Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar oo ah hooyada dhashay, islamarkaana si weyn ugu soo dadaashay Maxamed Ciise Daahir Yuusuf oo kaalinta 1aad ka galay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare ee Soomaaliya.
Wasiiradda ayaa ku ammaantay Hooyo Safiyo dadaalka iyo adkeysiga ay muujisay muddadii ay garab taagnayd wiilkeeda, iyadoo tilmaantay in ay tusaale wanaagsan u tahay kartida iyo halganka hooyooyinka Soomaaliyeed. Wasiiraddu waxay sheegtay in Wasaaraddu, iyadoo garowsan doorka muhiimka ah ee hooyooyinka, ay Hooyo Safiyo siisay fursad shaqo laga bilaabo maanta, si ay uga sii shaqeyso horumarinta nolosheeda iyo waxbarashada ubadkeeda.
Wasiiradda Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa ugu dambeyn u rajeysay Maxamed Ciise Daahir Yuusuf mustaqbal ifaya iyo guulo waaweyn oo uu ku gaaro waxbarashadiisa, iyadoo sidoo kale hambalyo u dirtay dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleystay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare. Waxay carrabka ku adkeysay in guusha ubadku ay tahay mid ka dhalata dadaalka, dulqaadka iyo garab istaagga waalidka, gaar ahaan hooyooyinka Soomaaliyeed.

