayaa u mahadceliyey Madaxda Hay”adda WFP Waxaana uu ku dhiiro Geliyey inay kordhiyaan Joogeynta Kaalmada Bini’aadannimo ee ay ka shaqeynayso dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabay Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr....

Madaxweyne Xasan Sheekh :Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Cali...

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...