Madaxweynaha oo kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka dhageystay maamulka dugsiga, isaga oo soo indha-indheeyay fasallada, goobaha tababarka, xafiisyada maamulka, guryaha deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee xarunta, halkaasi oo ardayda lagu baro xirfado ay ka mid yihiin korontada, dhismaha guryaha, cilmiga kombiyuutarrada iyo farsamada gaadiidka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug sida mudnaanta loo siinayo hirgelinta mashaariicda wax-tarka u leh bulshada, gaar ahaan kuwa lagu horumarinayo waxbarashada farsamada gacanta iyo kobcinta xirfadaha dhallinyarada.

Madaxweynaha ayaa xusay in maalgelinta xarumaha noocan oo kale ah ay door muhiim ah ka qaadanayso yaraynta shaqo la’aanta, maadaama ay dhallinyarada siinayaan aqoon iyo xirfado ay ku shaqaysan karaan, isla markaana ay ku abuuran karaan fursado shaqo oo cusub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale