Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Date:

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa goordhow ku guuleysatay daminta dabkii sakay ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Madax katirsan Gobolka Banaadir ayaa saakay ilaa hadda ku sugan goobta dambka ka kacay, waxaana la soo warinayaa in dabkaasi uu sababay khasaare hantiyadeed.

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ku sugan goobta ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dabka la xakameeyay, kadib dadaal ay sameeyeen ciidamada dab-damiska, ganacsatada iyo shirkadaha oo iskaashaday.

Sidoo kale, waxaa la bilaabay baaritaan lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee keentay dabkaas oo galaaftay goobo ganacsi iyo hanti badan.

Dhanka kale, hay’adaha ay khuseyso ayaa bilaabay qiimeynta heerka khasaaraha ka dhashay dabka, iyadoo aan weli la shaacin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan baaxadda waxyeellada ama khasaaraha ka dhashay dhacdadan.

“Sheyna iima badbaadin maanta waxaan waayay hanti aan aruurinayay 16-sano,Murugo ayaan dareemayaa waxaan ahay qof ceyr-toobay”, sidaasi waxaa yiri:- Mid ka mid ah Ganacsatada ku hanti beelay dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...