Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qaasim Axmed.
Guddoomiyaha ayaa Madaxweynaha warbixin ka siisay halka uu marayo dhismaha iyo hawlgelinta Guddiga, waxqabadkii lixdii bilood ee la soo dhaafay, iyo dadaallada lagu dhisayo hay’ad qaran oo madax-bannaan, hufan, isla markaana lagu kalsoonaan karo.
Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay caqabadaha horyaalla Guddiga, xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha dowladda, iyo sidii loo heli lahaa taageerada lagama maarmaanka u ah in Guddigu si madax-bannaan oo wax-ku-ool ah u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiye Dr. Maryan Qaasim ayaa adkeeyay muhiimadda ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, xoojinta isla-xisaabtanka iyo ku dhaqanka sharciga iyo dhismaha hay’ado qaran oo waara oo ilaaliya xuquuqda iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

